Tuesday, March 19, 2024

Somalia Moving Forward-While, Somalia has made significant progress across multiple sectors over recent months,Somalia has a great history as a proud Nation and home to a proud and prosperous people.Somalia is a country with a rich history and culture.They have a strong sense of identity and pride. We [Somalis],are a nation of warriors and we have always defended our country. After a positive attitude toward building the country Somalia is moving in the right direction and We are a a proud people and proud Nation.


News in Somalia,Africa and Around the World-Suday March 17,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamud iyo wafti ku wehliya safarka oo booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ugu bilaabatay caasimada Eriteriya ee Asmara ,kedib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan iyo waftigiisa soo dhaweyn diiran kedib kulamo uu la qaadanayo dhigiisa dalkaas ayaa ku sugnaan doona halkaas,xili wadanka Eriteriya uu ka mid yahay dalalka dalka iyo dadka Somaliyed

la leh xiriir mudo soo jiray.la soco warakeena danbe iyo dalkeena hooyo ee Soomaaliya oo horumaro xoogan ka gaaray hanaanka dowlad dhiska. sidoo kale la soco wararkeena safarka madaxweynaha iyo wararkii kale ee dalka, Qaarada Afrika iyo midka caalamka, 

iyo tartan kubada cagta ah oo caasimada Hiiraan State ee Baladweyne uga furmay dhawr iyo toban kooxood oo ka dhisan halkaas kaasi oo ay dhigeen masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo kala taageersan kooxaha uu tartanka koobkaan u dhaxeeyo kkkkk,waan arkeynaa kuwa ku guuleysta.

Ogaada Soomaaliyey dalka Soomaaliya intii nidaam iyo kala danbeyn dooneysay waa isla jaan qaadeen taas ku seexda kuna soo toosa, bisha barakeysan ee ramadaanka ha laga faa'ideysto.Somaaliya Hanoolaato.


Madaxda Qaranka ee Maanta-Intaas aanu kor ku soo sheegnay  qormada ugu sareysa e ku qoran afka ingiriiska ayuu dalkeenu iyo dadkiisuna ku sifoobeen waana guulaha uu Allaah ku madneystay dalkeena iyo dadkiisa,waxaa intaas dheer in baarlamaanka 11aad dalka u keeneen madaxweyne Xasan, isaguna u keenay dalka R/wasaare Aqlaaq badan Xamsa, gudoonka baarlamaanka labada aqalna loo keenay labo masuul oo qibrad u leh wax badan Shiikh Adan iyo Wadani Cabdi Xaanshi oo ay garab u yahiin kuxigeeno si dhaw ula shaqeynayo gudoomiyaashooda iyo guud ahaan wada shaqeynta madaxdena qaranka ee maanta joogta, dib u habeynta maaliyada dalka, dadaalada ciidankena qaranka kuwooda damiirka leh iyo in bulshada looga faa'ideeyo kheyraadka dalkeena ku jira iyo in aanu maanta Dastuurkii dalkeena hagaajintiisa iyo dowladnimadeena qiimokasta oo ku kaca meel fiican marayo doodiisa oo gabo gabo ah iyo biseylka siyaasaded ee shacabka dalkeena oo dowladooda garab taagan la yimaadeen waa guulo waaweyn oo lagu faani karo, waana mida sida xad dhaafka ah bilkasta tirada ugu badan ee siyaasiyiinta loogu yeero kuwa fashilmay ugu dhax waasheen siyaasada dalka Soomaaliya intaas waanu isla fahanay sow maahan.

Waxaanse Soomaaliweyn war aad u xiiso badan oo weliba loo qaateen ah ugu heynaa sida uu ololaha uu dalkeenu ugu jiro inuu ku guuleysto kuraasta heerka caalami ee taalo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay inoogu sharaxan yahiin rag iyo dumar kari iyo aqoon u leh howshooda,ololaha labadaas kursi halka uu hada marayo waxaa kalinta ugu horeysa ku jira Soomaaliya oo wada olole aan horey

noociisa loo arag maadama aanu saxada siyaasada caalamka si weliba mugleh uu dalkeanu ugu soo laabtay mudo badan kedib dhawaana ku biirnay ururo heer caalami ah.Hayeeshee teamka inoo jooga qaramada midoobay iyo midka Midowga Africa oo ay kuraastaani loo tartamayo taalo isku xirgooda amaba dadaalkooda iyo marka loo eego sida uu dalka Somaliya dhab uga yahay hanashada kuraastaan, sida aanu ku heleyno ilo diplomaasiyadeed waxey u badan tahay in ay sanadkan Soomaalida meelo badan taariikh ka sameyn doonaan.

Maanta iyo dalkeena hooyo ee Somaliya-Shacabweynaha Hiiraan State waxaan leenahay dowladiina iyo madaxda dalkeena hooyo ee Somaaliya sida aad markasta u taageertaan inuu dalkeenu noqdo midka dunida ugu wanagsan, qofkasta oo yimaada xukunka la shaqeya ilaa hoganka dalka idinka ka qabaneysan oo aad dalka iyo dadka Somaliyed garsiisan horumar midka ugu wanaagsan.degaankiina oo hodan ku ah qeyraad fara badan maamulka aad hada u dhisateen Hiiraan State inta ka dhiman dad loo qaateen ah ka dhiga golaha wasiirada baarlamankanka State-kana ka ilaaliya caado qaate, waad aragteen qabiilkasta kiisii caade qaate ahaa isaga iyo waxuu dhalay wax caaqibo ah ee ay ku leeyahiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Waxaad aragteen sida ay bilkasta tirada ugu badan ee siyaasi isku sheegta u fashilmayaan. Ogaada  reer Hiiraanow shacabka Soomaaliyeed waa dad sharaf leh loona dhiman karo,dalka iyo dadka Somaliyeedna wadan ka wanaagsan oo loo dhiman lahaa ma jiro. dalka horey ayuu u socdaa wax usan Allaah xukmin idiinkuma dhacayan dowlada dalka ka jirta iyo madaxda manta joogta sida aad markasta ula shaqeysaan oo aad u ayideen dagaalkii Qawaarijta ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalkeena hooyo ee Somaliya mudane Xasan Sheikh ee aad hormuudka u aheydeen kuwa uusan dalka qiimo ugu fadhiyin iyo reeraha uu madax maray kursiga siyaasadeed iyo wararka faraha badan ee mediyaha ee beentaa 90% yaan la eegin.

dalku horey ayuu  u socday bisha ramadaan ha laga faa'ideysto.Somaliya Hanoolaato.



Wararka ugu waaweyn-March 15,2024- Magaalada Buulo Burde oo gabi ahaanba xarumaha maamulka gobolka Sh/Sare ee dowlada Hiiraan State iyo garoonka diyaaraha laga taagay calanka Hiraan State.

Qoraalkeenii hore waxaan ku soo qaadanay nin dhalinyaro ah oo sir badan bixiyey kana mid ahaa dhalinyaro laga soo diray Jowhar waxaa kale oo aanu ku soo qaadanay in shaqsiyad Jowhar jooga la shaqeynayaan Hiiraan State, dhawaan naga filo magaalooyinka dhan ee Hiiraan oo calanka Hiiraan State laga taagay,kedib markii dhamaantood loo magacaabay dhalinayro loo qaateen ah, weliba magaalooyinka hoos taga Bulo Burde oo dhan waxaa ka socda wacyigelin bulsho oo aan caadi aheyn iskuna xiran miyi iyo magaalo. sidoo kale dhalinyaradii dhawaan magaalaada Baladweyne la yiri orda soo guba oo labo intey u kala jabeen kuwii duurka u cararay ee shacabka ka waayey magan galyada oo maanta iskaka tagay dhulka Hiiraan kedib, markii indhahoda wax lagu tusiyey loolana dagalay sidii Argagixisada si ka daran,halka qaarkood intii dagaalku socday ay dhabarka iska toogteen. Waxan mar kale bogadineynaa abaabulka loo qaateenkaa iyo hubka dhawaan lagu wareejinayo ciidamada daraawiishta Hiiraan State.

 

Macawisley,shacabka iyo qurbajoogta si fiican ayey shaqadooda u qabsadeen, waxaan aad ugu faraxnay sida odoyaashii argagixisada iyo xulufadoda la shaqeysan jiray ee hoos kala shaqeyn jiray markii uu nin dhalinyaro ah sir badan bixiyey u kala dhuunteen kkkkkk.bartaas halaga haayo isbuucaan Hiiraan State waxuu noqday mamulka ay jaraa'idyo waa weyn wax ka qoreen iyagoo ciwaan uga dhigeen Hiiraan State dhul ay ku nool yahiin shacab u diyaarsan nidaam iyo kala danbeyn derisna la ah degano laga taageero argagixisada wargeysyadaas oo ahaa kuwii sida weyn xiligii dagaalka looga soo horjeedo qawaariijta ka curtay dhulka Hiiraan uga hadli jiray M/weyne Halgamaa Cali Jeyte iyo ciidamada gesiyasha degaanka Macawisley iyo kuwa SNA ee dhulka Hiiraan ku sugnaa xiligii uu dagaalku socday.

 

Waxaan dhawaan shacabka la wadaageynaa taageerada aan caadiga aheyn ee ay shacabka ka helayaan iyo balan qaadyada waaweyn ee durbaba loo sameeyey maamulka Hiiraan State, waxne waa qadiyad umadeed waxne waa wararka loogu talo galay in ay socdaan maalmo kooban,waxanse shacabka markasta la wadaagnaa xaqiiqada dhabta ah, weliba kama hordhaceyno ciidamo si gaar ah loo diyaariyey oo aad u hubeysan oo ay ka bar bar dagaalamayaan shacabka meelkasta oo ay tagaan amaba loo dirayo xaduudaha Hiiraan waxii hore been been ayey ahaayeen kaliya hadii aad doneyso in aad wax badan xog ogaal u noqoto halkaan ku tixnoow.guul iyo gobanimo.


Wararka Kuwooda ugu waaweyn- March 14,2024-qoraalkaan waa mid aad u xiiso leh aadna u anfacaya shacabka Hiiraan State iyo kuwa guud ee Soomaaliya.Shacabka Magaalada Baladweyne oo bilaabay nadiifinta wadooyinka bisha Ramadaan,hayeeshee arinta ugu xiisaha badan caawa waa in uu mid ka mid ah ragii magaalada laga saaray maalintii shaleyto uu sir badan kashifay, walee sanadkan reer Hiiraan gacan ayaan u taagnay. la soco warakeena kale iyo horumarada dalka ka jira ogaada Somaliyey yaan lagu mashquulin newsyada iyo qorshayaasha mashruucaa ee ay dalka ka fuliyaan Khawaariij iyo xulufadooda cid iyaga ugu futa xun mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ma jiraan fowdada ay heshiiska ku yahiin, adinka kaliya waxii ay dalka ka qoraan iyo sidey iskugu camiraan kaliya ka qaado screen shot haduu qoraal yahay ama haduu muqaal yahay kedibna geydso.waxaan bogaadineynaa shacabweynaha Hiiraan State oo wax badan fashiliyey waxaa kale oo aan bogaadineynaa shaqsiyaadka Jowhar jooga ee sida weyn shacabka Hiiraan State ula shaqeynayo ee hada garwaaqsaday wax badan oo dalka ka socda, kuwa halkaas iskaka huleelayona  oo aanan dooneyn in aanu ka hor dhacnona waan bogaadineynaa. waxkasta inta afka laga sheegayo iyo markey ficil gaarto waa kala labo, War Soomaaliyey sir uu bixiyey mid ka mid ah dhalinyaro loo soo diray inuu Hiiraan nolosha shacabka carqaladeeyo oo aad u xiiso badan, weliba ninkaan dhalinyarada xogta waxuu siyey ciidamada dawaariishta Hiiraan ee Macawisleyda lacagtii la soo siiyey ee la yiri Hiiraan ku carqaladeyna maanta ayuu dhul amaba boos weyn kaka iibsaday Hiiraan uuna guri ka dhisanayaa sow wax badan leyskuma fahmin hada Soomaaliyey intaas ka garo jabka Hiiraan ku gaarya Qawaariij iyo xulufadooda mucaarid iyo muxaafid in laga wad aqeyb qaatay kkkkkkkkkkk. Waxaa kale oo aan bogaadineynaa shacabka Degmada Buulo Burde iyo magaalooyinka kale sidey isku ababauleen kedib markii halkaas dhalinayro iyo dad ehel u ah bulshada loo magacabay, dadaalka qurbajoogta well done.

Guul iyo gobanimo.Soomaaliya wadan horey u socday ayna ku wada nool yahiin shacab degaankooda habeystay dekedana u dhistay  aragixisana aan laga aqoon iyo kuwo qiyaali ku nool ah shacabka Soomaaliyeedna  mustaqbalka ka noqon doona kuwa ugu liita hadase qiyaali ku nool ah. Soomaaliya waa dal horey u socday wararkii madaxda qaranka iyo daadalada dowlad dhiskana la soco wararkeena danbe.


Daawo Dhamaan Xarumahii dowlada  oo uu ugu danbeeyey saldhiga labaad ee dalka Soomaaliya ugu weyn oo qaab casri ah u dhisan caasimada Hiiraan State ee Baladweyne oo la saarayo calanka Hiiraan State iyo m/weynaha Hiiraan State iyo masuuliyiin kale oo ka qudbeeyeen. (Halkaan Taabo-Click Here)  

Halgan dheer iyo dhiiga wiilal iyo gebdho geesiyaal ah oo naftooda u huray dhulka Hiiraan iyo guud ahaan dalka Soomaaliya oo Macawisley iyo ciidanka xooga dalka leh iyo dadaalkii mira dhalay ee madaxweyne Halgamaa Jeyte soo dhaweyn.

Hadane Dhulka Hiiraan State waxaa ka shaqeeyey rabitaan shacab Argagixiso kal kalaal iyo dowlad diidna waa laga guuleystay, dalkaan Somaliya ayaa l adhahaa horey ayuu  u socday Hiiraane Macawisley iyo shacabka oo degaankoda nidaam iyo kala danbeyn u dhisanaya dowladodana taageersan shaqadoda

waa qabsadeen,. Hiiraan qof aan Dagaalka Argagixisada dhab ka aheyn iyo qaran dumis oo dhan waxbo

uma yaalaan aaway Soomaaliweyn halkan ay gawaarida yaalaan waa saldhigii magalada Baladweyne

Hiiraan ayaan weerareynaa dowladaan fashilineynaa maxaa ka danbeeyey walee Soomaaliya waa dal horey u socday dhinackasta Guul iyo Gobanimo.Soomaaliyeey meeshaan Hiiraan waaye Khawaariij iyo

kuwa u shaqeya amaba dowlad diidka ah dumarka Hiiraan ayaa ku filan iskaba daa ragee, xitaa odoyashii khawariijta sida hoose ula shaqeynayey maanta meel ayaa la saaray.kkkkkkk.Sidaan ma  moodeyn ee qoraykii waa kanaa ayaa ka dhacday.


Bisha Ramadaan iyo Dhanbaalka madaxda Hiiraan State-Madaxda Dowlada Hiiraan ee Soomaaliya ( Hiiraan State of Somalia) oo shacabka Hiiraan State ugu hambalyeeyey Bisha Barakeysan ee Ramadaan

ka kedib markii sidaan qoraalkeenii hore ku soo qaadanay madaxda State-ka loo doortay dhalinyaro fir

fircoon oo siweyn taageero uga helaya shacabka degaanka. Waxaa bulshoweynta Hiiraan sharaf u ah maanta in maamulkii  2011 lagu soo yagleelay dalka dibadiisa ugu danbeyn uu maanta marayo 2024 inta leysku doortay gudaha Hiiraan in calankiisa ka babanayo dhulweynaha Hiiraan oo uu shaqeeyey rabitaan

ka shacabka.Guul iyo Gobanimo bartaas hala haayo siyaasada Soomaaliya si fiican ayaad ula qabsateen reer Hiiraanow kkkkk.



Caleema Saaraka Ugaaska Reer Hiiraan Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si rasmi ah loo shaaciyey( Halkaan Ka Daawo- Click Here),Sidaan qoraaladeenii hore ku sheegnay xili hore ayey gaareen dhulka Hiiraan Fardahii ka qeyb qaadanayey Xaflada Caleema Saarka,sidoo kale waxaa siweyn u gaaray gudaha dalka Soomaaliya qurbajoog badan oo beeshaani ka soo jeeda.

Xafladan oo lagu wado in ay kulmiso salaadiin Soomaaliyeed amaba duubabka dhaqanka Soomaaliyeed,

waxgarad, qurbajoog,culimo, aqoonyahanada iyo qeybaha kale ee bulshada.Ugaas Yusuf ayaa waxuu noqonayaa Ugaaskii 21aad ee beesha Xawaadle waana Ugaaskii ugu da'da yaraa ee beesha soo mara.

Ugaaska ayaa waxuu caana shubkiisa ka dhacayaa goob aad u qurux badan halkaasi oo la keenayo

Xariirtii Ugaasyada beesha lagu duubi jiray, iyadoona dhamaan dhulka ay degaan qowmiyada Soomaalida Duubabka ku nool intii laga gaari karo amaba waqtiga ku simo lagu casuumayo xalaflada. Dowlada Soomaaliya oo siweyn looga tageersan yahay dhulka Hiiraan amaba madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweyne dal xoreeye iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed oo iyaguna ay xafladu xafladoodii tahay waxaa lagu wadaa in madaxda qaranka loo diyaarinayo goob aad u qurux badan iyadoona halkaas dalka, dadka Soomaaliyeed iyo dowladnimadeenaba halkaas muwaadiniinta Soomaaliyeed ee iskugu imaaneysa si guud dalkeena oo ka soo kabsanaya wax badan loogu duceyn doono.


Monday March 11,2024-Ramadankan Waxuu shacabka Soomaaliyeed ugu soo aaday iyadoo ay fashilmeen shan ka mid ah qatarahii dalkeena loo soo maleegay oo dhan,kuwaasi oo aanu mid mid u qodobeyn doono insha Allaah Waqtiga ugu munaasibsan oo ay weliba Somali oo dhan kuwooda damiirka leh ku farxi doonaan,war Soomaaliyey guulweyn ayey dalkeena iyo dadkiisuba gaareen,maxaan warar aad ku faraxdaan jidka inoogu soo jira Soomaaliya dal horey u socday-Waxase Maanta waxkasta inooga muhiimsan weyneynta Bisha Barakeysan ee Ramadan oo ah Bishii Naxariista iyo Raxmada Alle Inagoo melkasta oo ay Joogaan shacabweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa muslimiinta caalamka leh Ramadan Mubaarak,Ramadaan Kariim,kuna soo dhawaada mid ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan looguna jecel yahay caalimka weyn Sheikh Xuseen Cali Jabouti. 



Top News-Barnaamijka Waxbaraashada dowlada Hiiraan State- Inta aanan gudagelin muhiimada qormadan oo aanu uga hadli doono 70% ardeyda ka qalinjabisa amaba ka aflaxday Jaamacada Hiiraan ( Hiiraan University), siiba dufcadahii ugu horeeyey ee Jaamacada ka qalin jabiyey iyo sida ay meel iskaka soo saareen badankood aqoontoodana u geliyeen isla degaanka,warbixin dheerna ku soo qaadan doona  bal aanu marka hore dulmarno waxoogaa dhismahii Jaamacada Hiiraan iyo abaabulkii loo galay inagoona bulshada dhinacyo kala duwan hadba uga soo gudbin doona horumarada kala duwan ee dalkeena guud ahaan,gaar ahaanba dhulka Hiiraan State,iyadoo uu hadafka reer Hiiraan yahay isku tashi dhanka maamulka iyo qaabeynta horumarka nolosha bulshada iyo degaanka kaasi oo halku dhig looga dhigay ( Hadal Yar iyo Howl Badan).

Hayeeshee  jaamacadda oo ay fikir ahaan curiyeen aqoonyahaanno ku noolaa qurbaha siiba waqooyiga Ameerika iyo Yurub ayaa dadaal dheer oo ay qeyb ka ahaayeen Soomaaliweyn mudo sedax sano ahne socday kedib,dhismaha Jaamacada Hiiraan waxuu si rasmi ah u bilaawday Bishii Apriil sanadkii 2008.

Waxeyna maalin u aheyd bulshada Hiiraan farxad halmar Ururka Jaamacadda Hiiraan maamulayey maalin axad ah bishuna tahay 13-ka bisdha Luuliyo sanadkii 2008 ku dhawaqen in si rasmi ah loo bilaabay

dhismaha kambaskii Jaamacadda  ee ugu horeeyey kaasi  oo ay ururka Jaamacadu sheekeen in lagu bilaabi doono  kuliyada Beeraha, aqoonyahanadii howsha gacanta ku hayey ayaa wajigii koowaad ee Jaamada ugu talo galay in ay noqoto Kulliyadda beeraha oo ka koobneyd ilaa sideed fasal (Eight Rooms),

oo wax lagu dhigayo, xafiisyada maamulka, rugta shirarka, rugta macallimiinta, qolka waardiyaha, qolka matoorka korontada siinaya Jaamacada, ceel biyo leh oo u gaar ah Jaamacada. maktabad (library), oo dhamantood sidey u kala muhiimsanaayeen amab u kala horeeyey la qaabeeyey, iyadoona ay intaas aanu kor ku soo sheegnay ay wehliyeen in ay dab asocdeen sheybaarro, xarunta maqalka iyo aragga (mulit media center), baraha lagu ciyaaro isboortiga, iyo kambiyuutaro u suurtogeliya ardayda iyo macallimiinta in ay caalamka kula xiriiraan. Iyadona xiligaas  Kulliyadda beeraha loo diyaariyey in lagu bilabo 50 ilaa 100 arday Somaliyed sanadkii 2009.

 

Waan ognahay qoraalku waa kugu socdaa hadaad reer Hiiraan tahay amaba aad Soomaalida samaha jecel taahy inta badana dalkeena hoyo ee quruxda badan ee Somaliya wax fiican lagaagama sheego ee bal horta intaanan guda gelin qeybtena kale ( Halkan Taabo-Click Here) ,Si ay maskaxdu kuugu degto kedib ayaan iska aadi doonaa ardaydii amaba dufcadahii kala duwnaa ee ka qalin jabiyey Jaamacada Hiiraan kuwoodii ugu horeeyey inta ku biirtay siyaasada inta cilmiga beeraha uga faa'ideysa,

 

inta kulayadahii kale ee Jaamacada lagu soo kordhiyey sanadahii ay jirtay bulshada inta shaqoyin fiican ku helay tacliintii ay barteen ug afaa'ideyey,weliba muhiim inooma ahan sanado badan oo ardeyda Jamacadii markii la diyaariyey ay ka degeen ciidamo ajnabi ahaa xaruntooda,waxase inaga muhiim inoo ah hadafkii Jaamacada inuu hirgelay maadaama horey loo yiri aqoon la'aani waa iftiin la'aan.

Weliba dhaliyarada maanta ugu fir fircoon Hiiraan waxii dibada aaday marka laga reebo ee waa kuwa gudaha Hiiraan wax ku bartay maxaa yeelay waa kuwo bulshada la soo qatay nolol kala duwan. Hal ku dhigeenu waa muwadinka Somaliyeedow haku mashquulin walaalkaa Soomaali ah amaba reer Hiiraan oo ka soo jeedaan dhulkii lagu aas aasay Jamhuuriyadii Somaliya,marna ka mid ahaa goboladii ugu horeeyey ee lagu aas aasay Koofurta Somaliya marna ahaa 8dii gobol ee uu dalku min waqooyi ilaa Koofur yeesho 

ee hoos u eg halka aad ka degan tahay dalka Soomaaliya,hadii aad mediyaha ku jirtana kadaa shacabka halka aad ka soo jeedo beenta iyo waxa aan horumarka lagu gaareyn.qeybtena kale la soco xili munaasib ah oo aanu shacabka u soo gudbin doono. waxaan bogaadineynaa halku dhiga Hadal yar iyo howl badan ee ay bulshada Hiiraan State qaateen iyo hagaajinta dhulkooda ku faan dhulkaada kuna faan si guud dalkaada Hooyo ee Soomaaliya.   


Top News- Madaxweyne, Halgamaa Geesiga Soomaaliyeed Mudane Cali Jeyte Cisman oo taalo looga dhisayo dhulweynaha Hiiraan  qorshahan oo meel fiican maraya kedib markii ay shacabku talo ku soo jeediyeen in taalooyin loo dhiso.Horta Halgamaa Cali jeyte oo marna dagaal ku jira marna wilisaqo ciyaaraya ma aragtay sida dhulka Hiiraan looga jecel yahay oo meelkasta oo uu tago ( Halkan ka Daawo-Click Here).Reer Hiiraan waxey ku socdaan howshooda sidii uu Allaah qorsheeyey iyaguna ay dadaalkeda la yimaadeen waxaana siyaasadooda ugu weyn.1- Degaankooda oo ay u tashadaan qimokasta oo ku kacana uusan micno daro noqon doonin waxii wiil iyo geber geesiyaal ah oo uu hormud u ahaa halgamaa Cali Jeyte intii dhimatay iyo inta maanta noolba inuusan dhiigoodu noqon micno daro.2- Dowladooda iyo madaxda maanta jirta iyo kuwa imaan doona oo sida ugu wanaagsan loola shaqeeyo.

3- Deriskooda kula noolaada sida ugu wanaagsan kuwooda garanaya qiimaha ay leetahay horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waana waxa loo qaatay Halku dhiga,Hadal Yar iyo Howl badan.(Taabo halkan-Click Here) muuqaalkaan waa shacabkii oo xiliga roobka dhul qurux badan ku dalxiisayo dhulkii la xoreeyey oo ah masaafo aad u dheer.Waxaa kale oo aanu bogaadineynaa wareysigii uu maanta bixiyey xildhibaan Maxamed Cabdulqadir wareysigaas mid ka qiimo badan oo uu horey u jeediyey dhawr bilood ka hor ayaan isla daawaneynaa kaasi oo xiligii uu jeediyey muhiim u ahaa bulshada dagaalka kula jira argagixsada waa wareysi qiimo badan,( Halkaan Taabo-Click Here). Sidoo kale arinta kale ee xiisaha leh furinta marka la joogo ciidamada iyo dadka degaanka goobaha la xoreeyo oo difaca iskula jira waxaa dhaxmara tartan ciyaareed xiiso badan weliba iyagoo ku ciyaaraya dhul iyo degaan aad u qurux badan

 (Halkan Ka Daawo-Click Here),Kalsoonida shacabka degaankooda ku kalsoon yahiin iyo sida ay ciidamada uga bar bar dagaalamayaan dadka degaanka waxey gaartay in meelkasta oo ay ciidamada xoreeyaan amaba tagaan shacabka degaanku siweyn u garab taagan yahiin,hayeeshee biraha koolka laga dhilinayo maka hesheen shabaqii lee ka dhiman.Goolka kooxda ka socotay ciidamada waxaa laga soo jaray geedka muqleyga la yiraahdo ,halka kooxda ka socotay degaanka koolkooda laga soo jaray geedka la yiraahdo Dhabayga amaba Libi waa sedaxda geed ee degaanka ku badan hadaanba laga soo jarin geedka la yiraahdo Ontorta amaba geedka Guda geed jicibeed sidan qiyaaseyno....lol.

 

Soomaaliyey haku mash quulin walaalkaa Soomaali ah adiga gurigaada kaliya qurxiso oo hoos isku eeg dalkana inta aad ka degto kaliya ka difaac oo yeysan ceeb ka imaan, qofkasta amaba degaankasta oo uu qof Soomaali ah ku nool yahay.

 

Reer Hiiraan dowlad iyo dal qurux badan iyo dunida oo sida ugu wanaagsan loola noolaado ayaa ka go an hadey xilka ugu sareeya dalka hayaan iyo hadeysan heyninba markasta masuuliyad ka duwan Soomaalida kale ayaa saaran oo waa dhul isku xira dalka oo dhan.dhul hodan ah oo qeyraad ka buuxo( Beero, Xoolo, macdan iyo shidaal intaba Hiiraan wey ka buuxaan, weliba Soomaali ka badan qeyraadka Hiiraan yaalo amaba ku jira, wadanka waxey uga yaalaan ubucda amaba halbowlahii waxii faan iyo waxaas ayaan horey u ahaan jiray inta meel leyska dhigo waqtigu waqtigii mahaan waayahuna waayahii maahan kaliya tuulada aad degan tahay quruxso.waana waxa aanu wararkeena qeybta kore oo dhan kaliya uga hadalno Hiiraan waa in ay ku socdaan wadadii saxda aheyd. Shacab iyo madaxda cusub ee Hiiraan State iyo weliba Halgamaa Jeyte  waxaan leenahay bartaas ha laga hayo .Soomaaliya Hanolaato.


Guul Bulshada Dowlada Hiiraan State -Qoraalkaan kii ka horeeyey waxey inoo joogtay halkii uu ka soo bilaabatay dhismahii curintii iyo fikirkii dhismaha Dowlada Hiiraan State oo soo martay marxalado kala duwan iyo fahamka bulshada oo ka so bilaawday wax ka yar 10% micnaha State 1- Isku daygii AUN Amb Cabdi Farax Laqanyo.2- Ambaqaadkii qurbajoogta Hiiraan ee ay maamulka madaxweyne ugu doorteen Mudane Maxamuud Cabdi Gaab kaasi laga faa'idey in ay magaca Dowlada Hiiraan State kor u qaadaan dhaliyaradii ugu badnaa ee reer Hiiraan ah.3- Marxalado  kala duwan oo xig xigay inagoo aanan dooneyn in aanu ku mashquulno waxii la soo maray ugu danbeyn, waxaa halkii ka waday halganka dhismaha State-ka Halgamaa Mudane Cali Jeyte Cismaan oo si kumel gaar ah loogu doortay xilka madaxweynaha si weliba sharaf leh oo masuuliyad ay ku dheehan tahay isagoona siweyn xirnaa waxgaradka,

aqonyahanka,dhaliyarada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan talaabadi looga baahnaane qaaday waqtigii yareyd, waxuuna dhisay gudi soo diyaariya baarlamaankii iyo ciidamadii daraawiishta Stateka  waxuuna howsha faraha uga qaaday gudi wax badan soo qabtay kuwaasi oo ugu

danebyn gaarsiiyey in Hiiraan gudaheeda lagu doorto madax cusub, iyadoo weliba laxajeclada laga qabo dowlada Hiiraan State ay soo baxeen madax iyo masuuliyiin bulshada kala hadla kaliya waxii loo

baahnaa.waxaana xilka hogaanka ugu sareeya isku soo taagay iyagoo leh anigaa bulshada gaarsiinayo hanaanka maamul wanaaga rag iyo dumar ka soo dhax baxay bulshada in gudaha Hiiraan leysku doorto heerka biseyl siyaasadeed ay ka gaareen bulshoweynta Hiiraan in hada loo gudbayo in  wax hogaamisa iyo in noqota mucaarad wax dhisa oo bulshada iyaga qudhooda kasbada si berito aqoonyahanada iyo

halgamayaasha reer Hiiraan rag iyo dumarba loo doorto.waxaa loo gudbayaa hada kedib in la kala taageero masuliyiintaan cusub oo maalinta qeyb ay soo bandhigi doonaan qaabkooda hogaamineed iyo halka ay tiigsanayan,waxaan aad u jecleysanay qudbadii ay labada masuul mudane Halgamaa Cabdullahi iyo Aqoonyahan Colow u jeediyeen bulshada. reer Hiiraan sanadkan howshooda waxey ku socotaa hadal

yar iyo howl badan iyo u tashi degankaada adigoo walaalkaada Soomaaliyeed  ee deriskaada ah iyo mid aan kula aheynba  ixtiraamayo, hal ku dhiga reer Hiiraana waa intaad dad kale oo Soomalai ah ku mashquuli laheyd noloshooda qurxiso gurigaada si uu dalku  u wada qurxanaado hambalyo dhamaan madaxda isbedel doonka ah ee dhulweynaha Hiiraan State lagu doortay madax, gudioon baarlamaan, xildhibaano,golahii wasiirada iyo shacabkoo la kasbado loona sheego waxa bulshada lagu hogaamin

doono.Well Done dadaal ku dayasho mudan intii heerarkii kala duwanaa ee uu dhismaha State-ka soo maray ka qeyb qaatatay iyo intii asiibiweysay wanaaga bulshada iyo rabitaankoodana waxaan leenahay weli fursad aad bulshada ku kasban karto ayaa kuu furan dad isku tashanayo dowladii wadankooda ka jirtayna iyagu ah kuwa ugu horeeya ee taageersan howl kama daalooyinow halkaas ka wada.Hiiraan State waxaan ku jeclaanay waa mamaul ku socda qadiyad waana halka uu ka yimi ddulqaadka ugu badan.

Sidaan qeybteena kore uga soo hadalnay madaxii u soo halgamay dhismaha Dowlada Hiiraan State oo marka loo eego 2011 iyo waxii ka horeeyey ay shacabku 10% kaliya ay fahamsanaayeen micnaha State waxa uu yahay,sidoo kale dhowr bilood ka hor waxaan sida saawrikan hoose ka muuqato ku soo bandhignay cutubkii ugu horeeyey ee ciidamada daraawiisha Hiiraan State,sidoo kale waxaa hada tababarkii uu gabo gabo u marayaa cutubkii labaad ee ciidamada Daraawiishta Dowlada Hiiraan State.

waxaa sidoo kale la soo gabo gabeeyey dhismahii baarlamaanka State-ka oo meel fiican maraya, waa marka aanu leenahay Hiiraan howsha taalo waa hadal yar iyo Howl badan ninkasta oo Soomaali ah yuusan ku mashquulin waqtina iskaka lumin walaalkiis Soomaali ah amaba deriskiisa oo quruxsanayo degaankiisa ee midkaada quruxso si uu dalku u noqdo mid dhinackasta ka qurux badan.waxaan mar kale bogaadineynaa sida ay shacabka Hiiraan State siyaasi, waxgarad, aqoonyahan qurbajoogba rag iyo dumarba in aanu maanta mareyno in ay aqoonyahano badan iyo halgamayaal badan isku diyarinayaan sidii uu bulshada midkasta u qancin lahaa amaba hadaanu si kale u dhigno u kasban lahaa mustaqbalka dhaw iyo kan fogba oo ay bulshoweynta Hiiraan dharka ka tolanayaan calanka Soomaaliya iyo midka

Hiiraan State, weliba waxaan bogaadineynaa biseylka siyaasadeed iyo dimoquraadiyada bulshoweynta Hiiraan ka muuqata waa in la soo dhaweeyaa wiilkasta amaba geberkasta oo leh bulshada ayaan doonayaa in aan xakumo/hogaamiyo oo aan horuamr gaarsiiyo siyaasada aan dhulka,dadka iyo degaanka ku horumarinayana waa sidan iyo waa sidan oo wax cad miiska soo saaro..,hadii kale.mar kale good job.

 

Ali Jeyte Osman Former Interim President another word Outgoing President of Hiiraan State of Somalia President,the most admired Somali leader across the country Once Again become  2024 Person of the Year-

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxmauud,Dal Xoreeye, madaxweyne ku soo aaday xiligii loo baahnaa,Madaxweynahii ugu horeeyey ee dalkeena soomara ee labo mar loo doorto hogaanka dalka,Dadaalaa Waa Gaaraa bartaas ka haay mudane  Madaxweyne bartaas ka haay.

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre Xamze Daacad, R/wasaare dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeega sida ugu wanaagsan ahna R/wasaare marka laga soo tago inuu kaftan badan yahay oo uu Soomaalida inta badan ka qosliyo,badanaa qudbadahiisa waxey ku beys gareysan yahiin xikmad, waa R/wasaare Aqlaal badan.

Madaxda Qaranka ee u istaagay sharafta dalkooda iyo dadkooda Mudane Xasan Sheikh Maxamud, Mudane Sheikh Adan Maxamed Nuur, Mudane Cabdi Xaashi ( Wadani), Mudane Xamze Cabdi Barre iyo golayaasha labada Aqal ee sharci dejinta oo garab xoogan ka helaya

shacabka dalkeena hooyo ee Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) oo ah bulsho u jiheysatay nidaam iyo kala danbeyn iyo dowlad wanaag, taariikhda ayaa idiin xusi doonta madaxda qaranka ee maanta joogta.



  


Top News in Somalia , Africa and Around the world-Talo yar oo aanu ugu talo galnay bisha barakeysan ee Ramdaanka muwaadiinta Soomaaliyeed sidey u dhan yahiin-Soomaaliya oo ka mid ah wadamadii ugu danbeeyey ee ka soo kabsaday dagaaladii sokeeye hatana ka mid ah wadamada Afrika kuwooda  Horumarada kala duwan ka sameeynaya hanaanka dowliga ah ayaa waxaa guulaha ugu waaweyn ee ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaareen ka sokow, bilashada bisha Ramadaan oo aanu shacabka casharo joogta ah inta lagu guda jiro u soo gudbin doono, hadane wararkeenii kale ee dalkeena hooyo ee Soomaaliya kuwooda ugu muhiimsan  kaliyana in aanu shacabka la wadaagno,mark aloo eego dooda sida wanaagsan uga socota golayaasha sharci dejinta ee Dastuurka dlakeena, dib u dhiska ciidamadeena qaranka oo  maray heer ay dhoolatus la sameeyaan ciidamo kale. shacabkii oo dalkooda u soo jeestay iyo dhamaan marka loo eego sida ay u fashilmeen (5) ka mid ah dhagartii ugu weyneyd ee dalkeena loo maleegay ,yacni waa fashilmi doonaan maahan waa fashilmeen gebigood taasi oo guul u ah dalka iyo dadka Somaliyeed,waxaasi oo dhan guulo ah waxaa ka sii muhiimsan kuwa jidka ku soo jira bal aanu ku sii nasano  kulanka m/wyenaha Soomaaliya iyo ciidamadii dhawaan dhoolatuska ka qeybgalay ee Danab.

Allow yaa dhalinayro badan oo xili Ramadaan iyadoo lagu jira beenta maalinkasta naftooda ku maaweeliya lataliya oo yiraahdo iska joojiya wararka beentaa ee mustaqbalka leydiinku maxkamdyen karo dalkaan Argagixiso waa gabalkoodii ayaa dhacay iska daa kuwii mushkild aku hayey shacabkee xitaa kuwii hantidooda ku shaqeynayey iyo wadamda ay joogaan ee ay ku maalgashteen ayaa lagala wareegaa hayaa oo kwuii sirtooda hayey ayaa hada dundia ku baahiyey.

 

 Waxaa kale oo aanu talo yar siineynaa kuwo badan oo siyaasiyiin isku sheega laakisne aan is ogeyn wlei sida xad dhaafkaa ee ay u fashilmeen hadey sidan ku sii socdaan oo ay weliba kuwa mediyaha uag qeyl qeliya dhihi waayaan war hadalka iska qurxiya, war dalka Somaaliya siyaasadiisa maanta qof ceytama iyo mid shisheeye intuu lacag ka soo qaata iskaka dhiga inuu dlakiisa bur burinayo keidbna lacagtii uu shisheeyahaas ka soo qaatay dalka dibadiisa guryo kaka dhista kama shaqeynayo shacabkii ayaa is bedelay.

 

Waxaa kale oo aanu talo yar siineynaa culimada Soomaaliyeed kuwoodii Argagixisada sida tooska ah iyo sida dadbanba amaba qabiilada qaar kuwoodii la  shaqeyn jiray iyo weliba kuwooda hantidii ay shacabka Soomaaliyeed ka dhaceen argagixisada ugu shaqeeya oo weliba siweyn loo daba socdo maantey talo idin la gudboon tahay ka daaya wadanka dhibta oo Allaah intaad u towbad keentaan hantida gobolkasta intaad ka qaadeen ( Dhacdeen shacabkiisa),waad garaneysaan oo shirkadaha iyo dhaqaalaha aad hada heysaan gacantiina waa ka bixi doontaa oo waad wada musalafi doontaane qeyb ka mid ah dalka ku soo celiya, dalka iyo dadka Soomaliyeedna ka daaya hada waxii ka danbeeya dhibatada,markaan sidaan ula hadleyno qeybaha kala duwan ee Soomaalida maanta nool waxaan ognahay isbedelka dunida ka dhacay inuusan marnaba kooxahaan iyo beelahan aanu ka hadleyno uusan caawineyn,waxaan hubnaa shirkado waaweyn oo maanta dhisan in ay musalafi doonaan shaqsiyaad badan oo isku sheegayo siyaasiyiin amaba ganacsadane ay noqon doonaan kuwa bulshada ugu  liita,waxaase qurux badnaan laheyd inuu qofka Soomaaligaa is xakameeyo inta ay koori koor tahay. umadiisana dhinaca wanaagan ka raaco.

 

Waxaa markasta na farxad geliya sida ay 48 saac kasta beentii la soo alifo u noqoneyso mid iskeed u dhimata oo kaliya  ku kooban kuwa sheega oo kaliya bal qiyaas inta mediya Somaali ah amaba inta dhalinayro Somaali ah ee waxey doonaan iska sheegi jiray si ay kaliya u helaan Views ay social mediyaha kaka helaan dhaqaalo oo hada shacabku dhegaha ka fureystay?,

sababtu waa shacabkii oo bislaaday, waana mida keentay iskaba daa Soomaalida dhaxdeed ee in ay xitaa dowlado waaweyn dhagar ay u maleegeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay fashilmaan weliba si layaab leh u fashilmaan.

 

Waxaan talo yar oo aanu ku soo qatimeyno qormadan siineynaa madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aanu leenahay waxa hada socda ka dhax bax inta laga gaarayo xiliga doorashada 2026 intaad afkaada qabsato tusbax qaado ee hadba halka aad ku nooshahay ku cibaadeyso oo marnaba yeysan kaa suuroobin dhaqanadii foosha xumaa ee kursiga lagu soo kori jiray dalka iyo dadka Soomaaliyeedna dib u dhigi jiray, taageer isbedelka Dastuurka adiga iyo inta kugu fikirka ah, weliba dib u habeyn xoogan ku sameeya ururka Nabad iyo Nolol oo waayadan ay soo baxeen kooxo aad moodo iney suurad xumeynayaan.

 

Tusaale yar oo kooban- Waxaa hada oo aanu wax qoreyno na hor yaala muqaal ay dad Soomaliya noo soo direen oo nin marna dhalinayo ah marna u muuqaal ek oday markii aad si fiican u dhuuxdo hadalkiisana ay kuu soo baxeyso inuu xiriir la leeyahay argagixisada Soomaaliya oo hadane dhinaca kale iska dhigayo inuu adiga ku taageero oo u gafayey  AUN Marwo Khadiijo Diiriye o leh halka uu magaalada Baydhabo ka degan yahay  Lafta GAreen ayaa lagu fara xumeeyey, kedibna waxaanu fiirinay maalinta la duubay muuqaalka iyo xiligii ay geeriyootay  inta u dhaxeyso oo aheyd waqti aan kala fogeyn.

 

Bal qiyaas qof Soomaali ah oo muuqaalo taariikha galayo oo la geydin karo beritona lagu maxkamadeyn karo kaliyana maanta uun eegayo maalinkasta iska duuba ,weliba ku xad gudbayo isagoo rag ah qof dumar ah oo ahane leh koox hebelaan kusiyaasad ah amaba siyaasadeeda iibinayaa,waxa uu siyaasad ahaan bulshada ku soo kordhin karo yaa sheegi kara?.

 

Waxaa kale oo taasi ka muhiimsan maxuu qof Soomaali ah maalinkasta dacaayadeynayo ciidankii dalkiisa oo sawiro ay u soo dhiibeen argagixisada baahinaya uu dalka iyo dadka Soomaliyeed ku soo kordhin karaa?.

 

Taas waxaa la mid ah dad ka soo jeeda degaanka Hobyo oo dhawaan inytey kuwoodii dhinaca wanaagsan wax ka eegayey intey iskugu tageen magaaladaas yiri waxaanu dhiseynaa Dekedii Hobyo oo ay qeyb iyaga ka mid ah isbuucyo kedib ku duulayeen deriskooda oo degan Galdogob, oo hadane sidii ay shacabku rajo u qabeen maanta meel la soo istaagay dhul ay iyagu degaan oo ay welba wiilal iyo gebdho badan oo Soomaali ah ku naf waayeen waanu ka soo baxnay dhulka ay leeyahiin waanu ka soo baxnay horta waa ayo cida ku manaafacaadsaneyso oo aan iyaga aheyn, hadeyba jirto in sida ay u buun buuninayaan in degaankaas iskaka soo baxeen weliba iyagii yahiin kuwa ugu badan ee degaanka ka faafinayo xumaanta, dalka Soomaaliya iyo dadiisa maxey mustaqbalka ku soo kordhin karaan kuwooda wanaagsan ee sida fiican u fikirayo ee doonayo horumarka waanu garanay, ee halka loo baahan yahay ee ka maqan waa wacyi gelin bulsho in la sameeyo inta lagu guda jiro dhismaha dekeda iyo iney deriskooda oo ah dadkii dekedaas isticmaali laha kula noolaadaan wanaag oo ay weliba soo jiitaan.

 

Waxaa kale oo aanu talo siineyna ragaan sheegtaan iney  madax u yahin gobolada dalka ee markii xafladaha qaaligaa iska dhiganayo iyadoo magaalooyin halka ay xafladaha ku dhigan ayaan ku baahan yahiin shacabku oo aanu goobjoog u soo aheyn been beenta siyaasadeed ee dalkaan lagu soo wada joogay  ma sii sacon doonto ,waxaa taasi ka daran qaarkood dalka dibadiisa ayey iska mushaaxayaan oo kaliya dhawr maalmood ayey intey ka soo muuqdaan mediyaha waxaad argeysaa iyagoo iska fadhiyaan qaarkood moolasha Kenya iyo dalal kale oo caalamkaa.

 

Baarlamaanka Soomaaliya waxaan isagana lenahay qiimo kasta oo ku kacaba dasturka  ha laga saro kumeel gaarka oo wadanka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen inuu ku hormaro maahane kuma dib dhacayee meel mariya shariyada kuwooda ugu  muhiimsan intaan ciida la gaarin

 

 

Mediyaha Soomaalida hadaan u soo laabano waxaa marka laga hadlayo Telefishin gaar loo leeyahay ee hawada soo gala ugu horeeyey Universal Tv , Webside Soomaalidana waxaa ugu horeeyey Hiiraanonline hadane dadka iska leh  dadkooda iyo degaankooda uguma hiiliyaan waxaa dalka ku bur buriya dad ay iyaga shaqaaleeyeen oo danahooda siyaasadeed ku meel marsada waana nasiib daro weyn.

 

Tuslaae dalak Soomalaiya meesha ugu dhul boobka badan maanta waa magalada BAraawe Universal Tv dadkaas uma hiiliyaan wax wanagsana kama  soo sheegaan, Sidoo kale taariikhda weli lama hayo websideka Hiiraanoline oo wax wanaagsan ka qorayo dhulka Hiiraan,laakinse kaliya waxey ka soo qaataan inta  markaasi laga leeyahay dano siyaasaded e oo guracan, waxaan walaalahaas Soomalaiyeed ee aanu ka hadleyno leenahay war dalka meelkasta ugu hiiliya horumarkiisa xitaa halka aad ka soo jeeedaanba ha ugu horeysee.

 

Ugu danbeyn waxaan talo yar siineynaa shacabka ku nool SSC Khatumo iyo kuwa HIraan State cashar ha idiinku filnaato waxii wiil iyo gebdho qaali ah idiinka geeriyooday xoreyntii degaanadiina dhista oo xoojista maamulada ku yimid rabitaankiina SSC iyo Hiiran State been beenta siyaasadeed ee ay halmiis ka soo wada muqan jireen dhawr qof oo isku reer ah oo hadane dhihi jiray waxaanu  ka haleynaa misirka umada Soomalaiyeed waxaas dalka Soomaaliya  uma noqon doonto siyaasad sii shaqeysa iyo wadan boqol madaxeyne leh dalku hada horey ayuu u socdaa waxaana la jaan qaadi kara kaliya bulshada kuwooda meel iska dhiga qiyaaligii siyaasadeed ee uu daku ku soo bur buray . Soomalaiya ha noolaato Ramadaan Kariim mar kale.la soco warakreena danbe


Madaxda Qaranka oo si wada jir ah shacabka Soomaaliyeed iyo dunida Islaamka ugu hambalyeey curashada bisha barakeysan ee Ramad

News in Somalia,Africa and Around the world-Tuesday March 12,2024-Wararka Somaliya,

Afrika iyo caalamka-Madaxda Qaranka oo si wada jir ah ugu hambalyeyen shacab weynaha Somaliyed iyo Dunida Islaamka kedib markii ay curatay bishii barakeysneyd ee Ramadanka. Hayeeshee dalka Soomaaliya oo sanadkan isku diyaarinaya mudo kedib inuu dunida wax la qeybsado isagona u sharaxan labo kursi oo muhiim ah miduna yahay Gudomiyaha Ururka Midowga Afrika miduna yahay kuriga joogtada ah ee qaramada diboobay oo ay Soomaalidu siweyn ugu diyaar garoobeen dadaal xoogana u galeen iyagoo kasbanaya dalalka caalamka oo qirsan in ay mudan yahiin

Soomaalidu in wax badan looga tanasulo mar hadey ka soo kabteen mushkiladii ragaadisay dalkooda oo sida aanu inagaba wadamo badan 30 kii snao ee ian dhaaftay u siinay  fursado ay iyaguna sanadkan ino siin doonaan, waa sida ay qabaan wadamo badan oo dhinaca wanaagsan wax ka eega,laakinse Somalida oo ay labadaas kursi ugu sharaxan yahiin aqonyahano amaba hadanu si kale u dhigno wiil iyo geber Somaliyed qibrad iyo karti u leh wax badan, inagoona hadii uu Allaah naft anagu simo xili hore ololah asii bilaabi doona,waxii ka danbeeya bisha barakeysan ee Ramadaanka. 

