Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-















PART THREE-SOMALIA PRESIDENTIAL AND PARLIAMENT ELECTION IN 2020
QEYBTII 3AAD-DOORASHADA HEERKA FEDERAL EE SOOMAALIYA EE 2020

Isniin, Juun 15, 2020-Inagoo halkeedii ka sii wadeyna qoraaladii taxanaha ahaa ee aanu uga hadle ynay arimaha doorashooyinka heerka federal,kedib markii la gaaray mudadaii 4ta sano aheyd ee dowladii la dhisay 2017.

Sidaan shacabka Soomaaliyeed horey uga balan qaadnay maadaama lagu jiro xiligii kala guurka oo markii ay dowlad markaasi jirta madaxdeeda uu waqtiga ka dhamaanayo ay bilaha amaba saacadaha kooban ee ka haray mudo xileedkooda howl ay iska indha tireen mudo ka badan 3 san o iyo bar ayna ogaayeen in ay lagama maarmaan ahed in la fuliyo xili hore saacadaha ugu danbe eya........bulshada iskaka dhigan in ay fulin karaan.arinkuse sidaasi maahan.

Waxaase muhiim inoo ah amaba ugu waaweyn qodobada aanu uga hadleynay arimaha doorasha a heerka federal iyo shirkii uu ku baaqay gudoonka Aqalka Sare iyo gudigii uu dhawaan magacaba ay ee ka shaqeynayo sidii ay shir deg deg ah iskugu imaan lahaayeen Madaxda Villa Soomaaliya iyo dowladahii xubnaha ka ahaa ee ay Kala tageen .

Inta aanan guda gelin qodobada aanu uga hadleynay arimaha doorashada heerka federal sidaan horey qoraalkii kan ka horeeyey ee aanu bulshada ugu sheegnay in aanan ka hordhaceyn shirka dowladaha Soomaaliya iyo Soomaaliland uga socda dalka Jabouti ilaa uu Farmaajo dib ugu soo laabto Mogdishu weliba waxaan sugaynaa ilaa 7da saac ee ugu horeysa oo kaliya hadii ka run sheego mudadii uu dalka Jabouti joogay waxii uu afkiisa ka yiri ama ha noqdaano kuwa uu si public ah u sheegay amaba ha noqdaano kuwa uu si hoose ugu sheegay madaxda kala duwan ee uu kula kulmay amaba kula kulmayo dalka Jabouti.

Waxaanse talo yar siineynaa waftiga Soomaaliland ee ku sugan dalka Jabouti halka ay hada joogto siyaasadu guul ayaad joogtaan isla maantaba dalkii aad ka timideen ee Soomaaliland bulshadii ku nooleyd dib ugu laabta una mahadceliyada intii shirkaan soo qaban qaabisay iyo dowladii marti gelisay ee Jabouti,maadaama kulanka uusan aheyn mid ku yimid dad Soomaaliyeed oo iyagu go'aansaday in ay kulmaan,ayna 2017 ilaa maanta madaxda joogta Mogdishu ku mashquulsanaye en kala dilka iyo kala fogeynta shacabkii iyo maamuladii ka jiray Koofurta Soomaaliya,iyadoo aysa an jirin cid ay heshiis la yahiin madaxda Villa Soomaaliya marka laga reebo in ay hadba cidii ama ba shaqsigii ay is leeyahiin isbuucaan heshiis ayaad la tahiin oo kaliya ee la macaamila.waana mida keentay in ay mudadii ay joogeen kooxdaan Villa Soomaaliya la waayo wax la taaban karo oo ay qabteen marka laga reebo in ay kaliya ku jireen xifaaltan iyo kala geynta shacabka ugu danbeyna uu waqtigii loo ikmaday masuuliyadii Federalka kaka dhamaaday qalalaaso,been iyo fowdo aan loo badneyn oo heerka maanta la joogo lagu soo gaaray ku dhamaad mudo 4 sano ah waxii ka danbeeyey 2017.

