Arimaha Diinta

Login

Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.

HS:-Diyaarada Turkiga ee duulimaadyada ka bilaawday Mogdisho oo loo heshiiyey

Wararka MaantaHS:- Inta badan shirkadahii horey uga shaqeyn jiray dalka xiliyadii bur burka ay ka dhaceen Soomaaliya intooda badana ay leeyahiin ganacsato ka soo jeeda Puntland iyo kuwo ka howl gala Mogdisho oo iyagu diyaarado private ah soo kireystay ayaa caro weyn ka muujiyey duulimaadyada casriga ah ee ay Turkish Airline ku tagto Mogdishu.

Qorshaha diyaarada Turkiga looga joojinayo duulimadyada ay ku tagto Soomaaliya ayaa waxaa
siweyn looga dareemayaa xarumaha ay soomaalidu ku jaraan tikidhada oo marka qof Soomaali ah weydiiyo iney doonayaan iney racaan diyaarada Turkiga jawaabo aan horey looga baran kala kulma hadba xafiiska ay ka jaranayaan tikitka.

Hadaba waxaanu xog rasmi ah ka soo diyaarineynaa qaabka howlahan oo hada ugub ah la doonayo in lagu meel mariyo iyadoona dagaalka ugu badan ee lala damacsan yahay joojinta duulimaadyada ay ku tageyso Soomaaliya siiba Mogdishu.

Qorshaha arintaan laga leeyahay ayaa lagu tilaamay labo arimood.

1- Waa mida koobaade waxaa la doonaya in laga soo wareejiyo Mogdihsu dulimaadyada si dowlada Turkiga loo tusiyo ineysan caasimadu amaan aheyn marka uu dhawantaan safar hada abaabulkiisa laga dareemayo Puntland oo qorsheyneysa iney halkaas ku soo dhaweyso R/wasaaraha Turkiga oo Puntland gaari doono xili aan la shaacin wali maadama ay Puntland dowlada Turkiga ka dhaadhicisay in ay xaq tahay in Puntland ay tagto dowlada Turkiga iyadoo arinta laga dhigayo in ay Soomaaliya leetahay labo dowladood oo miduna Mogdushu joogto midba Garoowe sida uu ka shaqeynayo r/wasaare Gaas.

2- Qodobka labaad waa in ay qarka u saaran yahiin iney suuqa ka baxan shirkadaha duulimadyada ku tagi jiray Soomaaliya sida African Airways iyo Juba oo durbaba siweyn u lumiyey macaamiil badan iyagoona doonaya iney gor gortan toos ah la galaan dowlada Turkiga maadama ay isku arkaan iney dalka iyagu kala wadeen mudo sano iyo ka badan.

Hadaba hadii lagu guuleysto qorshahan lagu carqaladeynayo duulimaadyada ay dalka ku tagto diyaarada Turkiga waxuu ganacsiga dalka waligii u afduubnaan doonaan shaqsiyaad weyna adkaan doontaa sidii ay Soomaaliya cagaheeda ugu istaagi laheyd.

Madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir iyagu waxaa ugu wardanbeysay xafladii soo dhaweynta ee Mogdishu ka dhacday laakinse dhibta iyo qalalaasaha lagu hayo diyaradan iyo dagaalka lagu bilabay wax badan kalama socdaan.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo sida dadka doonaya iney raacaan diyaarada Turkiga loo marin habaabinayo marka ay tagaan xarumaha ay Soomaalida joogaan ee laga goosto tikidhada Yurub iyo America, walow aysan qaarkood ogeyn in ay meelkasta ka jaran karaan tikitka iyagoon aadin xarumaha Soomaalida madam ay diyarada Tukish Airline tahay diyarad calamiah oo aan loo baahneyn in aadba aado amaba ka jarato Soomaali oo kaliya .

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.03 seconds
2,878,536 unique visits