 

 

 

 


Top News in Somalia,Africa anad Arounr the world-Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Jabouti Mudane Ismaciil Cumar Geelle iyo Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo siyaabo kala duwan ugu hambalyeyey maalinta haweenka Jabouti iyo Soomaaliya iyo guud ahaan haweenweynaha Afrika iyo dunidaba. dhanka kale wararkii dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo dadaalada madaxda qaranka iyo xukumada Dan-Qaran.

M/weynaha Somaliya oo xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka qalin jabiyeen

ardey badan oo Soomaaliyeed jaamacada ugu wanaagsan dalkeena hooyo ee Soomaaliya oo ah Jaamacada Umada Soomaaliyeed taasi oo ay ku riyoon jireen bari samaadkii muwaadin kastakasta oo Soomaaliyeed inuu ka qalin jabiyo mar uun.

Waxaana xaflada oo aanu warbixin dhameystiran ay inoo soo socdaan kala qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya, wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha iyo Taclinta sare Mudane Faarax Sheikh Cabdulqadir oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo dadaal badan ay isaga iyo teamkiisa iyo masuuliyiinta wasaaradan soo martay sanadahii danbe amaba hadaanu si kale u dhigno dowladahii ugu danbeeyey ay geliyeen waqti iyo dadaal loo qaateen ah iyo madaxda jaamacada Umada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhanka kale weli waxaanu ku guda jirnaa wararkii dalkeena hooyo ee Somaliya R/wasaaraha Soomaaliya mudnae Xamsa Cabdi Bare oo maantu soo xiray tababar mudo sedax todobaad u socday safiiradii dhawan la magacaabay oo gaarayey ilaa 10 safiir ayaa dhanka kale dhagac dhigay dhismo cusub, halka baarlaamka dalkeena uu soo gabo gabeeyey ka cutubkii 3aad ee arimaha dastuurka dalkeena oo meel fiican maraya waxaan sidoo kale wararka inoo soo socda ka mid ah wasiirak Maaliyada  mudane Cige oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalkeena, iyo sidoo kale Horumarka ay wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya qeybteeda rayidka ka gaartay horumarada kala duwan taasi oo lagu amaanay wasiiarada haatan joogta iyo wasiiradii soo maray wasaarada ee is xig xigay oo  in ay hayaddan horumarkaan sameyso ay sabab u ahaayeen madaxdii xiligaas jirtay iyo kuwa maanta jooga oo si wanagan ula shaqeeyey wasaarada niyo hayadda iyadoona  sida ay rajeynayaan malaayiin Soomaali ah Wasiirad Fardowsa iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada qeybahooda kala duwan laga sugayo iney dalka u keenaan ugu yaraan diyaaradahii Fokorta ee gudaha dalkeena ka shaqeyn jiray ee uu dalku lahaa iyo diyaaradii weyneyd ee Soomaali Airline,

maadaama uu dalku hada qaaday wadadii nidaamka iyo horumarka.

Waxaan ku faraxsanahay in ay wasaarada gaadiidka iyo hayaddeda duulista Rayidka in ay ka mid yahiin meelaha sida weyn looga daremayo dowladnimadii dalkeena iney soo laabatay,

waxaana warbixin dhameytiran ka soo diyaarin doonaa heerarkii ay soo martay wasaarada  iyo halka maanta lagu faani karo ee uu dalkeenu marayo iyo dadaalada wax ku oolka ah ee ay wadaan madaxda qaranka, golayaasheena sharci dejinta iyo weliba Xukumada Dan-Qaran o taaeero xoogan k ahelay shacabki Soomaaliyeed oo u soo jeestay hagaajinta dalkooda.aanu ku sii nasano muuqaalkaan quruxda badan ee dalkeena horey u soo marayla soco wararkeena danbe 


News in Somalia,Africa and Around the world-Friday March 8,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- War ka farxadweyn oo ay Soomaali dal ahaan iyo dad ahaanba u maqli lahayeen maanta oo uu waqtiga inagu simo in aanu ugu yaraan xitaa ka mid noqono jiilkii arinkaas la kulmay ayaaba ah arin u baahan in buugaag laga qoro.Horta waagii baryaba waqtigiisa iyo waayahiisa ayuu wataa markii aanu soo kacnay howsheenii caadiga aheydna aan isku daynay in aanu bilaawno inta aanan qormadan xiisalaha leh ee heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ay u kala saxiixeen wasiirada Tamarta iyo Macdanta labada dowladood,Mudane Alparslan iyo Mudane Cabdirzaaq waxaa muhiim ah horta in baahasha la suugeeyo maxaa yeelay markii uu dalkaada iyodadkiisu ( Qowmiyada Soomaalidu), ka soo kabanayaan mushkiladii ragaadisay oo uu dalku si rasmi ah u qaaday wadadii dowladnimada arinku kama fursaneyso in waxoogaa la naash naasho farxada ay arinkaan u xambaarsan tahay iskaba daa qofkasta oo Soomaali ah xitaa waxey guul u tahay shacabweynaha Biriga  Afrika iyo kuwa guud ee qaarada Afrika,caalamkana wakiisaba iska daay oo waa kuwa loo iibgeyn doono,maxaa yeelay Soomaalidu waa dad nolol yaqaano waxaaba noo sawrimay durbaba kaalinta aanu ka geli doono halka ay inaga jirto waxaana isweydiineyna marka la soo saaro dhibicda ugu horeysa ee shidaalka dhax ceegaaga dalkeena.

1-Waxaan suureynay nooca uu dalkeenu noqon doono iyo waxa dadka Soomaaliyeed laga filan karo  waxaana inoo soo baxday Soomaalidu talaabooyinka ugu horeeya ee ay ka faa'idi doonaan iney noqoneyso A- Allah oo ay kushukriyaan.B- Nolol fiican ku noolaadaan kana xarakoodaan....lol.C- Laga macaasho iyaguna macaashaan calaashaa Soomaaldiu waa dad deeqsiyaal ah ,faan badan, karti u leh adgeysiga oo waxaadba ka garan kartaa dundia weli lama hayo wadan ay colaado ka dhaceen oo 10 sano oo xiriir ah dowlad la'aan ahaa laga soo bilaabo 1990 ilaa 2000 leyskugu tago shirkii Carta,maxaa yelay waa dad is  gar gaara, in ay hada wadadii dowladnimada cagta saareen dowlado badan ayaa weli modaan in ay arinku  tahay sidii hore,amxaa yeelay Soomaalida waxaa xiligii bur burka dowladkasta lagula dhaqmi jirey siyaasado ku dhisan cabsi gelin,

kala qeybin, hagar daamo iyo waxi la mid ah shacabkuna maalinba in ayaa mushkilada dalkooda ku habsatay ka dhiidhin jirtay iyaguna waxey sameyn jireen si ay dalkooda u badbaadiyaan hadba intii karaankood ah, laakinse maanta waxaa siweyn u doonayo hagaajinta dalkooda oo dowladooda garab taagan waa shacabkii  oo bislaaday kana soo gabsaday mushkiladii una jeestay dhankii horumarka dalkooda ,marka in maanta dalkeenu uu la galo heshiis dalka Turkiga heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.wadanka Turkiga waxaan dhihi karnaa  waa taariikh qadarin mudan dadkuna badi xasuusan doonaan waxaana amaan iyo bogaadin mudan dhamaanba muwaadiniintii Soomaaliyeed ee siyaasabaha kala duwan waqtiyo kala duwan uga soo qeyb qaatay in ay  arintaan soo gaarto heerkaan lagu farxo.

Aan u soo laabano muhiimada qormadeena dhawan ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxmaud iyo dhigiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ay ku kulmeen magaalada Antalya halkaasi oo uu madxweynaha Soomaaliya ug aqeybgalay shirkii Diplomaasiyada ee ka dhacay halkaas oo ay labad amadaxweyne iyo labada dowladood oo dhawaan galay heshiiskii taariikhiga ahaa ee difaaca iyo dhaqaalaha, ayaa kani waxuu noqonayaa  heshiis aad muhiim ugu ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ah wadan siweyn ay shacab ahaan iyo dowlad ahaanb au tiigsanyaaan horumarad akala duwan ee ka jira dunida,hayeeshee  ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Soomaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

 

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaana u  kala saxiixday magaalada Istanbul heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya.mar uu  ka hadlayey Mudane Cabdirizaaq waxuu yiri, “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkiga Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixnay heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.isagoo  hadalkiisa sii wata waxuu yiri,“Tani waa munaasabad muhiim u ah labadeenna dal, waxaana si gaar ah dalka Turkiga uga mahadcelinaynaa taageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax-soo-saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Soomaaliya.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ku daray. Maxaa guulo isdabayaalo.Soomaaliya HAnoolaato


News in Somalia, Africa and Around the world-Friday Ma8,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Kedib shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada oo lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, R/wasaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey qeybta danbi baarista ee hayadda C.I.D.


Ugu horeyn Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Hayeeshee dhanka kale R/Wasaaraha 

Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista danbiyada ee C.I.D oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.


R/Wasaare ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb weyn ka qaadan doonno Horumarinta caddaaladda, ka hortagga iyo dabatagga danbiyada, xukuumadduna ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta iyo horumarinta caddaaladda oo muhiim u ah dalka.Waxa uu xusay Mudane Xamsa in Boolisku uu yahay isha laga arko dal horumarkiisa iyo caddaaladdiisa, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la tayeeyo booliska iyo caddaaladda dalka oo ah labo qeybood oo iskabaya, isagoona u mahadceliyey Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo hadba Hayaddahii ka qeybqaatay howsha dhisaha. ahdaan waxoogaa shacabka u qeexno Hayadda Danbi Baarista waa meesha laga leeyahay qofkaasi waa Danbiile, Calashaa Bilaa Edeb amaba Qofkaasi denbi ma leh ,calashaa waa Fariid ahduu rag yahay amaba dumar.....lol.la soco wararkeena dane.


Libaaxyadii Soomaaliya oo mar kale soo rogaal celiyey iyo madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasib aay ku qalin jabinayeen geesiyaasha qaranka custubyo ka mid ah xerada Tababarka Turk-Som.

News in Somalia, Africa and Around the world-Wararka KUwoda ugu xiisaha badan Madaxweynaha Soomaaliya mudnae Xasan sheikh Maxmaud oo ka qeyb galay munaasiba si heer sare ah loo soo agaasimay aadna u muujineysa sida uu dalka Soomaaliya dowlad iyo shacaba dib uga soo kabsanayaan ciidmadii qalabka sidey ee Soomaliyana marba marka ka

danbeysa tababaro casir ah qaadanayaan, hayeeshee munaasibadan oo aheyd mid cajiib ah bal daawasho wacan qudbada madaxwyenaha Soomaaliya,xili ay dhawan dalka Soomalaiya soo gaareen saraakiil ka timid wadanka Tukiga oo  ay halkaasi ku soo dhaweeyeen dhigooda Soomaliya.bal shaax u soo qaado warbixinta oo dheer.

 


News in Somalia, Afrca and Around the world-Thursday March 7,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo Caalamka-Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay kedib safaro muhiim u ahaa dalka iyo dadka Soomaliyed ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway oo soo gaa ray dalka Soomaaliya caasimadiisa Mogdishu, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.


Kulanka oo looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta ayuu marka hore madaxweyne Xasan uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska isagona waa madax

weynaha Somaliyee ku dhiiregeliyey dowlada Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, arimo ay ka mid yahiin isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Ugu danbeyna waxaa dhankiisa hadalka qaatay, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway kaasi oo siweyn u bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska aad looga dareemayo guud ahaan dalka Somaaliya, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda.la soco wararkeena danbe.


Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca tamarta kedib kulan magaalada Ankara ku dhaxmaray wasiirada labada Wadan.

News in Somalia,Africa and Around the world-Wednesday March 6,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga dhianca Tamarta kediba kulan balaaran oo wasaaradaha labada wadan ku dhax maray caasiamda Turkiga ee Ankara.Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka tamarta ee labada dal. Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiicigaa ee Turkiga ayaa dhigiisa Soomaaliya Wasiirka batroolka iyo macdanta ku qaabilay wasaaraddada Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga ee  caasimada dalka Turkiga ee Ankara.

 

labada wasiir ayaa kulankooda uga hadlay arimo dhawr ah oo quseeya Tamarta iyo sida  lagu horumarin karo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhanka tamarta,iyagoona isla meel dhigay in labada dal ay sii wadi doonaan dadaalka ku aadan sidii iskaashiga dhanka tamarta u gaarsiin lahaayeen heer wanaagsan.

Hayeeshee,marka laga soo tago kulankaan muhiimka u ahaa labada dowladood iyolaabda shacaba hadane Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa dhanka kale kaalin muuqat aku leh dadaalo lagu hormarinayo waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka Somaliya, waxaana uu siiyay kaalmo bini'aadantinimo oo ballaaran tan iyo waxii ka danbeyey 

booqashadii taariikhiga aheyd ee uu dalak Soomaaliya ku yimid 2011 m/weynaha Turkiga

 Mudane Erdogan oo xiligaas dalka Turkiga ka ahaa R/Wasaare  isagoo hogaaminayey wafti culus.

Isku soo duuboo xiririka Turkiga iyo Soomaaliya halkaan kuma soo koobi karno ,hayeshee Dhawaan ayey aheyd markii ay labada dowladood kala saxiixdeen heshiis kala duwan oo uu ugu weynaa midkii iskaashiga difaaca badda, waana heshiis Soomaaliya ka saacidaya dhianckasta sugidda ammaanka xeebaha dalka.Turkiga waa wadanka marka laga soo tago gudaha dalkiisa caalamka oo dhan safaaraddiisa ugu weyn qaarada Afrika ka dhistay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ay sidoo kale halkaasi ka dhistay xaruntii ugu weyneyd ee tababarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku qaataan tababarada kala duwan taasi oo soo saartay ciidamo tayo leh.marka arimahaas oo dhan laga soo tago in ay labada dowladod iska wareystaan arimaha Tamarta waxey guul weyn u tahay dowlad dhiska dalka iyo dadka Soomaaliyeed,xili uu dalka Soomaliya siweyn uga soo kabsanayo bur burkii dowladii dhexe ee meesha ka baxay sandkii 1991 kii, haatana ku socdo dalku horumaro kala duwan oo dhinackasta leh.la soco wararkeena danbe ee dalkeena hooyo ee Soomaaliya.


News in Somalia, Africa and Around the world-Tuesday March 5,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Dalka Sooaaliya oo aanu siweyn qoraalo abdan uga soo sameynay bilahii ugu danbeeyey kedib markii uu dalku gaaray guulo waaweyn oo siyaasadeed oo anu mid mi du soo qodobeynay hadane inta aanan gudagelin gelin madshan uu daah furay R/Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre hadane mark aloo ego dadaalada wax ku oolka ah ee ay wadaan sidey u dhan yahin madaxda qaranka marka  loo eego m/weynaha Soomaaliya mudnae Xasan Sheikh Maxamud,gudoonka labada Aqal iyo baarlamaanka 11aad iyo isbedlka ku dhacay shacabka oo siweyn marba marka

ka danbeysa u fahmayo dowladnimada waxa ay tahay iyo horumarada kala duwan ee uu dalku ku talaabsanayo, taasi  oo shacabka ku dhiiragelisay iney garab iyo gaashaan u noqdaan dowladooda, hadane waxaa xusid mudan in aanu maanta marqaati ka noqono in dastuurkii dalkeena laga doodayo mudo aad u fog kedib oo uu hada marayo gabo gabo inagoona maalinta la ansaxinasyo oo ah maalin taariikhi ah si toos ah shacabka ula wadaagi doona,hadaanse u soo laabano muhimada qormadan R/Wasaarsaha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta, kaas oo lagu soo bandhigayey guulaha ay Xukuumadda Dan- Qaran xaqiijisay, caqabadaha jira iyo talooyin ku saabsan sidii la isku waafajin lahaa qorsheyaasha Qaranka iyo barnaamijyada mudnaanta u leh Dowladda iyo saaxiibada caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hey’adaha iyo deeqbixiyaasha in mashaariicda ay ka fuliyaan dalka ay noqdaan kuwo raasumaal leh oo wax u taraya dadka Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda wixii ka danbeeya wadajir loo xisaabtami doono.Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka hartay dunida soddonkii sano ee la soo dhaafay,

haatanna ay lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan kana xawaare badan sidii hore, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.Madasha waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda heerarkooda kala duwan deeq-bixiyeyaasha, Qaramada Midoobay (UN), Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyo marti-sharaf kale duwan.

Weli waxaanu ku guda jirnaa wararkeenii R/SWasaaraha Somaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.Mudane Xamsa waxaa sidoo kale uu u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahim inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Mahad Maxamed Cumar uu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.la soco warakreena danbe.


News in Somalia,Africa and Around the world-Wednesday March 6,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-R/Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maalmahii tagay kulamo kala duwan la qadanayey diblomaasiyiin iyo wafuud kala duwan oo dalkeena hooyo ee Soomaaliya soo gaarayey ayaa dhanka kale xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Sir Philip Barton.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale , wafdiga uu hogaaminayey xoghayaha Mudane Philip Barton ayaa uga mahad celiyey R/Wasaare Xamsa soo dhaweynta diirran, iyagoo muujiyey sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii la soo dhaafay.


Dhanka kale  weli waxaan ku guda jirnaa wararkii R/Wasaaraha dalkeena Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha  dowlada Qatar ee Soomaaliya,Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.


Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.la soco wararkeena danbe 


News in Somalia,Africa and Around the world-Tuesday March 5,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Dalka Soomaaliya oo marka laga hadlayo hanaanka dowligaa kaasi oo dal ahaan iyo dad ahaanba siweyn u ah dal ku socda wadadi dowladnimada marba marka ka danebysana horumaro kala duwan ka sameynayo dhinacyo kala duwan ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ururkaan oo ay horey xubnahiisu u ahaayeen 7 ayaa waxuu dalka Soomaaliya oo ay ku nool yahin shacab karti u leh ganacsiga iyo horumarada kale ee dunida ka jira qaarada Afrika iyo dunida ku noqday  xubintii 8-aad ee Bulshada Bariga Afrika, ka dib markii ay dukumentiga ansixinta u gudbisay Xoghayaha Guud ee EAC , Dr. Peter Mutuku Somaaliyana ay buuxisay sharuudahii dhamaa.

Wafdi xoogan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, kuwaasi oo mudo ku sugnaa magaalaada Caruusha oo ay u joogeen dhammaystirka ku biiritaanka ururkaan muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed EAC, waxuuna madasha saxiixa ka dhacay wadanka uganda magaalada Entebbe oo uu ku sugnaa madaxweynaha Uganda  mudane Yoweri Kaguta Museveni. ugu dnabeyna waxaa soo dhaweyey ku biiristaan Xoghayaha Guud ee EAC.isagoona si weliba mug leh ugu ammaanay Soomaaliya sida ay u buuxisay shuruudaha heshiiska EAC, wuxuuna ku booriyay Soomaaliya in ay ansixiyaan oo ay dhaqangeliyaan shuruucda iyo xeerarka ururka EAC.

Ugu dnabeyn waxaa dhankiisa hadalka qaatay Wasiirka ganacsiga Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi

oo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaadato hadafyada guud ee EAC, sida ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, nabadda iyo amniga.hayeeshee waa guul weyn oo ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaareen mar hadii aanu dib ugu soo laabanay mudo dheer kedib saxada caalamka.la soco wararkeena danbe.


Wareysiga madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud, xili dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed wadaan iyagoo isku duuban dadaalo lagu hormarinayo dalka Soomaaliya oo ah wadan horey u socda dhianca horumarka .hadaba wareysigaan oo ah mid xiiso leh, Daawasho Wacan.


Turkish Foreign Minister Fidan meets with representatives of African countries in Antalya-

Kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkey kedib wasiirka Arimaha dibada Turkiga oo kulan la qaatay diplomaasiyiin ay ku jiraan dalka Soomaaliya.

News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday, March 2,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Kulan si heer sare ah looga soo shaqeeyey oo magaalada Antaliya oo uu ka socdo shirka Madasha Siyaasadda oo dhax maray madaxweynaha

Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Mxamud iyo dhigiisa dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdogan kaasi oo looga hadlay arimo quseey labada dal iyo labada shacab iyo xaalada guud ee gobolka.

Kulankaan oo intii uu socday siweyn looga hadlay iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha xili ay dhawaan baarlamanka Somaliya ee labada Aqal, xukumada iyo weliba madaxweynaha dhamaantood qalinka ku duugeen ayna ansaxiyeen heshiiskaan oo ahaa mid taariikhi ah

madaxweynaha Soomaaliyana markii uu ka soo dhamaadya labada gole ee baarlamaanka iuyo wleiba xukumad aisaguna sharciyan saxiixay,Hayeeshee dhamanba qodobadii looga hadlay iyo weliba masuliyintii labada wadan ee ay hormudka u ahayen labada m/weyne iyo labada dowladod ayaa waxuu ku soo dhamaday guul.la soco wararkena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday March 2,2024-Wararka Arimaha Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Madaxweynaha Turkiga mudane Recep Tayyip Erdoğan,

madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamud iyo madax kala duwan oo ka socotay caalamka oo ka qeybgalay shirka madasha Siyaasada ee Antaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa xafladii furitaanka madasha ka jeediyey qudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay isagoona ka qeybgalay kulamo kala duwan la qadaatay qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeybgalay shirka.Dhinaca kale M/weynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas oo ay dalalka ku teedsan ka mid tahay Soomaaliya oo goob muhiim ah kaka taalo marinkaas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Soomaaliya wada noolaashkaha, 

daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, waxa uuna beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyonaysay Xukuumadda Itoobiya,

kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.


Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.la soco wararkena danbe iyo safarka madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya.


News in Somalia, Africa and Around the world- Friday, March 1, 2024-Wararka Arimaha Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxmaud oo shirka cimilada iyo degaanka oo ka qabsoomay caasimada dalka Kenya ee Nairobi,kaasi oo ay soo ababaushay hayadda qaramada midoobay oo qudbad ka jeediyey,halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay masuuliyiin kala duwan oo aanu ka xusi karno madaxweynaha martida loo ahaa ee mudane Willain Ruto iyo madaxweynaha dalka aanu walaalaha nahay ee Jabouti mudnae Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray wadanka Turkiga isaga iyo wafti uu hogaaminayey. 

Weli waxaanu ku jirnaa wararkii madax qaranka dalkeena hooyo ee Soomaaliya,gudoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka labada aqal oo dadaalo wax ku ool ah oo lagu hormarinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed xili  uu heer fiican marayo in markii ugu horeysay Dastuurka dalkeena oo soo maray marxalado kala duwan uu marayo halkii ugu wanaagsaneyd , ayaa dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre wuu daahfuray amaba hadaanu si kale u dhigno xariga ka jaray howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 oo loo dhisay qaab casri ah halkaasina qudbad ka jeediyey.

RW Xamsa Waxa uu tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay garsoorka iyo caddaaladda, taas oo cadeynaysa in markii ugu horreysay laga dhigay caddaaladda mid kamid ah lixda tiir ee ay Xukuumaddu leedahay.isaga oo uga mahadceliyey hey’adda QM iyo deeq bixiyeyaasha ka qeyb qaatay Dhismaha Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 (Ex Control Afgooye).

Waxaana xariga jarkaan ku wehliyey RW Soomaaliya Wasiirka Cadaalada mudane Xasan Macallin, wakiilo ka socday qaramada midoobay iyo masuuliyin kale oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee dowlada xili dalka Soomaaliya ka smaeynayo horumaro kala duwan dhanka dowlad dhiska shacabka oo dowladooda garab taagana u jiheysteen hagaajinta dalkooda. La soco wararkeena danbe.


News in somalia, Africa and Around the world-Wednesday, February 28,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo maanta gaaray wadanka Kenya halkaasi oo uu uga qeybgalayo shifrka isbedelka cimilada ayaa soo dhaweyn kedib Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada dalka Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William  Semoei Ruto.

 

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee labada dal iyo shacab.Kulnaka ayaa

wada sidoo kale waxaa madaxda labada dal ku wehliyey masuuliyiinta kala duwan oo ka tirsan labada dhinac oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Gaashaandhiga labada mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo dhigisa dalkaas Mudane Adan Bare Duc'ale iyo masuuliyiin kale.

Hayeeshee, wadanka Kenya ayaa marti gelinaya shir ay soo qaban qaabisay hayadda qaramada mdioobay qeybteeda degaanka kaasi oo looga hadlayo isbedelka cimilada halkaasi oo ay madax fara badna iyo haya'ddo caalami ah ka qeybgalayaan,halkaasi oo uu

inta uu joogo madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh iyo waftiga safark aku wehliya uu kulamo kula qaadan doono masuuliyiin kala duwan kuwaasi oo iskugu jira wadanka martida loo yahay ee Kenya iyo madax kale.

Inagoo weli kuguda jirna wararkeena safarka madaxwynaha hadane sawirka ugu danbeeya waxaanu dusha uga qornay kaftana yar madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo wada sheekeysanayo bal waanu isku soo laaban doonaaye kaftankaas aqri maxaa kaaka baxay.kkkkkk. La soco wararkeena danbe.


News in Somalia,Africa and Around the world-Wednesday,February 28,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafti  uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha wadamo badan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Madaxweynahe Xasan ayaa mudada uu ka qeybgalayo shirka ka jeedin doona khudbad uu kaka hadlayo  saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka ee cimilada ee ku socda xawaaraha, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed  ku wajahayaan marxaladaha kala duwan ee ay ugu horeeyaan abaaraha iyo masiidoobinka kale ee dabiicigaa.

Xili uu dalka Soomaaliya yahay mid dhiancakasta horey u socda dowlada iyo shacabka Soomaaliyeeed oo is garabsanayana dagaal kula jiraan argagixisada lagu beeray gudaha dlaka Soomaaliya  ee caqabadda ku ah nolosha aadanaha ayaa haddana waxey Soomaalidu kala mid tahay dunida inteeda kale dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.
M/weyne Xasan oo ay Soomaaliduna u garan ogtahay dal xoreeye ayaa inta uu ku sugan yahay meertadan 6aad ee shirka

looga hadlayo cimilada ayaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan  qaadan doono qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka wadankeena hooyo ee Soomaaliya ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heerarka kala duwan leh ee ka socda dunida..la soco wararjeena danbe.


Dood ku dhisan aqoon oo ay aqoonyahno qaarada Afrika kuwoda bariga Afrika uga hadlayaan fashilka ka raacay Abiy Axmed ku xad gudubka isku daykii fashilmay ee madax bananida dalka Soomaaliya well Done.War Helaa Talo 

News in Somalia, Africa and Around the world-Monday February 26,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Waxaan sidaan horey shacabka Somaliyed ula wadaagnay in ay wararkeena ugu badan noqonayan difaaca madax bananida dalkeena iyo dowlad dhiska dalkeena hooyo ee Soomaaliya oo ay madaxda qaranku sidaan sawiradooda qeybteena kore ku soo qadanay dadalkooda an la dafari karin,dadalo wax ku ool ahna wadaan iyagoo

shacabka dalkeena garab iyo gaashan u yahiin, waan bogaadineynaa sida loogu fashilmay in shacabka Soomaaliyeed kuwooda damiirka leh laga weeciyo qadiyada dalkeena oo meel

fiican mareysa sidaan shacabka ula wadaagnay wararka kuwooda hadba ugu xisaha badan iyo doodaha markasta ku saleysan aqoonta iyo xikmada ee hadba ka hadla xaalada markaasi taagan ee Afrika iyo caalamka,hayeshee bal aanu ku nasano doodaan loo qabtay siyaasiga Yusuf Xasan iyo aqoonyahano reer Kenya ah sida ay u fahamsan yahiin wacyiga ka jira dunida.Dawasho Wacan. 


News in Somalia, Africa and Around the world-Sunday February 25,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud oo caasimada dalkeena Soomaliya ee Mogdishu kula kulmay dibolomaasiin k asocday dalalka Midowga Yurub, Ingiriiska iyo safiirka cusub ee dalka Soomaaliya u jooga dowlada Kenya. Ugu horeyan madaxweynaha ayaa kulan la qaatay  safiirka midowga Yurub u joga dalka Soomaaliya Amb Ms. Karin Johansson,kuwaasi oo ka wada hadlay horumarada kala duwan ee dhanka dowlad dhiska dalka Soomaliyeed, xili dhawaan ay safiirada midowga Yurub mar kale ku celisay in ay ixtiraamayaan madax bananaida dalka iyo dadka Somaliyeed.

 Xili bishii ina dhaaftay  madaxa siyaasada arimah dibada Ururka Midowga Yurub cheif Josep Borrell, m/weynaha la wadaagay in ay si buuxda u ixtiraamayan madax banaanida Somaaliya mar ay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh ku wada hadleen qadka telefonka.

Sidoo kale M/weynaha Somaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtoyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska Mudane James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka, isagoona kaka mahadceliyey Boqortooyada Ingiriiska dadaalkooda.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay sida ay uga go'an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

 

Ugu danbey Madaxweyne  Xasan ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya ay u soo magacawday dalka Soomaaliya Mudane Cyprian Kubai Iringo.

 

Dhankiisa Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.hayeeshee marka laga soo tago kulamada uu madaxweyne Xasan la qatay dibolomaasiinta kala duwan dhawaan ayuu kulan balaaran la qaatay saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xili ay ciidamadu wadan dadaalo war ku ool ah. la soco wararkeena danbe iyo dadaalada dowlad dhiska dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 


News in Somalia,Africa and Around the world-Saturday February 24,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Madaxweynaha Eriteriya mudane Isaias Afwerki oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar oo dhigiisa dalkaa mudane Abdell FAttah el-Sisi kula kulmay casimada dalkaas ee Qaahira.

Labada madaxweyne ayaa ka hadlay arimo badanoo quseeya labada dowladood iyo labada shacab (Eriteiya--Masar).sidoo kale waxey ka wada hadleen labada m/weynexaalada gobolka iyago mar ay ka hadlayeen dalka Soomaaliya isku raacay sida ay muhiim u tahay in la xormeeyo madax banaanida dalka Soomaaliya iyagoo isku raacay in ay ka hor imaanayaan waxkasta oo dhaawaci kara madax bananaidaas kuna taageerayaan,hadise aanu si kale u dhigno afka qalaad-

The two presidents also discussed the developments taking place in the Horn of Africa,where they agreed on the need to respect the sovereignty of the State of Somalia and support it in rejection to all measures that would diminish this sovereignty.la soco wararkeena danbe.


Dibadbaxyo Waaweyn oo lagu taageerayo heshiiska Taariikhigaa ee Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga dhax maray oo lagu qabaty caasimada dalkeena ee Soomaaliya-War Helaa Talo .

News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday February 24,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Wale Mogdishu caasimada  Bilaash uma noqon banaanbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay caasimada dalkeena hooyo ee Soomaaliya ee Mogdishu.

Banaanbaxan oo si qurux badan loo soo ababaulay ayaa waxuu ka dhacay mid ka mid ah garoonada kubada cagta ee magaalada Mogdishu, halkaasi oo ay shacabka iyo masuuliyiinta heer dowlada dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir kula hadleen dadweynahii ruxayey calanka Soomaaliya iyo midkaTurkiga kuwaasi oo iyagoo ay kalsooni weyn ka muuqato soo qaatay boorar ay ku qoran tahay  ( Ka Naxoo Nafta Waay heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya), xili wareysi  saacadahii ugu danbeeyey laga qaaday madaxweynaha Soomaaliya uu si cad u sheegay hadii ay Etoobiya dhulkeena ku soo xad gudubto in ay dalkeena sida ugu adag uga difaaci doonaan., walow aanu inagu dooneyn in aanu ka hor dhacno go'aanada jidka ku soo jira ee weliba Abiy Axmed siduu Habeen u seexdo uu soo toosi doono Muuse Biixi oo Mogdishu jooga, hada waxa la wado oo dhan waa uun af kaliya iyo been siyaasadeed runta markii loo gudbo ayey dunida dhan iskaba daa qaarada Afrikee aduunyadu yaabi doontaa ,maxaa yeelay dowladaha caalamka qaarkood waxey isku qaldan colaadaha kooban ee Soomaalida dhaxdooda u dhaxeeya iyo qadiyada dhuleed iyo mida Badeed marka la difaacayo heerka ay Soomaalida ka joogaan,hayeeshee marka laga soo tago banaanbaxaan iyo qudbada uu kaka hadlay xaalada dalkeena madaxweynaha Soomaaliya dal xoreeye mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo go'aanadii misiriga ahaa ee ay xukumada iyo golayaasha sharci dejinta qaateen shacabka Soomaaliyeedna ku taageereen bal qodobada hoos ku qoran si degan u aqriso muwaadinka Soomaaliyeedow si aad wax badan u ogaado halka tan iyo koowdii bishii Janaayo iyo maanta la joogo wax marayaan.

1- Waxaan ku faraxsanahay in taniyo markii uu Abiy Amxed  ku riyooday inuu ku xad gudbo madax banaanida dalkeena  ilaa maanta hal maalin xitaa lagu fashilmay in laga weeciyo qadiyadan shacabweynaha Soomaliyeed oo har iyo habeen u taagan difaaca dalkooda  weliba Soomaalida Etoobiya ayeyba ka hadlayaan Argagixisadii Soomaaliya ayaa hada leh hadii caawa baarlamaanka Soomaaliya soo saaro wareegto dalka looga saarayo iney ka baxaan ciidamada ajnabiga ah dhamaantood in iyaga lagu ugaarsanayo tuulokasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah oo aysan gudaha Somaaliya sii joogi karin,maxaa yeelay waxey argagixisada Soomaaliya rumeysan yahiin in aysan iyagu aheyn sida ururkii Taaliban oo dadkaasi waxey ahaayeen dad dalka u dhashay oo hadaf ku socday dumar iyo caruurna weligood ma dilin,halka kuwa dalka Soomaaliya ka dagalamo ay yahiin ciyaal suuqiin waxkasta oo xun sameeyn jiray, waana tan keenay in dalka Soomaliya meelkasta lagu dilo maanta argagixisada meeshi ay galaane shacabku soo sheegaan kedib markii ay ogaadeen/dareemeen in ay lumiyeen shacabkii Somaliyeed, waana kuwaan maanta dhul saxaro ah ay Talibaanku ka dhisayaan mashaariicda waweyn ee biyo gelinta  iyo wabiyada gacanta lagu sameeyo,halka kuwaan gudaha dalka Soomaaliya ka dagaalamo ee argagixisada ah hada laga maarmay oo hada magacooda kaliya lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed markii ay ku daneysteen kuwii dalkeena keenay.

 

2- Waxaa kale oo guul u ah dalk aiyo dadka Soomaliyeed in ay arinkaan ku fashilmeen amaba ay ceebtooda banaanka keenaty tiradii ugu badneyd ee siyaasiyiinta Soomaalida kuwooda loogu yeero kuwa fashilmay ee heerarka kala duwan leh ilaa qaarkood markii ay mediyaha ka hadlayaan  in ay hadleen iyo iney wax sheegeen aan la kala jecleyn fashilkoodana waxaad qaarkood ka dareemi kartaan kuwa social mediyaha ka taageera qaarkood heerka ay ka mareyso siyaasada dalka iyo mida caalamka.

 

3- Waxaan ku faraxsanahay isku xirka guud ee shacabka Soomaaliyeed oo aan waayadan mudo 30 sano ah soo marin qowmiyada Soomaalida oo aanu mararka qaarkood u mahadcelino Abiy Axmed sida iyado aysan bilaaban xabadii ugu horeysay uu u mideeyey Soomaalida,weliba waxaan ku qosolnaa Muuse Biixi oo doorasho inuu qabto dooneyn sida uu u fikirayo oo ah intii isag aqof ka danbeeya madax ka noqon lahaa Hargeysa inuu ka doorbidayo inuu Mogdishu la midobo oo ay arimaha uu hada wado ka tahay kaliya waqti dheereys iyo Abiy Axmed beenta ay dalalka qaarkood u sheegayaan faraqa u dhaxeeya sida ay u tahay kaaf iyo kala dheeri.

 

Waxaa taas ka daran Muuse Biixi ilaa 3 jeer ayuu magaalooyinka Seylac iyo Lughaya u diray ciidamo kooxkasta markii ay gaareen waxey arkeen shacabkii oo meelkasta la fuulay hub iyo qalab muuqaal baahiye ah oo dunida lagu tusinayo sida hadii Askari Etoobiyaan ah oo leh waxaan xoog ku qabsanynaa bada Soomaliya halkaas loogu jiid jiido xitaa ciidamadii Muuse Biixi halkaas u diray ee Soomaalida ahaa ragii hogaaminayey ayaa amar ku bixiyey in aan shacabka hal xabad lagu furin ayna yahin kuwa dhulka iska leh qaarkoodna wey so laabteen qaarne shacabkii ayey ku dareen noqdeen taasi oo xaqiijineysa in Abiy Axmed talaabokasta oo uu qaado amaba isku dayo uu ku jabi doono  weliba jabka ayaa kala ah waxuu siyaasad ahaan u bur buri doonaa si aan horey loo arag ayna Soomaalidu sabab u noqon doonto in ay dalka Etoobiya hogaankiisa la wareegaan mid ka mid ah qowmiyadaha kale ee Etoobiya maxaa yeelay waxaan ognahay halka ay ka mareyso Soomaalida.

 

Iskaba daa Somaalidaan ku hoos nool wadamada Kenya iyo Etoobiya hadaan dowlada Jabouti oo ah wadan madax banaan xitaa dowlad ahaan inta siyaasada ku jirta mel iska dhigno shacabka Jabouti dal iyo dibad waxey ku dagaalamaan mediyaha iyagoo arinkaan ku difaaca luqado kala duwan oo ay ku hadlaan,dad badan ayaa u moodaan in aanu iska leenahay iney qadiyadan amaba arinkaan u midoobeen qowmiyada Soomaalida shacab ahaan siyaasad inagu kama hadleyno waxaan ka hadleynaa shacabka Soomalida meelksta oo uu joogo weliba waayadan arinkaan oo kale ma dhicin Soomaalida intaan la ek ee uu dareenkoodu sidan xad dhaafka ah u soo jeedo.

 

4-Waxaan inaga wax qoreyna ku faraxsanahay in maalinkasta na loo soo diro warar iyo sawiro la doonayo si nalooga weeciyo qadiyadan in aanu kuwo aan mudneyn in bulshada loo soo bandhigo inoogu soo diraan shaqsiyaadka qaarkood bedelkiina sidii kacdoonkii ka curtay Hiiraan ee looga soo horjeeday argagixisada iyo kii ka curtay Laascaanood ayaa nalooga weecin waayey ma mid dhulkeena iyo badeena lagu soo xad gudbay ayaa nalooga weecin karaa?. Jawaabta oo kooban waa maya.Maanta intaan ha inoo joogto shacabka Soomaaliyeedna waxaan leenahay bartaas ha laga haayo Beenta waxey dhimataa markii ay runtu timaado, Soomaaliya Argagixiso oo sanadkii 160 milyan oo dolar oo baad ah shacabka Soomaaliyeed ka qaadi jirtay waxaa lagu sababay caruur iyo dumar ay ku xasuuqeen Hiiraan. Mamulkii Hargeysa ee 30 sano lahaa waxaanu nahay dowlad madax banan siduu maalinaksta shacab aan waxbo galabsan ugu xasuusayey Laascaanood malaayiintii dolar ee halkaas ka soo geli jirtay ee baada aheydna waxaa meesh ak asaaray wiilal daraawiish ah.

 

Maanta  waxey maalinba siyaasada Geeska Afrika iyo mida Soomaaliya meelba mar soo joogtay waxaan mareynaa nin Oromo ah oo aan weliba wakiil ka aheyn shacabweynaha Etoobiya oo dhan oo iyagu ku kala tagay dagaalo sokeeyey inuu yiraahdo waxaan xoog ku qabsanayaa qeyb dalka Soomaaliya ka mid ah....... Wale qofku markuusan taariikhdaada aqoon oo uu xisaab qaldan isku soo dhufsado uuna u maleyo inuu dlakaada dayacan yahay waxa kaliya oo wadada saxda ah ku soo celin karo waa in gebigoodna dalkeena laga ceyriyo oo weliba l ajoojiyaa dhamaan calaaqaadka dhianckata uu yahay intaanba xabad iyo rabshado la gaarin kedibna la yiraahdo farti aad qori karto qor, maxaa yeelay mar hadey xabad u dhaxeya Etoobiya iyo Soomaaliya bilaabato buugaag badan oo taariikhda dunida ku biira 100 ka sano ee inagu soo aadan oo xasuus u noqoto caruurta geeska Afrika ku dhalan doonta wuu kala tagidoonaa Abiy Axmed dalka iyo dadka Soomaaliyeed, inagu kama hadleyno beenta siyaasadeed ee inta badan dundia dacaladeeeda lagu kala iibsado waaan ka hadleynaa sida ay ugu yaraan ilaa 7 milyan oo Soomaali ah oo aan xitaa tababar u baahneyn ayaa manat adiyaar ah iney dhulkooda, ciidooda iyo sharaftooda difaacdaan oo 30 ii sano ee colaadaha ka jireen dalka Soomaaliya waxa kaliya ee ay Soomaalidu ka faa'ideen ayaaba ah sida hubka noocyadiisa kala duwan loo rido kkkkkkkkkk.Warlee maan wadeynaa war Soomaali dunidan kalsoonidooda ayey ku joogi jireen kuna joogaan, kuna joogi doonaan yaan lagu qatalmin waxyaabaha yar yar ee iyaga dhaxdooda ah ee looga faa'ideystay argagixisadan caalamigaa iyo shisheeye wadankeena nolol u soo raadsaday  oo ugu danbeyn dhawaan gebigoodba laga saari doono dalkeena waa sida ay dowlada ku qasbi doonaan shacabka ugu danbeyn xaalkuna hada ku socdo.  


News in Somalia, Africa and Around the world-Friday, February23,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Kedib ansaxintii heshiiska taariikhiga ee Soomaaliya iyo Tuukiga ayna ansaxiyeen baarlamaanka labada aqal, golaha wasiirada madaxweynaha Soomaaliyana qalinka ku duugay talaabooyinka waaweyn ee ay dowlada Soomaaliya qaadeyso, xili shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad siweyn ugu diyaar garoobeen difaaca dalkooda iyo sharafta madax banaanidooda,

hadane waxaan si weliba mug iyo miisan leh u bogaadineynaa sida ay Soomaalida kuwoodii damiirka lahaa oo dhan qadiyada dalkooda ugu istageen min waqooyi, Koofur ilaa dhulka ay geeska Afrika kaka nool yahiin qowmiyada Soomaalida,waxaan bogaadineynaa sida ay dhinackasta ugu diyaar garoobeen shacabka gobolada waqooyi siiba kuwa gobolka Awdal well Done.la soco wararkeena danbe.


Maanta iyo Tiknoolajiyada aduunka- Wadanka Turkiga ayaa markii ugu horeysay hawada geliyey diyaaradiisa dagaalka ee Jiilka 5aad,siyaasadan oo lagu magacaabo KAAN. Diyaaradan oo dadka ku taqasusay cilmiga diyaaradaha ku tilmaameen markii ay kaceyso iyo markii ay soo degeyso in ay wax badan ka duwan tahay diyaaradii ay horey u arki jireen iyagoo  qirey in diyaaradan xitaa loogu yeeri karo durbaba in ay tahay diyaaradii Jiillka Lixaad.

Hayeeshee hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo aad diyaardan ku aragto caasimada Soomaaliya ee Mogdishu yeysan layaab kugu noqon,maxaa yeelay Soomaaliya waxey safka hore kaka jirtaa wadamada uu Turkigu doonayo inuu ka iibiyo diyaradahiisa Dronka iyo kuwa Dagaalka.Waxaa kale oo diyaaradan lagu tilmaamay in ay tahay mid uu xawaaraheedu dhereyo mudo badana hawada ku jiri karta iaydoo isku filan heerka ay garsiisan tahay qalabka casrigaa ee loo dhameystiray,

waxaana  maanta ilaa caawa Turkiga looga hambalyeynayaa duinida dacaladeeda marka loo eego heerka u ka gaaray

tiknoolajiyadan casriga ah.Sidoo kale diyaaradan ayaa waxey ku soo aadeysaa  saacado kooban markii ay heshiis taariikhi ah wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga kaasi o ah heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay labada dal wada gareen. Turkiga waxaa horey uguyiilay dalka Soomaaliya qalab casri ah, waan awadan si dhaw saaxiib iyo walaal l atirsan karo ula ah shacabweynaha Soomaaliyeed oo heshiiska lala galay Turkiga aad ugu riyaaqeen.Diyaradan ayaa markii ay soo cagadhiga tay waxaa halmar ku yaacay injineeradii, shaqaalahii iyo shiradahii Turkiga ee sameeyey  sida muuqaalka qeybta ugu danbeysa loog adareemayo, heerka aqoonta ay k agaareen Turkigu un ayahay wadan dhinackasta ay dadkiisa isku tashaden. la soco  warakeena danbe iyo arimaha Tiknoolajiyada dunida.


Dalka iyo Dadka Soomaaliyed oo maanta galay maalin taariikhi ah oo ay malaayin Soomaali ah mudo aad u fog xasuusan doonaan,kedib markii uu dalku la galay heshiis ay shacabku  sugayeen mudo aad u dheer wadanka Turkiga. (What a Great Day for Somalis as well Turkish). War Helaa Talo Hela.

This is a great day, Great people and Great country Somalia- News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday,

February 21,2024- Wararki ugu danbeeyey Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Maanta oo kale ma garaneyno halkii aanu ka bilaabi laheyn maadaama waxa manta dhacay ay yahiin taariikh ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed waqti aad u dheer

Bal aanu ku hormano  heshiiskii tariikhiga ahaa ee ay madaxda qaranka, xukumada, golayaasha sharci dejinta  ee maanta la ansaxiyey heshiiskaas oo ay wada gaareen  wadamada Soomaaliya iyo Turkiga ee iskaashiga iyo difaaca.

 

Hayeeshee hadaanu ku hormaro 24 ki saac ee ina dhaaftay inagoona wararkeena iskugu xijin doono siday u kala horeeyaan

1- Madaxweynaha Soomaaliya  mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa habeenkii xaleyto ahaa iskugu yeeray golayaasha sharci dejinta sida uu u dhigayo dastuurka dalka waxaana labada aqal iskugu yeeray gudoonka baarlamaanka labada aqal.

Ka hor inti aysan kulnaka gud iskugu imaan golayaasha sharci dejinta waxaa kulan deg deg ah iskugu yimid golaha wasiirada xukumada Dan-Qaran oo uu shir gudoominayey RéWasaaraha Soomaliya mudane Xamsa Cabdi Barre kuwaasi oo si aqlabiyad leh u ansaxiyeen heshiska iskashiga difaaca Turkiga iyo Soomaaliya, Daqiiqado kedibna waxaa kulan deg deg ah oo midkaasi la mid ah iskugu yimid golayaasha sharic dejinta  oo iygauna si aqlabiyad leh u ansaxiyeen heshiiskaas.

Keidbna waxaa si tos ah shacabweynaha Soomaaliyeed ula hadlay madaxweynaha Soomaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo sidoo kale waxaa dhankiisa heshiiskaan mid taariikhi ah ku timaamay Réwasaaraha Soomaaliya, madaxda kale ee qaranka iyo guud ahan shacabka Soomaaliyeed.

Hayeeshee marka waxaasi o dhan laga soo tago  waxey aheyd aheyd 19 kii bishii 8aad ee sanadkii 2011 xilig aay Soomaldiu ugu yeeraan duhuradkii ayaa dunida oo xiligaas ka quustay dalka Soomaaliya waxaa ka soo degay diyaarad siday méweynaha Turkiga o xiligaas dalka Turkiga ka ahaa Réwasaare iyo marwada koowaad ee dalkaas,waxey aheyd rajo soo nooleyntii Soomaliya ee ugu muhiimsaneyd xiligaasne Soomaaldiu ma jirin xili ay ugu baahi badneyd dowladnimo iyo ka soo kabsasho. sacaad kedib xiligaas markii hawada galay newska inuu dlakeena booqday madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan waxey Soomaalida oo ah dad leh abaal galeen iney curiyaan heeso lagu amaanayo amaba loogu duceynayo shacabka iyo Dowlada Turkiga oo uu ugu horeeyo madaweyne Erdogan inagoona mar kale si uusan qoraalku inoola dheraan suugantii xiligaa slaga tiri safarkaas mar kale xili munaasib ah soo gaadan doona.

