Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
loraqo60

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-




























;













SOMALIA PRESIDENTIAL ELECTIONS IN 2020
GUDOONKA, XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA LABADA AQAL IYO GUDIGA DOORASHOOYINKA
MADAXA BANAAN EE QARANKA


Golayaasha labada Aqal ee baarlamaanka federalka oo dalka iyo dowladnimadii Soomaaliya ku ciyaaray,Soomaaliyey maxaa ka qaldan baarlamaanka 11aad ee golaha shacabka iyo midka Aqal ka sare oo markiisii horeba dalka ku cusbaa?.kedib markii ay meesha dhan ka baxday ilaalintii das tuurka iyo ku dhaqankii sharcigii yaraa ee markiisii hereba Iska ahaa kumeelgaarka. Weli xagee la gu arkey dal kuwii hogaaminayey ee Villada joogay ku faanayaan musuq maasuq oo weliba maali nba maalinta ka danbeysa sii fashilmaya oo luminayaan taageeradii shacabka oo aan hadane iya doo ay sidaas tahay dalku uu gaaray heer iyadoo shacabku ka xirnaayeen wadooyinka waxii uu caalamka ku bixiyo magaca Soomaaliya iyo canshuurta gudaha la musuq maasuqo oo hadane Diyaarad gar gaar sido ay maalin cad iyadoo la leeyahay in Soomaaliya yahay dal xor ah ay soo ridaan ciidamo aan la aqon sifaha ay dalka ku joogaan oo aan ka tirsaneyn kuwa midowga Africa ee Amisom.

Aaway golayaashii loogu yeerayey Sharci dejin.miyuusan dhibaatada guud ee dalka ka jirta xanuun ku heyn mise dalka uma dhalan miyaa iyagu oo hadii ay mar helaan mushaar aqli kale Ma jiro miyaa oo lagula xisaabtamo madaxdaan siyaasada guud ee dalka ku fashilmay?.mise dowladnimadii ayey golayaasha labada Aqal ka fahmeen qalad,mise shacabka ayey iyaga iyo kuwa joogaan xarunta Villada u heshiiyeen si ay dalka u geliyaan dagaalo sokeeye.

Maxey tahay madaxda iyadoo mudo xileedkii loogu talo galay iyadoo uu ka dhamaanayo aan mu do 4 sano ku dhawaad hal maalin lala xisaabtameyn oo dalka ciidamo ajnabi ah iyo kuwa qabiil oo ay dhisteen in ay ku maamulaan doonayo oo leyska daawanayo?.Gudoomiyayaasha baarlamaa nka lada aqal Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi iyo xildhibaanada huwan magaca qaran maxaa ka qaldan?.maxey tahay madaxdaan maalinkasta doonayo in ay shacabka ku maamulaan Been iyo fowdo oo leyska daawanayo?.weli arinta Soomaaliya waxey joogtaa meel laga qaban karo dalkan hadii maanta loo naxayo hogaan kumeel gaar ah ha loo dhiso inta laga gaaray doorashada guud ama toos doorasho haloo aado,yaan shacabka hadii corruption-ka amaba musuq maasuqan dalka ka jiro la waayey gole sharci dejin oo wax ka qabta, yaan shacabka looga ciyaarin dowladni mada.wadan dowladii la dhisay 4 sano ka hor ayna kaliya u hartay wax ka yar 275 maalmood oo ay golayaashii sharci dejinta sidan u dhaqmayaan waayadan inagu maanan arag.hayeeshee waab a hubnaa in uu dalku madaxweyne cusub iyo dowlad cusub yeelan doono dhamaadka sanadkan ee 2020-ka,waxaase qaran jab weyn ah halka uu safarkeeda ku dhamaaday dowladii la dhisay 2017 ee sida weyn loogu han weynaa.Allaw yaa maanta baarlamaanka Soomaaliya iyo gudiga do orashada madaxa badan yiraahdo dalkan mustaqbalkiisa haku ciyaarina oo ha gaarsiina meel aan laga soo celin Karin dhawaanahan.









Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.05 seconds
15,222,043 unique visits