Maxaan u leenahay waftiga Soomaaliland meesha ay hada joogto siyaasada guul ayey joogaan ee dib ha ugu laabtaano Soomaaliland iyo shacabkii ay ka soo tageen, hana sugaano hada waxii ka danbeeya in ay la macaamilaan dowlada cusub ee u dhalan doonta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofurta Soomaaliya amaba degaanada ay ku nool yahiin intii wada dhisatay dowlada Feder alka ee uu fadhigeedu yahay Mogdishu oo iyagu maanta kala qoqoban hadane uu waqtigii ka dhamaanayo.

Tusaale yar ayaan siineynaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku nool yahiin si ay ugu qancaan waxa aanu ka hadleynay in ay run yahiin oo wararka aan dalka Soomaaliya oo ah dal ay na dhibeyso inaga wax qoreyna mushkilada iyo siyaasad xumida ka taagan gaar ahaan koofurta Soomaaliya ee aan dhamaadka laheyn.

Dhawr maalmood ka hor markii uu dareemay qatarta ka soo muuqata dalka Soomaaliya hadii lagu fashilmo in ay waqtigeeda ku dhacdo doorashada heerka federal aysana jirin wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federalka waxaa war murtiyeed uu ku doonayo in la dhameeyo qilaafka u dhaxeeya soo saaray gudoomiyaha Aqalka Sare,waxuuna gudoomiye Cabdi Xaanshi oo wax badan xeerinaya ku dhawaaqay gudi uu isagu madax u yahay waana la soo dhaweyey.

Halkii laga rabay in uu madaxweyne Farmaajo noqdo qofka ugu horeeya ee soo dhaweeya fikirkaa s uu garan waayey isagoo madaxweyne ah,bedelkii meeshii ugu horeysay ee laga mucaarado waxey aheyd xafiiska Farmaajo,kedibna maxaa dhacay?.waxey noqotay In xitaa newskii wanaa gsanaa ee gudoomiye Cabdi Xaashi lagu soo daabaci waayo radiyaha iyo TV-ga magaca qaranka huwan ee ay maamulaan madaxda Villa Somaliya ee la yiraahdo radio Mogdishu iyo Sntv. Kama hadleyno qof caadi ah oo shacab ah,waxaan ka hadleynay waxa la yiraahdo hanaan dowladeed waxa uu yahay iyo weliba micnaha dowladnimo.

Idaacada iyo Tv-ga dowlada ee ay dad badan oo Soomaali maqlaan qaabka uu u shaqeeyo oo dhan maba ahan mid isku keenayo Soomaalida kala madaqneyd mudada aadka u fog.yacni waxa aanu ka hadleyno waa mid ka mid ah madaxda ugu sareysa dalka oo ah amaba hogaaminaya Aqalka Sare oo weliba talaabo loo baahnaa qaaday.

Marka adigoo ah muwaadin Soomaaliyeed dalka iyo dadkana u naxayo ogna waxa lagu hayo xaru nta Villa Soomaaliya in aysan siyaasad iyo wax u dhaw aheyn ma isku mashquulin laheyd in aad wax ka qorto shir Jabouti uga furmay dowladaha Soomaaliland iyo Soomaaliya?.