 

Waxaase xusid mudan in manta mar kale uu dalka Soomaaliya madaxdiisa iyo shacabkooda oo isku duuban iaygoo ilaashanayo madax baanaanidooda dhuleed, Badeed, Cireed iyo mida dadeedba ay mar kale dowladaha Soomaaliya iyo Turkigu gaareeen heeshiis taariikhi ah waa markii ay Soomaalidu dhihi jireen markaan oo kale (Tariikh Qadarin Mudan dad bi xasuuste). Turkiga oo ay dalka Soomaliya u yaalaan qalab casir ah amaba waxa afka qalad lagu yiraahdo  latest tachnology ayaa heshiiskan waxuu Soomaalida ka saacidayaa in ay si gobanimo leh u difaacdaan madax banaanidooda, waxaana lagu wadaa in uu baarlamanka Turkigu ansaxiyo heshiiskaan taariikhiga ah oo ay labada wadan wada galeen.Shacabka Soomaliyed oo heshiiskaan doonayey in la fuliyo xili hore ayey maanta u tahay maalin taariikhi ah. Well Done Golayaasha dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed opo dowladooda garab taagan.bal aanu qudbadahii madaxda qaranka qaarkood isla daawano,lana sooco wararkeena danbe.


 

UN Security Council:"Somalia’s sovereignty and territorial integrity need to be respected" -Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay:-" Waa Muhiim in la ixtiraamo Madax Banaanida Soomaaliya" Qudbadii Taariikhiga aheyd  ee uu Golaha Amaanka ee qaramada Mdioobay ka jeediyey Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya  Qaramada Midoobay Amb Abukar Cisman Bale.

United Nations,2024- Kulan ay iskugu yimaadeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay loogana hadlayey xaalada guud ee Soomaaliya halkaasi oo ay warbxiin ka jeedisay wakiilka Xoghayaha guud ee Soomaaliya Catriona Laing oo xilkaan loo soo magacaabay bishii Maarso ee sanadkii tagay mana ahan markii ugu horeysay ee ay dalka Soomaaliya ka shaqeyso oo waxey  intii u dhaxeysay sanadahii 1993 ilaa laga soo gaaro 1994 waxey Qaramada Midoobay u joogtay Xafiiska Horumarinta ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kulankaan hadal ka jediyey diplomaasiyiinta caalamka u jooga Qaramada Midoobay.hayeeshee waxaanu shacabka Soomaaliyeed la wadeegynaa qudbadii taariikhiga aheyd ee uu halkaas ka jeediyey

Safiirka Soomaaliya u fadhiya UN-ka,xili dadka wakiilka uga ah dalka Soomaaliya amaba u fadhiya hayaddaha caalamigaa ay yahiin rag iyo dumar aad u fir fircoon.hadane bal aanu isla dawano Qudbadan oo hadii ay dhageystaan shacabka Somaliyed iska daaye kuwa Etoobiya, shacabweynaha qaarada Afrika iyo kuwa caalamka si waadax ah u fahmayaan in madaxda Etoobiya ku socdaan siyaasad aysan xitaa garaneyn iyaga ku dhiraday halka ay ku dhamaan doonto ,laakinse Soomaalidu garanayaan halka ay ku dhamaaneyso in ay tahay midnimada Soomaaliya oo xoogeysata iyo Soomaaliya oo ugu danbeyn dhulkii ka kaka maqnaa dalalka geeska Afrika soo ceshta waa hubanti taas,kedib markii leysku riiqmo maxaa yeelay kii rag ahaa idaa kukuma daayo aan isdeyno maahane, aan isdaynona waxey ku timaadaa in dhiig fara badan loo daadiyo gobanimada iyo madax banaanida dhuleed iyo Badeed uu hadba wadan dunidan ka mid ah leeyahay markii lagu xad gudbo shacabkiisa marnaba looma tilmaamo sida ay u difaacanayaan siyaasada inta markaasi ku jirta wey sameyn karaan waxa la yiraahdo af gobaadsi,hayeeshee hadaan arinkaan meesha ay hada joogto lagu joojin wax badan oo aan hadhaw waxbo laga qaban karin ayey gaari doontaa. la soco wararkeena danbe.



News in Somalia,Afrika and Around the world- Tuesday,February 20,2024- Wararka Arimaha Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Madaxweynaha  dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed halkkaasi oo uu  cutubyo ka tirsan ciidanka kaka qaatay salaan sharaf  ciidamada iyo saraakiisha ayaa amaba hadanu si kale u dhigno kala hadlaey arimo ay ka mid ahaayeen hirgelinta, horumarinta shuruucda

dalka, ladagaallanka Musuqa iyo isticmaalka Maandooriyaha. oo uu  madaxweyne dal xoreeye kala hadlay ciidanka, xili qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ay dhinackasta uu isbedel xoogan ka muqdo sanadba sanadka ka danbeeya. Dhanka kale inagoo wararka madaxda qaranka is raacineynaa RW Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa

dhankiisa kulan la qaatay mid mid ah wasaaradaha ay ka koban yahiiin xukumada dan qaran, siiba wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada  qeybteeda Duulista Rayidka oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u heysa shaqo aad muhiim ugu ah bulshada horumaro waaweyna ka asameysay dhiancyo badan  ayuu RW Xamsa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka.

 

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Monday February 19,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Shir madaxeedka Ururka midowga Afrika oo madaxda qaarada Afrika  madax kale iyo ururo caalami ah oo ka socda dunida inteeda kale ay ka qeybgaleen oo la soo gabo gabeeyey iyadoona halkaas laga soo saaray warmurtiyaad dhinacyo kala duwan taabanayey sida Muranada ka jira gudaha qaarada Africa arinka colaada Gaza iyo arimo kale oo badan.

Sidoo kale intii uu socday shirkan oo labo maalin ahaa ayaa waxaa hogaanka shir gudoonka oo uu horey u hayey  madaxweynaha  Iskutaga Comores mudane Azali Assoumani kala wareegay madaxweynaha jamhuiryada Mauritania, mudane Mohamed Ould Ghazouani oo ay madaxda qaarada Afrik au doorteen inuu xilkaan qabto.xilkaan ayaa waxaa sanadkii 2022 soo hayey madaxweynaha wadanka Senegal mudane Macky Sall.Hayeeshee hadaan u soo laabano warmurtiyeedka  waxaa qeyb ka ahaa madax banaanida Soomaaliya oo uu midowga Africa ku celiyey mar kale in ay tahay lama taabtaan wadankasta madax banaanidiisa.la soco wararkeena danbe.


Ali Jeyte Osman  The current  President of Hiiraan State of Somalia the most admired Somali leader across the country Once Again become  2024 Person of the Year- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan ee Soomaaliya Mudane Cali Jeyte Cismaan oo mar kale noqday shaqsiga sanadka 2024.

 News in Somalia, Africa and Around the world-Monday, February 19,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Madaxweynaha Hiiraan State halgamaa mudane Cali jeyte Cismaan oo sanadkii tagay noqday shaqsiga sanadka kedib markii ay shacabweynaha Soomaaliyeed u qireen inuu yahay hogaamiyaha ugu shacabiyada badan dhulka ay Soomaalidu degto ee geeska Africa iyo Soomaalida qurbaha ayaa mar kale noqday shaqsiga sanadka 2024.

Halgamaa Cali Jeyte oo mar uu dhawaan booqasho ku marayey qeybo ka mid ah dhulweynaha Hiiraan State ayaa waxaa soo dhaweyntiisa meelkasta iskaka yimid kumanaan dhalinyaro ah, waa hogaamiye meeshii uu tago iyadoo aysan shacabku cidna u yeerin ay si mug leh iskugu soo baxaan waxyaabaha ay shacabku ku jecel yahiin ayaa waxaa kaalinta koowaad ku jira daacadnimada uu dadkiisa u yahay iyo siyaasadiisa oo aan ku dhisneyn is tus tus waana nin ku wanagsan go'aan qaadashada,waa nin isaga iyo  bulshoweynta Hiiraan ay yahiin kuwo ku nool xaqiiqada.

 Waa shaqsi aad u jecel dalkiisa iyo dadkiisa iyadoona sidan xog aruurin ku sameysnay inoo soo baxday uu yahay shaqsi siweyn dhulka Hiiraan looga jecel yahay oo meeshii uu tago 

shacabku aad iskugu soo baxaan,mar aanu weydiinay shacabka waxa uu halgamaa Cali Jeyte kaka duwan yahay siyaasiyiin badan oo ay u jecel yahiin waxey inoogu sheegeen in uu yahay shaqsi daacad ah, arintaas oo Somaalida maanta nool aad ugu yar,waxaan leenahay mar kale madaxweynaha Hiiraan State Halgamaa Cali Jeyte hambalyo mar kale. la soco wararkeena danbe ee Soomaaliya, Afrika iyo caalamka.   


War Deg Deg ah-Talaabooyinka ay dowlada Soomaaliya qaadeyso kedib dhacdadii xarunta midowga Africa oo ay u badan tahay 3 qodob midkooda hadeysanba 3da qodob halmar wada dhici doonin.

1-Safaradaha oo la kala rarto inta ay shacabweynaha dalka Etoobiy aka helayaan madax iyo dowlad diyaar u ah deris wanaag,waa sidey Somalidu rabaan.2- Dulimadyada labada wadan oo la joojiyo,diyaradaha dhana la yiraahdo waa iney sida dunida kale badankod la sameeyo ay soo maraan caasimada dalka waa sida inoo muuqata halka ay arinkaan ku dhamaan doonto,waa sida ay Soomaalidu rabaan.3- Ciidamada Etoobiyaankaa oo dalka laga saaro waa sida ay shacabka Soomaaliyeed rabaan.

 

 Hadii ay dowladu halmar talabooyinkaas qaado waa ku mahadsan yahay in uu m/weynaha diiday la kulanka Abiy oo aad u daneynayey,hadane waxey shacabku sugayaan midka la hormarin doono sedaxdaan qodob amaba wey awoodaa dowlada Soomaaliya in ay halmar dhamantod fuliso.weli leysma gaarin.war helaa talo hela.


Soomaaliya oo Etoobiya si fiican u fashilisay Siyaasad ahaan,Qodobada ugu waaweyn ee ay Soomaalida kaka guleysteen  Madaxda Etoobiyaanka Marka loo eego siyaasada ka bogo halkaan.War Helaa Talo Hela.

News in Somalia, Africa and Around the world- Sunday, February 18,2024- Wararka  Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Caawa oo kale markii uu dalkaadu dhinackasta ka sameynayo horumar dhanka siyaasada iyo dowlad dhiska ah waxaa shacabka Soomaaliyeed kuwooda xalaasha ah ee aan iyagu ku nooleyn qiyaaliga arinka looga bilaaba halka ay ka jirto

 waxaan horey shacabka ula wadaagnay in 4 maalmood kedib markii ay soo baxday in R/wasaaraha Etoobiya ku xad gudbay madax banaanida dalkeena waxaan halkaan ku soo qornay in Etoobiya iyo weliba intii arinkaan kula jirtay  Soomaali iyo ajaaniiba fashilmeen.

Waxaa kale oo aanu qoraaladeenii hore ka mid ahaa inta arinkaan lagu guda jiro in aanu Soomaalida kuwooda fashilmay aan iyaga ka hadalkooda dib u dhigan doono weliba xili munaasib ah kusoo aadin doono, waxaanse caawa inagoo weliba qosol isku celin weynay heerka ay ka mareyso siyaasada hogaamiyaha dalkaas Mr Abiy, walee Etoobiya mar kale ma sheegin laakinse hada wax siyaasad ah kuma harin. madaxweyne Xasan Sheikh caadi maahan xaqiiqadii siyaasada hada taalo dunida si fiican ayuu ula qabsaday.hayeshee bal aanu u daadagno muhiimada warbixinteena.

Horta dhalinta Soomalaiyeed ee aan garaneyn afka Soomaaliga waxaan qormadan ugu soo koobnay sawirka ugu koreeya farta gaduudan ku qoran, waxaanse Soomaalida qeybtaan ugu kala qaadeynaa dhawr qeybood waxaase caawa guul ah in meelkasta oo dunida warbaahinteeda ka mid ah newska ciwaan looga dhigay Ethiopia Tried to Block Somali president From AU Summit kkkkkk ciwaankan kaliya ayaa u baahan in laga sameeyo warbixin kooban inagoo mataal uga dhigeyna waxyabo hada ka hor gudaha Soomaaliya ka dhacay oo markii aanu midkasta Soomaalida u dul istaagnay ay nala fahmeen xaqiiqada halka ay ka jirto markaas ayuu qofkasta oo Soomali ah fahmi karaa waxa aanu ka hadleyno amaba si rasmi ah u fahmi karaa heerka u gaarsiisan yahay fashilka siyaasadeed ee Mr Abiy waxaani oo dhan waa halka ay hada wax marayaan.

 

1- Layaab marnaba naguma noqon doonto hadi aanu aragno  Xarunta midowga Afrika marar badan wax leyska weydiiyey in ay mudan tahay in ay ku sii taalo halkaas oo loo raray mid ka mid ah dalalka Bariga Afrika, amaba mid ka mid ah wadamada Koofurta Afrka amaba mid ka mid ah wadamada Galbeedka Africa amaba mid ak mid ah wadamada Waqooyiga Afrika amaba ugu danbeyn mid ka mid ah wadamada Afrikada dhexe.

 

2-Waxaa laga yaabaa in aysan dad fahmi karin waxa madaxda Etoobiya gaarsiiyey iyagoo og  halka lagu shirayo in ay tahay xarunti midowga Afrika oo la wada ogyahay masuuliyada iyo aqlaalda dheerigaa ee lag adoonayo dalalka ay ku yaalan xarumaha hayddaha caalamiga ah.

 

3- Waxaa laga yaabaa in ay  Soomaalidu waxii maanta dhacay ku kobnaayeen Soomaalida waxaa ka horeeyey masuul la doonayey intii uu shirku socday in uu k aqudbeeyo oo uu ka hadlo dhianca waxbarashada in markii uu qudbadii bilaabay laga jartay cod baahiyahii oo uu garan waayey wax u sameyo ilaa markii danbe la yiri soo istaag ee halkaas ku hadal.

 

4- Waxaa laga yaabaa  in waxii intii uu socday shirka qaladaadkii badnaa ee dhacayey loomaleeyo in ay masuul ka ahaayeen madaxda ururka midowga Afrika,hayeeshee arinku sidaas iyo wax u dhaw ma aheyn oo waxaa jiray inti uu socday shirka  dagaalo ka socday gudaha Etoobiya marka arintii lagu sameeyey madaxweynaha Soomaaliya waftigii la socday waxey aheyd arin ladoonayey in waxii markaasi socdsay looga weeciyo shacabka dalka Etoobiya mushkilada ka jirta gudahooda. 

 

5- Qodobka ugu danbeeya ee u baahan in bulshada loo bihdhaamiyo waa in Etoobiya ka xumeyd in uu dalkooda ka dhaco kulan ay isku arkayan madaxda ku bahobay dalada bariga Afrika maadaama aysan iyagu ka mid aheyn, sidoo kale waxey diidaneyd kulan ay isku arki lahaayeen urur goboleedka IGAD maxaa yeelay meelkasta waxaa siyaasad ahaan kaka guuleystay Soomaalida oo iyagu ah kuwa wadada saxda ah ku taagan.

 

Waxaanse caawa aad ugu qosolnay wiil Oromo ah oo si wanaagsan afka Soomaliga u bartay oo mediyahiisa soo dhigay isagoo af Soomaali ku hadlaya oo leh madaxweynahii Soomaaliya sida loogu bah dilay Addis Ababa ee kedibna ay kuwo Soomaali ah warkii ay isagaas ka soo qaateen bulshada sidii ugu soo gudbiyeen, Soomaalida waa lagartay iyaga kuwaas in badan oo ka mid ah waanu garaneynaa oo waa labo kooxood oo kuwona waa views raadis kuwona 6dii bilood kasta waxaa lagu soo daayaa mediyaha oo waxey iskugu jiraan kuwa afkooda ku hadla siyaasiyiin fashilmay, kuwo raadis ugu jira kursi siyaasadeed oo loo siiyo hadba qof ay qaraabo yahiin kkkk!!!,kuwaas oo kale intuu mediyaha ka daawado Abiy Axmed ayuu Soomaalida oo arimaha hada socda dal iyo dibad iska warqabaan una midoobay arimaha dalkooda ku qatalmi doonaa kkkkkkkk.

 

Guul iyo Gobanimo waa in aanu Ururka midowga Afrika xaruntiisa cusub dhul ka siino gudaha dalkeena inagaa isku wadi karna shacabweynaha qaarada Afrika iyo kuwa caalamkee.Soomaaliya Hanoolaato.


Qudbadii Taariikhiga aheyd ee uu madaxweynaha dalkeena Mudane Xasan Sheikh ka jeediyey shirweynaha Midowga Afrika, Soomaaliya Warkeeda waa cad yahay .

News in Soomaaliya, Africa and Around the world-Saturday,February 17,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Waxaan marka hore bogaadineynaa qudbadii taariikhiga

aheyd ee uu madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ka jeediyey shirweynaha Midowga Afrika meertadiisa 37aad qudbadaas oo gaartay halkii loogu talo galay.  

Hayeeshee madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa sicad ugu sheegay in madaxda qaarada Afrika ka hadlaan dulmiga ay Etoobiya ku soo qaaday madax

bananida dalkeena,iyadoona ay madax badan oo ka tirsan midowga Afrika  ay qudbadii

madaxweynaha Somaliya oo aheyd mid dhinackasta ka diyarsaneyd ay aad ula dhaceen,  bal horta intii aanan isla gaarin wararkeena kale aanu isla dawano marka hore kedibna waxaanu isla aadeynaa wararkeena kale, xili ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u aheyd guul weyn iney shirkaan ka qeybgalaan m/weynaha Soomaaliya iyo waftigiisa maxaa yeelay Soomaaliya warkeda wuu cad yahay fariintii ay wadayna wey gaarsiisay qaarada Afrika iyo caalamka.Well Done,xili ay isku daykasta oo ay Abiy iyo koxdiisu isku dayen siyasad ahaan laga guuleystay,

kedibna caro kala dul dhaceen waftigii madaxweynaha Soomaaliya kkkkk, waxey u badan tahay in xarunta midowga Afrika laga rari doono Addis Ababa xili aan fogeyn.


News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday,February 17,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo Caalamka-Ra’iisul Wasaaraha dalkeena hooyo ee Soomaaliya  Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulamo muhiim la qaatay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka,xili uu booqday Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa kulamo uu la qaatay waxa uu la wadaagay warbixinno muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta,Arrimaha Siyasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay.

Waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixin gaar ah ka siiyay Guddoomiyeyaasha labada Aqal dadaalka ay Dowladdu galisay difaaca madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Qarankeenna oo ay Itoobiya si gurracan u damacday in ay ugu xad-gudubto Dalkeena, waxaana arrintaas Dowladdu ka soo hoysay guulo diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah.

RW Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo marka lag a soo tago dadaalda wax ku oolka ah ee ay wado xukumada Dan-Qaran ku dheraday in Xukuumadda DanQaran oo barnamijkedasiyaasadeed ee ay horgeysay Baarlamaanka uu ka mid ahaa qabyo-tirka Dastuurka KMG ah, ayaa juhdi dheeri ah galisay sidii dastuurka looga saari lahaa ku-meel gaarnimada, si dalku u yeesho Dastuur dhammeystiran oo ay ku cad-yihiin arrimaha asaasiga u ah Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale RW Soomaaliya ayaa ku amaanay baarlamaanka labada Aqal dadaalkooda wax ku oolka ah ayaa dhankiisa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa amaba hadaanu si kale u dhoigno sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku suntan yahay in uu yahay goleyaashii ugu shaqada iyo dadaalka badnaa, iyaga oo meel-mariyay shuruucdii iyo Xeerarkii ugu badnaa, waxuuna ku bogaadiyay gudo-gelidda doodaha la xiriira dhameystirka dastuurka.hayeeshee inagoo weli ku guda jirna warakreenii

madaxda Qaranka ayna inoo soo socdaan wararkeenii safarka madaxweynaha dalkeena Mudane Xasan Sheikh ayaa dhanka kale kulan uu la qatay safiirda dalalka Carabta u jooga wadanka Etoobiya kaka mahadceliyey garab istaaga ay jaamacada Carabtu u muujiyeen dalka iyo dadka Somaliyeed, xili kulamo muhiim u ah dalkeena iyo dadiisu ay ka wadaan m/weynaha iyo waftiga safarka ku wehliya iyo safiirka dalkeena u jooga wadankaas uu ka

 

dhacayo shirweynaha meertada 37aad ee midowga Afrika.la soco wararkeena danbe iyo dalka Soomaaliya oo noqday wadan horey u dhaqaaqay dunidana ay dadkiisu hada kedib wax la qeybsdanayaan iyadoo ay inoo soo socdaan qudbadii qiimaha laheyd ee uu madaxweynaha dalkeena ka jeediyey shirweynaha midowga Afrika siyaasadaha hadba sidey u kala horeeyaan loo qaadayo oo ay la soo baxeen dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed marka ay arinku noqoto madax banaanida dalkeena iyo warar kale oo xiiso leh oo ku saabsan safarka madaxweyne dal xoreeye.Soomaaliya Hanoolaato.


News in Somalia,Africa and Around the world-Friday, February 16,2024-Wararka Somaliya, Afrika iyo caalamka- Kedib soo dhaweyn diiran madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo gaaray caasimada dalka Etoobiya ee Addis Ababa ayaa dhanka kale waaxaa sidoo kale gaaray halkaas madaxda qaarada Afrika oo uu shirka meertada 37aad ee shirweynaha midowga Afrika.

 Dalka iyo Dadka Soomaaliya oo uu shirkaas uga qeybgalayo madaxweynaha dalkeena hooyo ee Somaliya halkaasi oo aanu sidoo kale ku raxeysano calankeena muunada leh ee midabka cirka oo kale leh kaasi oo si aan horey loo arag ugu soo laabtay saxada caalamka kedib markuu dalkenu ku talabsaday amaba horumar ka sameeyey hanaanka dowlad dhiska, xili

aanu dhawaan ku biirnay dalada iskaashiga bariga Afrika ( EAC)oo ah Dalad horumarineed oo ay ku kala faa'ideysanayaan dalalka ku bahobay ee bariga Afrika. inagoo weli ku guda jirna wararkena dowlada Soomaaliya amaba xukumada Dan-Qaran.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirizaaq Cumar Maxamed mar uu ka hadlayey dadaalo wax ku ool ah oo mudo soo socday in ay hada marayaan meel wanaasgan laguna rajoweyn yahay inta uusan dhamaan sanadkan in la dhaqaajin doono howlo badan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed muhiim u ah.

 

Marka laga soo tago safarka madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh, dadaalka guud ee ay wadaan madaxda qaranka/xukumada Dan- Qaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee dhameystirka Dastuurka iyo sida ay shacabku u garab taagan yahiin dowladooda ayaa waxey muujineysaa in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay qaadeen wadadii dowlad wanaaga iyo horumarka.la soco wararkeena danbe iyo shir madaxdeedka malinta berito ah madaxcda qaarada Afrika uga furmaya xarunat midowga Afrika. Soomaaliya Hanoolaato.


News in Somalia, Africa and Around the world-Friday,Febraury 16,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray caasimada dalka Etoobiya ee Addis Ababa,halkaasi oo uu ka furmayo shir madaxeedka ururka midowga Afrika oo sanbadkan loog ahadlayo arimo badan oo muhiim u ah shacabweynaha qaarada Africa.

Dhanka kale shirkan uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga qeybgalayo madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti ku wehliya safarka ayaa marka laga soo tago dalalka kale ee qaarada Afrika hadane dalka Soomaaliya oo ah wadan muhiim u ah bulshada bariga Afrika iyo kuwa guud ee qaarada Afrika amaba caalamka ayaa shirkaas inta uu socdo ku soo bandhigi doona aragtidii iyo fikradahii wanaagsanaa ee looga bartay Soomaalida.

Iyadoo ay wararkreenii kale halkeedii inooga sii socon doonaan  la soco safarka uu madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya mudane Dal xoreeye uu ku joogo wadanka Etoobiya.


Egypt- Turkey,2024- Madaxda Turkiga iyo Masar oo kulan ku qaatay magaalada Khaahira ,kedib booqasho sanado badan kedib uu halkaasi ku tagay madaxweynaha Turkiga Erdogan halkaasi oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaas Madaxweyne Sisi.

Hayeeshee madaxweyne Erdogan oo inta badan wadooyinka magaalada Qaahira loo xiray intii uu ku guda jirya safarkiisa ayaa hadane waxaan shacabka Soomaaliyeed halkan ku soo gelinay warbiixntii oo dhameystiran.taabo halka ay ku qoran tahay ( Click Here).la soco warakreena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world- Friday, January 16,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh A Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madax sarre oo ka tirsan Dowladda Mareykanka waxaana waftiga hogaaminaysay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda USA ee Afrika Molly Phee, Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika Amb. Micheal Hammer iyo Amb. Shane Dixon oo ah Siihayaha Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayey xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dal ayaa inta uu shirka socday waxay isla soo qaadeen heshiis beenaadkii ay wada-galeen Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, ayuu Guddoomiyuhu tilmaamay in madax banaanida dhuleed iyo badeed ee dalka aan lagu soo xadgudbi karin, waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in Dowladda Mareykanka ay mowqif adag ka taagan tahay Ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya. Dhanka kale dowlada Mareykanka ayaa xusay in uu taageeraayo dhameystirka Dastuurka KMG ee Soomaaliya oo ahda maraya meel wanaagsan.

Ugu danbeyna dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Mudane  Adan Maxamed Nuur (Madoobe)ayaa uga mahadceliyay taageerada Dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya, oo ay ugu horreyso arrimaha ammanka, dib u dhiska dalka, dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale boggaadiyay sida ay ula shaqeeyaan wadamadda beesha caalamka iyo taageerada Soomaaliya ay siiyaan, isagoona xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku talaabsatay horumaro kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

 

Hayeeshee dalka Soomaaliya ayaa marka laga hadlayo hananka dowladnimada waxuu marayaa halkii ugu wanaagsaneyd  waxuuna malayiin Soomali ah rajoweyn oo dhanka dowladnimada ah ku xambaaray in maanta Dastuurkii dalkeena oo ah mustaqbalka umada uu marayo meel gabo gabo ah oo ay aad ugu riyaaqeen shacabku durbaba,kedib markii uu dlku ka soo kabtay fowdadii siyasadeed ee uu mudo ku soo jiray shacabkuna  ay dowladooda siweyn u garab istaageen.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Thursday,Febraury 15,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Heshiiska oo ay kala saxiixdeen labada dowladood waxaa u kala saxiisay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo sii hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goob joog ahaa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka Kaaliyaha Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika..

Madaxweyne Xasan oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada heshiiska ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseed u noqon doono in dowladda Maraykanka ay kordhiso taageerada iyo tababarrada ciidamada Soomaaliyeed,qeybtooda DanabDalka Mareykanka aya ka mid ah wadamada dhinacyo kala duwan ugu taageera dowlada Soomaaliya, halka ay si joogto ah u tababaraan ciidamda Danab ee ka howlgala dalka Soomaaliya.la soco wararkeena danbe.


Soomaalida oo dal iyo dibadba siweyn ugu midoobay qadiyada Madax Banaanida dhuleed iyo Badeed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

News in Somalia, Africa and Around the world-Tuesday February 13,2024-Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Waxaa jirta Xikmad caan ka ah gayiga Soomaalida amaba hadaanu si kale u dhigno Soomaalida dhaxdeeda taasi oo dhaheysa (Adigoo xor ah dhalo, adigoo xor ah dunidan ku nolaaw adigoo xor ahne dunidan ka tag).Hayeeshee qormadan oo aanu ku soo koobi doono dhawr qodob iyo guulaha ay Soomaalidu ka gaareen hanaanka dowlad dhiska ilaa aanu maanta mareyno in uu dalkeenu yeesho Dastuur sax ah mudo 30 sano kedib. Waxaa kale oo aanu bogaadineynaa Allah ka sokow ficiladii uu dhawaan qaaday hogaamiyaha qowmiyada Oromada Mr Abiy Amxed Cali oo isgau Soomaalida mideeyey inagoo og weliba in uu ku bixi doono nolol oo uu ku waayo xukunka dalka Etoobiya iyo geeri midkood arimaha hada socda haduu si wado ku xad gudubka dhuleed iyo mida Badeed ee dalka iyo dadka Soomaliyeed,mark alaga soo tago shaqsiyaad iyo kooxo aan wax xal ah u heynin Abiy Axmed oo been u sheegeen iyadoo la ogyahay sida ay Soomaalidu u yahiin Risk Taker oo hadii uu hal tilaabo oo xad gudub ku ah madax banaanida dalkeena uu ku dhiirado in la qaadi doono talaabooyin k abaaxad weyn kana culus mida uu qaadayo sidaan qoraaladeenii hore ku soo qaadanay hadana ku celineyno Soomaaliya dal ahaan iyo dad ahanba waxii laga  soo sameeyey wadamo badan oo lagu xad gudbay madax bananidooda dhuleed iyo midoda Badeed iska daawanayey ma noqon doonaan taasi waa hubaal oo weyba cad tahay durbaba.

Sidoo kale waxaan bogaadineynaa gudoonka baarlamaanka iyo goloyaasha sharci dejinta iyo madaxda qaranka oo iyagoo taageero xoogan ka helaya shacabka Soomaaliyeed dalka u jiheeyeen halkii ay bulshada ka jirtay dowladnimada.waxaan bogaadineynaa in uu dalkeena oo 2011 lagu tilmaami jiray wadamada fashilmay markii uu safar taariikhi ah ku tagay caasimada dalkeena madaxwweynaha Turkiga mudane Erdogan waxii ka danbeeyeyna uu maalinba meel soo joogay dalku ilaa aanu maanta ka hadleyno Dastuurkii dalkeena oo gabo gabo maraya, dalkuna uu yeelan doono dastuur sax ah.

 

Waxaan bogaadineynaa oo aanu si weliba mug leh u bogaadineynaa sida ay saacad saacad u fashilmayaan shaqsiyaad iyo kooxo uu dalkaan ka degi waayey mudo aad u fog kedib markii shacabkii oo hada il baxeen aadna u fahmeen dowladnimada waxa ay tahay ay ceebtooda banaanka keeneen

 

Waxaan bogaadinynaa in ay siyaasiyiintii, shaqiyaadkii iyo kooxahii ajaanibta intey beenta u sheegaan sidi ciyaal weeradii u dhaqmi jiray ay hada ku soo koobmeen tiro kooban oo la wada garanayo oo siyaasada Soomaaliya ka quusteen. kedib markii shacabkii Soomaaliyeed kuwoodii damiirka lahaa oo reerkasta oo Soomaali ah ka kooban uu damiirkoodu shaqeeyey.

 

Waxaan bogaadineynaa inuu dalkeena ka mid yahay wadamada ay madaxda caalamka ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed saaxiibka dhaw la ah ay hogaamiyaashooda soo booqanayaan xiliyo kala duwan mustaqbalka dhaw iyo kan fogba iyadoo aan cidina looga heybeysaneyn difaaca iyo madax banaanida dalkeena.daawo muuqaaladan iyo midka ka koreeya oo ah mid ka mid ah kulamada Soomaalida dal iyo dibad uga socda,kedibna markii aad daawato sii aqri oo dhameyso qormada inta ugu danbeysa.

Soomaali badankeed horeyna waan ugu sheegnay hadana waan ugu celineynaa ma dooneyno in aanu hada Soomaalida kuwooda losers-ka ah heerarkey doonaan haka joogaan maqaamka dalkeenee in aanu hada ku mashquulidoonin ka hadalka iyaga  oo  aanu shacabka Soomaaliyeed uga heyno warar xiiso leh sidey u fashilmeen iyo heerka ay bulshada maanta ka joogaan, waxaanse kaliya bulshada la wadaageynaa guulaha ay gaareen durbaba iyo fashilka ku dhacay qorshahii la doonayey in lagu xad gudbo madax banaanida dalkeena heerka uu baaxadiisa gaarsiisan yahay hadii ay Soomaali badan ogaan lahaayeen midkasta halka uu joogo ayuu  ka sii dabal degi lahaa,maxaa yeelay waxaani oo dhan markoodii hore waxey ahaayeen arimo ku kooban dano shaqsi marka laga soo tago shisheeyahii arinkaan dhicisoobay ku lugta lahaa ee adeegsanayey Abiy Axmed dhianc akale waa waxa aanu dib ugu dhiganay ka hadalka shaqiyaaadka Soomaalidaa ee arinkaan ku lugta lahaa ama ha jogaan Jabouti,Hargeysa amaba Mogdishee,hadane waxaa dhacay fashil aad u weyn.

 

Ugu danbeyn waxaan bogaadineynaa dhalinta  Soomaaliyeed ee kunool gobolka Awdal ee taageerada xoogan ka helaya Soomaali oo idil shaqada baaxada leh ee qabteen inagoo aanan wax bdan k ahor dhaceyn fashilada cusub ee jidka ku soo jira heerarka ay kala yahiin. sideedaba siyaasada waxaa sidii ruwaayadii jili kara shqsi, koox amaba tiro bulshada ka mid ah  weliba markii ay tahay been siyaasadeed, waxaase beentaas meesha ka saaray hadba xaqiiqada ka jirta halkaas.

 

Waxaan 100% idiin xajineynaa arimaha hada socda oo dhan Abiy Axmed waa ka dhacsan yahay ama  shacabka Etoobiya iyo kuwa Soomaaliya ha rumeystaan ama yeysan rumeysan,howsha isagu halkii la rabay oo aheyd inuusan Muse Biixi doorasho qaban oo shacabka gobolada waqoyi kuwooda ku nool Hargeysa iyo nawaaxigeda kaliya loo jilo ruwayad wuu soo garsiiyey, waxaase siyaasad ahaan ka faa'idey arimaha haatan socda shacabka gobolka Awdal iyo shacabweynaha Soomaaliyeed oo iyagu arinkaan u midoobay.la soco wararkeena danbe ee dalkeenii hooyo ee Soomaaliya.


News in Somalia, Africa and Around the world-Monday, February 12,2024-Wararkii ugu danbeeyey Soomaaliya, Afrika iyo caalamka.War Helaa Talo Hela- Waxaan marka hore bogaadineynaa subaxii ay cad ceedu soo baxdo ilaa ay ka dhacdo maalinkasta sida ay shaqsiyaad badan oo Soomaali ah oo isku sheegi jiray amaba iskuarka iney yahiin siyaasiyiin xitaa hadey maalintii mediyaha 10 jeer ka hadlaan aysan jirin cid Soomaali ah oo u jixin jixeysa borobagaandadooda amaba dhageysanyeso waxaana arinkaan guusheeda Allaah ka sokow leh Shacabka Soomaaliyeed oo hada si fiican u fahmeen wax badan oo dadku hada waa soo jeedaan oo qofkii Soomaali ah ee been la cararayo iyo kii u shaqeeya shisheeye iyo ii intuu 100 dolar la baxo iska soo duubo 10 daqiiqo ee muuqaal ah kaliya hebelaa yiri si loo dhaho,intaba oo xitaa Soomaalida iska daaye shisheeyahii uu u shaqeynayey ay iyagu xitaa fahmeen in uu dalka Soomaaliya ka dhacay isbedel xoogan oo ku dhacay shacabka oo wax badan ka bedeshay qaabkii dalka Soomaaliya loogu wada noolaan jiray, waana halku dhiga aanu ugu magac darnay shacabku hada waa soo jeedaa.qeybtaan aanu ka hormarinay calanka Soomaaliya ee ah qormo kooban oo aanu ugu talo galnay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax fahmay ee been beentii hore meel iska dhigay waxey mudan yahiin amaan iyo bogaadin. waxaanse qeybtaan hoose uga hadleynaa shir madaxeedka ururka midowga Afrika ee dhacaya 17 ilaa 18 ka bishaan aanu ku jirno.

Muhiim inoma ahan ka hadalka shirkaas iyo intaas oo madax ah ayaa iskugu imaaneysa iyo waxaa loog ahadli doonaa sidan iyo sidan oo qeybtaan kooban ee ingiriiska ah ayaan ku soo koobnay, waxaanse hubnaa hadey midowga Afrika arinka ku xad gudubka madax banaanida Soomaaliya ay ajandahooda intey ku soo daraan Etoobiya runta u sheegi waayaan ururkaan jiritaankiisa waxaan u qaban doonaa wax ka yar 10 sano oo hada kedib ah ma sii jiri doono, ma ahan in uu  ku bur buri doono arinta hada tagan ee ku xad gudubka madax banaanida Soomaaliya ee waxaa hubanti ah hadii qaladkan leyska indh atiro in ay sanadaha inagu soo aadan madax badan oo Afrikan ah oo ahda talada qaarada Afrika wax laga weydiiyo aysan arinkooda sidaas noqon doonin maxaa yeelay qarnigaan 21aad mar iyo labo jer dundia been siyaasadeed waa lagu joogi karaa laakisne in ay beentaa iska sii soconeyso qofkii dundian ku nool ee iska dhaadhiciyo waa qof aan xaqiiada dhabta iyo nolosha dhabta ah ee ay aadanahu u baahan yahin halka ay ka jirto in lojiheeyop iska indha tirayo markii xaqiiqada leyska indha tirona waxaa loo tagaa wasaqda hoose  ee madaxda maanta jirta intaanb akuwa imaan doona la gaarin.

Xalka qarada Afrika iyo dunida waxuu ku jiraa si loo wad ahelo nabadgalyo iyo horumar guud in wadankasta wadanka deriska la ah uu ixtiraamo madax banaanidiisa,laakisne hadii wadankasta ay ka soo baxaan shaqsiyaad masuuliyad sheeganayo iyo kooxo sidii maafiyadii oo kale u shaqeynayo waxaa lumayo istiraamka guud ee ka dhaxeeya shacabweynaha dunida waxaana ugu danbeyn isku soo hari doona madax iyo shacab u wada nool sidii duur joogtii hadii la ixtiraami waayo sharciga caalamigaa ee lagu wada joogo dunidan ee kulmiya ururada caalamka iyo dowladaha ka jira dunidaan.

 

 Aan u soo laabano Somalida-Qoraalkaan 3 kooxood oo Soomali ah ma quseeyo logumana talo galin in ay xitaa aqristan.

1- Mediyaha Aragixisada, mucaaradka iyo dowlada dhamantood si isku mid ah intey dhaqaalo ka qaataan isku si wararkooda u soo tabiya heerka ay beenta ay naftooda intaan cid kale la gaarin u sheegayaan.2- Shaqsiyaad badan oo siyaasiyiin ah oo intey fashilmeen halkii ay bulshada aragooda ka qarin lahayeen been u shegaan dhaliyaro qaarkood social mediyaha ka qeyl qeliyaan ilaa ay iyagiina sidii dad waalan..... 3- Iyo qeyta sedaxaad ee markii uu hal qof oo Soomaali ah xumaan u gaar ah sameeyo ka dhigayo in ay xumaantaas geysteen reerka uu ka dhashay oo dhan,halkii ay ku soo koobi lahaayeen qofkii xumaantaas geystay waa nooc ka mid ah jaahilnimada oo la dhihi karo shaqsiyaad badan wey ku raagtay waxii ka danbeeyey bur brukii dalka ku dhacay.hayeeshee sedaxdaas kooxood ee aanu halkaan ku soo sheegnay qoraaladeena marnaba ma quseeyaan, waxaan qolaadeena ku amaaneynaa isbedelka ku dhacay shacabweynaha Soomaaliyeed oo wax badan hada si fiican u fahmay.Soomaaliya Hanoolaato.


Afrian Nations cup-Kedib tartan sanadba sanadka ka daneeya ka dhacay qaarada Afrika kaasi oo labadii sanoba mar la qabto looguna magac daray tartanka qaramada Afrika ayaa sanadkaan waxaa ku guuleystay wadankii marti gelinayey koobka ee  Ivory Coast. ciyaartan oo ay xulka wadanka Nigeriya oo sanadkan soo bandhigeen ciyaaro wanaagsan kuwaasi oo shacabweynaha qaarada Afrika soo xasuusiyey xulkii 1994 kii wacadaha kadhigay koobkii aduunka isla sanadkaasne koobkii qaarada Afrika qaaday ee Super Eagles ayaa iyagu ku hormaray iney dhaliyaan koolkii koowaad,waxaase ragaal celin aan caadi aheyn sameeyey xulka lagu ciyaarayey wadankooda ee Ivory Coasta  oo ciyaarta qaarada intey bareejeeyeen kedibna uu ciyaariyahanka lagu magacaabo Sebastien Haller oo daqiiqadii ugu danbeysay dhaliyay koolkii guusha,tasi oo ka dhigtay in ay markii sedaxaad ay xulka Ivory Coasta ku guuleysteen koobka qaramada Afrika. Ivory Coasta waa wadan dhaca Galbeedka qaarada Afrika waxaana sanadkan labadii kooxood ee u soo baxay ciyaarta kama danbeysta ay noqdeen labo kooxood amaba hadaanu si kale u dhigno labo wadan oo ka socday wadamada Galbeedka qaarada Afrika,hayeeshee sanadkaan wadamada dhamaantood wacdaro ayey ka dhigen tartanka waxaase aad inoo soo jiitay wadamada South Afrika, DR Congo iyo wadanka Mali oo la dhihi karay waxey ahaayeen kuwii koobkaan looga cabsi qabay.

 

Wadamadan waxaa u dhashay amabaa k asoo jeedo ciyaartood dunida siweyn loog ayaqano sida wadanka Mali waxuu soo saaray ciyaartooy badan sida ciyaariyahankii caanka ahaa ee Frédéric Kanouté. sidoo kale South Afrika waxaa ka soo jeeda ciyaartooy badan waxaanse ka xusi karnaa Benni McCarthy,halka wadanka DR Congo uu ka soo jeedo  ciyaariyahankii loo caal waayey ee Claude Makélélé oo ay dunidu ugu yeeri jireen mucjisadii qadka dhexe iyo ciyaartooy badan oo anau halkaan kusoo koobi karin.

 

Laakinse markii aad eegto wadanka Ivory Coast qudhooda waxaa ka soo jeedaan ciayartooy badan oo dundia caan ka ah sida Didier drogba oo ciyaarti finalka ku dhameystay istaag ilaa ay kooxda wadankiisa k axaqiijiyeen guusha iyo sidoo kale waxaa wadankan  IVory Coast ka soo jeeda Yaya Toure iyo ciyaariyahano badan. ISku soo duuboo waxaa l adhihi karaa koobk aqaramada Afrika wuu ka sii xiiso badan yahay sanadba sanadka ka danbeeya. la soco warakreena danbe iyo dunida horumartay.


Maanta iyo mar kale Macawisleyda Hiraan iyo diyaar garoowga ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka Caleema Saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yusuf Ugaas Xasan  Ugaas Khaliif- Isbuuc ka hor waxaanu si kooban u dulmarnay in inta badan Fardahii ka qeyb qaadanayey xaflada caleema saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle ay soo gaareen dhulka miyiga ah ee Hiiraan,halkaasi oo ay ku diyaarinayaan rag fardaha u wada sidii  gawaarida kuwooda dheeraaya.hadaba qeybtaan waxaan ku soo qaadaneynaa maanta geesiyaasha Macawisleyda Hiiraan oo iyagu qaarkod isku balansaday ciyaarta nooca loo yaqaano Waalada oo ka mid ah ciyaaraha aadka looga xiiseeyo guud ahaan dhulka Soomaalida gaar ahaan Hiiraan.

Sidoo kale Macawisleyda oo siweyn u hubeysan ayaa qorsheynaya in ay Ugaaska caleema saarkiisa ka dhigaan wacdaro  iyagoo kooxo kala duwan ah Tusaale waxey u xifaaltamaan amaba ciyaaraha ugu tartamaan noocyada uu dhulka Hiiraan oo hodan ku ah qeyraad bdan ka kooban yahay dhaliyada ku nool dhulka loo yaqaano Dulada amaba Caduunka, kuwa ku nool dhulka loo yaqano Labarka amaba Goowraarta ee dhagaxa ka soo hoobta iyo dhulka Dooxada ah ee ku teedsan inta u dhaxeysa dhulka Buuraleyda ah iyo dhul beereedka.

 

Bil xaqiiqo dhamaantood waxaan nasiib u yeelanay waqtiyo kala duwan in aanu goob joog u noqono hada ka hor iyagoo ku tartamaya noocyada ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka ay Soomaalidu caanka ku tahay siiba mida ay caank aku yahiin bulshada Hiiraan,mararka qaarkood hadii aad tahay qofkii xukumin lahaa cida guleysata wey kugu adkaaneysaa maxaa yeelay kooxkasta waxey caan ku tahay waxyaabo gooyni ah , hadey noqon laheyd qaabka loo tirinayo murtida iyo miraha ciyaarta, qaabka loo jiibinayo iyo weliba qaabka loo ciyarayo oo iyada qudheeda ah mid uusan qofkasta ciyaari karin oo ah wax u muuqaal ek hibo ay dadka qaarkiis u leeyahiin  ciyaarahan.dhulka lagu ciyaaro  ee Hiraan o ah mid aad u qurux badan. dumarka qudhoda ma shar yara waxey leeyahiin ciyaaro u gaar ah oo markii aad dawaneyso

xiliga ay ciyarayan ay macquul tahay in aad i siloowdo in aad dhinacada ka gasho ciyaarta, 

maxaa yeelay dumarku waa kuwo aad u qurux badan siiba marka ay xiran yahiin dharka hidaha iyo dhaqanka waana mid furan oo aad moodo in leysku jimeeyey joogoda iyo ciyaarta ay ciyaarayaan. markii aad daawato ciyaartaan qormada ku sii soco

Marka laga soo tago in  ay xafladaan lagu casuumayo qeybaha kala duwan ee bulshoweynta Soomaaliyeed shacbaka Soomaaliyeed ee reer Hiiraan deriska la ah,min waqooyi ilaa Koofur amaba dhulka ay degaan qowmiyada Soomaalida iyo saaxiibadod, waxaa xusid mudan in ay xafladan qurbajoogta reer Hiiraan ku casuumeen qurbajoog kale oo Soomaaliyeed oo aad u xiiseynayo xafladan oo hada soo gaaray badankood qaarada Afrika siiba dalka Soomaaliya, halka siyaasiyiinta reer Hiiraan kuwii hore,kuwii danbe iyo kuwa maanta jooga ay iyaguna lagu wado iney casuumaan saaxiibadooda rag iyo dumarba leh.madaxda qarankana halka ay xaflada ka dhaceyso waaba dalkii ay shacabkooda madaxda u ahaayeen qeyb ka mid ah . 

 

Maxey dalka Somaliya xafladaha nocaan ah ee hadba lagu caleema saaro dubabkadhaqanka

Somaliyed uga duwan tahay xafladaha kale oo ay bulshoweynta Soomaaliyeed u xiiseeyaan,

jawaabta oo kooban waa xaflad dhaqan oo inta badan maahan mid ku shaqo leh siyaasad, waana badanaa xaflad kulmisa bulshada qeynbahooda kala duwan iyadoo ay dadku wada faraxsan yahiina halkaas ku kaftamaan,halka ay kulmiso dad ay mar hore iskugu danbbeysay waxaase xafladan sanadkan xiiso u yeelayo waa dhalinyarada geesiyaasha Hiiraan ee Macawisleyda oo iyagu siweyn ugu diyaar garoobay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay isku balan sadeen in goobkasta oo ay ku sugan yahin doonayo in loogu geeyo Ugaaska,bal aanu ciyaartaan waalada ku sii nasano,xili ay inoo soo socdaan wararkeenii kale ee dalkeena hooyo ee Soomaaliya, inagu waxaan aad u jecel nahay ciyaaro badan hayeeshee ciyaarta waalada, dhaantada iyo Wilisaqada inaba caadi maahan markii ay isku helaan ragii rageeda ahaa ee looga danbeeyey goobta lagu ciyaarayo wey isla gariireysaa inta labo kooxood o is balansatay loo kala safto ayaa waxaad is leetahay tolow yaa aduunyada ciyaarahan hidaha iyo dhaqanka ku qabsan kara Soomaalida oo waxaad dareemeysaa in ay tahay wax u gaar ah Soomaalida.la soco wararkeena danbe.Soomaaliya Hanoolaato.


News in Somalia,Africa and Around the world-Friday,February 9,2024-Wararkii ugu

 danbeyey Somaliya, Afrika iyo caalamka- Inta aanan u gudagelin muhiimada qormadeena oo inteeda badan quseysa shacabka gobolada waqooyi oo mar kale calankeenii muunada lahaa ka soo dejiyey caasimada Soomaaliya ee Mogdishu, Awdal State waa iskeentay, waxaanse ku hormareynaa wararka dalkeena iyo dowada Soomaaliya, inagoona ku bilaabeyna shirka golaha wasiirada oo lagu ansaxiyey ilaa 10 safiiro oo cusub  waxaan muwaadiniintaas Soomaaliyeed iyo labadii wasiir ee ka horeysay ee dhawaan la magacabay leenahay hambalyo.

Dhanka kale weli waxanu ku guda jirna wararkena dowlada ooaanu si racsaneyno wadamada

Somaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis amni kuwaasi oo ay u kala saxiixeen wasiirada

gaashaan dhiga labada, halka taliyaha ciidanka Xooga dalkena uu kulan kula qaatay wadanka Uganda madaxweynaha dalkaas iyo saraakiil ciidan.hayeeshsee hadaanu u soo laaban

wacdarahii iyo soo dhaweyntii madaxda, siyaasiyiin, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Awdal State iyo soo dhaweyntii loogu sameeyey caasimada dalkeena ee Mogdishu.

