Arimaha Diinta

Login

Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.

HS:- Wararkii ugu danbeyey siyaasada Soomaaliya

Wararka MaantaHS:- Xaalada magaalada Mogdisho ayaa ku soo laabatay fowdo kadib markii ciidamada amaanka uu soo kala dhax galay shakiyo fara badan maadama ay kala ujeedo yahiin qaarne aaminsan yahiin dowladnimo qaarne si toos ah ugu xiran yahiin kooxo wadaado ah oo uu hor kacayo madaxweyne Shariif iyo xerta Allaa sheekh.

Hadaba bal aanu dul marno dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhaca Mogdisho iyo isbedelka ku yimid dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyey.

Magaalada Mogdisho waxaa ka soo muuqatay rajo aad u weyn oo dhinaca nabadgalyada ah, iyadoona maalmahii tagay ay dib ugu laabanayeen qurbo jog badan waxaana rajada iyo hamiga lagu laabanayo sii sahlay dowlada Turkiga oo iyadu diyaarad caalami ah u ogolaatay magaalada Mogdisho iney ka soo degto isbuucii labo jeer.

Magaalada Mogdisho oo uusan marnaba dhaqankeeda fahmi karin ruux aan dalka dib ugu laaban mudo qaabka ay u shaqeyso iyo sida ay u tahay magaalo ay ku badan tahay dhagarta waxa hada ka socda amaba qas ku haya dhawr koxood oo marna kala ujeedo ah marna isku ujeedo ah.

Mustaqbalka duulimaadyada diyaarada Turkish Airline ay ku tageeyso dalka Soomaliya waxey soo jiiteen indhaha beesha caalamka laakinse markaad aragto gudaha magaalada Mogdisho waxa ka socda iyo sida diyaarada loo doonayo in dalka la nacsiiyo maadama ay magaalada Mogdisho horey ugu shaqeyn jireen diyaarado ay leeyahiin ganacsato soo hana qaaday bur burkii dalka waxii ka danbeeyey oo qaarkood in ay dani kugu qabato maahane aadan naftaada ku aamineyn ayaa hada dhaqaalo badan ku bixiyey sidii shacabkii raaci lahaa Turkish Airline tashuush loo galiyo si dhawrka bilood ee ugu horeysa dowlada Turkiga loo tusiyo ineysan diyaradooda qaadi karin amaba haleyn xamuul ku filan oo ay dalka keento amaba ka qaado iyadoo durbaba gudaha garoonka diyaaradaha ay ka bilaawdeen qalalaaso howshaasi horu dhac u ah.

Dhinaca kale waxaa kooxda mayalka adag ee Shabaab rabshadaha caasimada maalmahii tagay ka saacidayey qoysas badan oo iyagu hadii nabad la helo u arka in laga saarayo xarumaha dowlada iyo hantida sida gaarka ah loo leeyahay waxaana lagu soo waramaya in amaanka Mogdisho sida uu yahay amaba ahaa bilahii ugu danbeyey inuusan ahaan doonin marka la eego qatarta ku soo fool leh ee ay iska kaashanayaan kooxo qowleysato ah oo aan dalka iyo dadka intaba u naxeyn sida ay sheegeen shacabka Mogdisho qaarkood oo ka walwalsan in ay dib u soo laabtaan rabshadahii joogtada ahaa ee ay 21 sano ku soo jirtay caasimada Soomaaliya ee Mogdisho.

Dhinaca siyaasada iyo halka ay wax marayan.

Sida warar aan la xaqiijin intooda badana isa soo taraya lagu helayo waxaa lagu wadaa in uusan jiri doonin barlamaan cusub oo la soo dhisayo ayna sidooda u joogi doonaan kuwa hada jira oo dib u habeyn lagu sameeyo maadama waqtiga aad u yar yahay howlaha xukumada hor yaalana ay aad u badan yahiin. gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunoow Mohamed oo horey u sheegay in ay doorashu dhaceyso bisha April ee sanadkan ayaa la sheegayaa ineysan qorshahaasi waxba iska bedelin oo aysan jirin wax ilaa hada loo soo bandhigay idaacadaha.

Wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaara baarlamaanka Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa sheegaya in uu gabogabo marayo wada hadalo hoose oo u socda labada dhinac maadama uu aad u yar yahay waqtiga u harsan xukumada hada jirta ee KMG ah.

La soco wararkeena danbe iyo Soomaaliya.
Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.05 seconds
2,694,349 unique visits