Intaas jawaab ugu filan intii maskax caafimaad qabto ku fikireysa oo Soomaali ah.waan ugu calin
eynaa madaxweynaha Soomaaliland iyo waftigiisa halka ay haatan joogto siyaasada guud ee Soomaaliya iyo mida Soomaaliland meeshii ugu wanaagsaneyd mudo 30 kedib bur burkii dowladii dhexe ee aad sababteeda laheydeen ee ay 1960 kii wada dhisteen shacabkii Soomaaliyeed ee idinkoo ay qiimo idiinku fadhiso midnimadii Soomaaliya sharuud la aan iyadoo aysan cidina idiin qasbeyn keenteen kedibna aad kalsoonidaas dib ula laabateen waxii ka danbeeyey 1991 kii in aad maanta horfadhiisataan koox inta toodii gabay oo intoodii ku wada noolaa koofurta Soomaaliya wax uun ku heshiis waayey oo la yiri dhawr KM oo Mogdishu ka mid ah 20 kun oo ajnabi ah ha idiinku ilaaliyaano waxaana leydiin dhahaa amaba aad tahiin Dowlad Federal ah iyo dowlado xubno ka ah oo iyagu aan heshiis aheyn inta leydiinku casuumay shir aad qadiyadiina iyo aragtidii
na ku soo bandhigeysaan waa guul,xaqiiqadii ma foga xiliga aad gaari doontaan guushiina,maxaa yeelay inagu waxaanu markasta jecel nahay Soomaali oo hal dhinac u wada socota oo isku ujee do ah,markiise aanu dhinackasta ka eegnay waxa lagu hayo koofurta Soomaaliya iyo weliba fowd ada siyaasadeed ee ay dalka ku hayaan kooxda Villada waxaa la qaatay si ugu yaraan qeyb bulshada Soomaaliyeed ka mid ah u bad badaan intii ay hal mar wada mustaqbal seeki lahaayeen in caalamka dal madax banaan u aqoonsado Soomaaliland.

Weliba hadaan shacabka Soomaaliyeed dhaqaalahii magaca Soomaaliya lagu soo siiyey kooxda an Villada joogta ee qeybna loogu talo galay shacabka Soomaaliya qeybna Soomaaliland ee la musuq maasuqay cadadkeeda shacabka la wadaagno caalamka mar danbe dowlada haatan jirta iyo madaxdooda 1 dolar kuma aamineen.marka waxaan la yaabnay mararka qaarkood dad meelo hoose ka hadlayo amaba markii ay xaalada Soomaaliya ka hadlayaan kaliya aragtidooda ku cabira halka markaasi la joogo oo kaliya ee aan eegeyn berito amaba mustaqbalka ka fekereyn.

Si uusan qoraalkii inoola Sheeran maadaama uu dalku isku diyaarinayo doorashadii heerka federal uuna dhamaaday mudo xileedkii madaxweynahii la doortay 2017,la soco wararkeena danbe iyo arimaha doorashada heerka federal oo aan iyadu hal maalin ka dib dhici doonin waqtigeeda aadne loogu diyaar garoobayo dhamaadka sanadkan aynu jirno oo la doo dooranayo baarlam aankii labada Aqal,halka madaxweynahii bulshada hogaamin lahaa 2020-2025na la dooran doono Feb/8/2021.











PART TWO-SOMALI PRESIDENTIAL AND PARLIAMENT ELECTION IN 2020
DOORASHADA HEERKA FEDERAL EE SOOMAALIYA 2020

Doorashada Soomaaliya iyo qeybteenii 2aad-Qeybtaan midii ka horeysay waxey inoo mareysay in doorashada ku dhisan nidaamka qabiiliga iyo ciidamada shisheeyaha oo dalka Soomaaliya laga saaro.waan dareemi karnaa qofka siyaasada ku jira amaba hadba madaxweynaha markaasi jooga iyo tirada yar ee markaasi ku hareereysan ma dareemi karaan qaladaadkooda siyaasadeed,waxaa kaliya dareemi kara dadka markaasi inagoo kale ah ee aan siyaasada ku jirin ee wax ka qora arimaha Soomaaliya.

Tusaale-Bal ka waran hadii waxii shalay Mogdishu ka dhacay aad shacabka Soomaaliyeed news uga dhigo?.yacni waxaa ka dhacay labo banaanbax mid Farmaajo iyo dowlada looga soo horjeeday iyo mid waxoogaa ciwaanka newskii laga qorey la reer magaaleeyey oo la yiri waxaa soo abaabulay MAAMULKA gobolka Banaadir oo waxaa looga hadlayey arimaha maqaamka gobolka Banaadir iyo wax la mid ah,markii danbane dadkii banaanbaxayey lagu dhax daray dhawr qof oo sawirka madaxweyne Farmaajo loo soo dhiibay si kaliya sawir looga qaado lagana dhigo in banaanbaxu ahaa mid lagu taageerayey Farmaajo iyo wax ka mid ah.