Waxey aheyd soo dhaweyn aan loo kala harin wana markii ugu horeysay ee ay dowladnimadii Soomaaliya gaarto ilaa Lawyacade,.la soco wararkeena danbe iyo dalkeena.


News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday, February 7,2024-Wararkii ugu danbeeyey Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Sida ay shacabka Soomaaliyeed inooga barteen in aanu kaliya xaalada dalkeena uga abaarno halka ay  bulshada ka jirto, waxaan bogaadineynaa mar kale sida markii ugu horeysay mudo 30 sano ah loo kala garanayo waajibaadka golayaasha sharci dejinta oo xiliyadaan oo kale baarlamaanadii ka horeeyey awoodooda inta lala wareego uu si fudud ku qiimo beeli jiray magaca xildhibaan federal amaba mudane baarlamaanka.

Waxaa kale oo aanu bogaadineynaa in ay shacabka Soomaaliyeed kala fahmeen faraqa u dhaxeeya dowladnimo iyo fowdo siyaasadeed waana mida kentay in ay wararkeena ugu badan ay u bataan madaxda qaranka iyo golayaasha sharci dejinta.Waxaa kale oo aanu bogaadineynaa in uu dalkeenu markii ugu horeysay mudo 30 sano ah kedib uu yeelanayo Dastuur la fahmi karo kaasi oo ay dhameytirkiisa mareyso meeshii ugu wanaagsaneyd.

Dal waxuu dal ku yahay in madaxiisa qaranka laga garanayo midka tuulada jooga golayaashiisa sharci dejinta laga dareemayo muhiimada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u leeyahiin in ay dhameystiraan si weliba muran la'aan ah Dastuurka dalka ee shacabka dalkeena lagu mada daalin jiray waa qabyo qoraal iyo waa sidan, maxaa yeelay dalku hada waa mid ay dadkiisu u jiheysteen dowlad wanaag ninkii wax isku hayo mid shisheeye u shaqeeya iyo mid aan u shaqeynba ha iskeeno doorashada 2026.

 

Waxaanse ku qosolnay siyaasi Soomaali ah siiba kuwooda fashilmay mid ka mid ah waxuu nagu yiri shacabka Soomaaliyeed, madaxda qaranka, gudoonk abaarlamaanka iyo weliba golayaasha sharci dejinta wey naga raayeen oo sababtuna buu yiri waxaa naga raacay shacabkii.

 

Isagoo hadalkiisa si wata waxuu yiri shacabka haduu dowlada kaa raaco wax badan ma shaqeyaan oo waxaanu ogeyn buu yiri waxii ku dhacay Agagixisada oo uu yiri waxaa jabkodii ugu badnaa sabab u ahaa shacabkii oo ay kuwi la shaqeyn jiray iyo kuwii ay baadi jireen labadiiba lumiyeen,ilaa buu yiri madaxda ugu sareysa argagixisada inoo xaqiijiyeen buu yiri in lumintii ay shacabka lumiyeen uu soo dedejiyey fashilkooda iyagoo sheegay in ay hada argagixisadu isku soo hareen kaliya shaqsiyaad kooban kkkkk.

 

Waxaasi oo dhan marka laga soo tago hadaan u laabano qudbadii Abiy Axmed  horta Abiy Axmed marka laga hadlayo mediyaha Soomaalida waxa ka socda gudaha Etoobiya cid nooga xog ogaalsan ma jiraan weliba waxaan ognahay in gudaha Etobiya waxii la dhihi jiray xulufada Oromo-Amara ee uu Abiy Axmed xukunka ku soo koray aysan hada dalka Etoobiya ka jirin siyaasadas, waan ognahay qudbadiisii mediyaha Somalida waxey shacabka u soo gudbiyeen kaliya in yar oo la soo jar jaray ee uu ku leeyahay dagaal Soomaaliyaa uma socono iyo Soomaaliya nafteenaa u hurnay iyo waxyaabo iska ah af gobaadsi, waxaanse si kooban shacabka Soomaaliyeed ugu soo koobeynaa halkaan.

 

Horta qofkii si qoto dheer u daawado qudbada Abiy Amxed maxaa yeelay markii aanu ka hadleyno arinta Etoobiya markasta waxaanu kala qaadnaa shacabka Etoobiya oo ah dad wanaagsan oo anu deris nahay oo aan xitaa iyagu dooran in ay Etoobiya dhul ay Soomaaliya leetahay naga heystaan iyado ay u fududeeyeen gumeystaashii dundian soo maamuli jiray qarniyadii tagay,hayeeshee iskaba daa in ay hada haweystaan Bad iyo dhul ay Soomaaliya leetahaye, Abiy Axmed waxaa maanta u sahlan haduu run sheegayo si ruwaayadan iyo beentaan shacabka Etobiya loo shegayo ee ah Abayaasheen ayaa ku fashilmay iney inaga Bad noo helaan laakinse inagu waa in aanu caruurteena Bad u helno waxaas waa iska ruwaayade, hadey dhab ka tahay intaanba wax kale l agaarin si xal loogu helo mushkilada ka jirta gudaha Etoobiya xilka R/wasaaraha intii aysan dalka Etoobiya shacabkiisa halka ay hada joogaan ka sii hoos marin dhamaan qowmiydaha kale oo dhan Etoobiya Oromo ayaa ugu dnabeysay oo hogaanka dalkaas hada heysa si dalkaas aanu deriska nahay loo bad baadiyo xukunka dalkaas Abiy Axmed iyo Oromada inta isaga ku fikirkaa Shacabka Etoobiya wey isku wadi weysay ee xukunka haku wareejiyo wasiirkiisa maaliyada Axmed Shide oo ka soo jeeda qowmiyada Soomaalida,Axmed Shidane gogol ha u dhigo qowmiyadaha Etoobiya oo dhan oo meel ha iskugu keeno halkii shacabka Etoobiya, kuwa geeska Afrika, kuwa qaarada Afrika iyo caalamka beenta siyaasadeed ee xaqiiqada ka fog maalinta kasta loo sheegi lahaa.

 

Xukunka militerigaa ee saaran qowmiyada Amxaarada, dagaalkii gobolka Tigree iyo qeyb Oromada ka mid ah oo dagaal ku jirta dagaaladii soo  noq noqday ee Soomaalida iyo Cafarta, dagaaladii soo noq noqday ee Soomalida iyo Oromada inta waxaas oo mushkilad ah oo gudaha Etoobiya ka socda leyska indha tiro in bulshada Etoobiya, kuwa Qaarada Afrika iyo caalamka loo jilo ruwaayad ah Bad iyo Beri ayaan Soomaaliya ka rabnaa waa siyaasad xumo meesha ugu hooseysa waxaanse qoraalkaan fahmi kara dhaqaalo xumida ka jirta gudaha dalka Etoobiya iyo filmka la jilayo oo aanu ognahay hadii maanta Soomaalida dalkooda ka saaraan ciidamda Etoobiyankaa ee gudaha Soomaaliya ku sugan in uu dalka Etoobiya lugaha la galayo dagaalo sokeeye ayaa wadan aan dhaqalo ahan is bixin karin ayaa waxuu ku

leeyahay Bada Cas wadamada laga wareysto ayaan ka mid noqonayaa kkkkk,tolow waxa lala hadlayo Soomaali maahane yaa waaye?, oo hadiiba ay wax badan sidaas u sahlan yahiin  dunidu hada waa balaratay maxaa looga baahan yahay 5ta wadan ee la sheego iney golaha amaanka ee qaramada midoobay iyagu maamulaan inta kalena ay dunidu tahay raaciye,

hadiiba hogaamiye kasta u si sahlan isagoo marin habaabinayo shacabkiisa dal kale madax banaanidiisa sidan sahlan ugu xad gudbi karo?.

 

Aan u soo laabano muhiimada qormadeena waxaan leenahay madaxda qaranka, gudoonka baarlamaanka labada aqal iyo weliba mudanayaasha baarlamaanka labada aqal waan bogaadineynaa in maanta dowladnimadeena gaartay in aanu ku dhaw nahay in dalkeena dastuurkisa uu meel fiican marayo yaan laga labo labeyn dalku horey ayuu u socdaa gudoonka baarlamaanka iyo mudanyaasha baarlamaanka kuwooda damiirka leh waajibaad kooda ha gutaano maadaama uu dalka Soomaalya ka mid yahay wadamada horey u socda.

La soco warakreena danbe.Soomaaliya Hanoolaato.

 


News in Somalia, Africa and Around the world- Tuesday February 6,2024- Wararkii ugu danbeeyey Somaliya, Afrika iyo caalamka-Inagoo u soo laaban doona qudbadii uu m/weynaha dalkeena Mudane Xasan Sheikh Maxamud uga hadlay xaalada dalkeena oo aanu aad ula dhacnay qeybta uu leeyahay waxaa jiraan dalal ka xun horumarka dalkeena iyo qeybta uu kula hadlayo Etoobiya,hadane waxaan aad ula dhacnay hadal uu diplomaasi caan ah oo reer Galbeed ah ka sheegay madal furan xili u ka hadlayey dalal ay ku jirto Soomaaliya waxuu yiri.

" Dalka Soomaaliya waxaa sii xogeysanaya dowlad dhiska,isagoona tusaale u soo qaatay dowladahii hore markii la gaaro labada sano ee ugu horeysa oo awooda dalka lagala wareegi jiray golayasha sharci dejinta bedelkii waxuu yiri waxaa si dhaw u wada shaqeynaya madaxdii qaranka oo taageero xoogan ka helaya shacabka dalkoda waxuuna yiri waxaa loo jiheystay inuu dalku yeesho dastur sax ah".Isagoo hadalkiisa sii wato waxuu yiri inta badan  dalka degaankasta waxaa u tashanayo shacabkiisa tasi oo dowladnimada sii xoojisay siina yareyneysa shaqsiyadka amaba kooxaha qaabka qabiil u abaabulnaan jiray oo marba marka ka danebysa ka si baxayo buu yiri saxada, maxaa yeelay waxaa sii yaraanaya buun bunintii ay kooxahaas horey u heli jireen oo hada ku soo kobmatay buu yiri tiro aad u yar. qudbadiisa oo dheereyd diplomaasigan hadane waxuu  ku soo qatimay sida ay wadamo badan oo Afrikan ah iyo kuwa caalamku ugu qasaari doonaan hadii ay isku qaldaan colaadaha sokeeye ee ka socda gudaha Etoobiya iyo madax banaanida dhuleed iyo mida badeed ee Soomaaliya.bal inagoo soo turjumnay iyo iyadoo ku baxeysa luqad aan Soomaali aheyn shacabka Soomaliyeed ayaan la wadaagi doonaa,maxaa yeelay maalinkasta waxaa lagala hadlaa shacabka waxyaabo raqiis ah oo ay Soomaalida kuwoda fashilmay  news uga dhigaan bulshada.laakinse waxaan bogaadineynaa.

1- Madaxda qaranka oo markii ugu horeysay dastuurka dalka mugdiga ka saarayo dastuurkaas oo markasta la sheego in ay ku kacday malaayiin dolar weligiina aan ka turjumi jirin danaha iyo maslaxada dalkeena iyo dadkeena.

 

2- Waxaan bogaadineynaa sida ay shacabka Soomaaliyeed oo garab iyo gaashaan  u ah dowladooda u muujiyeen in ay yahin qaran jira oo ay ugu dalaalayaan dowladnimadooda ka hana qaatay dalkeena.

 

3- Waxaa guul iyo gobanimo ah si ay shacabka Somaaliyeed u kala saareen sheekooyinkii socon jiray xiligii ciyaal weerada iyo mustaqbalka dalkooda iyo difaaca madax banaanidoda taasi oo banaanka keentay shaqsiyaad badan iyo kooxo siyaabo kala duwan ugu macaashi jiray fowdadii uu dalku soo maray ee ay meel cidlo ah ku soo dhaceen si weliba la dareemi karo.

 

4- Waxaan ku faraxsanahay sida guud ahaan loogu fashilmay in lagu xad gudbo madax bananaida dalkeena kedib kalsoonida iyo geesinimada ay muujiyeen dal iyo dibadba shacabweynaha Soomaaliyeed oo dhinackasta ka diyaar garoobeen dal iyo dibad kuwoda damiirka leh.si uusan qoraalku inoola dheeraan la soco wararkeena danbe,weli Soomaaliyey leysma gaarin.

 

waxaanse malaayin Soomaali ah u xaqiijineynaa  in dalka Soomaaliya iyo dadkiisa wax badan oo lagu tijaabinayey dareenkoda si loogu xad gudbo sharafta, karaamada iyo madax banaanida dalkeena isakaba daa in ay dalka Soomaaliya ka hirgashee xitaa geeska Afrika waa ka shaqeyn weysay,maxaa yeelay shaqsiyaad iyo kooxo dalaaliin ahaa oo arimaha qaarkood ku lugta lahaa wey isla wada fashilmeen oo xitaa dhawaan waxaad arki doontaan qaarkood oo mediyaha wax badan ka fashilin doona mar hadey beentii socon weysay.

Ogaada maalinkasta  waxaan qashinka ku darnaa warar badan oo la doonayey in na looga mashquliyo arimaha dalkeena kuwooda ugu muhiimsan ilaa intaan la xarirnay kuwii noo soo dirayey aan u sheegno beenta ay  doonayeen in bogaan sida mediya qaarkood aanu ku aragnay loogu baahiyo in ay nagala tagaan beenta kkkkkk.Soomaaliyey waad guleysateen yaan loo jixin jixin wax yaabaha qaarkood si dhawna ugu tixnaaw bogaan si aad wax badan ugu noqoto xog ogaal.

 

Siyaasiyiinta Soomaalida qaarkoodna waxaan leenahay badankiin waan ognahay in aadan dalka Soomaaliya waxbo ka noqon doonina aadna ololahiina doorashada sanadka 2026 sii bilaawdeen si aad shacabka Soomaaliyeed u qaladaane aad isku qaldeysaan maslaxada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo danahiina gaarka ah, waxaan kaliya idiin leenahay yeysn idiinku dhicin waxii  dalka Soomaaliya la racay Abiy Axmed oo isaga si kursiga loo dhaafiyo oo loogu dhiibo qowmiyadaha kale midkood  dalka Somaliya arimahiisa lagu mashquuliyey,

weliba dalalka Afrika wey ogayhin Soomaalida iney yahiin waxa afka qalaad lagu yiraahod (Risk Taker) oo hadii uu xaalku xumaado Soomaalidu hal maalin iskaka bixi karaan ururka midowga Afrika iyo kan IGAD hadii ay  taas dhacdo yaa qasab ku leh?.

 

Madaxda qaranka waxaan leenahay shacbaka iyaga dalkooda cadowga gudaha iyo kan dibada ka difaacanayo adinku shaqadiina ha noqoto in aad isbuuciiba mar update gareysan shacabka oo iyagu si aan horey loo arag xayi u ah soona jeedaan sanadkan 2024 iyo waxii ka danbeeya,keidb markii ay wax badan oo horey qiyaali siyaasadeed u ahaan jiray waa hadaad dalkan iyo dadkiisa u naxeysaan Soomaali waa is raacday kuwoodi damiirka lahaa waxeyna ku balameen in ay dunidan ugu noolaadaan sidii libaaxii amaba iskaka iskaka tagaan, weliba waxa uusan caalamku ogeyn waa in aysan Soomaalidu kala jecleyn hadii uu maanta halmar qarxo dagaalkii 3aad aduunka iyo hadi kale They don't care,maxaa yeelay waxaa dagaal ka naxa qof geeri ka cabsada Soomaali oo aanu wada garaneyno oo madax bananida dalkeeda difaacanayo maa geeri ka naxeyso?.

 

Qofkii dunidan ku nool ee arinkaas iska dhaadhiciyo waa qof aan tariikhda dunida waxbo ka garaneyn xisaab qaldan oo horey u dhacdayna isku dhufsaday,maxaa yeelay waxey horey u arki jireen iyadoo dowladahii Gumeystaha ahaa qaarkood dhul ay lahaayeen dad Somaliyeed  si fudud ugu gacan geliyeen wadamo Somaliya deris la ah, waxaaba inoo furmi lahaa wado cusub oo anau dhulkii naga maqnaa ku soo ceshan karno.Soomaaliya Hanoolaato.


 

Somalis Sovereignty and territorial integrity-“The continuous violation of Somalia's territorial integrity since 1991,still (SOMALI UNITY IS NON-NEGOTIABLE).Part Four

Picture of the Day- Inta aanan qormadeenaan aanu ciwaanka uga dhignay sawirka maanta ee aanu shacabka Soomaaliyeed ugu talo galnay bal in anau u dul marno sida ay wax badan iyagoo isku duuban 100% u fashiliyeen taasi oo ka dhigtay Somalidii iyo ajaaniibtii dooneysay iney duleyan dalka iyo dadka Somaliyed iyagoo ku tumanaya madax bananidiisa,hadane

sawiradan waxaanu horey shacabka ugu soo bandhignay  wax yar kedib markii  ay soo baxday arintii dhiilada iyo bahdilka u aheyd Somalida oo idil soo baxday ee ku wajahneyd Bad iyo Beri.

Horta waxii ka danbeeyey bur burkii uu  kadhacay dalkeena waxaa soo baxay shaqsiyaad amaba kooxo iyago aad ugu baahnaa in la baro waxa uu dalkaan iyo dadkiisu yahiin siyaabo kala duwan iyagoo u badan bulshada kuwa ugu liita uga soo dhax muuqday siyaasada dalka calafka iyo nasiibku waa meeshisa,hayeeshee sidii maalinba maalinta ka danbeysa loogu xad gudbayey madax bananida dalkeena dadkiisana loogu ilhaneynayey sida ugu fudud ee bulsho loo ilhaaneeyo,hadane arinkaan waxey wax badan ka duwaneyd sidii ay horey wax badan ugu soo dhaceen oo waayadii hore waxaa bulshada iibsan jiray shaqsi hadase waxaa difaaca dalkooda iyo Badooda u  istaagay oo arinkaan u midoobay Soomaali oo dhan amaba hadaan si kale u dhigno reerkasta oo Soomaali ah kuwoodii damiirka lahaa amaba lagu tuhmayey.

 

Ogow wadanka maanta lagu xad gudbayo madax banaanidiisa waa dalkii Bishii Janaayo 1986 urur Gobolkeedka IGAD gacantiisa ay ku dhiseen isaga iyo dhawr wadan ee Somaliya ahaa ilaa maantana loogu yeero dalka Soomaaliya, Qoraalkaan kii ka horeeyey qeybtiisa ugu hooseysa waxaan Somalida u shegnay in ay wax badan fashilmen ayna dhawan mudan yahiin iney dabaal degaan shacabka Soomaaliyeed,micnahu maahan in aanu iska leenahay waxaan ognahay fashilka ku dhacay shaqsiyaad Soomaali ah oo aanu gadaal u dhiganay ka hadalkooda maxaa yeelay hada hadii aanu ku mashqulno in aanu iyaga ka hadalno waxaa naga lumaya hadafka guud ee dalka iyo dadka Somaliyeed lagu difaacayo ee loo midoobay dal iyo dibadba.

 

Laakinse Soomaali iyo ajaaniiba intii arinkaan ku lugta laheyd oo dhan waa isla fashilmeen oo dhaqaalaha la doonayey in lagu ilhaaneeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxuu iskugu jiray labo qeybood qeyb waxuu ahaa mid la doonayey in la siiyo shaqsiyad qeybna waxey aheyd in loo adegsado inta aan gobolka Awdal gudaha u gelin askariga ugu horeya inborobagando , cabsigelin, handadaad, warar aan jirin bulshada lagu dhax deeyo maalinkasta, waxii oo dhan waxaa beentaa yiri oo fashiliyey shacabweynaha Soomaaliyeed. 

 

Ogow marnaba sida ay shacabka gobolka Awdal oo garab iyo gashaan ay u yahiin Soomaali oo idil kuwoodii damiirka lahaa ugu diyaar garoobeen dagaal toos ah iyo mid dadbanba kama hordhacyeno,waa leys kala baxay sheekoyinkii horey shacabka loola imaan jiray oo hada dadku dal iyo dibad waa soo jedan oo hadii ay xabad arinku gaartana Soomaali maahan cida uu ka bur burayo dhaqaalo ee waa wadamo hada is moodaan iney dhisan yahiin laakinse ku danbeyn doona meel aysan ka soo kabsan doonin bil xaqiiqo, maxaa yeelay marka la kala iibsanayo been siyaasaded iyo xaqiiqada maanta taala dalka Soomaaliya waa kala labo.si dhaw ula soco wararkeena danbe guul iyo gobanimo ayaan leenahay shacabweynaha Soomaaliyeed oo iygau Allaah ka sokow ah kuwa wax badan oo ay adag tahay in dad badan hgalkaan loogu fasiro iyagu sabab u ahaa iney fashilmaan.


 

News in Somalia,Africa and Around the world-Saturday,February 3,2024-Wararkii ugu danbeeyey Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Shacabka Soomaaliyeed oo sedax arimood oo waaweyn ka faa'idey sidey ku bilabatay siyasada Afrika iyo mida caalamka bilaawga sanadka 2024, inagona u qodobeyn doona guulahaas aan waayadan dal ahaan iyo dad ahaanba soo marin.waxaanse qeybtaan ku soo qaadaneynaa 3 kooxood oo Soomaalida ah ee uu fashilka ugu weyn ku dhacay si aan horey loo aragna ugu jahwareersan siyaasada Soomaaliya, mida geeska Africa iyo tan caalamka.

 

Tan iyo Janaayo 1, 2024 dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhacay waxaan ku faraxsnahay in aanu nahay mediyaha kaliya amaba fara ku tiriska ah ee afka Soomaaliga wax ku soo tabiya ee shacabka dalkeena ka daayey in aanu u soo gudbino siyaasadaha ku dhisan qiyaaliga, waxaanse ku faraxsanahay in ay maanta 3da kooxood ee uu jahwareerka ugu weyn heysto ay kala yahiin 1- Siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood.2- Beenta siyaasadeed ee meelo badan gobolada dalka lagu hayo oo markii hore maalmo iyo isbuuc ku fashilmi jirtay hada waxey waxkasta u fashilmayan saacad saacad.3- Dhalinyaro mediyaha ku jira oo badankod maalina shacabka u gashan jiray shaati qabiil,marna warar ay  u soo dhiibaan shaqsiyaad siyaasada guud ee dalka ku fashilmay amaba xil doon ah, kuwaas waxaa soo raaca qeyb argagixisada wararkii ay ku xayeysiin jireen waayeen wax ka hoos qaada, arintaan ayaana ugu wacan isbedelka ku dhacay shacabka Soomaaliyeed oo wax badan oo ay markii hore u maleyn jireen sida loo sheegayo iney run u yahiin hada ogaaday halka uu xalka dalkoda ka jiro, waana mida fashilka u keenay siyaasiyiin badan, soona dedejisay  in ay shacabku wax badan oo mustaqbalka dalkooda ku saabsan u midoobaan. 

 

Hadane marka qoraladeenii hore oo dhan siiba kuwii ugu danbeeyey dib loo eego waxaa guul iyo gobanimo ah in shacabka Soomaaliyeed ku guuleysteen in ay wax badan fashiliyaan kkkk, weliba halka ay hada wax mareyso waa i qarso.markaan sidaan wax u qoreyno waxaan shacabka la wadaageyno waa xaqiiqada wax badan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lala damacsanaa fashilka ku dhacay heerka uu garsiisan yahay oo ay qaadan waayeen dhamaan intii ku lugta laheyd kuwaasi oo iskugu jiray Ajaaniib iyo Somali,waana mida keentay in aanu shaqsiyaadkaas Soomaalidaa aanan hada ku mashquulin iyaga ka hadalkooda,maxaa yeelay xili aysan xamili karin oo aysan filaneyn in sidan looga war hayey ayey ka qoomameyn donan wax badan oo ay sameyen,waxeysa qaadan waayeen qaarkood sida lagu maqlay wax badan oo ay faraha kula jireen oo fashilmay.waxaanse aad ugu qosolnaa dhalinyarada Soomaalida qaarkood wararka beentaa ee inta loo soo dhiibo shacabka la soo hor istaagaan iyagoo aad moodo in ay la hadlayaan cunug yar oo xaley dhashay oo kale.

 

Hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed si aad u noqoto wiil amaba geber, hooyo amaba aabe amaba rag iyo dumarba shacab wax badan oo dalka Soomaaliya, Qaarada Afrika iyo caalamka ka dhacayo in aad xog ogaal u noqoto maanta ku tixnow bogaan si dhawna ula soco wararkena joogtada ah, War Soomaaliyey dhawan dabaal deg ayaa idiinku waajib ah hadaad ogaan laheydeen sida ay wax badan u fashilmeen.


 

News in Somalia, Africa and Around the world-February 2, 2024-Kedib fashilkii xooganaa ee ku yimid ku xad gudubka madax banaanida dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo isku duubnidii ay shacabka Somaliyed dal iyo dibad, min waqoyi ilaa koofur u istagen qadiyadan marka laga hadlayo kuwoda damiirka leh. hadane marka waxasi oo dhan laga soo tago dalka Somaliya ayaa mudo 30 sano kedib yeelanaya dastuur rasmi ah,iaydona ya malaayiin Soomaali ah rajo xoogan ka qabaan in ay sanadka 2026 doorasho qof iyo cod ah galaan, maadaama uu dalku u jiheystay dhankii dowladnimada,kedib guulahii is xig xigay ee uu dalku gaaray amaba ku talaabsaday.

Dalka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado ilaa la kala garan waayo qofka madax ka ah Tuulo dalka ka mid ah iyo qofka hogaamiya dalka Somaliya amaba madaxda qaranka heerka laga soo maray fowdo,hadane xaalku wax badan sidii hore waa ka duwan yahay,maxaa yelay

waxaa dalka iyo dadka Somaaliyeed horey u soo jahwareeriyey dhawr koxod oo dhamaantod hada wada fashilmay.madaxda qaranka xitaa markii aanu aragno inaysan shacabka wax muhiim ah kala hadleyn waqti kuma lumino laakinse markey dalka dasturkiisa ka saarayaan qabyada si aanu u noqono qaran jiray,hadana jira weligiina jiri doona iyo iney bulshada u diyaariyaan iney is doortaan markaas waqti kasta oo inaga gala waxbo uma aragno.

 

Hayeeshee waxaan mar kale bogaadineynaa shacabka Somaliyeed sidey qadiyada difaaca madax banaanida dalkeena ugu midoobeen iyo dadalada loo qaateenkaa ee ay wadaan madaxda qaranka iyo golayasha labada aqal ee ku aadan bad badinta qaranimada dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo hagaajinta siyaasadiisa.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world- February 2,2024-Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaaliya mudane Mustafe Muxumed Cumar oo qudbad muhiim llaheyd oo dhinacyo kala duwan taabaneysa u jeediyey shacabka degaanka xili uu gudbad ka jeediyey

golaha baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida iyo mashaariicaha la hirgeliyey, kuwa socda, kuwa jidka ku soo jira iyo weliba xaalada guud ee degaanka iyo mida gobolka oo uu dhamaantood si wanaagsan uga hadlay, madaxweyne Mustafe marka laga soo tago inuu yahay madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida marka si gooyni ah looga hadlayo shaqsiyadiisa waa nin dhalinaro ah oo wax badan ka fahamsan wacyiga siyaasadeed ee

bariga Afrika, kan Soomaalida degaanka iyo midka guud ee Soomaaliya.ma ahan shaqsi war badan waana masuul isaga iyo mamulkiisu ay ilaa xad ku dadalan sidii ay shacabka deganka u sameyn lahayaeen horumaro kala duwan. si uusan qoraalku inoola dheeraan qudbada madaxweyne mustafe iyo waxii u qobsoomay maamulka 6dii bilood ee ina dhaaftay xili ay siweyn u taageereen waxqabadka xildhibaanada degaanka oo uu madaxweynahu ugu qudbeeyey xarunta xusub ee baarlamanka dowlad degaanka Soomaalida oo dhawaan xariga laga jaray- Click Here-Daawasho Wacan.la soco wararkeena kale ee Soomaaliya,Afrika iyo caalamka.


Picture of The Day-Qormadan kooban waxaan maanta ku soo qadaneynaa wadanka Sudan oo waxii ka danbeeyey qataraha ka soo bidhaamayo Bada Cas iyagu sidey u dhan yahiin shacab ahaan iyo siyaasad ahaanba u istaageen bad baadada iyo sharafta dalkooda.horey waxaan qoraal kooban ugu soo hadalnay  in dalkaas qatartii ugu weyneyd ee lala doonayey ee aheyd inta leysku dhax yaaciyo in dhinackasta ciidamo laga geliyo taasi oo ay si gobanimo leh dal iyo dibad u diideen walaa ciidan wadamo deris la ah iyo kuwo ka fogba, waa bad baadadii ugu horeysay ee dalkaas iyo dadkisa mustaqbalkooda Allaah ka sokow lagu bad baadiyey.Hayeeshee arinta xiisaha leh waa in ay shacabku meelo badan oo dalka ka mid ah oo colaadahii ay waxyeelo ka soo gaartay bilaabeen iney hagaajiyaan si loo soo celiyo bilicda iyo adeegii aas aasiga ahaa.

 

Sudan waa dal ay ku nool yahiin shacab wanaagsan oo weliba ah dad xadaarad leh iyo dhaqan aad u wanaagsan.Inaga Soomaali ahaan waa wadan qiimo weyn noogu fadhiya dalka Sudan dal ahaan iyo shacab ahaanba oo waxaanu wadaagnaa waxyaabo badan oo muhiim u ah iskaashiga iyo wada jirka labada dal iyo labada shacab,waa wadan si weliba mug leh hada shacabkiisa dal iyo dibad ugu istageen hagaajintiisa, sidoo kale mar aanu bulshada dhax galnay sida ay dalkooda u jecel yahiin qofka Sudankaa intuu gacantisa ciida gashado ayuu  hawada intuu ku seyriyo ayuu leeyahay (Maxaa ka wanaagsan Sudan), waa wadaniyada heerka ugu sareysa.

 

Soomaaliyey Sudan waa soo laabatay wadankaas 3 qatar oo qaarkood saameyn xoogan ku reebi laheyd qaarada Afrika ayuu ka bad baaday Allaah ka sokowna waa shacabka oo uu galay daren xogan oo isweydiiyeen hadey xaalada dalkooda faraha ka baxdo cida iyaga dunidan wadan kale ka siineysa ileen noloshu cunto iyo dhar la xirto oo kaliya maahane, dareenkaas ayaa waxuu dhaliyey in lagu fashilmo in ay gudaha dalkaas intey galaan kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo u bartilmaameedkoodu ahaa xarumaha ugu muiimsan sida goobaha taariikhiga ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen halka caruurta Sudan markii ay dhashaan laga qaato dhalashada, halka ay ku geydsan yahiin taariikhdii wax barashada Sudan oo hadii ay qofku ka lumo shahadadii u ka qaatay dalkaas si loo waayo halkii laga doonan lahaa, sidoo kale waxaa la doonayey in laga bur buriyo goobaha ay yaalaan waaxda dhul bixinta si shisheyaha dalkooda soo galay ee arimahaas ku dhaqaaqaya iyo shacanbka Sudan loo kala garan waayo cida dhulka iyo dalka iska leh 100 ka sano ee inagu soo aadana ku jiraan muran oo kaliya iyo qalalaaso oo kaliya.

 

Arimahaas oo dhan ee aanu soo xusnay iyo kuwo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin ayey dalkaas quruxda badan iyo dadkiisuba ka bad baaaday, waxaana ugu wacnaa isla markii uu dagaalku qarxay bilaawkiba shacabkii ayaa dal iyo dibad bilaabay olole goobaha muhiimkaa lagu bad baadinayo, waxaan dhihi karnaa wadanka Sudan waa dal uu Allaah wax badan la jecel yahay dadkiisa Sudan,marka loo eego qatarta uu ka bad baaday wadankaas xajmigeeda inta uu la ekaa, waana mida keentay in ay shacabku u istaagaan hagaaajinta dalkooda si ay iyagoo isku duuban u wajahaan qatarta ka soo bidhaameysa Bada Cas.la soco warakeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday,Janaury 31,2024- Wararkii ugu danbeeyey Soomaaliya, Afrika iyo caalamka -Dalka Soomaaliya oo dhinaca hananka dowlad nimada ka sameynaya marba marka ka danbeysa horumaro muuqda dadaalo xoogana ay wado xukumada Dan-Qaran ee uu r/wasaaraha ka yahay Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa

marka laga hadlayo wasarada Gaadiidka iyo duulista hawada oo ay wasiirad ka tahay Marwo Fardowsa hayadda Duulista rayidkana uu mareeye ka yahay Mudane Axmed Macalin halkaas oo ay ka howl galaan shaqalo garanaya mihnadooda shaqo ayaa dhanka kale waxaa si weyn looga dareemayaa horumaro xoogan oo ay hayadda dulista Rayadku ku talabsaneyso.

Waxaana dib loo hirgeliyey hangarkii ay horey ugu shaqeyn jirtay diyaaradeenii beri samaadkii logu yeeri jiray Air Somalia,markii danbeyna loo bixiyey Soomaali Airlines.dhawan ayey aheyd markii xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu ka qeybgalay R/wasaaraha dalkeena hooyo ee Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre o lagu qabtay caasimda Soomaaliya ee Mogdishu lagu soo bandhigay  talaabooyink awax tarta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyed oo ay hayaddani ku talaabsatay xili ay wasaaradani ka mid tahay wasaaraha sida weyn loog adareemayo howlaha qaran ee ay bulshada dalkeena u hayaan.la soco warakeena danbe.

 

News in Somalia, Africa and Around the world-Tuesday, Janaury 30,2024-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madasha Afrika iyo Taliyaaniga ka qeyb galay oo kulan la qaatay madaxda wadanka marti geliyey shirka ee Taliyaaniga, isagoo

caasimada dalka Taliyaaniga ee Rome kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane

Sergio Mattarella iyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Giorgia Meloni oo ay ka wada hadleen xiriirka ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.Madaxweyne Xasan ayaa dhianc akale kulamo kala la qaatay madax iyo masuuliyiin kala duwan, dalka Soomaaliya oo ka mid ahaa wadamada shirkaan ka qeybgalay ayaa ku  soo bandhigya fursadaha maanta yaala dalkeena hooyo ee Soomaaliya.la soco wararkeena danbe. 


News in Somalia, Africa and Around the world-Tuesday, Janaury 30,2024- Tartan kubada cagta qaarada Afrika oo meel xasaasi ah maraya oo leysku riiqmay kaasi oo ay adag tahay in la saadaaliyo wadanka amaba kooxda ku guuleysaneysa sanadkaan, waxaa hada la galay wareegii is reeb reebka,iyadoona ay sanadkaan dalal badan ka dhigeen  wacdaro.

 

Wadanka Ivory Coast oo ah wadanka marti gelinaya ayaa Gool ku laad kaka badiyey wadankii koobkaan horey u heystay ee looga cabsi qabay ee Senegal,ha hayeshee bal intanan guda gelin ka hadalka kooxaha waxaan marka hore shacabka u dulmareynaa garsoorayaasha tartankaan,kedibna kooxaha ayaan wararkeena danbe ku soo qadan doonaa, xiliga ugu haboon.

 

Ku dhawaad 6 Garsoore oo ka qeyb qaatay tartankii sanadkii 2022 waxa ka soo haray sanadkaan Mustapha Ghorbal oo u dhashay wadanka Algeriya,Sidoo kale Victor Gomes oo u dhashay wadanka South Afrika oo ahaa garsoorahii qabtay ciyaartii ugu danbeysay ee finalka ee sanadkii 2022 iyo garsoore lagu magacaabo Janny Sikazwe oo u dhashay wadanka Zambia,waxey noqdeen howlgab oo shaqadii garsoornimada wey ka fadhiisteen waxii ka danbeeyey tartankii koobka aduunka ee ugu danbeeyey.

 

Waxaa Garsoorayaasha kale ee aan sanadkan ka soo muuqan ka mid ah Bakary Gassama oo u dhashay wadanka Gambiya oo isagu dacwad laga keenay ciyaartii ay wada ciyaarayeen bishii Maarso sanadkii 2022 wadamada, Algeria-Cameroon, Sidoo kale Maguette Ndiaye oo u dhashay wadanka Senegal iyo Salima Mukansanga oo u dhashay wadanka Rwanda.

Garsoorayaasha kale ee aan sanadkaan fursad u helin tartankaan ee kale waxaa ka mid ah Joshua Bondo oo u dhashay wadanka Botswana oo ganaax ku maqan ilaa bishi April ee ina dhaaftay iyo Garsoore Redouane Jayed oo u dhashay wadanka Morocco.Intaas waa tababarayaashii qeybta ka ahaa tartankii 2022, bal aanu isla aadno sanadkaan garsoorayaasha hagaya tartankaan maraya meeshii ugu adkeyd  oo weliba ay kooxahu isku riiqmeen.

 

Sanadkan tartanka Kobka kubada cagta qaarada Africa waxaan ku bilabeynaa garsorayasha

dumarka ah  meel dumar laga waayey dhadhan ma leh waatii horey loo yiriye, waa ilaa 5 haween ah kuwaasi oo kala ah.1-Bouchra Karboubi  oo u dhalatay wadanka (Morocco), Salima Mukansanga oo u dhalatay wadanka (Rwanda), Akhona Zennith Makalima oo u dhalatay wadanka (South Africa), Rivet Maria Pakuita Cinquela oo u dhalatay wadanka (Mauritius) iyo Diana Chikotesha oo u dhalatay wadanka (Zambia).

 

Dhinaca raga sanadkan waxaa garsoorayaasha ka mid ah inago sida ay Alifbeetada wadamada u kala horeeyaan u soo bandhigeyna-Ghorbal Mustapha (Algeria),Gamouh Youcef (Algeria),Djindo Louis Houngnandande (Benin),Ndabihawenimana Pacifique (Burundi),Alhadji Allaou Mahamat (Chad),Traoré Ibrahim Kalilou (Cote D'Ivoire),Ndala Ngambo Jean-Jacques (DR Congo),Amin Mohamed Omar (Egypt),Mohamed Maarouf Eid Mansour (Egypt),Mohamed Adel Elsaid Hussien (Egypt),Weyesa Bamlak Tessema (Ethiopia),Atcho Pierre Ghislain (Gabon),Mebiame Patrice Tanguy (Gabon),Kamaku Peter Waweru (Kenya),Ibrahim Mutaz A. Ibrahim(Libya),Traore Boubou (Mali),Beida Dahane(Mauritania),Bouh Abdel Aziz (Mauritania),

Guezzaz Samir (Morocco),Jayed Jalal (Morocco),Karboubi Bouchra(Morocco),Uwikunda Samuel (Rwanda),Sy Issa (Senegal),Omar Abdulkadir Artan (Somalia),Abongile Tom (South Africa),Mahmood Ali Mahmood Ismail (Sudan).

 

Waxaa xusid mudan in Garsoorayaashan uu ka soo muuqday Artan oo Soomaali ah sanadkan.hayeeshee si uusan qoraalku inoola  dheeraan waxaan isku dayi doonaa in aanu kooxba mar soo koobno taasi oo hadii aanu sidey wax u socdaan u soo bandhigno ay dhici karto adigoo aan xaadirin wadanka ay ka dhaceyso tartanka in aad joogto oo kale, waxaase l adhihi karaa tartanka kubada cagta qaarada Afrika sanadba sanadka ka danbeeya waa ka kulul yahay halka ay hada wax marayaane kuma sii jirto kooxahu waa isku riiqmeen waxeyna soo bandhigeen ciyaaro aad u soo jiitay dunida, taasi oo la dhihi karo qaarada Afrika waxey u qalantaa koobka aduunka ee inagu soo aadan in ay ku yeelato in ka badan 10 kooxood. la soco  warakrena danbe.


Somalis Sovereignty and territorial integrity-“The continuous violation of Somalia's territorial integrity since 1991,still (SOMALI UNITY IS NON-NEGOTIABLE).

News in Somalia,Africa and Around the world,Tuesday, Janaury 30,2024-M/weynaha

Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo dadkiisa muhiim u ahaa ka jediyey Madasha Talyaniga iyo Afrika ayaa ku nuux nuuxsaday 

mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya ka jira siiba, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka. waxuuna weliba sii raaciyey isagoo hadalkiisa sii wata "Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale", waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta oo guul u aheyd dalka iyo dadka Soomaaliyeed..

Madaxweyne Dal xoreeye oo si faah faahinaya qeyraadka dalkeena waxuu yiri“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.hayeeshee marka laga soo tago qudbada qiimaha leh ee uu madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh ka jeediyey madasha iskaashiga Taliyaaniga iyo Afrika.

 

Hayeehsee dhanka kale waxuu kulamo muhiim ah la qatay masuuliyiin  kala duwan siiba wadamada daneeya dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo madaxda ururo caalami ah.M/weyne Xasan ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula yeshay Madaxa Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.Mrs Georgieva ayaa bogadisay dadaalada ay wado dowladda Soomaaliya oo shacabkeeda ka helaysa taageero xoogan, gaar ahaan kuwa horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay.

 

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo M/weynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa kulan ay uga hadleen arimo badan ku yeeshay caasimada dalka Taliyaaniga ee Rome. la soco wararkeena danbe iyo safarka madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya mudane dal xoreeye.


Somalis Sovereignty and territorial integrity-“The continuous violation of Somalia's territorial integrity since 1991,still (SOMALI UNITY IS NON-NEGOTIABLE).

Latest News in Somalia, Africa and Around the world- Monday, Janaury 29,2024- War deg Deg ah- Caalamkii oo ka soo horjeestay in lagu xad gudbo madax banaanida dhuleed iyo mida badeed ee Soomaaliya, xili uu golaha amaanka ee Qaramada Midoobay u fadhiyaan arinta xad gudubka Etoobiya.hayeeshee tiradii ugu badneyd ee wadamada caalamka oo qiray in dalka iyo dadka Soomaaliyeed siweyn loogu xad gudbay madax banaanidooda arintaan Bada Casna ay qatar weyn ku tahay dunida oo dhan.

Xitaa arinkaan iskabadaa Soomaalida dalkeeda lagu soo xad gudbee waxaa diidan inta badan shacabka dalka Etoobiya,hayeeshee Somaalida oo ay arinkaan uga dhigan tahay geeri waxaa miiska u saaran sidan ku helayno warar sugan qodobo badan waxaanse hubnaa in dhamaanba ciidamada Ajnabigaa ee gudaha dalkeena jooga hal mar lagu kici doono ilaa ay dalka inooga baxane aysan Somalidu marnaba gamci doonin.

 

xili gobolka Awdal min xeeb ilaa dhulka uu ka socdo abaabulkii ugu xooganaa ee ay wadaan shacbaka Soomaaliyeed,markaas kedib ayaan arkeynaa in Etoobiya dadka Soomaaliyeed xoog uga qaadan karto bad amaba Beri iyo in kale, maxaa yeelay dalka Soomaaliya waa wadan ay ku soo baxday dhaqaalo badan in uu mar uun gacahiisa ku istaago hadana uu ku socdo wadadii dowlad wanaaga shacabkuna dal iyo dibad ka go an tahay amaba uga dhigan tahay arinkainagaan geeri.

 

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Mdioobay wey ogyahiin hadiiba wadan Etoobiya la yiraahdo dal Somaaliya la yiraahdo Bad iyo dhul Xoog uga qaadan karo in aanba boqolaalkii sano ee tagay geeska Africa lagu wada noolaadeen dunidana warkeeda iskabadaa, waxaanse bogaadineynaa in uu caalamka oo siweyn uga dheregsan qatarta ka imaan karta arinkaan in ay dunidu xaqiijiyeen in Soomaalidu ay wado sax ah  ku taagan tahay aysana jirin wax laga wada hadlo, haduu dagaal qarxona Soomaalidu nolosha dunidan sida wadamo badan wax badan uma dhimeyso oo xiligii aduunyadu ka guureysay 1999  ee loo gurayey 2000 amaba waxii loogu yeeri jiray Y2K oo dunida ay qaaylineysay Soomaalidu cuntada dhirta ayey ku garsanayeen oo koronto iyo aduunyo isku dhax yaaceyso weligeed kama fikirin in  dundian lagu kala tago oo uu ninkasta xaniinyahiisa fuulo waan jeclaan laheyn maxaa yeelay wadan hodan ah iyo wadan sabool ahba isku si ayaa loo wada dhimanayaa,waxaase lagu kala duwan yahay kaliya  sida uu dalkasta shacabkiisa iyo hogaankiisa qaladka uga qabto una muujiyaan kalsoonida ay dhulkooda iyo madax bananidiisa ku qabaan si ay ugu noolaadaan gobanimo la taaban karo hadii kalena aduunyadan iskaka tagaan cidii ogolaado dulmigaan waa qof aan dunida u dooneyn wanaag iyo horumar.

 

Inaga hadaanu Soomaali nahay dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee dunida ka dhacay waxuu nagu ahaa maqal oo kaliya maanta ayaan joognaa intii madax banaanida dalkeena inta lagu soo xad gudbo shacabkeena mustaqbalka dhalan doonta ifka yimaadaan iyagoo duleysan waxaa nooga qurux badan in aduunyada uu ka qarxo halmar dagaalkii 3aad ee dunida uuna weliba ka bilaawdo Bada Cas,markaas ayaa si guud nabada dunida loo wada raadin doonaa amaba halmar lagu wada halaagmi doonaa,xal kale oo dunidan maanta yaalo hadii runta wadan kasta oo ku xad gudba madax banaanida dal kale loo sheegi waayo qaladkiisa. Etoobiya arinkaan marnaba Soomaali kulama jaalanji kareyn karto, hadii jaalanji sax ah la donayana waa in dhulka Soomaalida ka maqan lagu qabsado iyada.la soco warakreena danbe


News in Somalia, Africa and Around the world- Sunday, Janaury 28,2024-Madaxweynaha dalkeena Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaala


da Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.iangoona wararka safarka madaxweynaha ay inoo noqonayaan joogto.

 

Shirkan waxa uu Madaxweyne Xasan ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Dhanka kale wararkeena kale ee dalkeena joogto ula soco kuwooda ugu xiisaha badan maadaama uu dalku helay madaxweyne, R/wasaare iyo xukumada dan qaran iyo wleiba  gudoon laabda aqal oo dadaalo xoogan oo dalkeena lagu hormarinayo wadaan. wararkeena kale aanu ku soo qaadan doono waftiyo kala duwan oo maanta gaaray Mogdishu kuwaasi oo ka kala socday Bank Aduunka iyo boqortooyad aSacuudiga xili uu R/wasaaraha dalkeena mudane Xamse uu daah furay barnaamij muhiim u ah dalka. la soco wararkeena.


News in Somalia, Africa and Around the world- Sunday, Janaury 28,2024-Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaas oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar,iaydoo uu R/wasaaraha Soomaaliya Muane Xamsa ka mahadceliyey.dhankiisa La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica, oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ee maanta u yimid daahfurka mashaariicda ayaa qudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey halkaas, iyadoona ay xaflasda ka sooqeybgaleen masuulin ka tirsan xukuamda dan-Qaran iyo safiirka Dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Sunday, Janaury 28,2024- Wararkeena kale ee dalkeena hooyo kuwooda ugu xiisaha badan fardahii ugu badnaa ee ka qeyb qaadanaya Caleema saarka Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo

soo gaaray Hiiraan, xili shacabweynaha Hiiraan kuwoda ku nool miyiga iyo weliba macawisleyda isku diyaarinayaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay Soomaalidu caanka ku tahay.

Inta badan Soomaalida oo caan ku ah dhianca dhaqanka siiba mark alaga hadlayo bulsho

weynta Hiiraan oo taariikh soo jireen ah oo dhianca dhaqanka ku caan ah ayaa dhanka kale waxaa lagu wadaa in caleema saarka Ugaas Yusuf uu kulmin doono qeybaha kala duwan ee bulshweynta Soomaaliyeed.

Arinta aad u xiisabaha badan ayaa ah dhawaan hor intii aysan Ugaaska oo hada ku maqan casuumaad ay u fidiyeen jaaliyada beelweynta Xawaadle oo bariga Afrika ayaa dhanka kale waxaa hada ku jira diyaar garoow aad u weyn dhamaan ciidamada Macawisleyda oo in ka badan 20 xarumood oo dhulka Hiiraan ka mid ah,iyagoo siweyn u hubeysan doonayo in goobaha ay joogaan ku soo bandhigaan ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka noocyadooda kala duwan halkaasne Ugaaska kula kulmi doonaan.Beelaha Xawaadle oo ka mid ah qabiilada Soomaaliya kuwooda ugu magaca dheer dhinaca dhaqanka waxey ka mid yahiin qabiilada

Soomaaliyeed ee uu dalku qiiimo ugu fadhiyo,hayeeshee si uusan qoraalku inoola dheeraan calema saarka oo uu weli  ka dhiman yahay isbuucyo ayaa durbaba siweyn diyaar garowgiisa looga daremayaa Hiiraan iyo wada  ay ku badan yahiin jaaliyadaha  beeshu kaka nooshahay dalka dibadiisa.Duubaabka dhaqanbka Soomaaliyeed, madaxda qaranka iyo wleiba qeybaha ay ka koban tahay bulshoweynta Somaliyed iyo marti sharaf kale ayaa lagu wadaa in dhawan lagu casuumo caleema saarka.inagoo arinkaan durbaba u diyaarinay dhalinayro qaas ah oo toos bulshada uga soo tabisa xiliga ay dhaceyso,hadane waxaan aad u xiiseneynaa ciyaraha lagu soo bandhigo markii dalka Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah lagu caleema saarayo duubabka dhaqanka Soomaaliyeed reer Hiiraankuna kumaba sii jiraan.Beshani waxey ka mid tahay amaba waa qabiilada fara ku tiriska ah ee Soomaaliyeed ee arimahooda u wataan sidii loogu talo galay. bal aanu ku sii nasano ciyaartaan wilisaqada ah  xiligii caleema saarka AUN Ugaas Xasan Ugaas Kahliif oo ah Ugaaskii uu bedeay Ugaas Yusuf Ugaas Xasan oo ah nin dhalinyaor ah oo aad u degan hadane go'aan qaadashadiisa ay aad u wanaagsan tahay.la soco wararkeena danbe.