Sida xaqiiqada ah waxaa noo soo baxday heerka uu marayo fashilka siyaasadeed ee madaxda Villa Soomaaliya iyo sida kuwa u ololeeya madaxda haatan joogta iyaga iyo masuuliyiinta ay taageeraan beenta iskugu sheegaan , waxaa wanaagsan markii uu qofka amaba koox markaasi jirta iibineyso siyaasadeeda inta aysan iibgeyn horta qiimeyn ku sameyso faraqa u dhaxeeya taageeradii loo hayley 2017 doorashadii dalka ka dhacday ee lagu doortay madaxweyne Farmaajo iyo maanta wacyiga siyaasadeed ee dalka ka jira in ay tahay kaaf iyo kala dheeri, maxaa yeelay qofka siyaasada ku jira marka uu gaaro in loo qabto dibadbaxyo dadka loogu yeerayo ku imaanayaan balan qaad lacageed sida banaanbaxyadii iska soo horjeeday ee shalay ka dhacay Mogdishu oo kale,sida xaqiiqada ah waxaa noo soo baxday in dalka Soomaaliya yeelan doono hogaan cusub doorashada inagu soo aadan,in fashilkan siyaasadeed lagu sii socdana waxey guul u yahay madaxda imaan doonto mustaqbalka dhaw ee hogaamin doonta shacabka Soomaaliyeed.

Hadaan dhinac kale ka tusino shacabka Soomaaliyeed si weliba u fahim karaan inuu dalka Soomaaliya yeelan doono hogaan cusub oneday or the other-doorashada inagu soo aadan.tan iyo markii aanu hawada soo gelinay shabakadan amaba websidekaan oo ay maanta soo booqdeen dad kor u dhaafaya ku dhamaad ilaa 16 million inagoo weliba aanan newska shabakadan soo helin social mediyaha,hadane waxaanu sanadkasta bulshada la wadaagnaa in aanu marka hore hadba dowladii la dhiso fursad u siino madaxdeeda ugu yaraan 2da sano ee ugu horeysana siweyn u taageerno hadba madaxdii timaado,sidaasi si la mid ah weligeen shacabkeena markii aanu aragto in madaxda markaasi joogta fashilmeen oo ay ka run sheegi waayaan hadafkooda siyaasadeed waxaanu kaliya xooga saarnaa ka hadalka hadba doorashada markaasi ku soo wajahan dalka,waayo midaas ayaa micno weyn u sameyneysa shacabka si ay uga baxaan qalalaasaha siyaasadeed ee ay markaasi ku jiraan una helaan hogaan wanaagsan oo bedela hadba midka markaasi ku fashilma siyaasada markaasi taagan.

Hadaba si aad u fahanto nuxurka qormada aanu kaka hadlayo doorashada heerka federal horta shaki inoogama hiro in ay doorasho dhaceyso waxaase isweydiin leh qiimeyn siyaasadeed oo deg deg ah ma isku sameyn doonaa n madaxweyne Farmaajo iyo xukumada isaga ka hoos shaqeysa dadka hogaaminayo ugu yaraan si ay u dareema an inuu ku habsaday fashil siyaasadeed.waayo dhawr sano ka hor kuwa maanta masuuliyada sheegayo waxey ahaayeen dad shacab ah dhawr blood kedibna waxey uun noqon doonaan amaba ka mid noqon doonaan shaca bka caadigaa,waxaase dalka iyo dadka anfacayo in lagala hadlo oo kaliya doorasho waqtigeeda ku dhacda oo kaliya oo aysan dadka dhinacyadooda jooga amaba ka ag dhaw hadba madaxda markaasi joogta aysan ku madadaalin been aan sal iyo raad toona laheyn caasimada Mogdishuna shacab dan yar ah oo nolol maalmeedkoo da la xarbinayo lacagaa leydiin siinayaa ee kaalaya taageera hogaamiye hebel iyo wax la mid ah waa fashil siyaa sadeed midka ugu liita,bedelkii waxaa ka wanaagsan in qofka masuulkaa runta loo sheego si uu ugu yaraan isku daba qabto.