Somalis Sovereignty and territorial integrity-“The continuous violation of Somalia's territorial integrity since 1991,still (SOMALI UNITY IS NON-NEGOTIABLE).

News in Somalia, Africa and Around the world-Sunday,Janaury 28,2024- Madaxda Qaranka waxan leenahay teamka UNKa inoo jooga si dhaw ha loola shaqeyo sacadahii ugu danbeyey  aad ayey u dadaaleen waxaan si guud u bogaadineynaa dhaliyarada rag iyo dumarba leh ee inoo joogaan hayaddaha amaba ururada caalamka siweyn yey u dadaaleen arinta qadiyadan waan bogaadineynaa dhamaantood,hayeeshee waxaan si gaar ah u bogaadineynaa teamka dalka Soomaaliya u jooga qaramada midobay oo saacadahii ugu danbeeyey dadaalo xoogan sameeyey. si dhaw ula soco warar danbe si fiicana u aqri qormadan hoose. 


Somalis Sovereignty and territorial integrity-“The continuous violation of Somalia's territorial integrity since 1991,still (SOMALI UNITY IS NON-NEGOTIABLE)-Wararkeena kuwooda ugu waaweyn iyo fashilkii ugu danbeeyey xad gudubkii dalkeena .War Helaa Talo Hela.

News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday Janaury 27,2024-Wararkii ugu 

danbeeyey,Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Wararkeena kuwooda ugu waweyn maanta iyo halka ay mareyso arintii bada Soomaaliya iyo fashiladii is xig xigay ee ay sababta u ahayeen shacabka Somaliyed marka laga soo tago Qadarta Alle,waxaa waxkasta fashiliyey Shacabka Somaliyeed oo dal iyo dibadba u istagya difaaca dalkooda oo been beentii dundian looga noolaa meel iska dhigay arintana isku balan saday iney geeri ka xigaan.1-Mamulka Gobolada Waqooyi. 2- Maamulka Addis Ababa iyo Mr Abiy.3-Fashilka ugu weyn oo uu ku dhacay dowladii markii ay Bada Soomaaliya caga dhigtaan ciidamada Etoobiya iyadu tiri anigaa dhisayo oo dhaqaalaha bixinayo, bal sedaxan waxa ku dhacay si fiican u eega Soomaaliyey.

1-Horta Muuse Biixi iyo Abiy Axmed labaduba waxaa lagu dhax watay Ajandooyin waaweyn oo aysan xitaa labadooda shaqo ku laheyn oo weliba la dhihi karo hadeysan shacabka Somaliyed oo geesinimo iyo isku duubni xoogan muujiyey dal iyo dibad mid banaanbaxa, mid gabya, mid miro cusub oo dalka lagu difaacayo alifa, mid mirahii iyo suugaantii horey loo tiriyey soo qaata iyo mid iska xaadiriya inta u dhaxeysa Laawya Cade ilaa xeebaha gobolka Awdal isagoo/Iyadoo amaba hadaanu si kale u dhigno (Rag iyo Dumar) dhiifoon.hadane Shacabka Soomaliyeed ka dhiidhinta ay arinkaan ka dhiidhiyeen waxey bad baado u noqotay wadamo badan oo African ah oo arimahan la doonayey Soomaaliya kedib in lagu tijaabiyo. 

 

2-Aan ku hormarno halka u fashilka ugu weyn kaka dhacay 3dii kooxood oo u midu ahaa Muuse Biixi oo Soomaali ah Abiy Axmed oo Etoobiyaan ah iyo dowladii labadoodaba beenta u sheegtay ee iyagaas ku dhax watay arimo ka baaxadweynaa waxa ay u sheegtay labadaas kooxood.dowladaas waa dowlada kaliya ee caalamka ku dhawaad labada boqol ee wadan ee ka jirta dunida noockasta oo uu yahay qofba Soomaali ah oo masuuliyad intey doontaba hala ekaatee amaba ha sheegtaane badankood xili habeen ah dalkeeda  ku geyso qaab qudbo siro ah min madaxweyne ilaa meesha ugu hoseesaya,yacni hab maamuus iyo Soomaaliya waa dal xor ah iyo waxaas oo dhan ma taqaano dowladaas, waana mida aanu idiin leenahay arimaha ka hadalka shaqsiyaadka Soomaalidaa dib ayaan u dhiganeynaa hada,maxaa yeelay hada arinkooda waxaa ka muhiimsan qatarta kale ee uu dalku wajahayo in bulshada loo bidhaamiyo iyo fashilada ku dhacay qadarka Alle iyo dadaalka ay la yimaadeen shacabka Soomaaliyeed ee is xig xiga.

 

 Laakinse shacabka Somaliyeed halka uu fashilka ugu badan ka dhacay ayaan u tilmameynaa shacabweynaha Somaaliyeed inagoo weliba si gaar ah kuwooda damiirka leh ula hadleyna ,lakinse qaarkood ay u baahan yahiin in wax badan la fahamsiiyo, maxaa yeelay waxan isku dayeynaa in aanu idiin fahamsiino sida uu maanta caalamku u shaqeyo amaba Somali badan oo ka aradan nolosha dunida ka jirta iyo sida loo kala macaasho, lama hadleyno kuwa ay wadaniyadu ay ku yar tahay amaba aan la soo barin,maxaa yeelay waxa laga hadlayo Deked kiro ah maahan oo deked mida ugu casrisan maanta meelkasta oo dalka ka mid ah hadey tahay Waqooyi iyo hadey tahay Koofur waxaa dhisi kara shirkada Dahabshil oo hantida taalo oo ay leeyahiin Soomaali dhan. Laakinse waxa loo socday waxey aheyd in hal dhagax lagu dilo labo shimbir.

 

1- Muse Biixi danba lagama laheyn.2-fikirka xogiisa waxuu ahaa Etobiyanka gudaha Somaliya xoog haku galo,kedibna markii uu caga dhigto askariga ugu horeya ee Etobiyankaa sacado kedib waxey dowladas dhinaca dhaqalaha adegsaneysay dooneysay in ay halkaas geensato ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo u diyaarsanaa sidaasina mustaqbalka dalka Somaliya mugdi lagu geliyo dalkana qeybta ugu muhiimsan lagu qaato.3- Dowladan dhinaca dhaqaalaha adeegsaneysay iyadu maxuu ujeedkoodu ahaa?. Jawaabta oo kooban waa sidii qaarada Afrika siiba geeska Afrika iyo Bada Cas loo keeni lahaa fidno dhawaceysa dhaqalaha qaarada Afrika iyo midka caalamka.

 

Si uusan qoralku inola dheran waxan bogadineynaa sida ay shacabka Somaliyed uga go'an tahay difaaca, madax banaanida, karamaada iyo sharafta dalkooda.si dhaw ula soco wararkeena danbe muwaadinka Soomaaliyeedoow waxaan si gaar ah u bogaadineynaa shacabka Gobolka Awdal oo talaaboyinka ay qadayaan oo dhan u kala qaadayaan sida ay u kala muhiimsan yahiin guul iyo gobanimo Soomaali waa guuleysatay waxeysa ayaan daro heysataa inta aan garaneyno ee Soomaalidaa oo uu damiirkoodu garan waayey war si kale ayaa dhaqaalo loo abuurtaa ee mustaqbalka dalkiina iyo midka dadkiina mugdi ha gelina oo hada markii ay arinta shacabka Soomaaliyeed oo difaaca dalkooda u istaagay fashiliyeen boorka isku qarinayo, walee Soomaaliyey maxaan aqbaar idiin heynaa iyo sidey u kala horeeyaan fashilka qaabkii uu u dhacay iyo kuwa jidka ku soo jira oo uusan aqliga bini'aadamku galeyn oo aanu midkasta waqtigiisa ku soo aadin doono.

 

Fiiro Gaar ah- Maalmahan waxaan isla dhageysan doonaa heesaha dalka aanu shacabkiisa walaalaha nahay ee Sudan oo iyagu si weyn isku abaabulay tan iyo makrii ay soo baxday arinta  Bada Cas dhawana arimah dhaxdooda ah ka heshiin doona insha Allaah.weliba dalka Sudan markii uu ka bilaawday qalalaasaha sidii lala doonayey iyo si u dhaw wax uma dhacin,maxaa yeelay isla maalmahii uu dagaalku bilaawday waxaa la doonayey iney wadanka dhinackasta ka galaan ciidamo ajnabi ah kedibna la bur buriyo dhamaan waxuu documenti taariikh lahaa dalkaas ee yaalay goobaha muhiimkaa, waxaase u istaagay aqoonyahano iyo qurbajoog dalkaas ka soo jeeda oo bilaabay abaabul xoogan ilaa militeriga Sudan general u hadlay intuu Tv-ga soo istaago xili ay colaadu bilaabatay yiraahdo ciidamo ka socda wadamo deris la ah Sudan walaa kuwo aan la aheyn ma soo geli karaan dalkeena. inagana maanta waxaa leyska daawanayaa kumanaan ciidamo ah oo ay dowladahooda ku xad gudbayaan madax banaanida dalkeena, waa yaab.maanta intaan ha inoo joogto


News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday Janaury 27,2024-Dalka Taliyaaniga

oo marti gelinaya Shirka "Meloni Plan" kaasi oo ay ka soo qeybgalyan in ka badan 50 wafuud caalami ah oo intooda badan ka socota qaarada Africa, midowga Yurub iyo hayaddaha

caalamiga ah kaasi oo  ka dhacaya caasimada Taliyaaniga ee Rome. shirkaan ayaa waxaa wadamada ka qeybgalyo ka mid ah dalka Soomaaliya oo u uga qeyb galayo madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo.

Hayeeshee R/wasaaraha Taliyaaniga Giorgia Meloni ayaa kulan deg deg ah la qaatatay  rug cadaayaasha siyaasadeed ee dalkeeda iyo  xukumada dalkaas qeybahooda kala duwan kuwasi oo ay ka wada hadleen shirkaan aadka u weyn iney  u diyaar garoobaan kaasi oo ay wafuudu gaareyso halkaas saacadaha inagu soo aadan ilaa maalinta axada ah ,iaydoona uu shirku furmi doono maalinta Isniinta. joogto ula soco wararkeena danbe .


News in Somalia, Africa and Around the world-Friday,Janaury 26,2024- M/weynaha Turkiga Mudane Reccep Tayyip Erdogan iyo xoghayaha arimaha dibada dalka Ingiriiska David Cameron oo kulan albaabada u xiranyahin ku yeeshay qasriga  Vahdettin Mansion rr magaalada Istanbul.

 

Ka hor intii aysan wada kulmin madaxweyne Erdogan iyo wasiirka arimaha Dibada UK David Cameron waxaa kulan wada qaatay labda wasiiro arimodibadeed ee Turkiga iyo UK ,Hakan Fidan iyo David Cameron kuwasi oo ka wada hadlay xaalada gobolka iyo xiriirka labada wadan.ugu danbeyn wasiirka Arimaha dibad aUK ayaa soo maray wadamo dhawr ah oo ku yaalo bariga dhexe isagoona ugu daneyn magaalada IStanbul kula kulmay madaxweyne Erdogan. la soco wararkeena danbe.


News in Somalia,Africa and Around the world-Friday,Janaury 26,2024-Inta aanan ka hadlain wararkena kuwooda ugu muhiimsan, dabcan wararkeena ugu muhiimsan kuma jiraan in aanu halkaan shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbino qiyaaliga siyaasadeed oo sidaan horeyba shacabkeena sharafta leh ee Soomaalidaa ugu sheegnay hada kuma mushquuleyno arimaha Soomaalida dhaxdooda,maxaa yeelay waxyaabaha qaarkood xitaa ma mudna in laga hadalo hada, berito iyo waqti kale oo shacabkii Soomaaliyeed ayaa qadiyada dalkooda min waqooyi ilaa koofur dal iyo dibad u midoobeen,waxaanse qeybtaan uga hadlaynaa dowlada Kenya oo sheegtay in ay deriskeeda kula noolaaneyso nabad diyaarna u aheyd weligeed hadana u tahay,maadaama ay dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ku bahoobeen ururka Iskaashiga Bariga Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (EAC).

 

Sidoo kale m/weynaha Kenya Mudane William Ruto iyo xukumadiisa ayaa inta badan ku guleystay iney fuliyaan balan qaadkii ay shacabkooda u sheegeen iney sameynayaan xiligii ay ku jireen ololaha dorashada ,halka ay hada u jiheysten iney wax ka qabtaan dhinaca garsorka dalka Kenya oo aysan dooneyn xukumada haatan jirta in loo dhaxeyo shacabka iyo garsorka, sidoo kale Kenya wa wadan uu madaxweyne ka yahay aqoonyahan William Ruto iyo team si dhaw ula shaqeeya taasi oo dalka Kenya ka dhigtay wadan horumarada kala duwan ee qaarada Afrika marka laga soo tago kuwa geeska Afrika ay shacabkiisu wax la qeybsan karaan.

Hayeshee qeybtaan hoose waxan ugu talo galnay muuqaal koban oo laga qaaday magalada

Mogdishu 1977 kii xiligaas oo ay madaxdii dalka ka talineysay intey shacabkii Somaaliyeed sidii ugu habooneyd u abaabuleen oo ay horkaceen aheyd markii ay gacanta ku dhigeen guud ahaan dhulka Soomaali Galbeed jawiga oo degan, weliba mid ka mid ah borarka lagu hardhay caasimada dalka waxaa ku qoran Somali Galbeed waxaa maamulayo shacabkeda,maanta

iyadoo Badeenii iyo madax banaanideena lagu soo xad gudbay halkii shacabkii oo diyaar ah la ababuli lahaa......... Inta kale adigoo muwaadin Soomaaliyeed ah dhameystiro si waxa dalkeena ka qaldan sharaf tiisana lagu ilaalin karo shacab geesiyaal ah waanu qabnaaye si aad u fahamto wax badan.bal muuqaalkaan ku sii naso warar xiiso badanayaa jidka inoogu soo jiree.waxaan aad ula yaabnay shacabka Soomaaliyeed geesinimadooda isma bedesho dalkoodana waa jecel yahiin,waxaanse la yaabnaa qaabka dalka Soomaaliya qofka loogu yeero siyaasi aad ayaan ula yaabnaa,lana soco wararkeena danbe.


News in Somalia,Africa and Around the world-Thursday,Janaury 25,2024-Wararka Somaliya,

Afrika iyo caalamka-Madaxweynaha Turkiga dhanka kalena melo badan oo dunida ka mid ah loogu yeero hogaamiyaha nabada iyo  dhigiisa Iran oo ay ku kulmeen caasimada Turkiga ee Ankara isla soo qaaday sidii loo dejin lahaa xaaalda Bariga dhexe oo aan looga darin.Sidoo kale labda hogaamiye ayaa kulankooda uag hadlay arimo dhawr ah oo quseeya labada. la soco wararkeena danbe.


Qormo aad u xiiso badan Guulaha siyasadeed ee uu dalkeenu gaaray iyo arimaha Dastuurka dalka iyo siyasada guud ee Soomaaliya.

News in Somalia, Africa and Around the world-Thursday,Janaury 25,2024- Waxaan mar kale bogaadineynaa go'aankii geesinimada lahaa  ee ay gudoonka iyo xildhibaanada labada aqal qaateen iyo inuu dalkeenu hada kedib dastuurkiisa muran danbe geli doonin, waa talaboyinka dhanka dowladnimada loo qado midka ugu muhiiman maxaa yelay dal waxuu qaran ku yahay inuu lacag leeyahay, inuu leeyahay ( government-owned airlines or State owned Airline), 

basaboor ( Jinsiyad), ciidamo, sugan yahiin xaduudaha dalka,yacni heykalka dowladnimada  ayaan ka hadleynaa intaas oo dhan badankood waxa ka dhinaa diyaaradii uu dalku lahaa ( Somali Airline) iyo dastuurkii umada lagu dhaqi lahaa oo hada ka gudbay hadal iyo af uun taasi oo lagu soo jiray in ka badan 20 sano.

Waxaa mar kale bogaadineynaa qudbadii taariikhiga aheyd ee uu gudoomiye Madoobe ka jeediyey baarlamaanka ee aheyd koox yar oo buuqeyso loo joojin maayo mustaqbal umaded, waxaase aad nooga qosliyey markii aanu aragnay kuwii buuqayey oo noqday kuwii ugu horeeyey ee u codeeyey dastuurka in la furo,maxaa yelay muuqaalada leyska soo duubayo iyo xaqiiqada dhabta ah marka la codeynayo waa kala labo,Tusaale yar ka hor intii aan loo codeyn habeenkii ka horeysay sow ma arkina koox dhaheysa waxanu nahay in ka badan 100 xildhibaan oo arinkaan ka soo horjeeda xagey ka baxeen?.kkkkk.

 

Soomaalidu hada Soomaalidii hore maahan, waxaase aad inoo soo jiitay,Bil xaqiiqo Somali waxaa ka raayey 3 qabiil ma shegeyno  hada magacooda laakinse sedaxaan qabiil halmar ayey shireen go'aan ayey qaateen  waxa socda oo dhan waa u aamuseen dowlada hada jirta ee uu m/weynaha ka yahay Xasan Sheikhna si buuxda ayey u taagersan yahiin, weliba 3daas qabiil midkood go'aan raganimo leh oo Soomaali 2025 ka yaabin doono been badan oo hada la kala iibsadona meesha ka saari doonto iyagu ay miiska u saaran tahay, waxaase caqiib ah beeshaasi waxaa go'ankaas kaka dayday labo beelood oo kale oo Somaali ah, waana mesha dalka laga bad badin doono si arimo badan loo garane waxey hada kaalinta kowad kaka jiran dowlad dhiska dalka,intaas waan isla fahanay sow maahan, weliba hada wax badan gadaal ayaan u dhiganay ka hadalkooda markii ay Soomaalida dhaxdeeda noqoto oo waxaa ka weyn arimo kale oo ka muhiimsan, sida difaaca qadiyada dalkeena iyo weliba dowlad dhiska.

 

Guusha kale ee ay shacabka Soomaaliyeed dal ahaan iyo dad ahaan u gaareen waxaa ka mid ah waad arsagteen dhaliyaro qabiilo kala duwan ka soo jeedaan oo argagixisada dhinaca mediyaha u qaabilsanaa oo reerkasta leh isbuuc kasta  sidey iyaga iskugu jawaabaayeen iyadoo uu midkasta iska dhigayo inuu reerkisa difaacayo iyagaas iyo kuwa badan oo social mediyaha ka qeyl qeyliyaan oo jaahiliin u badan sow ma arkina sidey mediyaha ugu dhax waasheen,yacni cid waxa ay shegayaan ka soo hoos qaado ayey waayeen oo shacabkii Soomaaliyeed ayaa bislaaday oo dhismaha dalkooda iyo dowladnimadooda u jeestay.Sidaasi daraadeed Soomaaliya halka ay hada mareyso waxey joogtaa guul weyn oo dhinac kasta leh.

 

Waxaan madaxda qaranka mar kale ku boorineynaa Dastuurkaan arimahiisa tirarka dowlad nimada lagu noqdo midkii ugu muhiimsanaa waaye sidii cawaantii looma noolaan karee dastuurkaas Soomaali ha laga soo gabo gabeeyo. in borobagaando iyo qiyaali lagu noolaado waxaa ka sharaf iyo gobanimo badan in xalka dalka oo uu dasturka ugu horeeyo waqti badan bulshada ka gelin soo af jaridiisa. waana bogaadineyna kun jeer intii ku dhiiratay arinkaan rag iyo dumar, madax iyo shacab, gudoon iyo xildhibaano.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday,Janaury 24,2024- Wararkii ugu danbeeyey iyo dalkeena Soomaaliya maalin kale oo taariikh ah kedib  waxi ka danbeeyey bur burkii dowladii dhexe dalka Soomaliya iyo dadkiisa o ay ku soo dhaceen meel cidla ah,halka uu dalkii noqday mid bilaa Dastuur ah ugu danbeyn waxaan bogaadineynaa madaxdii Soomaaliyed ee ku guuleysatay dorashadii gudoonka baarlamaanka iyo xilkii madaxweynaha ,kedibna uu m/weynaha Soomaaliya soo dortay R/wasaare dhamaan madaxii shaqsiyadkii doorashadaas ka qeyb galay waxey ku ololeynayeen iney dhameystirayaan dastuurka hayeeshee sawirkaan hoose waxaan doorashadii ka sameynay gudoonka baarlamaanka maalintii ay dooranayeen madaxweyanah Soomaaliya ugu danbeyn Dalka Soomaaliya dastuurkiisa waxuu ka baxaya qabyada waxaana taariikhdaas qormi doonta aad ugu farxci doona malaayiin Somali ah.


Waxaan bogaadineynaa madaxweynaha Somaliya, gudoonka baarlamaanka iyo xildhibanada golaha shacabka baarlamanka 11aad, kamira dhalinta inuu dalkeenu yeesho dastuur ka baxay qabyada  siiba 12 kii snaoee ugu danbeysay oo dalka iyo dadka Soomaliyed lagu maamuli jiray xeerar jajab ah iyo fowdo, aduunyada oodurbaba bogaadisay  horumarada dalkeenau ku talabsaday e dhinaca siyasada  Guul iyo Gobanimo . si degan ula soco wararkeena danbe  guulaha dalkeenu ka gaaray wax badan.


Wararkii ugu danbeeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo guulo waaweyn oo siyaasadeed gaaray,hayeeshee qormadan kooban iyo waresigaan madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya  ee u uga hadlayo qadiyada dalkeena ugana hadlay sidii ugu wanaagsaneyd.

Latest News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday, Janaury 24,2024-Wararkaii ugu danbeeyey  kuwooda ugu xiisaha badan, Walee Soomaalida hada lee ayey siyasad barteen,Inta badan shacabka Soomaaliyeed waxaan arimaha Soomaaliya uga abaarnaa halka ay xaqiiqada ka jirto, Wararkeena kuwooda ugu waaweyn Waxgaradkii ugu badnaa inta tariikhda Gobolada waqooyi la xasuusto oo Muse Biixi caawa ka dhaqaaqay iyo

Muuse Biixi  oo isaguna siyaasiyiinta gobolada Soomaaliya qaarkood kuwooda koofureed oo la xariirey iskaka ciciyaarayo kkkkk,Banaanbaxyadii ugu waaweynaa ee qadiyada dalkeena lagu difaaayo oo abaabulkooda siweyn looga dareemayo dunida dacaladeeda.Walee Somaali siyaasad waa baratay  Alla maxaan warar xiiso leh Somalida kuwoda wadaniyiintaa u heynaa oo anau ku sooqaadan doonaa wararkeena danbe dowladnimadii Somaliya oo dhaqaqday,

dhagar badan oo dalka iyo dadka Somaliyeed loo maleegay bilaawgii sanadkan oo dib ugu laabatay isla kuwii maleegay, fashilka ku dhacay siyaasiyin badan oo Soomali ah oo meel cidlaa soo istaagay, walaa dowlada hada jirta iska daaye mida soo socota aan ka soo muuqaneyn gusha shacabka Somaliyeed intaanan bulshada Soomaaliweyn la wadagin bal aanu qudbadaan taariikhigaa ee madaxweynaha dalkeena ku sii nasanowaa la kala baxay Soomaaliyey.Soomaaliya ha noolaato.


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo dalka Qatar kula kulmay Amiirka dalkaas ayaa Wareysi Qiimo le Siiyey Telefishinka Al Jazeera.

News in Somalia,Africa and Around the world- Tuesday,Janaury 23,2024-Madaxweynaha Soomaaliya oo booqahso shaqo ku jooga dalka Qatar iyo Amiirka Dalka Qatar oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, Kuwaas oo tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid ah Halyeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay

khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahadceliyey Amiir Tamiim

Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida  Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha

ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaliya.

weli wararka safarada muhiimkaa ee madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya. joogto ula soco wararkeena danbe.


Madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo gaaray caasimda Qatar ee Doha, halkaasi oo uu dhigisa Amiirka dalkaas HH Amiir Tamiim Binu Xamad.

 

News in Somalia,Africa and Around the world- Monday, Janaury 22,2024-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkasi oo uu ku tagay madaxweynaha safar shaqo oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo dalka aanu walaalaha nahay ee Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar HH Amiir Tamiim Binu Xamad.


Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo  Labada Shacab kaasi oo soo jiray waqti  aad u fog,hayeeshe la soco wararkeena danbe iyo madaxwyne Dal xoreeye iyo boqayoonka uu ku marayo wadamada saaxiibka dhaw la ah dalka Soomaaliya qaarkood.


News In Somalia,Africa and Around the World- Monday,Janaury 22,2024-Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo howlo shaqo u jooga dalka Qatar caasimadiisa Doha ayaa kulan la qaatay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.xili dal iyo dibad siweyn loogu midoobay qadiyada lagu difaacayo sharafta iyo gobanida dalkeena hooyo ee Soomaaliya.


Labada madaxweyne ayaa siweyn iskaka wareystay xaaladahii ugu danbeeyey ee dalkeena iaydoona u m/weynaha Somaliya dal xoreeye mudane Xasan sheikh Maxamuud dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mira dhalinta dadaladii deynta cafinta iyo qadista cunaqabateynta hubka, isagoo m/weyne Xasan Aad ugu ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Somaliyeed kuwii hore iyo kuwa haddaba dal kiyo dibadba ay ugu midobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dalkeena hooyo ee Somaliya, shacab iyo dhulba taasi oo ah muqadas Somalidu ay ka jaraan arinkaas amaba ay qaateen maah maahdii Soomalidu ay caanka ku aheyd ee "Gaajo Gobanimo leh iney ka dooranayaan dheger gunimo leh" waana mida kentay in iyagoo ku soo jiray mudo 30 sano ah ka badan dagaalo iyo colaado u midobeen difaaca dalkooda.la soco wararkeena danbe.


Wararkii ugu danbeeyey iyo madax Banaanida dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo guulaha ay Soomaalidu durbaba ka gaareen arinkaan siyaasad ahan, ababul iyo isku duubni iyo weliba fashilkii waxyabahii ugu danbeeyey ee fashilmay.SI degan oo kooban oo wleiba cilmiyeysan  u aqri qoraalkaan muwaadinka Soomaaliyeedow iyo Talo Ku socota madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Qormadan si degan u aqri=War Hela Talo Hela.

 

News in Somalia,Africa and Around the world-Monday, Janaury 22,2024-Wakiilka Qaramada Modoobay António Guterres oo hadal kooban oo nurux leh ku yiri“Mar walba waxaa na haga mabadi’denna, mabaadi’denna waxay la xiriiraan midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka ay Soomaaliya ku jirto,” ayuu Guterres ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo Shiinaha ee caasimadda Uganda intaas waa xaqiiqada dhabta ah in aan dalka Soomaaliya madax banaanidiisa lagu xad gudbi karin.

Aan u soo laabano muhiimada qormadena maanta oo aanu u kala qaadno 3 qodob qodobka ugu horeeya  waa qaab cilmiyeysan oo aanu dooneyno in aanu shacabka Soomaaliyeed wax badan ku fahansiino inagoo u dulmareyna sida guud ahaan looga nool yahay qaarada Afrika. Qodobka labaad waa fashilka ku dhacay damacii ku xad gudubka  Madax Banaanida dhuleed iyo midka Badeed ee Soomaaliya iyo guulaha durbaba muuqda iyo kuwa jidka ku soo jira.

Qodobka ugu danbeeya qaabka hogaamineed amaba hadaanu si kale u dhigno hogaaminta ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u baahan yahiin marka laga soo tago dadnimada iyo geesinimada ka muuqata shacabka Soomaaliyeed iney maareeyaan xad gudubkasta oo dalkooda lagula kaco.yacni howsha midna waa mid u baahan masuuliyad midna waa kaalinta shacabka Soomaaliyeed kuwooda wadaniyiinta ah amaba damiirka leh.

 

1- Qodobka 1aad wax badan kama hadleyno Abiy Axmed iyo Etoobiya oo qodobada midkaan ka danbeeya ayaa si fiican u qeexayo nuxurka dhan, waxaanse Soomaali badan u xaqiijineynaa in ay siyaasad ahaan Etoobiya iyadoo aan weli leysla gaarin arimo badan oo jidka ku soo jira oo ficil isku beddeli doona dhawaan in ay Etoobiya siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahanba si weliba mug leh ugu qasaari doonto  daan daansiga ay hada wado waxaana si wanaagsan arinkaan ugu sharaxeynaa qodobadeena kale,laakinse waa qodob qofkii Soomaali ah oo si fiican u fahma wax badan u iftiiminaya xitaa Soomaalida aan wax aqrin karin ee bur burkii dowladii dhexe kedib magaalo soo galay kedibna qaarkood kuwa badan oo Suit iyo Tay iyagoo aan wax kale sameyn meel la soo istaagay waxaan ahey siyaasi heerka ay jaahilnimo ka gaareen xitaa qodobkaan in uu fahmo aad ayey u afaceysaa maxaa yeelay wax badan oo qiyaali siyaasadeed ah dunida kama shaqeyneyso hada kedib.

 

Aan muhiimada qormadan guda galno horta Soomaali badankeed maxay ka fahamsan yahiin qaabka looga nool yahay qarada Afrika oo ay Soomaalidu qeyb ka yahiin amaba u dalka Soomaaliya ku yaalo Qaarada aanu ka hadleyno,marka laga soo tago in kaliya afka uun laga yiraahdo waa qaarad hodan ku ah qeyraad badan oo kaliya?, waxaa ka muhiimsan horta in aad wax badan ka fahanto wacyiga dhabta ah maxaa yeelay wadamada Qaarada Afrika soo aada waa labo nooc kuwo waxey u soo aadan fowdo kuwana waxaa ka dhab ah iyaga iyo shacabka qaarada Afrika iney kala faa'ideystaan, isla qaarada Afrika dhaxdooda madaxdu waxey u kala baxaan labo qeybood kuwo waxkasta oo fowdo ah u sameeyaan kaliyasidii ay kursiga ku  joogi lahaayeen kuwaasi waxaa loogu yeeraa Kaligii taliye shacab iyo dal wax dan ah oo ay ka leeyahiin ma jiraan  wadamdii dalkooda doonayo iney ka faa'ideystaane ugu danbeyn wey isku dhacaan weyna kala tagaan, isala qodobkaan intaana ka bixi waxaa soo raaca madax aan garaneyn sida bulsho loo hogaamiyo bedelkiina dalalka qaarkood waxaa sharaftiisa ilaaliya markasta shacabkiisa.

 

Iyo qeybta ugu danbeysa oo ah madax waxoogaa tabarba yeysan heynine dalkooda iyo dadkooda la jecel horumarada kala duwan ee dunida ka jira inuu gaaro xiliga ugu haboona qaata go'aanka ugu wanaagsan ee ay ku jirto danta dalkooda iyo mida dadkooda oo aan la gaban qaabkooda hogaamineed.

 

Afrika markaan ka hadleyno dhamaanba sooma wada qaadan karno dalalka dunida oo dhan iyo waxa ay ka rabaan qaaradan, waxanse soo koobeynaa amaba tusaale u soo qaadaneynaa waxaa jiraan wadamo badan oo aan weligood gaareyn iney helaan waxa ay ka rabaan qaarada Afrika amaba dal sida Soomaaliya oo kale hodan ku ah wax badan kuwaasi waxaan ku soo koobeynaa kaliya iney yahiin marka horeba soo maraan wado qaldan oo ah wadan hebel waxa ka jira mushkilad ee daruufaha ay ku jiraan uga faa'ideyso, iyaga isku hubee amaba u adeegso wadan iyagaas deris la ah intaad madaxdooda been u sheegto sidaasina inta badan uu ku  bilaawdo colaadaha iyo dagaalada markasta ka qarxa meelo badan oo qaarada Afrika ka mid ah  oo aanu hubno in uu midka Soomaaliya iyo Etoobiya isku bedeli doono gacan ka hadal marka wax badan oo hada qiyaali ku dhisan leys kala baxo, weliba Soomaalidu si weyn ayey u fahamsan tahay qiyaaliga siyaasadeed ee hada la doonayo in la kala iibsado sida markii Etoobiya looga guuleystay dhinackasta hada kuwii iyada so diray ay leeyahiin Soomaalida dad dhul iyo bad laga qaadan karo maahane inta loo diyaar garoobayo oo dagaal weyn lagu qaadayo ha loo seex seexdo oo kuwooda wax ma garada ah suuqa ha loo geliyo Etoobiya iyo Soomaaliya ayaa wada hadlayo, yacni fashil  siyaasadeed markuu dhaco wadan waxaa jiro halkii laga qiri lahaa in la fashilmay in meelo kale oo uusan xalku jirin loo boodo.

 

Tusaale- Intaanan u gudbin qodobada hoose ee aanu ugu talo galnay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ee maanta nool qeybtaan oo weli ah isla qodobka koowaad waxaan tusaale u soo qadaneynaa mid ka mid ah dalalka ay dhab ka tahay iney qarada Afrika uga faa'ideystaan sida ugu wanaagsan iyo guulaha ay ka gaareen 20 kii sano ee ina dhaaftay wadankaas oo ah dalka Turkiga weliba daraasaadkaan qofkasta oo Soomaali ah oo amaba wax aqrin kara amaba aqoon uu wax badan ku ogaan karo heli karo arinkaan daraasad haku sameeyo inagu waan soo koobeynaa oo ma dooneyno inuu qoraalku nala dheeraado waxan tusaale u soo qaadaneynaa wadanka Turkiga.

 

Turkiga iyo Qaarada Afrika.

 

Dowlada Turkiga waxey ka mid tahay wadamada  caalamka ee dalka Soomaaliya iyo  in ka badan 53 wadan oo qaarada Afrika ah laga jecel yahay siyaasadooda waana mida keentay in ay wadamada Soomaaliya iyo Libiya oo hodan ku ah qeyraad badan iyo dalal badan oo Qaarada Afrika ku yaala  la leeyahay xiriir ka duwan wadamo badan sababtuna waa sidan.

 

 Waxaa laga yaabaa marka qaarada Afrika laga hadlayo wadanka ugu maalgelinta badan mashaariicda ugu badana maanta maamula in ay tahay Shiinaha ,hayeeshee Turkiga sida ay wax ka yar 20 sano u kala macaasheen dalalka qaarada Afrika weliba isagoo ilaalinaya wadankasta madax banaanidiisa waa sidan.

 

 Sanadkii 2007 ilaa 2010 kii xiligaas oo aheyd markii uu siyaasada Turkiga si fiican u so galay madaxweyne Erdogan oo magaalada Istanbul ka ahaa magaalo-Mayor, kedibna ka noqday R/wasaare Turkiga tan iyo markii uu talada wadankaas qabtay  Erdogan 3dii sano  ee ugu horeysay 2007 ilaa 2010 waxaa la bedelay siyaasadii dhan ee Turkiga waxaana la qaatay siyaasad loogu magac daray Turkey - Afrika policy. 

 

Turkiga xiligaas waxuu qaarada Afrika ku lahaa 2012 oo arinkaan la dhaqaajiyey 12 safaaradood maanta waxuu  ku leeyahay 44 safaaradood.mashaariicda uu qaarada Afrika ka fuliyey oo uu weliba dhameystiray ( finished) waa in ka badan 1870 mashruc oo dhamanatod ku dhamaaday xiligii loogu talo galay.dhaqaalaha ku baxay ilaa hada mashaariicdaas waa ilaa 85 Bilion.Intii ay socdeen mashaariicdaas waxaa shaqo ka helay in ka badan 100 kun oo Afrikan ah oo ku kala nool gees ka gees qaarada Afrika.

 

Ogow sanadkii 2003 maalgelinta Turkiga ee qaarada Afrika wey ka yareyd 5 Billion, sanadkii dhamaaday ee 2022 waxey mareysay ku dhawaad 43 billlion,isla sanad kedib 2023 waxey afka saartay 50 billlion. arimahan oo dhan waxaa ka sii muhiimsanaa 20 kii sano ee uu madaxwyene Erdogan jogay xukunka waa hogaamiyaha kaliya ee caalamkaa ee ilaa 40 jeer booqday qaarada Afrika.in ka badan 10 wadan ayaa iibsadeen diyaaradiisa cusub ee drone-ka ilaa 30 wadan oo qaarada Afrika ku yaalana waxuu la leeyahay xiriir is fahan oo dhinaca difaaca ah weliba Turkiga saaxiibkiisa koowaad ee qaarada Afrika waa Soomaaliya sababta mar kale ayaan shacabka u sharaxi doonaa, waana waxa aanu u leenahay hadii dagaal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Etoobiya qarxo wadamo badan oo warshado ku leh dalka Etoobiya wey iskaka guurayaan oo aduunyadii oo dhan ma doonayaan dalka Soomaaliya oo ay yaalan fursado badan in ay lumiyaan,inagu kama hadleyno wadamada aan garaneyn siyaasada ee kaliya madaxdoodu meelo badan oo dunida ka mid ah kaliya ka abuuraan colaado kuwaasi dhaqaalo kasta oo ay leeyahiin dunidu maanta dalkooda kama siinayaan wax mashaariic ah weliba dal sida Soomaaliya oo kale ah been been waxbo loogama qaado ,waana mida maanta keentay in uu dalkasta ku siyaasad noqodo dalka iyo dadka Soomaaliya oo hada cagta saaray wadadi dowladnimada.

 

2- Qodobka labaad- Waa damacii Abiy Axmed, horta qodobkaan waxaan u kala qaadeynaa A iyo B. weliba Soomaalida ku hoos nool gumeystaha Etoobiya si gaar ah ayuu u anfacayaa marka laga soo tago Soomaalida ku nool dalweynahii Soomaaliya. waan ugu celineynaa Soomaalida mar kale Abiy Axmed Dalka Etoobiya ma xakumo maanta 70% gacantiisana kuma jiro, waxaa socda qorshe isaga xita lagu qiyaanay oo ay gadaal ka riixayeen dowlado kale oo ay doonayaan iney kursiga kaka tuuraan kuna fadhiisiyaan mid ka mid ah qowmiyadaha kale ee Etoobiya arintaas oo loogu talo galay  in meesha kaliya ee lagu fashilin karo ay tahay  dalka Soomaaliya oo aan taako ka mid ah dalkooda la qaadan karin, Muuse Biixina waxaan kitaab jaamac ah ugu mareynaa Soomaaliweyn iyo caalamka oo dhan waxaan oo dhan waxuu u sameeyey in aysan Hargeysa ka dhicin Doorasho cid isaga ka danbeysana aysan kursigaas ku fadhiisan, weliba shacabka gobolada waqooyi iney sidaan ugu midoobaan qadiyada Bada sidey u dhan yahin Muuse Biixi waa ku faraxsan yahay oo waxu doonaya ugu danbeyn daqiiqada ugu danbeysa inuu Mogdishu ka dego oo uu yiraahdo calankii Soomaaliya waan wadaa oo waa kan.


Qeybtaan aan si fiican u sii qeexno, markii uu qof Soomaali ah ku dhiirado wax umada ka yaabiya waxaanu la xariirnaa hadba inta aanu markaas aqliga ku tuhmeyno ee isaga ka ag dhaw,nuxurkii oo kooban iyo waxii inooga soo baxay inagoo waxkasta ka deyneyna waxii borobagaandho  ah iyo fashilka ku dhacay shaqsiyaad Soomali ah oo ay dhamaan ka fashilmeen borobagaandadkii loo soo dhiibay oo dhan ee ay ku doonayeen iney ku xayeysiiyaan Abiy Axmed iyo Etoobiya,waana mida aanu leenahay hada ma dooneyno in aanu ku mashquulno shaqsiyaad Soomaali ah ama masuuliyad ha sheegtaano ama ha noqdano kuwo siyaasi isku sheego amaba ha noqdaano shaqsiyaad magaalo soo galay waxii ka danbeeyey bur burkii dowladii dhexe, hayeeshee xitaa Muuse Bixii dadka ka ag dhaw waxey inoo sheegeen hadii ay Hargeysa ka jiri laheyd golayaal sharci dejin iyo mucaarad hadaf leh oo la fahmi karo siyaasadooda Muuse Biixi mar hore ayuu doorasho qaban lahaa amaba kursiga maadaama uu dhinackasta ka fashilmay uu baneyn lahaa maaday shacabkii ugu danbeeyey ee gobolka Awdal iyagoo aan hal xabad ku ridin dhulkey la jareen Muuse Biixi.

 

3- Qodobka ugu danbeeya o ah talo aanu ugu talo galnay madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxwqyene dal xoreeye.Horta shacabka Soomaaliyeed waxaa Bad lagu qabsanaa ugu horeysay xiligi ay hogaanka dalka ku magacaanaayeen Shariif iyo Xasan Sheikh arinkooda wanaag iyo xumaanba sida aanu horey uga sheegnay in aanu  waxii wiil Soomaali iyo geber Soomaali ah dalkaan u geysteen weliba waqti munaasib ah iyo weliba midkasta dhamantooda Soomaalida dalkaan iyo dadkisa godobta ka galay reerka uu ka soo jeedo inagoo waqti munaasib ah la sugeyna,hadane halka ay maanta joogto waxaan talo ku siineynaa madaxda qaranka, markii uu madaxweynaha Soomaaliyda dalka dib ugu soo laabto inagoona hada isla aadeyna wadanka Qatar ee u ku sugan yahay madaxwyne Dal xoreeye oo safaro muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku maqan,bal aanu isla aadno dalka Qatar.lana soco wararkena danbe.


Latest News in Somalia,Africa and Around the world-Sunday, Janaury 21,2024- Wararkii ugu danbeeyey Soomaaliya, Afrika,caalamka iyo kulnakii taariikhiga ahaa ee dalalka Masar iyo Soomaaliya ee magalada Qaahira-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh

Maxamuud oo booqasho rasmi ah o taariikhi ah ku jooga dalka Masar dhawaana dal iyo dadka Soomaaliye duga qeyb galay shirar waaweyn oo ka dhacay wadanka Uganda kuwaasi

oo dhamaantood ku so dhamaaday guul siyaasadeed ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday wasriga looga arimiyo dalka Masar ee  Al-Ittihadiya Palace, amaba hadanu si kale u dhigno loo garan ogyahay  Al-Orouba Palace dadka reer Masarna ugu yeeraan Heliopolis Palace,maadaama u magaalada Qadir uga yaalo degaanka lagu magacaabo Heliopolis ee Madaxtooyada dalkaas.

 Hayeeshee inagoo kulankaan miro dhalka ah warbixin dheer ka soo diyaarin doona bal waxaan hada qeybtaan ku soo koobeynaa kulankii maanta ee miro dhalka ahaa ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi iyo madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxmamud dhax maray.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado badan qaatay kedib ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah iyo labada dowladood ee Masar iyo Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay labada hogaamiye wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud uu si uu heerkeedu sareeyo kana muqatay diyaar garoow xoogan u tilmaamay amaba uga dhawaajiyey sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada , bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna oo ay shacabka Somaaliyeed dal iyo dibadba ku bixin doonaan qiimokasta oo ku kacaya.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeya sidii ay u abuuri lahayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wada hadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.” ayiri madaxweynaha Soomaaliya mudane Dal xoreeye Xasan Shiikh oo uu dhnacisa taagnaa madaxweynaha dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa si mug iyo miisaan leh uga  mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya iyo ku xad gudubka madax banaanida dalka iyo dadka Soomaliyeed ayaa dhanka kale soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah dhulkeena, isago si waadax ah oo aan leex leexad aheyn u shegay qodobkaan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin Labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika. weliba qodobkaan hadaan si horudhac ah ugu fasirno shacabka Soomaaliyeed afka qalaad waxuu noqonayaa  in manata oo axad ah ku dhawaaaqay madaxwyenaha  Masar in ay dowlada iyo shacabka dalka Masar si toos ah u bar bar taagan yahin dal iyo dadka Soomaaliyeed oo micnaheedu tahay (Egypt stands with Somalia against any threat to its security and stability).

 

madaxwyenaha Masar oo ahdalkisa si wata waxuu yiri“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno”.ayuu yiri Mr Sisi.

 

Hayeeshee ugu danbeyntii, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xoojinta iskaashiga labada dal ee soo jireenka ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga war bixiyey dhiggiisa Dalka Masar guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dagaalka argagixisada iyo gaaridda guulihii taariikhiga ee dalkeennu ka gaaray qaadista Cuna-qabatayntii hubka, deyn cafinta iyo ku biiristii suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

 

Marka laga so tago dhamaan kulamdii madaxweynaha Somaliya ee ku so dhamaaday gusha siyaasadeed,hadane  dhanka kale waftigii u madaxweynaha uga soo tagay dalka Uganda ee uu hogaminayey R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Saalax waxey qabteen shaqo wanaagsanoo aan halkan lagu so kobi karin maadaama dalka iyo dadka Soomaaliyee dintan la gaarin dagaalka rasmigaa ee Xabad ain ay ku jiraan dagaal siyasadeed ki ugu weynaa ee dlakeena soo mara waayadan iyadoona ay si ay shacabka Somaaliyeed oo min waqooyi ilaa kofur u midobay qadiyaan ay ku dagaalamayaan ilkaha iyo cidiyaha maadama ay arinkan uga dhigan tahay geeri.

 

Waxaa kale oo aan bogaadineynaa in ay dhamaanba fashilmen qorsho kasta oo la doonayey in shacbaka Soomalyeed oo dalkooda lagu soo duulay looga weeciyo arinkaan iyadoo ay dhamaanba shaqeyn weysay isku day kasta ,halka shacabka Gobolka Awdal oo garab iyo gaashaan xoogan ka helaya qowmiyada Somalida oo dhan ay iyaguna sameyeen saacadahii ina dhaafay dadaalo aan horey loo arag oo weliba loo qaateen ah inagoo aanan dooneyn in aanu ka hordhacno dadaalka dowlada iyo shacabka Somaliyeed. si dhaw ula soco wararkena danbe iyo safarka tariikhiga ee m/weynaha dalkena hoyo ee Somaliya uu ku marayo dunida. 


News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday, Janaury 20,2024-Madaxweynaha

 Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, halka uu madaxweynaha Soomaaliya bogaadiyey kana mahadceliyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka amab ahadaanu sikale u dhigno doorkooda wanagsan ee ay kucambaareeyeen kuna taageereen midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed iyo Badeed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan iyo Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa iska xogwareystay amniga iyo istaraatiijiyadda badda Cas marinka muhiim ka ah ee baabul-mandab iyo xaaladda geeska Afrika, iyagoo dul istaagey cawaaqib xumada ka dhalanaysa tallaabooyinka meel ka dhaca ku ah midnimada umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaasi aan leex leexad laheyn oo xaqiiqada ku dhisan ula wadaagay hoggaanka Midowga Carabta mowqifka dhabta ah oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed o mideysan ay ku diideen damaca Xukuumadda Abiy Axmed ee ka dhanka ah badeena iyo dhulkeena.

Dhankiisa,Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa muujiyey dadaalka iyo garab istaaga Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya,  isagoo sheegay inaan la aqbali karin xadgudubka ka dhanka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saldhig u ah xasiloonida Gobalka oo dhan.Hayeehsee marka laga soo tago kulamada uu masuuliyiinta kala duwan kula qaadanayo madaxweynah dalkeena hooyo ee Soomaaliya,hadane waxaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka Masar ee Qaahira safarka uu ku joogo madaxweynaha Soomaaliyaiyadoona lagu wado kulan  ay yeelan doonana labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Saturday, Janaury 20,2024-M/weynaha 

Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmiah kujoga dalka Masar oo maanta booqday laguna soo dhaweeyey xarunta jaamacada Al-Azhar Al Shariif ee Magalada Qaahira ,ayaa halkaasi kula kulmay Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka dhan ah fikrada ha  xagjirka ah iyo dhanka kale xaaladda kumannaanka kun  ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Al-azhar iyo guud ahaan wadanka Masar u jooga tacliinta.


Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo M/weynaha uga mahadceliyey booqashada ayaa aqbalay casuumadd amaba hadaanu si kale u dhigno  ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado dalka Soomaaliya si uu u soo arko,isagoo kala hadlay arimaha xagjirka.

Ugu danbeyna Sheekh  Axmed Al Tayib ayaa si adag u cambareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta.

 

Hayeeshee m/weyne Xasan ayaa lagu wadaa iney kulan ku yeeshaan qasriga madaxtoyada dalka Masar dhigiisa dalka Masar, El Sisi kuwaasi oo ka wada hadli doona xiriirka labada dalka iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Masar. la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world- Saturday, Janaury 20,2024-Madaxweynaha Soomaaliya oo shirar muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga qeyb galay wadanka Uganda oo lagu qabatyshirka Urur Goboledka IGAD iyo midka NAM oo uu halkasi ka jeediyey qudbado qiimo leh, ayaa dhanka kale waxey booqasho rasmi ah uga bilaabatay wadanka halkaasi oo uu kula kulmi dono dhigiisa dalkaas Mudane Abdul Fattah El-Sisi.