Inagu waan dareemi karaan dowlado laga doonayo lacag lagu galo doorashada ayaa si looga helo loo sameyn ayaa wax badan oo been ah,laakinse qofna ma helo deeq iyo darajo uusan bixinin Allah.yaan mustaqbalka dalka lagu ciyaarin gudoonka baarlamaanka iyo gudiga DOORASHOOYINKA madaxa banaan ee wadanka oo kaashanaya dowlaha xubnaha ka ah dowlada federalka,maamulka gobolka Banaadir iyo xisbiyada siyaasada waa in inta runta loo sheego madaxda Villa Soomaaliya dalkaan loo jiheeyo siyaasad loo dhan yahay si waqtiga yar ee haray loogu qabto doorashada guud ee heerka federal.maanta intaan ha inoo joogto.




PART ONE-SOMALI PRESIDENTIAL AND PARLIAMENT ELECTION IN 2020
DOORASHADA HEERKA FEDERAL EE SOOMAALIYA 2020
DALKA SOOMAALIYA MA YAHAY DAL U BAAHAN IN AY KA DHACDO DOORASHO QOFKA LAGU SOO DOORTO QABIIL?


Inagoo halkeedii ka sii wadeyna qormooyinkii taxanaha ahaa ee aanu uga hadleynay arimaha door rashada heerka federal oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed laguna wado in ay dhawaan qab soonto. hadaba waxaa isweydiin mudan doorasho qofka galayo siyaasada heerka federal lagu soo doortay nidaam qabiil yaa sheegi kara guusha qaran amaba dowladnimo ee lagu gaari karo?. jawaabta oo kooban ma jirto wax aan ka aheyn dib u dhac dhinackasta leh.daraasaad qabyo ah oo muujineysa xaqiiqda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegeysa in mushkilada ugu weyn iyo fashilka siyaasadeed ee ku dhacay dalka Soomaaliya in ay ugu wacan tahay nidaamka siyaasade ed ee qabyaalada ku dhisan ee laga hirgeliyey dalka 20 sano ka hor,isweydiiyoo yaa Soomaalida u keenay nidaamka qabiiligaa ee 4.5 ?.hadiise lagu soo dhisay dhawr dowladood maxaa loo waayey xal looga gudbi karo mudada intaas la ek?.waxaa loo waayey dadka badanaa siyaasada gala oo u badan kuwa aan wax hadaf ah laheyd marka laga reebo in ay kaliya xooga saaraan sidii ay ugu fadhiisan lahaayeen kursi ay ku heleen laaluush.waxaa taas ka sii daran qof ku leh wax baan bartay oo waxaan tahay aqoonyahan ayaa ku leh waxaan kursi siyaasadadeed u daba fadhiyaa odey kaaba qabiil ah iyo wax la mid ah.Kaaba qabiilkiina maxuu sameynayaa?.jawaabta oo kooban waa in uusan eekin yaa dalkaan u qalma oo samata bixin kara ee sidey u badan yahiin waxey bulshada ka soo qabtaan hadba midka ay is leeyahiin laaluushka ugu badan ayuu bixinayaa iyo wax la mid ah.

Tusaale- Dowladii ugu danbeysay ee masuuliyiintooda iyo xildhibaanadooda lagu doortay qabiilka 2017, 4 sano kedib mashii la joogay ayaa maanta laga hadlayaa waqtiga harayna waa la wada garanayaa.Hadiise dalka iyo dadka loo naxayo mudo gaaban gudahood ayaa doorasho qof iyo cod laga hirgelin karaa.golayaashii baarlamaanka labada aqal waxaa u furmay kulankii ugu danb eeyey mudo xileedkooda.dalkaan xalkiisu waa in ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo,waxa kale oo dhan waa waqti lummis iyo lugooyo umadeed.

Qodobka doorashada kedib ugu muhiimsan oo kale waa in dalka laga saaro ciidamada shisheeye ee Africanka ah oo qaarkood dalalka ay ka soo jeedaan ku milmeen siyaasada Soomaaliya,wadan waxuu wadan ku yahay in ay isku tashadaan ciidamadiisa oo ay iyagu masuuliyad iska saaraan hagaajinta dalkooda.hadii kale sida ay malina beelaha Soomaaliyeed iskugu hubeynayaan shishe eyahu oo kaliya loo leeyahay degaan hebel waxaa isku dagaalayo labo beelood iyo wax la mid ah inta dagaalo badankood la siyaasadeeyo maalinba gobol dalka ka mid ah laga abaabulo ileen hadii dalka Soomaaliya xal loo doonayo in ka badan 20 kun oo ciidamo African ah oo weliba kala ujeedo ah inta dalka la Keeno sanadkasta kuma qaadan laheyd boqolaal milyan oo dolar hadane 2006 ilaa maanta oo lagu jiro 2020 lagama hadli laheyn amaba Amnigu ma joogi laheyn halka uu joogo maanta iyo wax u dhaw.

Soomaaliya waa dal u baahan in loo helo xal siyaasadeed muuqda,waxaana lagu gaari karo 1-wadanka oo loo helo doorasho ka duwan mida ku dhisan qabiilka.2-Ciidamada Africanka ah laga saaro dalka ama ha noqdaano kuwa ka socda dalalka deriska la ah Soomaaliya amaba kuwa aan la aheyn dhamaantood waa in meelaha ay kaka sugan yahiin dalka Soomaaliya laga saaro si loo helo siyaasad ay Soomaalidu iyaga leeyahiin.waan ugu celineynaa Soomaalida waa in dalkaan sida uu hada yahay siyaasadiisa wax laga bedelaa.hadaan dalka loo horseedin doorasho ay dadweynahu qofka ay doonaan soo dooran wadankana aan laga saarin ciidamada ajnabiga ah ee kala duwan,waxaa dhawaan la ari doonaa iyadoo amaba la gaari doonaa xili aan Soomaalida wadanka u dhashay aan wax laga weydiin doonin arimaha dalkooda,waayo shisheeyaha dalka jooga hadii African yahay iyo hadii kaleba danahooda ayey u yimaadeen dalka Soomaaliya dadka in ay dalka amaba xalka wadankooda in ay la yimaadaan laga doonayo waa Soomaalida.

War Soomaaliyey jooga,war kuwa maanta masuuliyada sheeganayow jooga wadanka wadoqaldan ayaad ku wadaan waxaan %100 u xaqiijineynaa shacabka Soomaaliyeed in dagaalada ka dhaca gobolada dalka ay qeyb ka yahiin dalalka ay ciidamada ka hogaan Soomaaliya oo midkasta markii ay aragto amaba u muuqan waayaan danaha ay ka leetahay gudaha Soomaaliya ay hadba maga alada ama gobolka ay Koofurta Somaliya kaka sugan yahiin ka abuuraan colaado.

Dalka lama wada lahan waxaa iska leh milkiyadiisa waa Soomaali,1- Ha laga fiirsado qofka loo dh iibi doono masuuliyada dalka doorashada inagu soo aadan.2-Waa in ciidamada shisheeye dalka sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro ( No matter what).Doorasho iyo ciidamada Ajnabigaa dal ka laga saaro xal amaba wado aan aheyn uma furmay Soomaalida.waayo joogitaanka ciidamada shisheeye waxey ilhaano bahdil ku yahay in uu dalka Soomaaliya yeesho ciidan qaran oo muuqda oo suga amniga dalkooda.






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.06 seconds
15,222,451 unique visits