 

M/weyne Xasan iyo waftigiisa oo soo dhaweyntoda siweyn looga daremayo caasimada dalka Masar ee Qaahira ayaa dhanka kale gulo la taaban karo oo siyasaded  ka soo hooyo dhaman safaradii uu ku tagay dalka dibadiisa ee lagu ilaalinayey sharafta iyo gobanidamada amaba

madax banaanida dalkeena hooyo ee Soomaaliya. xili uu qudbad taariikhi ah oo u ka jeediyey shirka dalalka Dhax dhaxaadka ah si toos ahna dundia ugu diray fariin cad in aan leyska indha tirin daan daansiga Etobiya ayaa qudbadiisii qiimaha badneyd waxey dhamaanteed xambaarsameyd digniin ku socotay madaxda Etoobiya.dhanka kale m/weynaha Soomaaliya

ayaa markii uu qudbada ka jeediyey shirka NAM isla markii ka duulay wadanka Uganda.

Daawasho Wacan qudbada madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya. lana soco warakeena danbe inagoo aanan dooneyn in aanu ka hordhacno wax badan oo lagu difaacayo sharafta iyo karaamada dhuleed iyo mida dadeed ee dalkeena,lana soco kulanka muhiimka u ah labada dowlad iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Masar ee dhax maraya madaxda labada wadan ee Masar iyo Soomaaliya).


Madaxda Urur- Goboledka IGAD oo Taageray Madax-Bananida iyo Midnimada Soomaaliya, halka,halka mar kale ay Midowga Africa,Mareykanka iyo Midowga Yurub war ka soo sareen xad gudubka madax-Babaanaida dalka iyo dadka Somaliyeed si cadna u sheegeen in ay si buuxda u aqoonsan yihiin madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda  Soomaaliya.Qormadan si degan u aqriso muwaadinka Somaliyedow.War Helaa Talo Hela.

News in Somalia, Afrika and Around the world-Friday,Janaury 19,2024-Xili ay dowlada iyo shacabka Somaliyeed dal iyo dibadba ku jiraan waxkasta oo ay ku difaacan karaan gobanida,

sharafta iyo madax banaanida dhuleed iyo midooda Badeed,ayaa dhanka kale waxaa arintaan siweyn uga gil gilshay Soomaalida maamnta nool, shacabweynaha Qaarada Afrika iyo kuwa caalamka  oo arinkaan ku tilmamay dulmi aan geedna loogu soo gaban.midna ogaada Soomaaliyeey intaanan muhiimadan qormadan gudagelin arintaan  sidaan u hubno in uu Allaah xilikasta dunidan dhaafin karo noole kasta ayaan u hubnaa in aysan  huri doonin gacan ka hadal,

Hal arin ayey Soomaaliya iyo Etoobiya siiba labada shacabka oo deris ah ku kala bad baadi karaan waana in Abiy Axmed arinkaan ka bixiyaa raali gelin ma la waayey, uma xuma wiil Afrikan ah oo dhashay 1976 dii oo talo xumooday,waxaanse idiin dulmareynaa hadey maanta Etoobiya dagaal la gasho Soomaalida oo maanta meelkasta oo ay joogaan aysan jirin meel dhiigooda laga saro min waqooyi ilaa Koofur in dalka Etoobiya oo ay hada shacabkiisa la daalaa dhacayaan saboolnimo dal ahaan iyo dhaqaalo ahaan laga dooni doono meel aysan

ka soo kabsan karin 100 ka sano ee inagu soo aadan.maxaa yeelay Etoobiya shacab ahaan waa 120 milyan halka ay maanta ku nool, yahin weligood ayey ku noolaayeen kuna noolaan doonaan, Allaah xigmad weyn ayuu ka lahaa inuu Soomaalida ku beero geeska Afrika weliba u hibeeyo Bada ugu dheer Afrika oo isku xirta marin biyod muhiim ah,maxaa yeelay Somalida waa dad aan aqoon inuu qof bini'aadam ah qiyaano,laakinse jecel iney kala faa'ideystaan.

Maxaad u maleyn laheydeen nolosha dunida sida ay ahaan laheyd hadi Allaah ku beeri lahaa Etoobiya xeebaha Soomaaliya?.Jawaabta oo kooban waa in ay yahiin dad ay u sahlan tahay sida loo abuuro cadaawad aan loo baahneyn oo dhax marta hadba dadka hogaaminaya iyo wadamada deriska la ah, horumarka dunidana dhabaato xoogan ayey ku noqon lahaayeen, bil xaqiiqo.

Bal maanta waxaad noo sheegtaan wadan deris la ha Etoobiya oo uu heshiis la yahay Abiy Axmed Soomaaliyaa ugu danbeyso, weliba waxa la daan daansanayo waa Soomaali oo uu dhul horey uga maqnaa,bal ka warama,hayeeshee waa kuwa soo afjari doono fowdadan, weliba sidaasi ay tahay  Etoobiya oo 120 milyan ah kudhawaad 100 kun oo ka mid ah shacabkeeda waxey si toos ah iyo si dadbanba ugu shaqeeyaan Soomaalida oo weliba ah shacab mudo ka badan 30 sano colaad ku soo jiray oo waxaanu shacabka Etobiya u nahay  Qaramada Midoobay oo yar oo kale.maxaa yeelay shacabka Etoobiya inaga Soomali ahan inaksta oo ay naga heystaan dhul iyodad hadane waxaan u naqaanaa hadanau nahay Soomaali iney yahin dad deriskeen ah oo Afrikan ah oo aanan is hureyn inta nolosheena ka dhiman oo Soomaalidu waa dad xeeriyaan wax badan oo aysan xeerin Afrikanku badankiis.

 

Laakisne hogaamiyaasha badanaa soo mara Etoobiya markasta xisab qaldan ayey isku dhufsadaan oo wadan Soomaaliya la yiraahdo oo ay 100 sano ka hor dadkiisa oo  3 milyan oo shacab ah iyo 6 milyan oo Geella ay ku nol yahin laga difaacay in maanta oo qarniga 21aad lagujiro Soomaaliduna ka dhaqaalo ,mustamac iyo aqoon badan tahay 100 sano ka hor sidey aheyd in waxaan loola yimaado oo mada xbanaanida dalkeena lagu soo xadgudbo waxey ku dhacday  waa inagoo raadsanweynay dhulkii horey nooga maqnaa in aanu so ceshano. waa in Etoopbiya la baxaa waxa afka qalaad lagu yiraado (What Is Sovereignty)?. inagaa mar kale hakaan ugu sharaxi doona si ay weliba bulshadu fahmi karto inago wleiba u kal qaadeyna labo qeybood micnaha madax-banaanida  taasi oo kala ah mid lagu dabaqo siyaasada Sovereignty, in political theory. iyo qeybta kale oo ah Sovereignty is the bedrock of international relations. hayeeshee si uusan qoraalku inoola dheraan aan u laabano muhimad aqormadeena iyo halka ay had awax marayaan kedibna waxaan isla aadi doonaa shirka NAM waxaane bogaadineyana shir madaxeedka IGAD iyo Ururada kale ee caalamka iyo wadamada caalamka oo dhan oo arinkaan siweyn uga hadlay  wadan wadan iyo si guud.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

 

MadaxweynahaSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa usoo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika hadaan hada wax laga qaban.

 

Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii golayaasha sharci dejinta Baarlamaanka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Mr Abiy iyo Captan Muuse kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.la soco wararkeena iyo qudbadii taariikhig aaheyd ee uu madaxwyenaha dlakeena ka jeediyey shirka caalamigaa ee NAM oo ay ka soo qeybgaleen madaxda wadamo badan iyo wafuud caalami ah.hayeeshee Soomaaliyey meel ku qorta arinkaan ilaa Etoobiya laga  soo celiyo dhulka Soomaali ka maqan oo aan kaas lagu qabsan ma dhici doonto lagamana yaabo in ay Soomaaliya iyo Etoobiya weligood ku wada noolaadan nabad iyo deris wanaag maxaa yeelay cida markasta dalkeena duulanka ku ah waa iyaga, maxaa yeelay inagu waxkasta oo uu noolaha u baahnaa Allaah ayaa na siiyey Bad iyo Beri kaliya hada waxaan wadada saarnay wadadi horumarka iyo dowlad wanaaga caalamkii oo dhan wdalkeena waanu ku so dhaweynay,waana midaas mida ay madaxda Etoobiya ka xun yahiin, shacabka Etoobiyase waa dad wanaagsan laakinse la marin habaabiyey, waa in aanu taas maskaxda ku heyno arintaan dagaal ma huri doonto.la soco wararkeena danbe iyo safarka madaxweyne dal xoreeye.


News in Somalia, Africa and Around the world-Thursday,Janaury 18,2024- War Deg Deg ah,Wararkii ugu danbeyey  Somaliya, Afrika iyo caalamka.Waxaan marka hore bogaaidneynaa dalkeena hooyo ee Soomaaliya oo mar kale masraxyada dunida ku soo laabtay mudo 30 sano kedib waxii ka danbeyey bur burkii dowladii dhexe oo ay madaxda dalkenu iyo dadkenu ka mid noqdeen mar kale wadamada amaba hadaanu si kale u dhigno dalalka tiigsanaya horumarada kala duwan xili ay dowlada iyo shacabka Soomaliyeed  xiriri wanaagsan la leeyahiin wadamada caalamka oo dhan,hayeeshee inta aana muhiimada qormadeena gudagelin bal Soomaaliyeey wax yar maskaxdaada ka shaqeysii madaxda ururka IGAD ee halkaan fadhisa aaway dalkii Etoobiya ee ay madaxdiisu doonayeen iney ku xad gudbaan sharafta, madax banaanida iyo karaamada umadeed ee dalkeena iyo dadkeena?. wadan kasta oo ay madaxdiisu ku fikiraan qaab qaldan amaba bulshadiisa ku hogaamiyaan been siyaasadeed sidan ayaa u danbeyneysa iney ka dhuuntan madaxdoodu goobahan oo kale, waxaanse madaxweynaha Soomaaliya amaba guud ahaan madaxda qaranka iyo shacabka Soomaaliyee dkuwooda damiirka leh qeybteena hoose ku siineynaa talooyin aanu is leenahay waxaa la joogaa waqtigooda.

Dhanka kale waxaan bogaadineynaa dalalka caalamka iyo ururarada caalamigaa si gar ah waxaan bogadineynaa ururka Midowga Carabta oo sida ugu wanaagsan u cambaareeyey xad gudubka aan geedka loogu soo gaban ee wax loogu dhimayey madax bananaida dalkeena hoyo ee Somaaliya.inago wlei ku guda jirna wararkeena ugu badan iyo inagoo isla aadi doona caasimada wadanka Uganda ee Kampala oo uuu ka furmayo shirka ururka IGAD iyo shirka NAM e ay iskugu imaanayaan wafuud caalami ah oo ka socota dalalka dhax dhaxaadka, aya dhanka kale sidaan qoraalkeenii midkaan ka horeeyey ku sheegnay in madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud intii uusan ka dhoofin caasimada Soomaliya e Mogdishu u halkaas kulamo muhiim ah kula qaatay wafuud ka socotay dalalka caalamka oo uu siyaabo kala duwan ula kulmay waxaana wafuudaas ka mid ahaa wadankii ugu horeeyey ee ka soo horjeestay in lagu xad gudbo madax bananida Soomaaliya oo aheyd dowlada Mareykanka oo uu agaasimaheeda sirdoonka dalkaas Wiiliam Burns iyo wafti uu hogaaminayey uu soo gaaray dalka Soomaaliya halkaasi oo ay kulan kula qaaten madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. 

Hayeeshee aan u soo laabano talooyinka muhiimkaa ee aanu is lenahay waxaa la joogaa waqtigooda ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed madax banaanidoda lagu difaaci karaa inagoo u kala qaadeyna kaliya 3 qodob.1- Madaxweyna iyo madaxda kale ee qaranka iyo shacabka Soomaliyeed waxaan leenahay marka hore waa in aanu ku shurkrinaa Allaah maadaama halkii la doonayey in lagu xad gudbo madax banaanida iyo sharadta dalkena ay arinkaan mideysay oo siweyn ugu diyaar garooben dhinackasta difaaca dalkoda, xitaa waxaa lagu fashilmay in moqjado kale oo been ah loo saaro si looga weeciyo qadiyadan gobonimada iyo sharafta umada Soomaliyeed iyo dalkena difaaciisa xambaarsan.

 

2- Waxaan ku talineynaa hadii ururka midowga Africa iyo kuwa IGAD ay si buuxda u qiri waayan in Etoobiya ku soo xad gudubtay madax banaanida dalkeena  iyadoo aan laga labo labeyn waa in aanu si toos ah oo uusan mugdi ku jirin uga baxno midowga Africa ilaa xaruntiisa laga rarayo Addis Ababa lana helayo meel ay qaarada Africa madaxdoodu runta iskugu sheegi karaan,maxaa yeelay dulmigaan lagu soo qaaday dalka iyo dadka Soomaaliyeed hadaan maanta halka uu joogo lagu joojin waxu ku faafi donaa guud ahaan qaarada Afrika, iyo caalamka, madaxda Soomaalida waa u muhiim in ay u kala cad yahin in waxa lagu kor kortamyo ay tahay mustaqbal umadeed , mid daleed iyo mid dhuleed oo lagu soo xad gudbay cirdigiisa.

 

3- Waxaan ku kalsoonahay maadama ay taariikh qormeyso inuusna maanta jirin saqiir Soomaali ah oo ogolaanaya in mugdi la geliyo madax banaanida dalkeena sidaasi daraadeed dalkaan dhiig in loo daadiyo difaaciisa ma huri doono oo Soomaalidu durbaba wey kala miirmen min waqooyi ilaa Koofur oo kuwii  cadowga u shaqeynayey  ee maalinkasta loo soo dhiibayey newska lagu marin habaanin rabay shacabkeena  waa laga guuleystay, kii dulimo iyo gumeysi hore soo marayne awalba meel looma fadhiyin waa in mudane Madaxweyne iaydoo la wado dadaalka diblomaasiyada dhanka kalena la qaado talaabooyin waaweyn xitaa hadii ay qaarada Afrika oo dhan gubaneyso waxbo nagama gelin inagu dad ma dulmino Soomaali ayaa nala dhahaa Etoobiyana shacbakiisa dagal nagalama dhaxeeyo waxaase nagu so xad gudbay ninkii iyaga hogaaminayey  iyo qabiilkiisa oo la yiraahdo Oromo ahdi Midowga Afrika runta u sheegi wayo Abiy Axmed Etoobiya mirahi aad dunidan ka guran karto ka guro hala dhaho dalkana difaaciisa haloo diyaar garoobo  yaan shacabkeena loo seex seexan  dalka Soomaaliyana diyarad aan soo marin caasimada yeysan ka soo degin hadii xaalku sida uu ahda yahay ka si xumaado,waa in shacabka Soomaaliyeed oo hada dalkoda ka soo baxay mushkilado waaweyn oo hada ku biray ururo caaloami ah markii la arkey inuu yahay wadan horey u socda  shacabkiisa lagu mashquulin wa xkale dalka difaaciisa min ciidan dowlad walaa shacab ha loo jiheysto. cid aan ka yeeleyno ma jirot inago hada horumar iyo iftiin dowladeed iyo nolol cusub inoo bilaabatay cid aan ka yeeleyno ma jirto anigaa ku xad gudbayo madax babaanidaada oo dhigaada ka macaashayo. maanta intan ha inoo joogto, lana soco wararkena danbe. Waxaan aad uga faraxsanahay inusan madaxweynaha Soomaaliya ee manta joogaa amaba madaxda maanta joogto aysan kor kortan ka geli donin mustaqbalka dalkeena.Soomaaliya Hanoolato.


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh oo gaaray dalka Uganda oo uu kaka qeybgalayo shir madaxeedka IGAD xili uu Ururka Midowga Afrika soo dhweeyey shirkaan

xili Talaabooyin waaweyn oo ka dhan ah dowlada Etoobiya ay saacadaha inagu soo aadan, dowlada Soomaaliya qaadeyso.War Helaa Talo Hela.

News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday, Janaury 17, 2024- War Deg Deg ah iyo wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- M/weynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray dalka Uganda halkaasi oo uu kaka qeybgeli doono shirka Ururka IGAD  oo maalinta berito ka furmaya halkaas, sidoo kale madaxweyne Xasan ayaa inta uu halkaasi kugan yahay waxuu ka qeybgeli doonaa shirka NAM oo ay iskuguyimaadeen dalalka dhax dhaxaadka ah. waxaan isla aadeynaa Kampala bal aanu isla daawano kuna si sugno wararkeena danbe sida madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaaliya loogu soo dhaweeyey halkaas isga iyo madaxda kale ee ku si qul quleysa halkaas 

 Dhanka kale Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) ee Midowga Afrika (AU), ayaa soo dhaweeyey shirka wadamada IGAD,xili ay iskugu yimaadeen kulankoodii 1192-aad ee qabsoomay maanta waxay kaga hadleen xiisadda u dhaxaysa dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.Golaha Nabadda iyo Amanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa mar kale xoojiyey

Qorlaakii dhawaan ka soo baxay gudoomiyaha ururka Midowga Africa,waxana lagu yiri qoraalka.

 

Gola“Goluhu wuxuu soo dhaweeyay hadalkii Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, oo cadeeyey 3-dii Janaayo 2024, sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya,”  Mar uu la hadlayey golahu dowlada Etoobiya waxuu yiri,

 

“Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay dowladda Itoobiya inay u hoggaansanto deris-wanaagga, saaxiibtinimada iyo wadajirka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo in ay ka fogaato falal kale iyo odhaahyo saamayn taban ku yeelan kara kuwa xoogga leh. Sidaas darteed Goluhu wuxuu baaq u diray JamhuuriyadahaSoomaaliya iyo Itoobiya,”

 

Hayeeshee, madaxweynaha Dal xoreeye o intii uusan ka dhoofin dalka kulamo kala duwan l aqaatay wafti heerr caalami ah oo soo gaaray dalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda halkaasi kaka qeybgeli doona shoirka muhiimka ah ee IGAD kedib markii ay dowlada Etoobiya ku so xad gudubtay madax banaanida dalkeena, walow aana doooneyn in anau hada ka hordhacno arinmo badan oo miiska u saaran dowlada iyo shacabka Somaliyed maalmaha inagu ... aan isla aadno Kampala iyadoona ay warar aad u xiisa badan  jidka inogu soo jiraan siiba qadiyada lagu difaacayo dhulka, Bada iyo sharafta umada Soomaaliyeed.si dhaw ula soco wararkeena danbe.

 


News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday, Janaury 17, 2024- War Deg Deg ah iyo wararkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya, Afrika iyo caalamka- Dowlada Etoobiya oo ka wal waleysa in gebi ahaanba Soomaalidu joojiyaan diyaaradaheeda shacabka,kedib markii

maanta  hawada Soomaaliya diyaaradooda Etoobiyan Airline laga celiyey. Ururka Jaamacada Carabta oo shir deg deg ah yeeshay. Baarlamaanka Dalka Turkiga oo meel mariyey qarar lagu difaacayo biyaha Soomaaliya. sidoo kale waxaa wararkeena kale ugu waaeyn,

Sidaan qoraaladeenii hore ku sheegnay waxaan dhawr jeer halkaan ku soo qornay in hadii Etoobiya fowdada ka deyn weyso geeska Afrika iyo Guud ahaan Qaarada Afrika ay Somaldiu ka qaban doonto oo ay dalka Etoobiya siyaasad ahaan iyo dal ahaanba meel aad u fog laga radin doono dalka Etobiyana ay ugu danbeyn ka talin doonaan qowmiyadaha kale ee dalkaas oo aan aheyn kuwa hada talada haya.

Waxaan sida ay cadceda uga soo baxdo dhanka bari uguna dhacdo dhanka gableed u hubno aan u hubnaa in aysan Soomaalidu wax talaabo ah weli ka qaadin Etoobiyanka oo intaanba xabad la gaarin Somalidu siyasad ahaan wey ka guleysten Etoobiya, laakinse dhaqalo ahaan, Etoobiya wey u bur burin karaan hadey ugu talo galaan Soomaalidu,maxaa yeelay Etoobiya siyaasada dunida wax weyn oo ay ka galaan ma jiraan marka loo eego halka ay dunida kaka taalo dalka Soomaaliya iyo weliba Soomaaliya oo dunida dhan saaxiib la ah ahna wadan hada ka soo baxay colaado iyo mushkilado horeyna u socda taasi oo guul u ah shacab weynaha Somaliyed, kuwa geeska Afrika, kuwa guud ee qaarada Afrika iyo weliba caalamka.

 

Waxaa kale oo guulweyn u ah Soomaali oo dhan in dhamaanba borobagaandadii la doonayey in dalkeena sharaftiisa iyo madax banaanidiisa loogu xad gudbo ay gebi ahaanba fashilmeen

maxaa yeelay Etoobiya xaalada Bada Cas waxbo lagama weydiinayo oo wadamada Geeska Afrika iyo kuwa bariga dhexe ee Badaha leh kuma jirto waxne lagama weydiinayo, waana mida keentay in ay Somalidu siyaasad ahaan durbaba kak guuleystaan Etoobiya dhinackasta.

Etoobiya hadey dadka hogaaminaya garanayaan fashil siyaasadeed waxa uu yahay shirarkii caalamiga ahaa waxey uga baaqdeen Soomaalida daraadeed maxaa yeelay Soomaalida waxey ku socdaan wado sax ah, iyaguse waxey ku socdaan fowdo siyaasadeed,galiya dhar baaxada maanta ku dhacday diyaaradooda oo laga celiyey Hargeysa waxey dunida uga dhigan tahay waa la garanayaa sumacad ahaan, siiba dadka diyaaradaas maalgashtay sida ay hantidooda ugu sii aamini doonaan shirkada Etoobiyaan Airline?.

 

Waxaan bigaadineynaa dowlada Soomaaliya iyo hayadeeda duulista rayidka ah talaabada lagu difaacayo madax banaanida dalkeena oo ay maanta Qaaden,waxaa kale oo aanu bogadineynaa in difaaca dalka Soomaalidii damiirka laheyd oo dhan u istaageen dal iyo dibadba aanu ku sii nasano qudbadii taariikhiga aheyd ee uu maanta ka jeediyey R/wasaraha dalkena Somaliya mudane Xamsa Cabdi Barre shirkii deg dega ahaa ee ay Ururka Midowga Carabta iskugu yimaadeen.Xili uu dalka Soomaaliya taageero xoogan ka helay caalamka oo dhan dhawaana dalka Soomaaliya u ka qeybgalayo shirka Ururka IGAD.lana soco warakreena danbe.


News in Somalia,Africa and Around the world-Tuesday,Janaury 16,2024-KAMPALA — 

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda oo ay ka kal adhacayaan labo shir oo muhiim ah ayaa waxaa toddobaadkan ka furmaya shir madaxeedka Ururka aan dhanna raacsaneyn iyo shirka urur Goboleedka IGAD, iyadoo wufuud  amaba hogaamiyaal ka kala socota ku dhawan 120 wadan ay halkaas iskugu imaanayaan.

Shirka IGAD oo ay iclaamisay dowlada Jabouti oo hada heysa gudoonka ururka ayaa dhanka kale waxaa ka qeybgalay dalka Soomaaliya oo uu shirkaan muhiim u yahay,sidoo kale shirka wadamada aan dhiancna raacsaneyn oo ay iskugu imaanyaan madax iyo ururo intooda badan saaxiibo dhaw la ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo iskugu jira kuwo uu dalalkooda xirir taarikhi ah  o qoto dheer kala dhaxeyo dalka iyo dadka Somaliyed  maadama ay Soomaaldiu dunida dhan la tahay saaxiib wanaagsan siiba kuwoda tiigsanayo horumarka iyo wada noolaanshaha , isqadarinta, madax bananaida dhuleed iyo midooda Madeed.

 

Hayeeshee qoraalkaan midkii ka horeeyey ayaan shacabka la wadaagnay in aysan shirkaan dowlada Etoobiya ka qeyb galeyn maxaa yeelay siyaasad ahaan dowlada Etoobiya waa mid fashilan maanta bil xaqiiqo waxeyna dundian ka atooreyn jirtay intii ay Soomaalidu ka maq naayeen masraxyada siyaasada caalamka, welise leysma gaarin, weliba markaan sidaan wax u qoreyno waxaan ognahay abaabulka Soomaalida dal iyo dibad heerka uu gaarsiisan yahay oo in wax badan oo hada kaliya hadal ku kooban leys kala bixi doono.la soco warakreena, maxa yeelay qadiyadan sharafta dalkeana lagu difaacayo wiil amaba geber Soomaali ah oo hada ka hor ku soo bar baartay dulinimo iyo bahdil uma taalo waxey u talaa Soomaali kuwoodii damiirka lahaa weyna isku xiran yahiin maanta dal iyo dibadba .la soco wararkeena

 danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Tuesday, Janaury 16,2024- War Deg Deg ah iyo wararki ugudanbeeyey- ka hor inta aanan gudagelin muhiimada qormadeen waxaan marka hore ku faraxsanahay in 1dii Janaayo ilaa maanta dowlda Etoobiya in ka badan 4 jeer kala hadashay, hayeeshee kacdoon shacab iyo waxa uu siyaasi dal kale u sheego  waa kala labo, weli leysma gaarin,

Siyaasadii Etoobiya waxey iska noqotay sida dhaliyarada Soomaalida ee bur burkii kedib magaalo soo galay oo kedibna intey qol iskuso xiraan maalinkasta waxey doonaan mediyaha ka sheegi jiray oo kale si ay kaliya u helaan views,kedibna bedelkii iyagii ayaa isku buuqay

marki la dhageysan waayey. hada kacdoon shacab iyo waxa uu siyaasi sheego iney kala

duwan tahay yaa dad badan u sheega.Muuse Biixi maxuu yiri aniga waqtigeygii waa dhamaaday waxaana joogaa Hargeysa oo ah meel aysan ka jirin mucaarad iyo golayaal sharci dejin  ee haley daayo aan iskajoogee kkkkkkkk muuqaalkaan aanu ku si nasano.

Fiiro Gaar ah-weliba waxaan malaayiin Soomaali ah, kuwa qaarada Afrika iyo dunida inteeda kale u xaqiijineynaa in aysan dowlada Etoobiya shirka IGAD ee Uganda ka dhacaya ee ay iclaamisay dowlada Jabouti aysan ka qeybgaleyn kedib markii ay ogaatay in siyaasad ahaan looga guuleystay dhinackasta, waana mida aanu leenahay sida uu siyaasi jecel yahay iyo qadiyad shacab iyo kacdoon umadeed oo dhul iyo dal lagu difaacayo waa kala duwan tahay, weliba arinku markuu gacan ka hadal gaaro ayaan si wanaagsan wax uga qori doonaa halka laga raadin doono mustaqbalka Etoobiya,siyaasad ahaan iyo shacab ahaanba inagoo weliba xaqiiqada halka ay naga jirto markasta shacabka Soomaliyeed uga abaarna.si dhawna ula soco wararkeena danbe muwaadinka Soomaaliyeedow.

 

 Waxaan laga hadlayo hada maahan siyaasad waa iyadoo ay Soomaalidu tiraahdo oo kale waxaanu xoog ku qabsaneynaa gobol ka mid ah dalalka qaarada Afrika ma taas ayaa soconeyso?. Etoobiyaanku hada ma hayaan siyaasad ay la tagi karaan fagaarayaasha dunida oo ay hal saac kula jaalanji kareyn karaan Soomaalida maxaa yeelay Soomaalidu waa dad soo jeeda maanta siiba shacabkooda  dal iyo dibad.

 

Hayeeshee shirka IGAD wuxuu dhacayaa 18ka bishaan dalka Soomaaliya oo ixtiraam u haya shacabweynaha Geeska Afrika, kuwa qaarada Afrika iyo weliba kuwa caalamkana wey ka qeyb galyaan shirkaan muhimada gaarka ah u leh shacabka wadamada ku bahoobay uururka IGAD,Ururkaan ayey Etoobiya uga faa'ideysan jirtay maqnanshahii ay Somalidu ka maqnayen masraxa siyaasada dunida 30 kii sano ee ugu danbeeyey tan iyo bur burkii dowladii dhexe hadanse Soomaaliya waa wadan cagta saaray wadadii dowladnimada oo horey u socda.

 

La soco wararkeena danbe si weliba joogto ah inagoona wararkeena markasta u soo kala hormarineyna sida ay hadba markaas shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba ugu yahiin muhiim weliba waqti munaasib ah la wadageyna. 


Wararkii ugu danaabeyey madaxweyne Dal xoreeye iyo wararkeenii kale kuwooda ugu xiisaha badan ee gobolka taariikhigaa ee Awdal oo ay Soomaaldiu si aan horey loo arag u difaacdeen dal iyo dibad. War Helaa Talo Hela.

News in Somalia, Africa and Around the world-Monday, Janaury 15, 2024- Wararkii ugu 

danbeeyey Soomaaliya,Afrika iyo caalamka-Sidaan qormaalkeenii midkaan ka horeeyey aanu shacabka ula wadaagnay in aanu wararkeena danbe kusoo qadandono m/weyne dal xoreeye mudane Xasan Sheikh Maxamuud, inagona dhanka kale la wdagi doona shacabkena wararkii ugu danbeeyey iyo qadiyada lagu difaacayo madax Bananida, sharafta iyo karamada umaded ee dalkeena oo meeshii ugu wanagsaneyd mareysa inta la xasuusto taariikhda dadka Soomaaliyeed inagoona mar hore ku hormareyna madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan

Sheekh Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta ee loo soo magacaabay Soomaaliya, maadaama uu dalka Soomaaliya oo siweyn uga soo kabsaday dagaladii sokeye iyo colaadahii ragaadiyey 30 kii sano ee ugu danbeysay uu dalku hada yahay mid qaaday wadadii dowladnimada kaasi oo dunida soo jiitay,dhamaana dalalka caalamka ee dalka Soomaaliya saaxiibka la ah iyo ururada caalamigaana ay u soo magacaabaan safiiro

kuwaas oo kala ah; Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi.Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadalka ay ku bixin donan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagan Dowlada iyo Shacab ka Somaliyeed,

halka dhawaan uu dalka Somaliya ku biiray ururo caalami ah oo ay ugu danbeysay ururka Iskashiga wadamada bariga Africa ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (EAC).

 

Taasi oo uu dalka Soomaaliya ku biirin doono wadamdaas horumar ganacsi oo mug leh maadaama uu dalka Soomaaliya ka mid yahay dalalka ugu qanisan dunida shacabkiisuna ay yahiin dad aragti fur furan leh marka laga hadlayo dhanka ganacsiga,xili dhawaan wadanka laga cafiyey deyntii lagu lahaa ,lagana qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd mudada ku dhaw 30 ka sano,waxaana la dhihi karaa marka dalka iyo dadka Soomaaliyeed min dowlad ilaa shacab dhinackasta laga eego waa wadan horey u socda oo aan marnaba gadaal u laabaeyn hadii waxkasta la sheego.

 

Waana bogaadineynaa madaxda qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo ugu danbeyn gartay maslaxada dalkooda,hayeeshee marka waxaasi qaabilaada uu madaxweynaha dalkeena ku qaabilayo diblomaasiyiinta caalamka ee dalkeena imaanayo iyo safar uu ku tagay qeybo ka mid ah dalka oo siweyn loogu so dhaweeyey magaalada Dhuusa mareeb iyo halka ay hada wax maryaaan oo dhan laga soo tago, bal aanu isla aadno gobolka Awdal iyo fashilkii ugu danbeeyey iyo guulaha ay shacabka Soomaliyeed min waqooyi ilaa koofur gareen,madaama aanu inagu markasta shacabka kala hadalno markasta xaqiiqada oo kaliya oo aysan marnaba hadii ay waxkasta dhacaan aan nalooga weecin karin hadba qadiyada dalkeena iyo dadkooda ay ku difaacayanaa sharaftooda iyo jiritaankooda umadeed.

Horta  inta aanan qeybtaan ka hadlin iyo isbedeladii ugu danbeeyey iyo arimaha ay shacabka Soomaliyeed fashiliyeen iyago waxkasta u huraya dalkoda iyo dadkooda min waqooyi ilaa koofur horey waxaan halkaan ugu soo bandhignay magalooyinka waaweyn ee gobolka Awdal  qaarkod,sidoo kale maanta waxaan shacabka la wadaageynaa  dhulka Buurleyda ah

ee gobolka Awdal kuwooda ugu quruxda badan kama wada gaarno laakinse kuwani waa kuwo ku yalo dhul iyo degan cajiib ah, weligeen gobolka Awdal inuu sidan yahay marnaba ma qiyaseyn dhul ahaan iyo dad ahaanba waa gobol uu Sida dalka Soomaaliya intiisa kale uu Allaah ku maneystay qurux iyo waxkasta oo ay da diyo duunyaba u baahnaayeen.

 In dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad u istaagaan difaaca dhulkoda min dowlad ilaa shacab ayna si wada jir ah ugu midoben wax badan tan iyo markii la soo damcay badeena iyo dhulkeena hadane wayaabahii ugu danbeeyey ee fashilmay waxaa ugu weyn  maadaama aanu qoraladeenii hore kaliya uga soo hadalnay Muse Biixi iyo Abiy Axmed in ay kala tageen, hayeeshee hadaanu isla aadno gudaha dalka Etoobiya iyo qowmiyadaha dalkaas oo isku

heysta xukunka dalkaas qaarkood oo doonayo iney bedelaan Abiy Axmed waxey bilaabeen iney  arimaha hada socda gadaal uga degaan oo ay uga baxaan Abiy Axmed oo xitaa qowmiyada ay ka soo jeedo haweneyda dalka Etoobiya ka ah m/weynaha waxa u qorsheysan hadii u qarxo dagaal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Etoobiya iney kula taliyeen iney iscasisho.

Yacni dalka Etoobiya qowmiyadahooda amaba shacabkiisu maahan wadan sida Soomaalida oo qof gobol madax ka ah iska cararayo inta Addis Ababa looga yeero sida waxa ku dhacay Muuse Bixi kuna dhici doona shaqsiyaad dhawr ah oo Koofurta Somaliya goboladeeda ku sugan oo aan haba yaraatee war iyo wacaal u heyn waxa hada socda iyo fashilka ku dhacay durbaba iyo fashilka badan ee jidka ku soo jiraan.

 

Hayeeshee halka ay hada wax marayaan shacabka Soomaliyeed oo dalkooda difaacanayo waxey durbaba arimo badan ka gaareen guul weyn iyadoona qadiyada dalkooda siweyn dal iyo dibad ugu midoobeen, gobolka Awdal wax badan ayaa lagu fashilmay qorshooyinkii laga lahaa oo dhan waana geesinimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyed dal iyo dibadba.la soco wararkeena danbe.


R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse  Cabdi Barre: “Xinjiro badan ayaa daadan doona, haddii Itoobiya ay sii wado damaceeda” Wararka Soomaaliya, War Helaa Talo Hela..

News in Somalia,Africa and Around the world-Sunday, Janaury 14,2024-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay maanta madal ay iskugu yimaadeen shacab Soomaaliyeed magaalada Mogdishu oo looga hadlayey tacliinta Soomaaliya , ayaa dhanka kale ku dheeraaday damaca waalidaa ee Etoobiya.

ayaa ku nuux nuxsaday amaba hadaanu si kale u dhigno sheegay in haddii ay Itoobiya isku daydo in ay soo gasho dhulka Soomaaliya ay la kulmayso, wax ay ka amakaagto/layaabto

oo ay Xinjiro badan daadan doonaan, meyd badan la laaban doonto, wuxuu sheegay in Taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed aan cidna qaadan karin isagoona siweyn ula hadalya shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dal iyo dibadba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mar uu la hadlayey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolada waqooyi ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi ee  inay u

istaagaan difaaca dalka meel kasta oo ay joogaan, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ay kalsooni aad u weyn ka muuqatay sidaba ay malaayiinta qowmiyada Soomaalida dal iyo dibad ugu muuqato kalsooni dhab ah oo ay dalkoda iyo dadkooda, sharafkooda iyo jiritaankooda umadnimo ugu istaageen ayaa sheegay

in dhulka Soomaaliyeed aan hees iyo hanjabaad lagu qaadan karin, ciddii soo haweysatana 

ay ka soo horreeyaan dhiig iyo xinjirro, ayna ka bixi doonaan iyagoo meyd xambaarsan waxna ka nooleyn, xili uu maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25aad ee

aasaaska dalladda waxbarashada FPENS.

Marka laga soo tago qudbadan qiimaha leh ee uu R/ wasaaraha Somaaliya jeediyey, xili uu isaguna gudoomiyahii hore ee baarlamanka Soomaaliya Prof Jawaari sheegay in loo bahan

yahay in xeer ilaalinta dacwad ku soo oogto Muuse Biixi maadaama ay shacabkii Somaliyeed oo garab iyo gaashaan u ah dowladooda shaqadooda qabsadeen ,halka siyaasiyiint agolada waqooyi ay warmuriteed ay soo saareen dhawaan sida aad muuqaalka ku daawaneysaa arinkaan ku tilmaameen waxbo kama jiraan.

inagoona warar aad u xiiso badan ay inoo soo socdaan sida ay shaqadooda u qabsadeen shacabka Somaliyeed iyo banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacya dhawan dunida dacaladeeda oo ay abaabulayan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha.la soco wararkeena danbe iyo madaxweyne dal xoreeye.


News in Somalia,Afirca and Around the world-Sunday, Janaury 14,2024- War Deg deg ah-Wararkii ugu danbeyey ee Somaliya min koofur ilaa waqooyi Muse Bixi iyo Seylici oo siweynn iskugu dhacay,kedib markii ay shacabka Gobolada waqoyi siiba kuwa gobolka Awdal dhulka

la jareen siyaasada ahaan iyo weliba maamul ahaanba Muse Biixi.xili ay Soomaalidu siweyn u fashiliyeen dhamaanba damacii Abiy Axmed ee la doonayey in wax loogu dhimo madax banaanida dalkeena iyo dadkeena.warakreena kale waxaa ugu muhiimsan madaxwyene Dal xoreeye oo safiiro cusub oo dlakeena ay u so magacaaabeen dalalka caalamka maanta kala wadegay warqadahii aqoonsiga kedibna safar ku aaday magaalada Dhuusamareeb. Qudbadii taariikhiga aheyd ee uu maanta ka jeediyey R/wasaaraha dalkeena hooyo ee Soomaaliya

Mudane Xamsa Cabdi Barre ee uu kula hadlayey dalka Etoobiya isagoona u diray fariin cad oo aan leex leexad laheyn. Sidoo kale gudomyaha golaha shacabka mudane Adan Madoobe oo maanta sakootiyey masuuliyiin dalkooda dib ugu laabaneyey iyo warar kale oo ku saabsan madaxda dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo sida 100% ay Soomaalida oo min madax ilaa shacab isku duuban dal iyodibadba u fashiliyeen dhamaan isku dayadii oo dhan iyo guulaha shacbaka Soomaaliyee day arinkaan ka gaareen dal iyo dibadba, walee shacabka gobolad waqooyi waa wadaniyiin sidey u dhan yahin min shacab walaa mediya tey ku dhigeen Muuse Biixi 24 kii saac ee ina dhaaftay,xitaa dhalinayro laga diray Hargeysa oo la yiri orda shacbaka gobolka Awdal caburiya intaad hub qaatataan wey kala tageen waxaana gebi ahaanba Muuse Biixi ka fashilmay inuu shacabka gobolka Awdal caburiyo, bedelkiina iyago aad isku hubeeyey isku dhereriyeen dhamaanba dhulka xeebta ah iyo dhulka miyiga ah oo waa min geed iyo qorey.la soco iyagoo dhameystiran wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world- Saturday, Janaury 13,2024- War Deg Deg ah- Wararkii ugu danbeeyey iyo Soomaaliya,Sidaan qoraalkeenii midkaan ka horeeyey ku soo shegnay marka laga sootago kulamada iyo xiriirada madaxda qaranku la yelanayan madaxda

caalamka iyo hayadaha caalamiga ah iyo abaabulka shacabka Soomaaliyeed min madax,

shacab ilaa qurbajoog dal iyo dibadba kuwasi oo si sharaf leh qadiyada dalkoda ugu istaagay hadane qeybtan waxanu ku soo qadaneynaa 3 arimod oo muhiim u ah shacabka Somaliyeed kuwa qaarada Africa iyo weliba shacabweynaha caalamka.

1-Horta shacabka Soomaaliyeed waxaa u soo hoyatay guul weyn oo siyaasadeed iyo mid xambaarsan gobanimo mug iyo miisaan leh,waxeyna ku faraxsan yahiin in ay maanta dal iyo dibadba dalkoda u difaacanayaan sida ugu sharaf badan oo ay umadi ku difacato dhulkoda, Hayeeshee waxaan bogaadineynaa qudbadii madaxweynaha Soomaaliya uu u jeediyey shacabweynaha Soomaaliyeed taasi oo aheyd qudbadaha ay jeedin jireen hogaamiyaashii dalkeena soo maray markii ay shacabkooda waxkasta waadax uga dhigayaan ay ku  boorin jireen iney difaaca dalkooda una diyaar garoobaan dal iyo dibad, waxaan leenahay madax

weynaha Soomaaliya good job.

2- Abiy Axmed oo ah hogaamiye isaga dhanba dhashay  wa xka yar 2 sano ka hor dagaalkii 1977 ee Etobiya iyo Somaliiya dhax maray Somalida dal iyo dibad wey u duceeyan maadama ay difaaca dalkoda ku midoobeen isagu waxey ka aheyd wadamo aan African aheyn arinkaan dhaqaalo kaka cun maadaama ay ciidamo Etoobiyaan ah dalka Soomaaliya joogaan bedelkii Soomaalidii ayaa ku midowday dal iyo dibad arinkaan waxana hubanti ah haduu Abiy Axmed dagaal bilaabo in dalka Etoobiya meel aad u fog laga dooni doono mustaqbalka dalkaas, meel ku qorta qodobkaan,weliba qoraaladeenii hore ayaan ku soo sheegnay hadii uu qarxo dagaal wadamo dhawr ah oo dalka Etoobiya ku leh warshado waaweyn waxaa u qorsheysan iney ka guuraan halkaas. arinta halka ay hada mareyso Abiy Axmed gudaha dalka Etoobiya waxuu ku hayaa waa siyaasad been been ah, laakinse wajiga labaad talaaboyinka ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed qaadi doonaan ayaa halka ay hada wax marayaan run ka noqon doonto.

3- Etoobiya hadey taago ka mid ah dalka Soomaaliya xoog ku qabsato dalka dhan  ee Soomaaliya la yiraahdo ayaaba loo hibeynayaa been iyo booto maxey tareysaa,mar hadey xabad bilaabato waa habeenkii xaleyto ahaa in aysan Soomaalidu joogin doonin sida loo difaacdo dhulkooda iyo sharafta dalkoodana saqiir iyo kabiir looma tilmaamayo,laakinse waxaa taas ka horeyso geerida malaayiin African ah iyo bur bur soo gaara dhaqaaalaha wadamo badan oo ay Etoobiya ugu horeyso, weliba Soomaalida daan daansiga ay wado Etoobiya lama dhihi karee Abiy Axmed Daan Daansiga uu wado  Soomaalida shacabkooda wajiga koowaad waxey ugu talo galeen 1 bilion dolar, iyo Boqolaal kun oo rag iyo dumar Soomaaliyeed ah iney  naftooda u hibeeyaan dhulkooda taasi oo ka dhigan in aysan Soomaalidu marnaba ku mashquuleyn waxa mediyaha lagu soo qoro oo ay u arkaan kaliya wax loogu talo galay dacaayad iyo borobagaandho.

 

weliba Soomaalida waxaan u xaqiijineynaa mar 3aad in ay Muuse Biixi iyo Abiy  kala tageen markii ay xabada ugu  horeysa ay bilabato ayuuna Abiy Axmed arki doonaa sida ay Somalidu dal iyo dibad iskugu duuban yahiin weliba 1dii bishii Janaayo maalintii ay soo baxday in  lagu xad gudbay madax banaanida dalkeena diyaar garoowkii ay Soomaalidu bilaabeen waxuu marayaa meeshii ugu wanaagsaneyd ama dunida arinkaan ha dheyelsato ama ha iska deyso. Marka waxaasi oo dhan laga soo tago aanu waxoogaa dulmarno sida ay iskugu xiran yahiin ciidmada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed .

Waxaan marka hore bogaadineynaa Soomaalida oo Abiy Axmed iskaka dhigayo mucaarad iyo muxaafid iney kooxkasta shaqadeeda qabsatay iyagoo isku wada ujeedo ah, waana waxa keenay in ficil kasta oo uu ku dhiirado  Abiy Axmed in ay Soomaalidu is gaarsiiyaan wax ka yar 1 saac.

 Marka guud ahaan Soomaalida laga soo tago,waxaan bogaadineynaa shacabka ku nool gobolka Awdal sida ay Muuse Biixi dhulka ula jareen oo ay arinkii oo aan weli gaarin gacan ka hadal ugu istaageen qadiyada dhulkooda inagoo aanan dooneyn in aanu ka hor dhacno wax badan.

 

Etoobiya 1964 tii iyo 1977dii waxey Soomaaliya ku soo duushay iyadoo dowlado kale isku haleyneysa laakinse 2024 mar danbe iyada iyo dadka Soomaaliyeed bariga Africa  waa sidan iyo sidaan maahan kuma wada murmi doonaan wax badana intey arinka hada taagan  ka gaareysO gacan ka hadal intey af joogto  wax weyn uma aragno maxaa yeelay inta  afka laga hadlayo fulay iyo nacas labadaba af ay ku hadlaan waa wada leeyahiin.

 

Waxaa kale oo aan bogaadineynaa shacabka Somaliyed gobolada waqooyi ee Soomaaliya ku nool ee intey Muse Bixi iskaka dhigaan iney taagersan yahiin markii ay waxoogaa dhaqaalo ah ka qaataan hubka dalka lagu difaacayo ku iibsada waana arin ka dhacday  meelo badan oo ka mid ah gobolada waqoyi, markan leenahay Abiy  Axmed oo  isaga dhanba dhashay 

August 15, 1976 amaba hadaanu si kale  u dhigno  wax ka yar 2 sano ka hor dagaalkii 1977 oo isagu aan garaneyn taariikhda Soomaalida kaliyana ku aqliyeystay 30 kii sano ee ay colaadaha ka jireen wadmada Etoobiya iyo Soomaaliya hada ayaa si fiican loo barayaa waxa ay Soomaalidu tahay. 

 

Fiiro Gaar ah- Soomaalida mediyaha maamulaan iyo kuwa intey mediyaha soo istaagaan arinta hada taagan isku daya iney ka hadlan ama ka aamusa ama hadaad hadleysaan amaba aad wax ka qoreysaan dulmigaan qaawan ee lagu soo qaaday dalka iyo dadka Soomaaliyeed adingoo xayi ah oo dalkiina si gobanimo leh u difaacayo dhinta,hadii kale nacas oo dhan mediyaha inuu ka hadlo haka fogaado uusan Soomaalida ceebeyne.

 

Madaxda Qaranka waxaan leenahay hadaad Abiy Axmed fowdadiisa u jixin jixdaan oo aad sida ay tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed dagaalkaan qaawan ee lagu so qaaday dalkeena idinkoo hormuud u ah aad dalka sida ugu sareysa u difaaci weysaan oo aad shacabka ku dhiragelin weysaan iney dalkooda difaacaan sida uu madaxweynaha Soomaaliya ula hadlay shacabka dalkiisa iyo sida hada leyskugu duuban yahay bartaas ha laga hayo,maxaa yeelay waxa hada socda siyaasad laguma tilmaami karo waa dulmi qaawan hadii dadaalada diplomaasiyadeed shaqeynwayaan Abiy Axmedna arinkaan ka garaabi waayo dagaal ma huri doontee waa hogamaamiye calooshiis la cayaar ah arimahan oo dhana waa arin uu ku doonayo inuu dhaqaalo si shaqsi ah ugu helo, Soomaalidu sida ay shacabka Somaaliyeed iyo madaxdodu arinka ku wadaan waa in aan bun looga dhimin.

 

Waxan mar kale bogadineynaa geesiyasha ciidamda qalabka sida iyo saraakiisha Somaliyed ee isbucii ina dhaaftay dalka dibadisa ka soo xaroday ee qbiradooda la soo laabtay.Somaliya

Soomaali Baa Leh, Good job madaxweynaha Soomaaliya dal xoreeye.maanta intaan ha inoo joogto,lana soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world- Friday,Janauray 12,2024- Wararkii ugudan beeyey- Qudbadii qimaha badneyd ee madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Dal xoreeye, wadamada Sacuudiga iyo Shiinaha dunida inteeda kale oo siweyn garab istaagay dalka Soomaaliya oo isagu ah wadan ku socda wadadii saxda aheyd halka madax weynaha dowlada Jabouti oo had aheysa gudomiyaha ururka IGAD ay iclaamisay shir ay iskugu

 imaanayaan dalalka Ururka oo ka dhacaya wadanka Uganda, hayeehsee sidaan qormadenii

hore ugu soo shegnay  in ay kala tageen Muse Bixi iyo Abiy Axmed waxyabahii ugu danbeyey ee fashilmay waxaa ugu weynaa in shacabka Gobolka Awdal ka guuleysten dhaman dhagartii loo maleegay inagoo wararkeena danbe ku soo qadan dona wax badan iyo guulaha ay dalka iyodadka Soomaaliyeed ka garen difaaca gobanimadoda iyo sharafta madax bananidoda.aan ku nasano qudbadaan qaaliga ah ee uu jeediyey madaxweynaha dalkeena Soomaaliya dal xoreeye Mudane Xasan Sheikh Maxmaud, Daawasho Wacan.


Guul Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed fashilkii ugu weynaa oo ku dhacay damacii madax Banaanida dhulkeena iyo Badeena loogu gafayey,Muuse Biixi iyo Abiy Axmed waa kala tageen.Xitaa Soomaalida kuwii borobagaandada lagu siin jiray dhaqaalaha waa kala tageen.War Helaa Talo.

News in Somalia, Africa and Around the world- Thursday,Janaury 11,2024-War Deg Deg ah- Wararkii ugu danbeeyey iyo dalkeena hooyo ee Soomaaliya iyo Banaanbaxyo lagu difacayo sharafta, gobanimada iyo madax banaanida dhuleed iyo mida Badeed ee dalkeena oosiweyn

u gil gilay guud ahaan dalka Soomaaliya min waqooyi ilaa koofur,inagoo ku hormareyna caasimada Dalkeena ee Mogdishu Muunadii dalkeena oo ay maanta gil gileen Banaanbaxyo waaaweyn oo ay kaqeyb galeen masuuliyinta her gobol iyo heer dowlada dhexe.

Hayweehsee,Dalka Soomaaliya oo ay shacabkiisu ku soo jireen 30 kii sano ee ina dhaafay dagaalo wajiyo badan lana doonayey in lagu dabar gooyo si dalkooda loo qaato iyagana

looga dhigo kuwo dunidaan ugu nool dulinimo ayaa markasta oo ay timaado qatar u wajahan dalkooda waxaa u istaagay qeyb bulshada ka mid ah iyo hadba madaxda markaasi joogta

taasi waxkasta oo lala damacsan yahay dadka Soomaaliyeed ka dhigta markasta waxbo kama jiraan.laakisne arinka hada taagan wuu ka duwan yahay kuwii hore waxuuna arinkaan oo la doonayey in lagu tijaabiyo dareenka shacabka Somaliyeed maadaama horey loogusoo fashilmay wax badan oo leysku dayey hadane midaan waxey mideysay dal iyo dibadba shacabweynaha Soomaaliyeed min Waqooyi ilaa Koofur.

Markalaga soo tago dadaalka diblomaasiyadeed oo ay wadaanmadaxda qaranka iyadoo uu R/Wasaaraha Soomaaliya mudane Xamza uu xafiiskiisa ku qaabilya safiirka dowlada Ingiriiska u jooga Somaaliya qadka telefonkana ku wada hadleen R/Wasaaraha cusub ee dalka KUiwat iyo masuuliyiin kale, dhanka kale madaxweyne Dal xoreeyey uu isaguna

dadaalkiisa laba jibaaray xili gudoonka baarlamaanka, xukumada Dan- Qaran iyo golayaasha sharci dejinta oo garabxoogan ka helay, culimada Soomaaliyeed oo arinkaan shir ay uga hadleen siweyn u cambaareeyey,Fanaaniinta iyo Abwaanada Soomaaliyeed kaalintooda,halka Soomaalida dibadaha ku nool iyaguna uu dadaalkoodu uusan caadi aheyn dhamaantooda qowmiyada Soomaalidaa ee maanta nool ay mujiyeen dadaal loo qaateen ah iyo isku duubni iyadoo waxkasta laga hormariyey difaaca dalka iyo sidii ay dadka Soomaaliyee dugu noolaanlahaayeen gobanimo.

Aan isla aadno caasimada dalkeena oo la dhigi karo maanta isku soo baxa ka dhacay wayadan horey looma arag isku soo baxaan oo ay shacabku uga yimaadeen gobolada caasimada ku teedsan iyo dhamaan degmadooyinka ay ka kooban tahay caasimada Mogdishu oo ay Soomaalidu ugu yeeraan muunadii dalka.War hada na soo gaarayna waxuu

sheegayaa in Muse Biixi iyo Abiy Axmed kala tageen kedib markii uu Muse Biixi ka cabsaday in ay shacabka iyo dowlada Soomaaliya ku  soo oogaan dacwad ugu danbeyn noloshiisa dhan soo afjari karto, arintaan waxaanu ka soo xaqiiqsanay dad aad ugu dhaw

Muuse Biixi,arinkaan oo ah mid cusub mar kale ayaan qoraal ka sameyn doonaa,hayeeshee waxaan bogaadineynaa sida ay

shacabka Soomaaliyeed oo lagu fashilmay in gebi ahaanba laga weeciyo qadiyada ay sharafta dalkooda ku difaacanayaan taasi oo ay guul weyn ka gaareen durbaba marka loo eego abaabulka ay min waqooyi ilaa Koofur,min gudaha ilaa Qurbaha Soomaalida joogto

iskugu xirmeen,weli leysma gaarin.waxaanse isla aadeynaa caasimada dalkeena iyo sidi aad inooga barateen gobolkii xadarada lahaa ee Awdal oo aanu warbixino  muhiim u ah qowmiyada Somaliyeed uga soo diyarinay.

la soco wararkena danbe iyo bananbaxyada intaan waa kaliya qeyb aanu ugu talo galnay in aad ku sugtaan wararkeena danbe, waxaana markasta mudan in lagu shukriyo Allaah ,waxaa

kale oo mudan in loo mahadceliyo shacabka Soomaaliyeed oo arinkaan markii ay soo baxday durbaba bilaabay abaabul xoogan oo wleiba deg deg ah dal iyo dibad Gobanimo. si dhaw ula soco warakreena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday Janaury 10,2024- War Deg Deg ah-wararkii ugu danbeeyey banaanbaxyadii ka socday gobolka Awdal oo ku sii baahaya magaalooyin hor leh halka ay gobolkaas bilaabeen iney iskaka

baxaan shacabkii Etobiyaanka ahaa siba kuwoda ka soo jeeda Oromada.hayeeshee sidaan shacabka Soomaaliyeed hore

uga balan qaadnay waxaan isku dhax wadi doonaa in aanu dhinacna ka soo gudbino banaan baxyada lagu difaacayo karaamada umada Soomaaliyeed, mida dhuleediyo tan Badeed iyo dhinaca kale quruxda Gobolka Awdal,weli waxaan maroohaaynaa kaliya dhawr magaalo lama gaarin dhulkii Buuraleyda ahaa, xoola dhaqatada iyo weliba Beerahii.

Sidoo kale ma dooneyno sidan horeyba qoraaladeenii hore halkaan ugu sheganay tirada 

siyaasiyiinta amaba shacab ah ee ka soo jeeda gobolka Awdal ee mamulka Muse Biixi horey uga tirsanaa ee iskaka hayaaamaya magaalada Hargeysa.yacni xaalka heerka uu ka marayo shacabweynaha Soomaaliyeed iyo banaanbaxyada loo qaateenkaa ee ka socda guud ahaan dal iyo dibadba iyo carada Soomaalida waxuu isku sii tarayaa saacad saacad iyo daqiiqad daqiiqad.

Dhanka kale dhinacaas iyo Etoobiya mushkilad aad u xoogan ayaa ka taagan duleedka kore ee caasimada Etoobiya ee Addis Ababa kedib markii ay siweyn ugu soo dhawaadeen halkaas jabhadahii ku kacsanaa Abiy Axmed, shacabka Etoobiya oo la donayey in arinta Soomaaliya looga weeciyo mushkilado waaweyn oo halkaas ka jirayna wey u cuntami weysay waxaana gudaha Etoobiya ka socda kacdoon aad u xoogan oo ay adag taahy iney maqlaan mediyaha qaarkiis kaasi oo ay wadaan qowmiyadaha dalkaas oo siweyn uga soo horjeeda siyaasada Abiy Axmed. Ilo lagu kalsoon yahay oo ilo diplomaasiyadeed ah oo  dalka Etoobiya ka soo jeeda ayaa iangoo xaqiijiyey in arinkaan cida guush augu weyn gaartay ilaa ahda ay tahay sida ay sheegeen Soomaalida oo ay yiraahdeen waa u midoobeen difaaca dalkooda.

Waxey Abiy Axmed ku dhaliilayaan shacabka Etoobiya inuu la macaamilay nin mamula gobol ka mid ah Soomaaliya malaayiin Somali ahne cadaawad uga abuuray. laakinse ilahaas aanu warkaan ka soo xiganay oo ah dad loo qaateen ah oo ka mid ah Etobiyanka sida wanagsan u fikira marka laga soo tago wey ogyahiin Etobiyanka ineysan Somalidu weli qaadintalaboyinka

jidka ku soo jira , waana mida keentay in uu madaxweynaha Soomaliya safarkii uu ku tagay Eriteriya uu diiday inuu maro hawada dalka Etobiya in ay xaaladu sida la modo aheyna halkas ayaa ka garan gartaa iskaba daa carada ay shacbaka Soomaaliyeed ka qaadeen in iyadoo la donayo in lagu ciyaaro sharafta iyo karamadoda umadeed,midooda dhuleed iyo Badedba ay hada dal iyo dibad iskugu xirmeen,iyadoo ay halka ay hada wax marayaan ay tahay i qarso. 

inagu waxbo nagama gelin hadba talaboyinka ay qaado dowlada Somaliya waxanse halkaan ku soo gudbineynaa dalkaan shacabka Soomaliyeed ayaa weligii difaacan jiray iyagiina hada howsha sidii loogu talo galay ee ay shacab wadan xor ah ku nool dalkoda u difaacdaan iyo ka badan ayey howsha u wadaan.Waxaan mar kale bogaadineynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed min dowlad, shacab ilaa qurbajoog meelkasta oo ay qowmiyada Somalidu ku nooshahay bartaas ha laga hayo.la soco wararkena danbe oo aad u xiiso badan iyo ababulka banaanbaxyo waaweyn oo dalka ka dhacaya.

 

Ogaada arinkaan amaba hadaanu si kale u dhigno qadiyadan oo kale waxbo lagama weydiiyo qof horey ugu soo bar baaray bahdil iyo dulinimo amaba u shaqeya shisheye noocuu donaba ha noqdeene waxaa safka hore ku jira Somalidii wadaniyinta ahaa ee uu dalkoda qiimaha ugu fadhiyey, Somaali niman aqon u laheyn ayaa daan dansada.Dalkan Culimo iyo caamo amaba hadanu si kale u dhigno qeybaha ay ka koban tahay bulsho weynta qowmiyada Somaliyed dal

iyo dibad waa u istaageen, culimo, aqoonyahan, ganacsato, cuqaal, dhalinyaro meel dhiigoda laga saxo ma leh,waxaana dal iyo dibad marka laga soo tago banaanbaxyada ay shacuurtoda ku muujinayan, waxaa u socda shirar loogu diyaar garoobayo dagaal dheer oo ugu danbeyn lagu soo celinayo dhulka Soomaali horey uga maqnaa.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday Janaury 10,2024- Wararkii ugu danbeeyey shacabka Soomaaliyeed  oo siweyn u difaacanaya madaxbaabnida dhulkeed iyo badeed ee dalkeena hooyo ee Soomaaliya oo isku diyaarinaya babaanbaxyo hor leh, kedib soo jeedin ka timid bushada rayidka dowladuna codsigaas aqbashay, ayaawaxaa lagu wadaa

iney dhacaan maalmaha inagu soo aadan,. wasiirka arimaha gudaha mudane Fiqi ayaa shacabka la wadaagay banaan baxaan ,xili fanaaniinta qaranka iyo abwaanada Soomaliyed ay kaalintooda siweyn u muuqato marka laga soo tago shacabka Soomaaliyeed oo dal iyo dibadba meelkasta oo iskugu soo baxay.

Hadaba  tan iyo markii ay so baxday in lagu xad gudbay sharafta iyo karamada umada Somaliyed fanaaniinta iyo abwaanada dalkeena oo ay bar bar socdaan shacabka ayaa iyagu siweyn markasta iskugu soo baxayey xaruntooda golaha murtida iyo wactigelinta ee Tiyaatarka qaranka.xili ay inoo soo socdaan warar aad u xiiso leh. bal aanu ku sii nasano  banaan baxyad aaan kala joogsiga laheyn ee ka socda dalkeena iyo heestii dhulka sow aniga ma lihi iyo fanaaniinta/Abwaaniinta qaranka oo iskugu soo baxay amaba iskugu so baxay banaanbax, xili uu dlak adhan min gobolada waqooyi ilaa koofur uu ka socdo banaanbaxu .Daawasho Wacan.


News in Somalia, Africa and Around the world-Tuesday, Janauray 9,2024-M/weynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo dhawaan kukulmaya magaalada Qahira.M/weynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumad dhiggiisa dalka Masar, mudane Abdel Fattah el-Sisi ka helay casumaad rasmi ah kedib markii ay caasimada Somaliya soo garen.

Wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo labo maalmood ka hor booqasho ku tagay Muqdisho, ayaa madaxweynaha Soomaaliya u geeyay casuumad uga timid m/weynaha dalka Masar,hadaba magaalada Qaahira hadaba la soco waxii ku soo kordha kulanka labada madaxweyne.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Eriteria oo caasimada Eriteria ee Asmara uu kulan labo maalmood qaadanaya uga socdo dalkaas ayey labada dowaldood iyo shacab oo uu ka dhaxeeyo taariikh aad u fog ayey warar horudhac oo aanu ka heleyno ilo diplomaasiyadeed ay sheegayaan in ay labada  wadan oo uu xiriirkoda oo aad u wanagsanaa la sii adkeynayo,madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey booqasho dhawr jeer ah ku tagay dalka Eteriya sanadkii ina dhaafay 2023,hayeeshee waxaad moodaa in ay booqashadan ka duwan tahay kuwii hore.la soco hadba waxii ka soo baxa kulanka madaxda Soomaaliya iyo Eriteriya iyo warakeena kale ee Africa iyo caalamka.


War Deg Deg ah-Soomaalida oo ka hor tagtay kedibna fashiliyeen qatar xooganeyd oo ku wajahneyd dalalka qaarada Afrika kuwooda leh Bada siiba wadamada bariga Afrika  

Qeybtaan si degan u aqriso.Kedib qatartii ugu weyneyd ee wayadan soo marta shacab weynaha qaarada Afrika oo ay Soomaalidu ka hortageen,kedib isku duubnidii aan nooceeda horey loo arag ee ay dal iyo dibad muujiyeen qowmiyada Soomaalidu iyo kacdonkii shacab ee

aan la mahadin ee ka curtay dalka Somaliya ee mideeyey Somaalida gudo ilaa dibad iyagoo si gobanimo leh amaba hadaanu si kale u dhigno si geesinimo leh uga hortageen damacii Abiy Axmed ee ku xad gudubka dhuleed iyo mida Badeed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed

si uu kaliya qalalalaso uga huriyo wadamada geeska Afrika oo Somaliya waa wadankii ugu danbeeyey ee uu la dagaalo Abiy Axmed maadama aysan jirin inta badan dalalka geeska Afrika kuwooda xaduuda la leh dalka Etoobiy aoo ah wadan ay ku nool yahiin shacab wanaagsan oo nolosha caadigaa ay badankood la xarbinayaan qaarkoodna Soomaalida oo  30 snao ku soo jireen colaado ayey ayey u soo shaqo tagaan oo Soomaalida ayaaba shaqo abuur u sameysa,sidaasi ay tahay wadan uu xiriir wanaagsan la leeyahay oo kuwa kale oo dhan horey ayuu ula soo dagaalay Mr Abiy ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta Etoobiya ,taasi taasi buu yiri oo shacabka Etoobiya oo ah dad wanaagsan gelisay godoon siyasaded ayna muteysan.

Hayeeshee qorshahii Abiy iyo fowdada la doonayey in lagu carqaladeeyo Amniga guud ee qaarada Afrika iyo midka caalamka,Somaliduna ay dal iyo dibadba uga hortageen oo durbaba bad baado u noqday dalalka geeska Afrika,guud ahaan qaarada Afrika iyo amniga dunida siiba wadamada ku teedsan Biyaha Bada,filmkaas amaba waxa aan ugu yeernay ruwaayad siyaasadeedka dalka Soomaaliya waa ka socon waayey intaanba dalalka geeska Afrika,Qaarada Afrika iyo guud ahaan caalamka la gaarin.

 

Aan meeshaas ku celino filmkii uu jilayey Abiy Axmed intaanba la gaarin wadamada kale ee geeska Afrika,guud ahaan qaarada Afrika iyo caalamka dhaman qorshayashii socday intanba gacan ka hadal oo ku xiganleysla gaarin waxaa fashiliyey shacabka Soomaaliyeed oo siweyn ugu midoobay arinkaan dal iyo dibadba,caalamkiina wey fahmeen arinta qatartaan waxana lagu soo koobay waxkasta oo mediyaha caalamka lagu qoro waxaa ka muhiim sanaday dhawrkaan xaraf amaba ereyadan kooban waxa Afka qalaad lagu yiraado.(Reality is, what’s on the ground ) oo Afka Soomaliga noqoneyso xaqiiqada waa mida gudaha...... calashaa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ka hor tagay arinkaan iyo diyaar garoowga socda.

 

Waana mida keentay in dhamaan wadamada Caalamka iyo ururada caalamigaa ee ay ka mid yahiin Ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub,Ururka Midowga Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Qaramada Midoobay oo waxaan dhan u aragta ciyaar ciyaar, waxaasi oo dhan marka laga soo tago wadankii dhawr sano ka hor siiyey Abiy Axmed Bilada Nabada oo ay u badan u tahay inuu ka soo ceshto sida ay ku waramayaan ilo siyaasadeed oo dalka Etoobiya ku sugan.

 

Arinkaan marka laga soo tago caalamka dhamaan Wadamada Afrika iyo weliba Ururka ay ku mideysan yahin ee Midowga Afrika waxaan hada socda siyaasad uma arkaan,hayeeshee si uusan qormadan inoola dheran aan isla aadno heerka uu marayo kacdoonkii shacabweynaha Soomaaliyeed oo isku diyaarinaya dagaal dhiig badan ku taato aan isla aadno Soomaaliya  iyo qormadeena hoose iyo wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka soo aruurinay Soomaalida dal iyo dibadba.Qowmiyaha Etoobiya badankood wey ka soo horjeedaan arinkaan sida aanu ku heleyno warar sugan qoraalkeenii shaleyna waanu ku soo qaadanay.lana soco wararkeena danbe.


Wararkii ugu danbeeyey iyo Gudaha Soomaaliya inagoo isku dhax wadeyna in aanu shacabka Soomaaliyee du soo gudbino Quruxda Gobolka Awdal, dhanka kalena halka uu marayo kacdoonkii shacabweynaha Soomaaliyeed iyo halka ay manta wax marayaan.War Helaa Talo Hela.

News in Somalia,Africa And Around the World-Tuesday,Janaury 9,2024-War Deg Deg Deg ah-Wararkii ugu danbeeyey sida ay durbaba Soomaalida oo dal iyo diba isku duubmay u bad baadiyeen amaba u fashiliyeen qatar xoogan oo ku wajahneyd dalalka bariga Afrika inagoo

kuwooda dekedaha leh, inagoona halkaan shacabka Soomaaliyeed kuwa bariga Afrika iyo quud ahaan qaarada iyo caalamka la wadaageyna wax bada oo aan inta badan shacabka Afrika iyo kuwa dunida aan halkaan looga sheegin.

Sidoo kale inta aanan wararkeena kale u gelin waxaan bogaadineynaa warmurtiyeedka ka soo baxay dowlada Jabouti ee sida dunida inteeda kale looga so horjeestay ku xad gudubka madax banaanida dhuleed iyo mida Badeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan kan qaarada Africa,

Jabouti oo ah wadanka hada haya gudoomiyaha ururka IGAD maalmahii tageyna wax badan xeerineysay ayaa sida dunida inteeda kale soo saartay warmuriyeed ka hadlaya arinka dalka Soomaaliya ee carada weyn ka dhalisay gayiga ay dadka Soomaaliyeed degaan iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibad, xili ay Soomaalidu fashiliyeen qatartii ku wajahneyd dalalka bariga Africa siiba dekedaha Kenya iyo Tanzania oo la doonayey in badecadaha u socda wadamadaas oo ay ku tiirsan yahiin dekedahooda dalal badan oo African ah oo ku yaala ilaa Afrikada dhexe in marinkooda laga carqaladeeyo Bada Soomaliya.

 

Laakinse bedelkii waxaa waxaasi oo dhan dhulka la galay kacdoon gilgilay guud ahaan dhulka ay degaan Soomaalida,hayeeshee aan isla aadno Gobolka Awal iyo wararkii ugu danbeeyey sidaan qoraaladeenii hore ku so sheegnay halka ay saacadahii ugu danbeeyey wax marayaan ayaan isla eegeynaa.waxaan horey uga so hadalnay sanadkii tagay kacdoono si lama filaan ah ku bilaawday oo ka kala dhacay Hiiraan iyo Sool,hayeeshee midka had aka curtay guud ahaan dhulka ay degaan Soomaalida waa ka baaxadweynaha 10 jeer kuwii aanu horey uga soo hadalnay marka loo eego ababaabulka iyo carada ka dhalatay kuxad gudubka madax banaanida dalkeena iyo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed ee dhalan doonta  iskaba daa kuwa maanta inka joogee.

 

Hayeeshee bal aanu waxa ka socda guud ahaan dal iyo dibad gaar ahan gobolka taariikhigaa ee Awdal ka socda. Awdal dadkeeda wey ka abaabul wanaagsan yahiin kacdoonkii Laascaanood oo Laascaanood waxey nagu qaatatay markii uu dagaalka ka curtay in anau u guurgalno shacabka degaanka ilaa 11 maalmood oo xariir ah in anau fahamno waxa halkaas ka socday,weyna nagu adkaatay wax badan maxaa yeelay waxaan waxbixin ka soo diyaarineynay  shacab kala daadsanaa oo u midkasta meel kale ku fikir ahaa arinkuna waxuu ahaa mid u dhaxeeyey Soomaalida dhexdooda.

 

Laakinse arinka hada taagan waxey nagu qaatatay in aanu warbixin dhameystiran ka soo diyaarino shacbaka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa gobolada waqooyi waxey nagu qaataya 2 maalmood kedib markii abaabul loo qaateen ah oo weliba si weyn looga dareemayo gobolka Awdal ay shacabku galeen, weliba waxa hada laga qeylinayo waa i qarso marka loo eego sida ay arinku u sii xoogeysaneyso saacad saacad iyo daqiiqad daqiiqad walow aanan arimaha qaarkood u gaar ah Soomaalida ee xasaasiga aanan halkaan ku soo qorin hadane Soomaalida saqiir iyo kabiir meel dhigooda laga saro ma jiraan waan amid akeentay in ay mudo gaaban gudahood isku xirmaan dal iyo dibad min dowlada dhexe ilaa qurbajoog bulshada qeybaheeda kala duwan.Waxaana guud ahaa dhulka Soomaalida ka curtay kacdon u muuqaal ek mid aysan mahadin doonin Etoobiya War hada na soo gaarayna waxey sheegayaan in ay dhalinayaradii uu Muuse Biixi qalday ay jiidaha ka soo baxeen oo ay qaarkood yiraahden Odaygaan duligaa ee waqtigiisa soo qaatay mustaqbalka dalkeena kuma ciyaarayo,la soco wararkeena danbe iyo gobolkii xadaarada iyo taariikhda facaweyn lahaa ee Awdal in la qaato iska daaye............ xeebta, dhulka miyigaa ilaa xadud beenaadka uu dalka Soomaaliya la leeyahay Etoobiya dhul siman iyo dhul buuro ahba waxaa taagan rag iyo dumar Soomaaliyeed oo hadaan kalsoonida ka muuqata iyo sidey iskugu kalsoon yahiin aanu halkaan ku soo qorno ay yaabayaan malaayiinta Soomaalidaa ee aan xog ogaalka u aheyn waxa hada socda,yuusan ku seegin wararkeena danbe inagoo isku dhinac wadeyna soo badhigida quruxda magaalooyinka iyo dhulka buuraleyda ah, dhul beereedka iyo weliba magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yar yar iyo heerka ay shacabka ka mareyso, guush augu weyna waa sid aay arinkaan Soomaalidu ugu midoobeen.

 

Soomaalidu si sahlan kuma kacaan oo ahdii ay kacayaan waad ogeydeen markii shacbaka Somali Gelbeed garoonka Garaad Wiil Waal iyago ana waxbo haleyn lagu dilayey gebedhii xildhibaanada aheyd iyo shacabkii kale Soomaaliduna ay arinkaas ka soo qaadeen dhacd


News in Somalia,Africa and Around the world-Monday, Janaury 8,2024-Madaxweynaha Somaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud oo dalka iyo shacabka aanu waalalaha nahay ee Eriteriya ku tagay booqahso labo maalin ah ,halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen dhigiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki, xukumada iyo shacabka Eriteriya.

Booqashanadan ay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti ku wehliya ku tageen Eriteriya ayaa qeyb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada shacab,

iyo booqashadan oo qeyb k aah booqashooyin dhawr ah oo u horey madaxwyenahu ugu tagay halkaas.xili uu dalka Soomaaliya qaaday wadadii dowladnimada iyo dib u dhiska.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world-Monday Janaury 8,2024-Wararkii ugu danbeyey iyo guulaha horudhaca ah ee ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed iyagoo cirdigooda Dhuleed,midkooda Badeed iyo madax Babaanida amaba hadaanu si kale u dhigno gobanimada uu dhiiga badan u soo taatay hadane loo daadin doono ee mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed ee maanta ifkaan joogaan iyo kuwa dhalan doona mustaqbalka oo ay ka gaareen arimo dhawr ah durbaba.

Waxaan maqli jirnay Ilaahey Soomaali kaama adeejiyo,maxaa yeelay Soomaalidu mahan dad dulmi badan lamana hayo intey taariikhda aduunka ku noolayeen wadan dunidan ku nool oo ay madax bananidisa iyo jiritaankoda dadnimo ku xad gudbeen, hayeeshee iyagu siweyn loo soo dulmiyey.

 

Hayeeshee inta aana u gudbin ka hadalka qeybteenii labaad ee kacdoonka ka curtay Gobolka Awdal iyo guud ahaan dalka Somaliya dal iyo dibad ee looga soo horjeedo qadiyada amaba arinta misiriga ah ee dalkeena iyo qudbadii uu madaxweynaha dalkeena hooyo ee Soomaliya ee ay ka qeyb galeen madaxda qaranka iyo xilidhibanadena labada aqal ee golayaasha sharci dejinta oo iyagu dagaalkaan safka hore kaka jira soona galay kaalinta 2aad marka loo eego shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibad oo kaalinta koowaad ku jira si aan weliba horey loo arag, Waan u soo laabaneynaa safarka u madaxweynaheena qaranka mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu ugu amaba baxay wadanka Eriteriya,hayeeshee waxaan halkaan marka hore uga mahadcelineynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolka Awdal oo si mug iyo misaan leh dal iyo dibad isku ababulay waqti gaaban gudahooda kedib markii uu soo gaaray dareenkii dhiilada xumbaarsanaa ee qadiyada dalkeena iyo dhulkii taariikhda lahaa ee ay Soomaalidu ku faani jireen.

 

Waxaa kale oo aanu bogaadineynaa inkasta oo aanu wararkeena danbe kuwooda ugu muhiimsan ku soo qaadan doono arinta Gobolka Awdal hadane waxaan si gaar ah halkaan uga bogaadineynaa ninka dhalinyarada ah ee ku magacaawnaa wasiirka Gashaandhiga Somaliland ee is casilay, xildhibanada iyo wasiirada ka soo jeeda gobolka Awdal heerarkoda kala duwan, cuqaasha, aqoonyahanka culimada, haweenka, dhalinyarada iyo shacabkoda yar iyo weyn dal iyo dibad oo iyagu siweyn dunida iyo dhulka ay ku nool yahin qowmiyada Somalida looga daremay isku duubinoda waxana bogadineynaa sida ay sacadahii ina dhaafay halganka gobanimada dhulkeena hooyo ee Somaliya ay kacdonkii u garsiiyeen Min Lawacade ilaa cirifka ugu danbeeya ee gobolka Awdal waqti weliba aad u gaaban gudahood, waa shacabka kaliya ee aanu dhihi karno reer Awdal dal iyo dibad waa noo gabadeen markii aanu si hoose u dhaxgalnay weliba tan iyo markii ay arinkan dulmiga iyo daan daansiga ku dhisan ay dibada u soo baxday kedib wax ka yar 2 maalmood ayaan waxii awood iyo xog aruurin ah iskugu geynay bal nolosha iyo qadiyada shacabka ku nool gobolkaas, Soomaaliyeey halkaas hadaan nuruxka idiin soo koobno waxaa idiinka jira dad uu dalkaan qiimoweyn ugu fadhiyo,hadan si qeexno ereygaas waa dad wadaniyiin ah, weliba hadaan sii kala qaadno hadiiba qof Soomaali ah loogu yeerayo Nasab waa dadka reer guuragaa ee dhulka geed geedka u kala yaqaana ee xoolaha ku dhaqda, subaga ku maala, dadkaas markii ay hadlaayaan oo aad hor joogto kalsonida, dulqaadka xigmada, aqlaaqda ku jirta markii aad nuruxkeeda dhuuxdo iyo waxa uu Abiy Axmed ka hadlayo ee uu shacabka dalka Etoobiya ku marin habaabinayo xitaa in laga hadlo ma mudna.

 

Laakine si yar oo kooban oo ay dadku dareemi karaan ayaan shacabka la wadaageynaa,marka ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka noocyadooda kala duwan la ciyaarayo sow ma jiraan rag loogu yeero Laashinley oo iyagu si ay habeenkaas amaba halka ciyaarta lagu tumayo ka tiriyaan murti iyadoo u midkasta weliba intey meesha iskugu yimaadaan geberba gebedhii ay ka qurux badan tahay si ay halkaas uga raacdo hadba wiilkii ugu murti wanaagsanaado,kedibna meeshaas inta badan laashinleyda amaba raga wax tiriya hadalkooda oo kooban nuruxkiisa waxuu ku so dhamaadaa iyago dumarkaas la hadlayo sidaanisleenahay amaba waxaa inta badan murtidooda ka mid ah ( Naahooy Nin Kuu digay kumaa dilinoo, Anaa kuu digay dib baa celiyee Nahooy mar cadeey mar is biimeey), dhamaan ciyaaraha Hidaha iyo dhaqnaka Soomaalida magacyadooda waa kala duwanaan karaan laakisne murtida laga tiro badanaa waxey ku soo aruuraan intaan aanu sheegany, yacni dumarkii ayaa lala hadlayaa oo la leeyahay goobta soo gala wiil hoog ayaa joogee kedibna gebdhahii, haweenkii amaba dumarkii hadba sidaad u taqaano halkaas ayey dooqooda ka xulataa.

 

Dumarka ayaa xitaa marka la doonayo guurkooda noocyo kala dumar iyo dhib loo maraa Abiy Amxmedna waxuu ku leeyahay Soomaaliyaan Bad iyo dhul xoog uga qaadanayaa, Nin aduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban malaha cida lala hadlayo  Soomaalidan aanu soo aragnay maahan dhawr jeer oo horana waan ku soo qornay halkaan.

 

Hayeeshee qoraaladeenii hore waxey inoo joogeen qeyb ingiriis aheyd oo aanu ugu talo galnay dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku bar barbaartay iyo kacdoonkii iyo banaanbaxyadii gilgilay min koofur ilaa waqooyi.Bal aanu isla aadno gudaha Etoobiya iyo riyadii dhulka Somaliya ayaan xoog ku qaadaneynaa iyo isbedeladii gudaha Etoobiya ka dhacay saacadahii ugu danbeeyey,waxaa ugu weyn qowmiyada Amxaarada oo markii ay iswareysteen shacabkoda kuwoda aqliga u saaxiibka ah dal iyo dibad maadaama ay yahiin qowmiyadii ugu xukunka dheereyd ee soo maamusha dalka Etoobiya arinkaan Abiy Axmed wey ka soo horjesteen qowmiyadaha kalena warkooda daa maxaa yeelay Soomaalida iyo Cafarta waa Soomaali isku jinsi ah oo iyaga waaba kuwa hadii dagaal qarxo la doonayo in fowdada Etoobiya laga xoreeyo maskaxiyan iyo siyaasiyan, Tigreegana hadeyba dagaal ka soo baxeen warkaan maba ku socdo.

 

Laakinse arinka ay adag tahay iney ogaadaan shacabweynaha qaarada Afrika iyo dunida inteeda kale waa in ay Soomaalidu ku midoobeen arinkaan difaaca dhulooda iyo Badooda dal iyo dibad,wax badan ayaa durbaba fashilmay weliba si cad loo arki doono oo aysan weli Soomaalidu maqlin. kama hordheyno tirada maamulka Muuse Biixi oo uu waqtigii ka dhacay iskaka baxeyso iyo cadadkooda amaba tiradooda.la soco wararkeena danbe iyo safarka madaxweynaha dalkeena Soomaaliya iyo warar kale.


Latest News in Somalia, Africa and Around the world-Sunday,Janaury 7,2024-After Somalia Goverment declared the pact between Addis and Hargeisa null and void and promptly recalled its envoy in Addis Ababa,and Ethiopia for violating

 international law, "when it comes to"unity, sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia.Following a cabinet meeting on Tuesday in Nation's Capital Mogadishu, the Somali government declared the deal "null and void" and "unacceptable."The same day,The Parliament of the Federal Republic of Somalia has unanimously passed a resolution on

Tuesday, rejecting the agreement signed between Somalia’s Northern region which is part of the country and Ethiopia in Addis Ababa on Monday.The resolution, which was adopted by both the House of the People and the Upper House, stated that the agreement was “null and void” and violated the sovereignty, unity and territorial integrity of Somalia. The resolution also affirmed that Somalia would protect its land and water resources from any foreign interference, and finaly Somalia's President HE Hassan Sheikh Mohamud signed a law nullifying an agreement by the breakaway Somali region to grant Ethiopia access to the Red Sea in return for recognition as an independent nation, he said late on Saturday.Believe it or not we just talking government of Somalia decision,what do you think about the people of Somalia and how millions fo Somali's so angry and erupts in protest over Ethiopia deal?.

 

Lets Go Back in 1977, When Ethiopia Make It that time the Same Mistake they're doing it today. After One Aggressive to another The Ethiopia-Somalia War took place in July 1977, The Somali Region Which is Somalis called (Dhulka Soomaalida), also known as Soomaali Galbeed (lit. 'Western Somalia')and officially the Somali Regional State, is a regional state in eastern Ethiopia place in July 1977 after Ethiopia started the war. Then what happened?

 

 The Somali Government in that time let the world The Ethiopian–Somali conflict which is a territorial and political dispute between Ethiopia, Somalia. and they ignored Somali Govenment to listen ,then what happend?. Ethiopia started the war and the Somali Army without hesitation attacked in two formations. The main force had the aim of seizing Jijiga, Harar and Dire Dawa  which they did.While a secondary force going to Dolo, Gode and Imi on 12 July 1977, which they did.what do you

think today which is 21th century. simple answer is that in 2027 Somali region will be part of Somalia.the same think Hong Kong returned to China Nothing different.

Latest News in Somalia, Africa and Around the world-Sunday,Janaury 7,2024- Wararkii ugu danbeeyey iyo qadiyadii ay dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad ku difaacanayeen sharafta dhulkooda iyo madax babaanida dalkooda inagoona sidaan horey shacabka Soomaaliyeed uga balan qaadnay wararkeena maanta ku soo qaadan doono magaaladii caanka ahey ee Seylac iyo  guud ahaan gobolka Awdal.intaanan qormadan u gelin horta qormada qeybteeda kore ee ingiriiska ah waa in yar

oo aanu u dulmarnay dhalinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku barbaaray oo ah dhalinyaro aad u aqli badan  luqada

Soomaaligana aan badankood  fahmeyn, sidaasi daraadeed qeybtaas waxey uun aheyd dulmar guud halka hada la joogo iyo waxii la soo maray 1977 oo aanu weliba wax badan kadeynay kaliya soo koobnay. Hayeeshee bal aanu guda galno xogta aanu ka soo aruurinay shacabka gobolka Awdal iyo guud ahaan gobolada waqooyi.

Sidaan horey idiinka balan qaadnay marnaba hada kuma mashquuleyno ka hadalka Soomaalida mid qaldan iyo mid aan qaldaneynba oo waxaa hada lagu jiraa arin waxaas oo dhan ka weyn.1- Horta sawiradan waxaanu ugu talo galnay shacabka

 

Soomaaliyeed ee aan weligood dhulkaas tagin in ay arkaan in uu gobolka Awdal quruxda kala siman yahay guud ahaan dhulka Soomaaliyeed,waxaase muhiim inoo ah in aad dhegahina na siisaan oo aad si degan warbixintaan  u aqrisataan.

1- Horta tii ilaahey waa gooyni laakinse Muse Biixi meel ku qorta 4 wadan midkood ayaa lagu dili doonaa laakinse 4taas wadan midkood waa Somaliya 90% dalka Soomaaliya ayaa lagu dili doonaa marka loo eego halka ay ka mareyso shacabka Soomaliyeed dal iyo dibad.laakinse aan isla aadno. Gobolka Awdal inagoo weliba si guud u dhax galnay shacabka gobolada

waqooyi kuna soo qatinay gobolka Awdal. Horta Soomaaliyey arinkaan Somaali waa mideeyey  weliba Soomaalida marka la si kala qaado waxaan halkaan idiinla wadaageyna dhacdoonkii aanu kala kulanay shacabka gobolada waqooyi kuwa koofurta Soomaaliya i qarso ayey noqonayaan.

Waxaan ku hormeynaa kuwa gobolka Awdal si uusan qoraalku inoola dheeraan gobolka Awdal horta waxaan u kala qaadeynaa reer guuraaga iyo dadka reer magaalkaa.reer Guuraaga waxey sameeyeen wax aysan dowlado sameyn karin ninkasta oo  qoray qaadi karay waxey isku balan sadeen iney isku dhereriyaan bad iyo beri weliba durbaba waxey bilaabeen qaarkood in ay xoolahooda hub kala baxaan dhulkuna sida la mooda maahano dadku qiimo ayuu ugu fadhiyaa, weliba

waxyaabaha magaalooyinka lagu hayo ee hadalada la maldaho miyiga lagama yaqaano waxaana inoo soo baxday haduu dagaal qarxo in aan gudaha Soomaaliya leysla joogi doonin, waxaa i qarso noqon doonta Macawisleyda ka dagaalanta  Koofurta Soomaaliya,maxaa yeelay kuwaas koox kaliya ayey dagaal kula jiraan kuwani dhulkiina ayaad ka guureysaan oo xoog lagu qaadanayaa inta la yiri  oo uu dareenkii meelkasta gaaray ayaad yaabeysaa sida ay isku diyaarinayaan.

 Waad ogtahiin sow maahan  dadka reer guuraaga ee Soomaalidaa been ma yaqaanaan Hilibka Geeelane markii ay cunayaan waxey ka goostaan halka ugu adag Xijiga kedibna inta soo harta waxey ku cunaan carabka ilko xitaa uma baahna.

 Aan u soo laabano shacabka ku nool magaalooyinka  guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee gobolada waqoyi, horta ma dooneyno in aanu ku xad gudubno shacabka Soomaaliyeed ee gobolada waqooyi,laakinse hadii ay malaayiin Soomaali ah maqli jireen waxaa u dhisan maamul la yiraahdo Soomaaliland,bedelkii waxaa halkaas ka jira maamul ku kooban magalaada Gebiley iyo shaqsi diyaarad ka raaca Hargeya markuu soo laabtana bulshada ku hogaamiyo borobagaando,mucaarad ayaa  jiro iyo barlaman ayaa jira warkas waxuu ku ek yahay mediyaha oo hadaan nuxurka idiin soo koobno waxaa deganadas ka jira wax la yiraahdo (one man show) oo hadane uu weliba waqtigii ka dhacay kuwa ka soo horjeedana aysan xal heynin, yacni meeshaas siyaasad gaboowday ayaa lagu hayaa, waxaase jooga shacab sharaf leh oo damiir leh oo weliba hada  sii kala miirmay,waxeysa ka siman yahiin qadiyan guud ee dalka iyo dadka lagu difaacayo.si uusan qoraalku inoola dheeraan la soco qeybteena labaad heerka ay shacabka Soomaaliyeed ka mareyso iyo qeybahii kala duwanaa ee aanu la kulanay amaba aanu fursada u helnay in aanu qadiyadan kala hadalno waxey ka sinaayeen iney dib u soo ceshan doonaan dhulka ka maqan,hadalkaas waa hadal weyn oo ay Soomaalidu ka siman tahay maanta waqti xaadirkaan waxaadna moodaa in ay Etoobiya isku furtay wado aysan waayadan filaneyn.

Mid ka mid ah dadka reer miyiga ah ee ku nool gobolka Awdal waxaa na loo xaqiijiyey saacad kedib markii uu soo baxay warkaan dhiilada leh ee ka soo yeeray Etoobiya inuu isla markii Suuqa geeyey 4 neef oo Geel ah kalana soo baxay dhawr kun oo dolar si ay ugu iibsadaan hub isaga iyo carurtiisa, isagoo laga soo xigtay inuu yiri odaygii reerka ee arinkaas ku dhiiraday ma hadaa Masjidka Qiblateynka Seylac laga taagayaa calanka Etoobiya iyadoo uu dhul horey inooga maqnaa Mindi ayuu isku dili gaaray ciilka heerka ay ka mareyso shacabka Somaliyeed dal iyo dibad meel laga saro ma leh dadka Somaliyed,

hayeeshee Soomaaliyey meeshaas gobolada waqooyi la yiraahdo shacab ayaa idiinka jira, weliba xogtaan waqti ayaa naga galay ,laakinse arinkaan Soomaalida meeshey ka marayso  iyo waxa warbaahinada lagu qorayo waa kaaf iyo kala dheeri. Waxaa kale oo jira in dhawr dowladood oo dalka Etoobiya warshado waaweyn ku leh ay doonayaan iney u soo guuraan dalalka kale ee bariga Africa, waxaana ugu wacan siyasadahan qar iska turka ah ee ay la timid dunida Etoobiya.

 

Warbixnta qeybteeda labaad ha sugi waayin sida uu Soomaalida maanta nool damiirkooda u joogo,Ogaada dagaalkaan wiil amaba geber Soomaali ah ama waqooyi ha joogo amaba koofur ha joogo amaba qurbaha ha joogo oo ka maqan ooba damiir leh maanta dunidaan ku nool ma jiro waa u dhan yahiin dagaalkaan qowmiyda Soomaalida, weliba waan bogaadineynaa shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad sidey dalkooda u difaacanayaan.

 

Qeyb waxaa jirta qaab cilmiyeysan aanu shacabka Soomaaliyed ula hadli doono maadaama ay aqoonyahano Soomaliyeed diyaarinayaan arin ku saabsan dhulka Soomaali Galbeed.Ogaada Soomaalida meel aan laga taaban ayaa laga taabtay arinkuna waxuu marayaa waxii ay Soomaalidu dhihi jireen (madadaalo soo dhaafta oo meel xun bey mariye), Abwaaniinta Soomaliyeed waxey u fadhiyaan curinta murti hor leh,Fananiintuna waxey istaambey ugu jiraan qaadida heesaha soo bixi dono ee wadaniga ah.la soco wararkeena danbe iyo banaanbaxyadii gilay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Awdal.


War aad u Weyn-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh oo ay garbahiisa taagan yahiin Gudonka labada aqal oo qalinka ku duugay heshiskii ku xad gudbayey madax Bananida dhuleed iyo mida Badeed o ay dhawaan laaleen Golayaasha labada ee sharci dejinta.

News in Somalia, Africa and Around the world-Sunday, Janaury 7,2024-War Deg Deg ah-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dhinacyadiisa taagan yahiin gudoonka baarlamaanka labada aqal oo caawa qalinka ku duugay ama hadaanu si kale u dhigo ayaa saxiixay sharciga Baarlamanka Somaliya ee labada aqal Mudane Sheikh

Adan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi oo madaxweynaha ku weliyey madasha saxiixa ee burinta is-afgaradka dowladda Itobiya iyo Gobolka Somaliyeed amaba Maamulka Somaliland

,kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Somaliya.M/weynaha

ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Somaliyeed iyo madax

bannaanida dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadoda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saran arrimaha siyaasaded ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna. Very good job madaxda dalkeena hooyo ee Soomaliya iyo shacabweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

si uusan qoraalku inoola dheeraan waxaanu isla aadi doonaa oo aanu warbixin dhameystiran ka soo diyaarinay magalada tariikhiga ah ee uu ku yaalo masjidka qiblateynkaee Saylac,

hayeshee bal aanu ciyartan seyliga ee aanu qeybta kore soo gelinay iyo heestaan cusub ee ka hadleysa Badena Somaaliya iyo xad gudubka madax bananida dalkeena hooyo hestaan

oo deg deg loo diyaariyey si dalkeena cadowga looga difaaco maadama fanaaniinta iyo abwaaniinta dagaalka lagu difaacayo dalka weligood ay safka hore ayaaheen.good job hobolada waaberi bal aan ku sii nasano.Soomaalidu hore maxey u dhihi jireen ( Dal iyo dad ninkaan ka dhalan ciilka waa iskaka duqobaaye).hayeeshee war murtiyeed ka soo baxay jaaliyada Soomaaliyeed ee waqooyiga America daawasho wacan.lana soco wararkeena danbe.


Dowladaha Sacuudiga iyoTurkiga oo siweyn u garab istaagay shacabka iyo dowlada Soomaaliya,xili carada shacabka Soomaaliyeed ee ku xadgudubka madax banaanida dalkooda ay gaartay meeshii ugu sareysay.War Helaa Talo Hela. 

 

News in Somalia,Africa and Around the world-Saturday,Janauray 6,2024- Wararkii ugu danbeeyey damacii Bada Somaliya ee fashilmay iyo isbedelada dhacay saacadahii ugu danbeeyey. sidaan qoraalkeenii midkaan ka horeeyey ku soo sheegnay waxaan shacabka

Soomaaliyeed mar kale u xaqiijineynaa inuu fashilmay isku daygii amaba ku xad gudubkii aan geedka loogu soo gaban ee la doonayey in lagu sumcad tiro karaamada malaayiin shacabka Somaliyeed ah oo dunidaan ku nool amaba mustaqbalka dhalan doona iyo isku daygii Badena inagoo labo qeybood u kala qaadeyna.

1- Horta Shacabweynaha Somaliyeed waxaan u xaqiijineynaa iney ka bad baadeen qatar xoogan oo weliba lagu aadiyey maalintii ugu horeysay ee uu dunidan ka curtay sanadka cusub ee 2024.

2-Dunida oo marka laga soo tago kacdonka xoogan ee ay shacabka Somaliyed dal iyo dibad ka muujiyeen hadane caalamka oo la daalaa dhaceya mushkilado waaweyn oo ay arinkaan u cuntami weysay,weliba arin lagu taageri karo Abiy Axmed 100% maahan weyna u cuntami weysay wadamo badan.lakinse shacabka Somaliyed hal arin ayaan u bidhamineynaa weliba,

 

waxaan si gooyni ah ula hadleynaa shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waan bogaadineynaa isku duubnida ay arinkaan ka muujiyen,weli leysma gaarin weliba qoralkan idinkuma dhereyneyno waxan kaliya doneynaa in aad si fiican u soo aqrisan waqtina siisaan qoraalkaan midka ka hooseeya si aad wax badan u fahamtaan. Hayeeshe, inagoo weli ku guda jirna wararkeena Soomaaliya wadamada Sacuudiga iyo Turkiga oo siweyn oo dareen leh ug afalceliyey xadgudubka madax Banaanida dhuleed iyo Badeed ee dalka Soomaaliya

 

xili uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya dalka Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada dowladda Sacuudiga iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudigu ay diyaar u markastana garab taagan  tahay  shacabka iyo dowladaooda xili uu danjirahu sheegay in ay Dowlada Sacuudiga ka faa'iddeysan doonto fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarined oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaday ay dowlada Boqortooyada Sacuudiga ka qaybqaada doonaan xasillinta, iyadoona ay labada dowladood ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalka Soomaaliya dhawan laga cafiyey deyntii.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia,Africa and Around the world-Saturday Janauray 6, 2024-War Deg Deg ah-

Soomaalida oo gebi ahaanba 100% fashiliyeen Abiy Axmed,laakinse arimaha iyo wararkeena maanta waxaan u kala qaadeynaa labo qeybood mid waa mid quseysa caalamka siiba Qaramada Midoobay ,midna waa mid qeysa shacabka Soomaaliyeed min dowlad ilaa shacab.

 

1- Horta Qaramada Midoobay hal dhibato ayaa dunidaan ka heysata taasi oo ah ineysan mushkilada caalamka inteysan dhicin ka horti karin amaba jawaab deg deg ah ka bixin karin arimaha hadba markaasi taagan waxadna moodaa Hayad loo sameystay iney ka macaashto qalalaasaha dunida ka jira iyo midka imaanayo mustaqbalka,taasina waxey hayadda ka dhigi doontaa mid lagu kala tago oo ay duniduna ka abuurmi doonaan Hayaddo kale oo iyadaas bedela inta dunidu isku raacdo hadba sidey isku fahmayaan waa xaqiiqo taas, waayo waxaa jirta maah maah caan ah oo dhaheysa qofka aan waxa tagan garan ma fahmi karo waxa soo socda, sidaasi daraadeed arinkaan Somaliya ee lagu xadgudbayo madax banaanida Dhuleed iyo Midkeeda Badeed oo ay dunida ka hadashay hadey war rasmi ah ka soo saari weyso Qaramada Midobay oo ay qaladkeeda u sheegi weyso xili hore Abiya Axmed, ileen shacabka Etoobiya waa shacab dhiban oo ay halakeeyeen colaado waaweyn oo u dalkaas ka huriyey Abiy, Etoobiya meel fog ayaa laga dooni doonaa, waxaana Soomaaliya iyo Etoobiya dhax mari doona dagaal la mid ah kii dhawaan dhax maray Armeeniya iyo Azerbaijan ee ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh ee ay dhulkeeda ku soo ceshatay Azerbaijan, sidaasi si la mid ah Soomaaliduna haduu mar dagaal u dhaxeeya Etoobiya iyo Somaaliya qarxo waxuu noqon doonaa mid ay Soomaalida ku soo ceshato dhulka ay Etoobiya ka heysato Soomaalida oo arinka hada taagan waa leys kala bixi doonaa, arinkaan yeysan marnaba caalamka oo ay Qaramada Midoobay oo ah meel dunida kulmisa yaan loo arkin ciyaar ciyaar,ma  jirto wadan dhulkiisa iyo Badiisa inta lagu xad gudbay ay shacabkiisa kacmaha is dulsarteen dunida weli kama dhicin Soomaaliduna hada ma noqon doonaan shacabka arinkaas bilaaba, waxii borobagaando ah iyo jahawareerin loogu tala galay  caalamka waa meesheeda laakinse  intey cirka iyo dhulka isku jiraan ayey Etoobiya u jirtaa iney Bad ay Soomaali leetahay xoog ku qaatato ee caalamka waa inuu xaqiiqada dunida ka jirta sida ay tahay u wajaho intey goori goor tahay.

 

Qodobka Labaad oo ah mid u qaas ah Soomaalida oo kaliya waxan si gobanimo leh uga codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dal iyo dibadba min madax ilaa shacab,min waqooyi ilaa Koofur, min saqiir iyo kabir iney qodobkaan si degan u aqriyaan.

 

1-Horta wajigii koowad ee damacii Abiy Axmed waa fashilmay weliba siyasadahii uu donayey inuu iibiyo 24 tii saac ee ugu danbeysay oo dhan waa fashilmen, xitaa dad Somaliya oo lacago lagu siiyey cabsi gelinta shacabka Soomaaliyeed iyo iney faafiyaan warar been ah waxaas dhan waa socon waayeen yaan marnaba hada lagu mashquulin madaxda Soomalida iyo kuwa Jabouti waxkasta xaqiiqadoda ayaan halkaan idiinku soo qori doonaa mustaqbalka xili weliba munaasib ah,laakinse hada arimahena ugu weyn waa in aanu kaliya xooga saarno fashilka arinkaan ka qabsaday Abiy Axmed oo ay adag tahay inuu ka soo kabsado marka loo eego waxa ka jira gudaha wadankiisa arimahan dalka Soomaaliya lala soo aaday waa wax loogu talo galay in shacabka Etoobiya looga weeciyo xaqiiqada ka jirta gudaha dalkooda.

 

Laakinse arinka rasmigaa iyo xaqiiqada ee ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yahiin in loo bidhaamiyo waxaa ugu weyn marka koowaad,marka labaad iyo marka sedaaxba ciidan iyo shacaba dal iyo dibad, saqiir iyo kabiir min waqooyi ilaa koofur iney laba jibaaraan difaaca dalkooda Bad, Beri iyo Cirba.ogaada madaxweynahii hore ee wadanka Sierra Leone oo lagu magcaabo Ernest Bai Koroma waxaa lagu oogay 4 denbi oo waaweyn 3 wax weyn lagama soo qaadin oo waxey aheyd kuwo uu kaliya ku doonayey inuu hanti ku abuurto laakinse qodob waxaa lagu heystaa inuu galay qiyaano qaran, waxuu la yaabay sida qodobkaas lagu ogaaday iyo cida banaanka keentay,waxaana waxaas in ninkaas danbiga intaas la ek lagu soo oogo suurageliyey shacabka Sierra Leone maxaa yeelay dalkasta waxuu leeyahay wadaniyiin u istaaga micno weyn masameeyaan hadba shaqiyaadka markaas ay waxa ugu xun ay bulshadooda ku sameeyaan. dalkasta waxaa jira qaabab kala duwan oo uu sharafta dalkiisa iyo mida dadkiisa ku difaacdo waxaana hormuud u ahaa weligeed hada kedibna u ahaandoona shacabkiisa Soomaaliyana maba ku jiiraan shacabkooda.

 

Hayeshee dunidan aanu maanta ku nool nahay waxaa ka jira meelo badan oo ka mid ah wadamo ay shacabku LIbaaxyo yahiin madaxduna ay u nool yahin sidii Bisadii wadamadaas dalka Soomaaliya waxii ka horeeyey burburkii weligeed nama soo marin shacabkii xiligaas noolaane waxey ku nolayeen sharaf iyo gobanimo maanta waxaan idiin xaqiijineynaa qeybtan si degan oo maskax furan u aqri-(Etoobiya iyo Somaliya dagaal saameyn aan horey loo arag ku yeesha dhaalaha Afrika,kan aduunka iyo burburka wadamo dhawr ah oo ay weliba ku burburi donan dhaqaalo ahaan wadamo aanu ku xusi karno Imaaradka Carabta ayaa dhici doona),maxaa yeelay wax badan oo hada afka uun laga sheego mesha waa ka bixi doonaan,

Soomaalidana sida la moodo iyo wax u dhaw maahan. Shacab ilaa ciidan min koofur ilaa waqooyi difaaca dalka sida hada loogu diyaar garobay  dal iyo dibad haloogu diyaar garoobo yaan leydiin see seexan. Abiy Axmed iyo qeyb Oromada ka mid ah waxey iska dhaadhiciyeen iney xukunka Etoobiya wejiga kaliya ee ay ku joogi karaan 100 ka sano ee inagu soo aadan culeyska siyaasadeed ee hada ku heysta gudaha dalkoodana sida kaliya ee loogu hortagi karo iney geeska Afrika ka huriyaan dagaal, inaga waxbo nakama gelin in Oromada dalkaas maamulaan 100 iyo ineysan mamaulin waxaa hadaanu nahay Soomaali inaga quseeya shacbaka Etoobiya, kuwa Qaarada Afrika iyo dunida oo aanu kula noolaano wanaahg iyo siyaasado ku dhisan is ixtiraam.

 

Yacni dagaal Soomaalida loo soo xawilay waaye dagaalkaan waxaan kale oo dhan waa iska arimo dhax maray shasiyaad laakinse inagu dulucda rasmigaa ayaan idiin la wadageynaa

waana mida aanu leenahay Qaramada Midoobay mushkiladaha ka dhaca caalamka waxey ka hadlaan markii ay dhacaan kedib oo xiliga ay qabashada leeyahiin kama hadlaan.

 

Sababta ay Qaramada Midoobay ilaa hada arinkaan uga hadli weysay maxey tahay?.

 

Qofkii Soomaali ah ee aan arinkaas weli fahmin sababtu waa haweeneyda wakiilka uga ah qaramada midoobay dalka Soomaaliya dowlada ay ka soo jeedo ayaa arinkaan qeyb ka ah oo Soomaalida iyo Etobiyanka kula jooga siyaasado is burinaya sidaasi daraadeed waa haweney dalka Soomaaliya ku joogta magaca Qaramada Midoobay,laakinse siyaasad ahaan u joogta wadankeeda, Intaas waan isla fahanay sow maahan.

 

Soomaali badan siyasada caalamka waxey uga baahan tahay iney bartaan,maahan iney falanqeyan warar loogu talo galay in iyaga lagu mashquuliyo si dareenkooda iyo maskaxdoda loogu ciyaaro,Ogowna dunida aanu maanta ku nool nahay dalkasta waxaa u dhinta difaaca oo dhiig u dadiya waa shacabkoda Somaliyeey wadankiina difaacda in 30 sano oo colaad wiil Somaliyeed oo horey loo qalday dalkiisa siyaabo kala duwan loogu soo burburiyey maanta oo aanu 30 sano kedib dalkena iyo dadkenu min waqoyi ilaa koofur aanu tiigsaneyno horumarka dunida ka jira,in maanta shacabka Soomaaliyed darenkoda dhuleed iyo midkoda badeed sida leyska dhadhiciyey loogu ciyaari karo ma dhici doonto,weyba muqataa ineysan dhici doonin bedelkiina uu dalka Etoobiya ka dhici doono isbedel siyaasadeed oo waaweyn oo dhinaca hogaanka ah,marka loo eego culeyska weyn ee Abiy Axmed ka heysta siyaasada gudaha dalkiisa.

 

Hadane Inagu ma dooneyno halka ay hada wax marayaan in aanu ku mashquulno Muuse Biixi amaba madaxda Jabouti iyo Somaliya,maxaa yeelay markii dal iyo dad cirdigiisa iyo sharaftiisa la difaacayo waxa jiraan wax dib loo dhigto iyo wax xiligaas la joogo u baahan in kaliya laga hadlo Somalida hada mesha arinka joogto dal iyo dibad min waqooyi ilaa Koofur mid ciidan ah iyo mid shacab ahba hada lama joogo meeshii laga hadli lahaa.

 

Sawirka Guud in shacabka Soomaaliyeed loo bidhaamiyo ayaa waxkasta hada ka muhiimsan waana iney difaaca dalkoda iyo dareenka ay hada mujiyen oo bilaaw ah ku difacdan sharafta dhulkoda.waan bogaadineynaa cuqasha gobolada waqooyi war murtiyeedka ay soo saareen

ee ku soo aaday xiligii loo baahnaa.

 

Ogada Somaliyey markii aad cadow dibadaa la dagaleyso midkaada Soomaaligaa ee xun ee ad ogtahay in aad berito maxkameyn karto amaba aad ku  dili karto meelkasta oo dalkaada ka mid ah laguma mashquulo ka hadalkiisa hada iyo wax u dhaw. waxaan laga hadlayo hada maahan in lala hadloo haayo Soomaalida maanta nool ee caruurta mustaqbalka dhalan doonta ifka miyey imaan doonaan iyagoo duleysan mise waxey imaan doonaan iyagoo ku dhashay dal iyo dad gobanimo ku nool, intaas waa in la fahmo. Somali badan maxaa dadkooda waweyn oo garanaya sharaftii ay awoowayashood horey ugu soo naaleeyeen ay maanta iyagoo badankooda dalkaan u soo halgamay abwaan ha dhihin fanaan ha dhihin saraakiil ciidan ha dhihin ay 30kii sano ee ina dhaaftay ciil ugu dhinten dhiig kar kedib markii ay arkeen halka uu dalkoodii ku danbeeyey iyo bur bruka ku dhacay 30 sano ee ina dhaaftay.

 

Wax aqliga bini aadamka galayo Soomaali halo sheego  mushkilada gudaha Etoobiya ka jirta ayaan Soomaaliya la soo aadayaa hadi abiy Axmed ku fikiray waxaan leenahay Abiy Axmed dalka Etoobiya shacabkooda aqligooda wuu ku ciciyaari karaa laakinse Soomaalida Maya Maya Maya.Waan bogadineynaa wakiilada Soomaaliya ee Hayaddaha caalamka inooga mid ah iyo safiirada caalamka inoo jooga dadaalkoda aan kala go a laheyn madaama ay arinkaan joogto xariyo taabad, waxa hada socdana ay Soomaalida uga dhigan tahay geeri.bil xaqiiqo waan ka xunahay sida shacabka Etobiya oo dad wanagsan ah loo marin hababinayo,waxanse

hubna in sida uu Allaah uga adag yahay Somalida oo uu xilikasta dhulka ula gedin karo haduu

ugu talo galo in ay Somalidu dhulka ay Etobiya ka heysato ku soo ceshan karto waqti gaban intey Etoobiya dhulka la sinto, waa hadii dagaal hal mar si lama filaan ah u qarxo.

 

Waxaa lagu dagaalo mahan hub ee waa mabaa dii Soomaalina waa kuwa halka ay hada wax marayaan ku taagan wadada saxda ah ee iyadoo horey dhul looga heystay mar kale lagu soo xad gudbay madax banaanidooda.Dowlad iyo Shacaba bartaas ha laga haayo.Maanta intaan ha inoo joogto.


News in Somalia, Africa and Around the world-Friday,Janaury 5,2024-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan sheikh Maxamud oo qudbad dheer u jeediyey shacabka

Soomaaliyeed ay mar kale ku celiyey taako ka mid ah dhulka Somaaliya ineysan jirin cid qaadan karta. dhan kale madaxweynaha aya 24 kii saac ee ina dhaaftay madax caalamka ay

 

ku wada hadleen qadka telefonka.Madaxda Turkiga, Europian Union, Masar iyo Qatar ayaa ka mid ah madaxda ay saacadahii ugu danbeeyey wada hadleen m/weynaha Somaaliya mudane Xasan sheikh Maxamuud.la soco wararkeena danbe.

Breaing News-Somalia, Africa and Around the world-Friday,Janaury 5,2024-Madaxweynaha Soomaaliya, Xukumada Dan-Qaran iyo shacabweynaha qowmiyada Soomaaliyeed oo dal iyo dibad oo siweyn iskugu xirmay markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo qarnigii 14aad iyo maanta oo aanu ku jirno qarniga 21aad weli tariikhda lama hayo Somalida oo sidan u xanagsan amaba isku racday taasi oo ka dhigan inta cunug saqiir ah oo Somaliya ifkaan ku nool yahay xitaa hadey Qaarada Afrika iyo dunida dhan bur bureyso in dulmigan qaawan iyo xad gudubka iyo bahdilka madax bananida Dhuled iyo mida Badeed ee shacabka Somaliyeed lagu soo qaaday loo istaagay,aan ku celino meeshaas dal iyo dhul waxaa difacda shacabkiisa Soomaalida maanta noolna waxey u diyaar garoobeen iyagoo weliba kala fikrad duwnaan jiray iiney si guud min koofur ilaa waqooyi difacdaan dhulkooda.

Dhanka kale caalamka oo dhan wadan ka hadlay iyo midaan ka hadlinba waxey si guud u dareemeen qatarta ay arinkaan leetahay waxeyna heshiiska Abiy Axmed ku saxiixay Addis Ababa ku tilmaameen hadaan nuxurka soo koobno shacabweynah Soomalaiyeed (Heshiis dhax maray Abiy Axmed iyo xaafad ka mid ah Soomaaliya).

Arinta kale ee aad u xiisaha leh ee aysan weli maqlin shacabka Somaliyeed iyo caalamkaba

waa in uu malintii shaleyto aheyd Muuse Biixi markii uu dib ugu soo laabtay magalada Hargeysa uu jeex jeexay warqad uu doonayey in uu mediyaha ka aqriyo,bedelkiina uu yirahdo ma jirto dhul aan bixyey iyo wax la mid ah, ogaada waxa caalamka loo sheegayo iyo sida ay Shacabweynaha Soomaaliyeed ugu diyaar garoben difaaca, sharafta iyo kamada umadadeed iyo midooda dhulkeed iyo Badeed wey kala duwan tahay,maxaa yeelay gudaha Soomaaliya wey ka duwan tahay waxa mediyaha lagu soo qor qorayo oo waxaan la sheegayo Waxkasta oo dhaca geeri ayey ka xigaan.

 

Hayeeshee, marka waxaasi oo dhan laga  soo tago Abiy Axmed  si aan horey loo arag ayaa looga kacay gudaha dalkiisa waxana u heshiiyey oo ka soo horjeda qowmiyadaha wadankas oo uu dalkooda ka bixi waayey colaado.maxaa yeelay inta abdna shacabka Etoobiya ma doonayaan in mar kale colaad aan meelna gaareyn oo ay ogyahiin iney ku qasaari donaan Soomaaliduna ay dhulka ka maqan ku sheegan doonto hadii uu dagaal qarxo bedelkii waxey gudaha dalka Etoobiya ka ababuleen shacabka Etoobiya iney Abiy Axmed iska qabtaan weyna kar kareysaa sida xaqiiqada ah siyasada gudaha ee dalka Etoomiya. 

 

Marka waxasi dhan laga soo tago anaga oo Soomaali ah iyo Etoobiya waan isku dhib qabnaa maxaa yeelay inagu waxan doneynaa hadey noo suurobeyso in aanu 5ta wadan ugu sareysa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in aanu number 6 ku noqono, amaba aanu ka mid noqono 20 wadan ee dunida ugu qanisan oo hankeenu heerkaas ayuu gaarsiisan yahay maadaama anu nahay wadanka dunida ugu qanisan dhinackasta. iyaguna waxey doonayaan iney qarnikasta Soomaalida ula yimaadaan waxa aanu ugu yeernay Siyaasad gaboowday amaba waxa afka qlaaad lagu yiraahdo (Primitive Policies), markastana waa wadanka kaliya ee qaarada Africa iyo dunidu markii ay horumar tiigsanayaan la yimaada siyaasado guracan, sidaasi daraadeed arinta halka ay hada joogto waa meeshii aanu dunida uga qaban laheyd oo ay Soomaalidu ku joojin laheyd fowdada Abiy Axemd, Ogaada wadanka kaliya  ee dunidan ka mid ah ee fowdadan maanta ku tagera Abiy Axmed waa wadan aan dan ka laheyn amniga qaarada Africa iyo mida caalamka amaba aysan wax qiimo ah ugu fadhiyin noloshan casriga ee dundia ka jirta,

 

Hayeeshee intaan dalka Soomaaliya, Africa iyo caalamka wax ka qoreynay weli ma arkin shacabweynaha Soomaaliyeed oo sidan halmar u xanaaqay dal iyo dibad arinkaan Somalida waxey uga dhigan tahay geeri dunida oo ay qaarada Afrika ugu horeysana fowdo.

Aan dib ugu laabano wax yar taariikhda Afrika iyo mida caalamka,marnaba lama soo helayo mushkilad ay abuureen Soomaalida oo Afrika amaba caalamka horumarkiisa gadaal u celisay,laakinse Etoobiyo waxaanu heynaa boqol dhacdooyin amaba siyaasado fowdo ah ee ay gudaha Etooobiya, Qaarada Afrika iyo caalamka ka huriyeen, waxaa la joogaa xili Somalidu ay siyaasadaha fowdada ah ee markasta ka yimaado Etoobiya ama iyadu wadamo kale ha u shaqeyso amaba siyaasad xumo haka ahaatee Qaarada Afrika lag aqaban lahaa siyaasad gabowday ayey dunida la joogaan.

 

Ogaada Soomalida maanta nol dal iyo dibad waxa isku xiray waa ineysan dooneyn dalka Soomaaliya oo ay awoowayaasheen iyagoo 3 milyan u soo dhinten maanta oo ay qowmiyada Soomaalidu ku dhaw tahay 50 milyan in ay ku noolaadaan dulinimo.................weliba inagoo far waweyn ku qoreyna ( WAA WAXAAN DHACEYN) taas waxaa ka horeysa Soomaalida oo nolosha lagu aaso, inagu markaan sidan wax u qoreyno xaqiiqada shacabka Soomaaliyeed ay manta dal iyo dibad ku sugan yahiin iyo heerkey arinkaan ka mareyso ayan ognahay ama hala dheyelsado ama ha leysaka dayo.

 

Simply Abiy Amxed waxaa looga fadhiyaa  labo qodob mid sedaxaad xitaa ma jiro.

 

1- Inuu raali gelin deg deg ah ka bixiyo arinkaan oo yiraahdo ha leyga raali ahaado.2- Iyo inuu banaanka keeno hadey jiraan madax Soomaaliya ah sida Madaxweyne, Reysul wasaare iyo Gudoon Baarlamaan Dhulka Soomaaliya u saxiixay ?.

 

Hadii uu labadas u waayo Jawaab lacala,haduu jiro wadan aan aheyn kuwa Africa oo arinkaan ku dhaliyey Abiya Axmed oo ay arinkaan ka aheyd qaarada Africa iyo dunida si qalalaaso hor leh looga huriyo-wadankaas shacabka Soomaliyeed ayaa maxkamad la koreyo dalkoodana ka ceyrinayo si waadax ah Abiy Axmed intuu telefishinka dalkiisa yimaado ha qanciyo shacabka Etoobiya, kuwa Soomaaliya, kuwa qaarada Africa iyo weliba calaamka.

 

Hadii intaas la waayo haduu dagaal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Etoobiya  qarxo inagaba og wuu qarxi doonaaye ha dhaw Abiy Axmedow ha dhihin aduunyada ha nala dhax galo aniga iyo Somaaliya,ileen Soomaalidu dhulka aad hada heysataan ayey sheegan doonaan kukuna qabsan doonaan dagaalkuna marjkaas weji kale ayuu yeelan doonaaye. bil xaqiiqo ciidanka Etoobiya ee gudaha Soomaaliya jooga Ogolaasho caalami ah ayey ku joogaan Soomalaiya iskama soo gelin waa inaad taas ogaataa, hal maalin kuma qadaneyso shacabka Soomaaliyeed iney dalkooda ka saaraan ka hor inteysan Abiy Axmed dagaal la gelin shacabka Soomaaliyeed.maanta intaan ha inoo joogto.


Latest News in Somalia, Africa and Around the world-Wararkii ugu danbeeyey iyadoo ay guud ahaan shacuurta Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad meel laga sare aysan jirin dhanka kale caalamkii ay garab istaageen shacuurta dadka Soomaaliyeed ayaa dhanka gudoomiyahi hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari dhanka kalena ah sharci yaqaan dastuurkii Soomaaliyana wax ka dejiyey rug cadaa siyaasadeed ayaa dhacdadan dunida ka yabisay ee xad gudubka ku ah qaranimada Soomaliya malayin Soomaali ahne aysan jirin manta meel dhiigod alaga saro ayaa arinkaan ku tilaamay in loo maxkameyn doono dad badan.

Dhanka kale xildhibaanada Soomaalida kenya oo arinkaan siweyn uga carooday iyagoo ka turjuma shacabka ay siyaasada Kenya ku meletaan ayaa kulan deg deg ah oo ay iskugu yimaden kaka hadlay arinkaan oo siweyn dal iyo dibad u kicisay shacab weynaha Somaliyeed meelkasya oo ay dal iyo dibadiisa kaka nool yahiin.xili ay mar kale caasimada Soomaaliya iyo dalka intiisa kale oo dhan ay gil gileen banaanbaxyo waaweyn.Somalida oo ah mushtamac 

tamaca ugu badan ee isticmaali jiray diyaarada Etoobiyaan Airline ayaa bilabay iney joojiyaan isticmaalkeeda saacadahi ugu danbeeyey.

 

Arintaan sida la moodo waa ka baaxadweyn tahay in shacabka Soomaaliyeed oo 30 sano oo colaad ah ka soo baxay xiligii ay mustaqbalka dalkooda dhisan lahayen shacab weynaha Afrika iyo dunidana isku diyaarinayeen iney kula noolaadaan wanag iyo horumar in lagu ciyaaro mustabqalka caruurta Soomaaliyeed madax bananideenana lagu soo duulo, malaha cida lala hadlayo shacabka Soomaaliyeed maahan kuwa waxaas loola imaanayo,aan ku celino mar kale shacabka Soomaaliyeed meel laga saro dhiigooda ma jiraan.Maanta halkaqan ha inoo joogtola soco wararkeena danbe.


Dowlada Turkiga oo mowqif adag ka istaagtay xad gudubka iyo madax Banaanida Dalka iyo dadka Soomaaliyeed

News in Somalia, Africa and Around the world-Thursday Janaury 4,2024-Wararki ugu danbeeyey.Dowlada Turkiga oo siweyn uga hadashay madax Banaadinada Soomaaliye  iaygoona ku tilmaamay in saxiixa Dowlaada iyo shacabka Soomaaliyee daysan ka warqabin ee ka dhacay  Addis ay xad gudub ku tahay madax Banaanida Qaranimada Soomaaliya.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mr. Öncü Keçeli oo siweyn uga hadlay arinkaan ayaa waxuu yiri war saxaafadeedka rasmigaa ee ka soo baxay wasaarada Arimaha dibada“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowlada Turkiga ayaa ku baaqday in la Ixtiraamo madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya.la soco wararkeena danbe.


Ururuka Iskaashiga Islaamka iyo Ururka Midowga Africa oo ka hadlay fowdada siyaasadeed ee Abiy Axmed iyo ku xad gudubkii madax banaanida Soomaaliya. Qormadan si degan u aqri Muwaadinka Soomaaliyeedoow.War Helaa Talo Hela.

News in Somalia, Africa and Around the world-Thursday Janaury 4,2024-Wararakii ugu danbeeyey Somaliya Qaarada Afrika iyo caalamka oo halkedii inoo ka sii soconaya qormadan qeybtaan waxaan u kala qaadeynaa labo qeybood qeyb waa siyaasada caalamka iyo sida ay Soomaalidu jilbaha iskugu dhufteen durbaba siyaasadahii guracnaa ee malaayiin Soomaali ah,shacabweynaha qaarada Afrika iyo weliba dunida ka yaabiyey ee uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ula yimid isagoo ku xad gudbaya madax banaanida Dhuleed iyo midka Badeed ee Somaliya dagaal oogahii horey ugu guuleystay bilada nabada kedibna colaadaha is xig xigay ka huriyey gudaha dalka Etoobiya, Shacabka Etoobiya iyo aduunyaduna u garan ogyahiin Abiy Axmed.weliba qoraalkaan Soomaalida iyo shacabweynaha Qaarada Afrika marka laga soo tago caalamka dhan wuu anfacayaa iney aqristaan.

Hayeeshee aanu ku hormarno qoraaladii ka soo kala baxay Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Ururka Midowga Afrika.aan ku hormarno Ururka Iskaashiga Islaamka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (OIC). Ururka OIC ayaa sida ugu adag War qoraal ah uga hor yimid isku dayga guracan ee dowladda Ethiopia ay ku dooneyso in ay ku qaadato qeyb ka mid biyaha amaba bada Soomaaliya.Xoghayaha guud ee Ururka OIC ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Madax-bannaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka, waxuuna qoralkan siweyn u taageerayey qoraladii kala ee ka soo baxay ururadii caalamiga ahaa ee horey u soo saaray war murtiyedka sida Ururka Midowga Yurub iyo Ururka Midowga Carabta kii dowlada Mareykanka.

 

Sidoo kale waxaa sidasi si la mid ah uga hadlay arinkan Ururka Midowga Africa waxana

arinkaan ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-banaanida buuxda ee Soomaliya, dhanka kalena sidaasi si la mid ah ayuu ku booriyey in  dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya in la ilaaliyo madax banaanida wadankasta.Mouse Faki marka laga soo tago inuu yahay gudoomiyaha Midowga Africa waa aqoonyahan si wanaagan weliba u yaqaana sida ay u shaqeeyaan sharciyada caalamka waana aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay wadanka Chad,waxuuna ka mid yahay dipomaasiyiinta caalamka iyo ururada caalamigaa ee la yaaban waxaan hada laga hadlayo.xitaa wuu ogyahay in ay Soomaalidu 100% wado sax ah ku taagan tahay Abiy Axmedna uu wado waali siyaasadeed, walow aanu ognahay mushkilada gudaha dalka Etoobiya ka heysata Abiy.

Hayeeshee, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Midowga Afrika ayaa arinkaan uga halday sidii ay horeyna u dhaleeceeyeen wadamadii iyo ururadii caalamiga ahaa ee iyaga ka horeeyey oo aanu qoraalkii midkaan ka horeeyey ku soo qadanay.Qaramada Midoobayna sida ay ururadaan u hadleen ayey u hadli doontaa maxaa yeelay arintaan si aanu dad badan u fahamsiino waa iyadoo uu Abiy Axmed yiri oo kale Magaalada Lisbon oo ku taala Portugal  waxey ka tirsan tahay Etoobiya oo halkaas ayaanu qabsaneynaa Bad iyo Beri.

 

Wadanka Portugal oo aanu tusaalaha idiinku soo qaadaneyno waa wadanka uu ka soo jeedo xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres sidaasi daraadeed golaha amanka ee qaramada midoobay oo ku shaqeeyo sharciyada caalamiga ma u maleyneysaan in uu Abiy Axmed aqliga bulshoweynta caalamka ku ciyaari karo?. 

 

Aan u soo laabano Somalida qeybtan waxaan kula hadleynaa Soomaalida weliba shacabka dal iyo dibad qoraalkaan si degan u aqriso muwaadinka Soomaaliyeedow.

 

1- Horta mid ogaada kuna seexda kuna soo toosa Abiy Axmed siduu dalka iyo dadka Somaliyed moodayo maahan mana noqon doono.waxaan hada socda oo dhana waa tijaabo la tijaabinayo dareenka shacabka Soomaaliyeed waana xiligii ciidan walaa shacab diyaar garoow aan taariikhda na soomarin la geli lahaa, weliba waan idiin kala qaadeynaa waa in aad kala saartaan 3 arimood waqtiga hada la joogo si fiican dareenkiina ha u joogo.

 

Weliba wax badan maanta hadey taladeena ahaan laheyd madaxda Soomaaliya iyo Jabouti intaan siyasada ka fadhiisino ayaan waa muwadiniin Soomaaliyeed kuma xad gudbeyno intaan midkasta 1 milyan oo dolar oo xalaal ah intaan siino ayaan tusbax intaan u dhiibno dhihi laheyn marna masaajidka ku cibaadeysta marna dukaankaan ka ganacsada oo caruurta aad awowaha u tahiin halkaan kula ciyaara,markan sidaan idiin la hadleyno waxaan idiin xasuusineynaa si weliba qiiro Soomaalinimo leh ineysan maanta idiin hogaamineyn madaxdii amaba dowladahii labadaas wadan soo hogaaminayey waxii ka horeeyey 1990.

 

Dad badan muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo taariikhda Qaarada Afrika la socdo wey ogayhiin had aka hor in ay shir ay iskugu yimaadeen wasiirada Arimaah dibada Africa inay wasiiradii ka socda Geeska Afrika dhamaantood ahaayeen Soomaali kuwaasi oo ka socday dalalka Soomaaliya, Jabouti,Etoobiya, Tanzaniya, Uganda iyo Kenya oo weliba wadamadaas uu midkasta metelayey wiil Soomaaliyeed oo markii uu shirka guud ka soo baxaan gooyni intey u kulmaan isku dhaarsan jireen iney ilaaliyaan sharafta iyo karaamada shacabweynaha Africa si caalamka loogula noolaado sida ugu wanaagsan qaarada Africana ku gaari karto horumar.

 

Soomaalidii sidaas aheyd  shacabkoodu ma u qalmaan waxa maanta dhegahooda ku soo dhacayo oo ay markii habeenkii ku seexdaan badankood daruufo kala duwan subaxii ku soo waa bariisanayo wax ay ka naxaan weliba dowlad Etoobiya oo ay ku nool yahiin shacab wanaagsan oo uu hogaaminayo nin u dhaqmaya qab qable dagaal oo kale miyaan maanta Goroda u laalaadin karnaa si loo duleysto caruurteena dhalan  doonta mustaqbalka?.

 

2- Hadii ay maanta taladeena ahaan laheyd in aanu siyaasada Somaaliya ka fadhiisino mudo cayiman waxaan ka fadhiisin laheyn madaxdii iyo masuliyintii dowladii midaan ka horeysay hogaamineysay iyo intii ku firkika aheyd iyo sidoo kale kuwa hada jooga oo xiligaas mucarad isku sheegayey,walow labada dhinacba dad wanaagsan laga helayo.si Soomaalimo leh ayaan idiin la hadleynaa weliba inagoo u naxeyna mustaqbalka caruurta dhalantoonta ee Somaliyed labadaas kooxood aqligooda dhan waxuu ku soo aruuray in markii ay mid xukunka joogto kan kale waxuu doono ka sheego, waa waxii la soo maray hada kedib iney hab dhaqankaas wax ka bedeli doonaan ayaan rajeyneynaa oo ay kala saaraan xiliga dalka iyo dadka la difaacayo iyo xiliga wax la mucaarado.

 

3-Shacabka Somaaliyeed min Raascaser ilaa Raaskaamboni amaba min cirifka ugu danbeya koofurta Soomaaliya ilaa cirifka ugu danbeeya waqooyiga Soomaaliya min shacab ilaa ciidan meeshii uu doonaba ha joogeen wiilkasta iyo geberkasta oo muwaadin Somaliyed ah waxa hada socda ma ahan wax lagu ciyaari karo hala diyaar garoobo waa hadii aad dooneysaan sidii ay awoowayaashiin u noolaan jireen in aad u noolaataan una socotaan sidii Aarkii,yaan marnaba laga laba labeyn difaaca dalka iyo dadka Somaliyeed, Abiy Amxed waa ku fashilmay inuu dareenkiina tijaabiyo dal ahaan iyo dad ahaanba,laakiinse arinkaan gacan ka hadal ma huri doonto aan meeshaas idiinku celino arinkaan gacan ka hadal ma huri doonto Abiy Axmed horumarka uu dalkeenu tiigsanayo ayaa dhibtay sidaasi daradeed Somaliya Soomaali baa leh.Waxaan bogadineynaa shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba sida ay iskugu duuban yahiin oo ay arinkaan min dowlad ilaa shacab uga dhiidiyeen.

 

Ugu danbeyn Mediyaha Soomaalida midbaan leenahay dalkaan u hura waxkasta o aad sharaftiisa ku difaaci kartaan, waxaan la hadleynaa Soomaalida damiirka leh nacasna yeelkadiise.Maanta intaan ha inoo joogto.


News in Somalia, Africa and Around the world-Thursday Janaury 4,2024-Ururka Midowga Yurub, Ururka Midowga Carabta iyo dowlada Mareykanka oo si weyn uga hadlay arimaha haatan taagan kuna baaqay in la ixtiramo Qaranimada Somaliya isna garab taagay Dowlada

iyo shacabka Soomaaliyeed iyagoo siweyn ugu cel celiyey in la ixtiraamo madax-banaanida Somaliya.Midowga Yurub, Midowga Jaamacada Carabta,dowlada Mareykanka iyo dunida inteeda kale ayaa siweyn u dareensan dulmiga uu ku socdo Abiy Axmed oo uu culeys siyaasadeed aan halkaan lagu soo koobi karin ka heysto gudaha wadankiisa.

Inagoo qoraaladeenii kuwan ka horeyey uga soo hadalnay xili ay gilgilaneyso caasimada Soomaaliya ee Mogdishu oo ay iskugu soo baxeen shacabkii ugu badnaa, inagoona horey qorlaadeenii hore halkaan ku soo gudbinay banaan baxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa,

halka magaalada Boorame bartamaheeda ay shacabku iskugu soo baxeen halkasina aqoonyanada iyo culimadu ugu qudbeeyeen shacabka.

 

Warar aad leyskugu haleyn karo oo aanu ka soo xiganay ilo kala duwan ayaa sheegayo in aysan Ururka Midowga Africa marnaba ku taagereyn qaladkaan siyaasadeed Abiy Axmed amaba hadaanu si kale u dhigo 90% dalalka qaarada Africa waxey siweyn u qirsan yahin in aan waxaani siyaasad lagu tilmaami karin,laguna xad gudbay madax banaanida dhuleed iyo mida Badeed ee Soomaaliya mana foga xiliga ay sida ururada kale ee caalamka war ka soo saari doonaan.

 

Hayeeshee waxaanu hubnaa Soomaalida oo dunidan ugu noolaan jirtay sidii Aarkii ( Libaaxii), weligood intey ku nool yahiin ifkaan waxey ka tagi doonaan iyagoo Aarka oo kale u soconayo amaba u nool, waana waxaa dal iyo dibad Soomaalida ugu dhiidhiyeen waxa hada socda Ely iyo Seylac inta u dhaxeyso ayaan qabsanayaa meesha dad nool ma joogo miyaa.

Soomaalida midbaan leenahay 1977  inagoo meel Addis Ababa u jirta 35 KM oo la yiraahdo Laasareed oo Harar iyo Hawaasha dhaafnay Ruushka iyo Kubo ayaa Soomaali ka soo saaray sidaasi ay tahay maanta ma jirto wadan aanu cadaawad u qabno in aanu horey u socono ayaanu dooneynaa.

Ogow dagaalkaas waa xiligii fanaanadii AUN Seynab Xaaji Cali Baxsan markii hees aanu hada miraheeda ka xasuusano (Gerga iyo Waxaan labada Laaw meel iskugu geeyey) isla mirahii heesta ayey fanaanadu ku leetahay ( Guushiyo Barwaaqada Gugeyaa iku simayoo kama geeriyoonee) yacni guushii la gaaray ayey marqaati ka aheyd  waxey leetahay markaas iyadoo ciidankii la hadleyso ( Gaashaandhigoow idin garab galnee),waxey ku qaadeysay geed dushiisa oo ay ciidamada ugu heseysay inta weliba diyarad lagu qaaday dhulkii sidaas loogu dhintay oo loo difacay oo naga maqan ayaa inagoo weliba deris wanaag dooneyna maanta naloola yimid 700 KM bad ah ayaan kaa rabaa amaba Eyl iyo Seylac inta u dhaxeyso oo aan ka yareyn 700 KM hadeysanba ka badneyn ayaan shacabkoda Soomaaliyoo nool duleysanayaa amaba qaadanayaa iyo Masaajidkii Qiblateynka ee Seylac ku yiilay, bil xaqiiqo ruwaayad ayuu jiloo haayaa Abiy Axmed,inkastoon ognahay mushkilada gudaha dalkiisa ka heysata Soomaaliduna bilaabeen magaloyinka qaarkod iney tirakoob ku sameyan shacabka Oromada ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya tiradooda iyo waxa ay u joogan hadane Soomaalida shacabkooda meeshii ugu xumeyd ayey ka mareysaa xaalada.

 

Inagu dhaxdena hadaanu Somaali nahay waanu is dili karnaa hadane inagoo is dileyna ayaan isla cunaa halka dolar ee aanu heysano oo aanu weliba halkaas dolar cidkasta oo nala nool nagula nolaataa weliba aanu ku faraxsnahay (Happy to share)oo aanu wax ka siinaa, laakinse Abiy Axmed Afrikada kale wey iska qaban waayeen Soomaaliya ka qabaneyso not inuu hal qof mushkilad ka dhax abuuro shacabka Etoobiya iyo kuwa Soomaaliya amaba geeska Africa isagaa fudud Soomaali ayaana ka qabaneyso Abiy Axmed dunidan.maanta intaan ha inoo joogto.


LATEST NEWS in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday,Janauray 3, 2024-Wararkii ugu danbeyey  oo kooban.Sidaan qoraalkii kan ka horeeyey wax badan ugu bidhaaminay shacabka Soomaaliyeed kaliya waxaan qeybtaan uga hadleynaa waxyaabahii soo kordhay intii u dhaxeysay warbixinteenii hore iyo mida aanu hada qoreyno fashilkii ugu weynaa ee ku dhacay Abiy Axmed oo dhibatooyin xoogan oo siyaasadeed kana heystay gudaha wadankiisa  3 dii sano  ee ian dhaaftay doonayey inuu iskaka weeciyo shacabka Etoobiya,ficiladii ugu danbeeyeyna ay ka aheyd nafis siyaasadeed hadaan afka qalaad mar kale si kooban idiinku sharaxnona waxey noqoneysaa ( Its just to divert attention his political wars inside Ethiopia last three years since the Tigray war erupted),Markaad intaas fahamto adigoo muwaadin Soomaaliyeed ah ayaad si dhab ah u fahmeysaa halka ay ku danbeyn doonto xaalada Abiy Axmed oo siyaasad ahaan fashilmay arimaha hada socdana ay ku danbeyndoonaan amaba noqon doonto inuu dalka Ethiopia yeelan doono hogaan cusub

Arintii uu ku sheegay Abiy Axmed ee isfahankane sida uu baarlamaanka Soomaaliya u meel mariyey  waa waxbo kama jiraan ( Null and void), means,it is not legally valid.weliba waxaa saacadahii ugu danbeeyey fashilmay qorshe u ku doonayey Abiy Axmed inuu mediya badan oo dacayado u fidiya oo caalamkaa inuu dhaqaalo ku bixiyo markii mediyaha qaarkod arkeen in arinkaan yahay wax uu muuqaal ek Prank  oo uu Abiy Axmed kaliya doonayo inuu iskaka yareeyo colaada iyo mushkilada siyaasadeed ee ka jirta gudaha wadankiisa ayey iskaka kaabsadeen badankood oo mediyaha caalamka maahan sida dhaliyaradan bilaa xigmada ee yutubyada ka qeyl qeyliyo oo kale,kedibna daqiiqo kedib waa meesha uu ka xanaqay xogyaha IGAD oo dareemay in dalkiisa siyaasad ahaan Soomaalidu ka guuleysatay durbaba oo ay fashiliyeen qorshahii la doonayey in lagu kala jaro xaduuda Soomaliya iyo tan Jabouti sidaasi daraadeed waxaan isla aadeynaa banaanbax yadii dalka Soomaaliya min waqoyi ilaa Koofur ka dhacay inagoo ku hormareyna kuwii ka dhacay magalada Hargeysa, kedibna ku xijineyna kuwii ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Mogdishu.

 

Dareen shacab oo Soomaalinimo ayaa shaqeeyey dal iyo dibadba weliba waxyaabaha qarkod in meelo badan oo dalka Somaaliiya ka mid ah Oromada afka Somaliga ku hadasho durbaba lagu bartilmaameedsado halkaan kuma soo qorno,arinkuse wey ka sii xumaan doontaa halka ay hada joogto.inagu kama hadleyno siyaasi suuronaayo amaba siduu doono iskaka hadlayo waxaan ka haldeynaa shacabka Inta u dhaxeysa Eyl iyo Saylac muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool in la duleysto madax bananida dalkoodana in lagu xad gudbo ka dhiidhiyey oo aydan manta jirin meel dhiigooda laga saro.

Ogaada hadii aad wax fahmeysaan Soomaaliyey Abiy Axmed mushkilada uu qaarada Africa ku hayey awadeed kursiga Etobiya waa lagala wareegi doona amaba waa laga wareejinayaa 

kuma nagaadi doono intaas waan isla fahanay sow maahan.dhagartii uu Soomaali dalka Etoobiya deris la ah oo weliba Somalida iyadoo dhul laga heysto ku dadalayey iney shacabka Etoobiya kula noolaadaan deris wanaag Abiy Axmed waa la gadontay siyaasadii gud ee dalka Etoobiya.maanta intaan ha inoo joogto,lana soco wararkeena danbe.



News in Somalia,Africa and Around the world-Wednesday, Janaury 3, 2024-WAR DEG DEG AH-Abiy Axmed oo dhamanba ay fashilmen beentii ay isaga iyo Muuse Biixi iskugu sheegeen magaalada Addis Ababa hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo doonayo in aad ogaato xaqiiqada waxyabaahii durbaba fashiliyey siyaasada Abiy Axmed ee uu doonayey inuu ku carqaladeeyo nabada Geeska Africa iyo mida guud ee qaarada Africa iyo sida ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed uga guuleysteen durbaba si degan u dhageyso qormadan.

 

Inagoo weliba bogaadineyno talaabooyinka sida degan ku socda ee ay durbaba qaaday dowlada Soomaaliya, waxaa kale oo aanu bogaadineynaa inagoo kala qaadeyna Abiy Axmed iyo shacabka Ethiopia in Abiy Axmed jaraa idyada caalamka waxa ay qorayaan iney ciwaan uga dhigeen iyago ka hadlaya fashilka siyaasadeed ee Abiy Axmed waxey u qorneyd sidan.

 

Abiy Axmed Hogaamiyahii Etobiya ee ku guulestay bilada Nabada ee dagaalada sokeeye ka huriyey gudaha wadankiisa (Gobolka Tigreega iyo Kan Amxaada) oo mar kale ku fashilmay inuu geeska Africa ka huriyo qalalaaso ayaa ciwaan looga dhigay.

 

Ogaada markii aanu sidan shacabka Somaliyeed iyo kuwa Etoobiya wax ugu soo gudbineyno waxaan ka hadleynaa heerka uu gaarsiisan yahay fashilka siyaasadeed ee Abiy Axmed, waa marka aanu qoralkenii hore idiinku leenahay dalka Etoobiya sida ay hada wax ku socdaan siyasiyan waxey u badan tahay meel ku qorta iney xukunka dalkaas la wareegi doonaan mid ka mid ah qowmiyadaha kale ee dalka Etoobiya,hayeeshee aan u soo laabano muhiimada qormadeena.

 

1-Waxaaan marka hore bogaadineynaa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan min waqooyi ilaa koofur min Raaskaambooni, Raascaseyr ilaa Laawaya Cade sida ay qadiyan ugu midoobeen Somalida dal iyo dibad siyaasad ahaana durbaba Abiy Axmed uga guuleysteen maxaa yeelay wax siyaasad ah oo uu ku socdo majiraan taas ayaana keentay iney Soomalidu durbaba fashiliyan marka sida xaqiiqada ah Abiy Axmed waxan ka soo qadeynaa hogaamiye Afrikan ah oo saxada siyaasada Afrika iyo tan caalamka ka baxaya dhawaan.

 

2-Waxaan bogadineynaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan sida ay u yahiin dad soo jeeda oo fahansan wax badan good job,bartaas ha laga hayo, weliba waxaan malaayiin Soomaali ah u xaqiijineynaa markii ay dowlada Somaliya iyo golayasheda sharci dejinta goankaan laaleen waxii ka danbeeyey Muuse Biixi Dowlada Soomaaliya dad uu u soo wakiishay isagoo weliba Joogay Addis Ababa iney Mogdishu la soo xariireen 24dii saac ee ina dhaaftay ayaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijin karnaa cida lala soo xariiray iyo sida looga shaqeyey arinkaan waa arin kale,yacni waxaan idiin kala qaadeynaa xaqiiqada dhabta ah iyo ruwayada uu Caasimada Etoobiya ee Addis Ababa ku jilayo Abiy Axmed, waana mida keentay in ay 24 kii saac ee ina dhaaftay dowlado badan oo dunida ka mid ah ay siweyn u taageeraan go aankii dowlada Soomaaliya iyo midkii ay golayaasha sharci dejinta waxbo kama jiraan ugu soo qaadeen, adigoo muwaadin Soomaaliyeed ah caasimada Somaliya ee Mogdishu la xariir inta dowladood ee madaxda qaranka la soo xariirtay iyagoo iska bari yeelayo siyaasada Abiy Axmed ee meel looga dhacayo madax banaanida dhuleed iyo mida Badeed iney ku lug laheyn.

 

Waana waxa keenay in ay wax badan durbaba fashilmaan maxaa yeelay Somalidu ma dooneyso in lagu xad gudbo madax banaanida dalkooda sidaba aysan dunida inteeda kale u dooneyn in wadankooda lagu xad gudbo, waan bogaadineynaa mar kale shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba, yaan loo jixin jixin Abiy Axmed oo ka maseyrsan horumarka uu dalka Soomaaliya ku talaabsaday waayadan danbe sidaasi daraadeed yaan loo xumeyn shacab weynaha Etoobiya inta laga helayo hogaamiye shacabka Etoobiya taladiisa kala wareega Abiy Axmed waxa kaliya ee hada la sameeyo ha noqdaan in ciidamada Etoobiya ee dalkeena jooga iyadoon la xumeyn la yiraahdo waad mahadsan tahiin ee dalkiina dib ugu laabta,ganacsiga hada Etoobiya nagala dhaxeeyana loo weeciyo dalalka kale ee Soomaaliya saaxiibka la ah maxaa yeelay Etoobiya sanadkii 250 Milyan oo ganacsi ah ayey dalka Soomaaliya ka sameyaan inaguna xitaa 10 Milyan sanadkii kama sameyno waa in albaabkaas laga soo xiro loona wareejiyo ganacsigaas meel kale.

 

Soomaaliyey waan is naqanaa waxaan diidnay waanu diidnay waxaan ogolaanona waanu ogaalanay Abiy Axmed waan ka qaban karnaa shacabka Etoobiya,kuwa bariga Afrika iyo guud ahaan dunida inuu ku soo kordhiyo mushkilade siyasad xumida uu la donayo shacabka Etoobiya wadankooda inaga iyo Etoobiyana waanu is naqaanaa oo Soomaali oo 3 milyan iyo 6 Milyan oo Geel ah ku nool yahiin 100 sano ka hor ayey Somaliya dekedahiisa qaadan wayen dhulka Soomaali galbeed ( Somali State)maka soo celinaa intaan afti ay dunida marqaati ka tahay ka qaadno shacabkaas Soomaaliyeed waan is ognahay waan sameyn karnaaye oo 1964 tii iyo 1977, iyo 2006 oo ay Mogdishu yimaaden ayey Somaaliya qabsan wayene,marka loo eego shacab ahaan iyo dhaqaalo ahaanba maanta ayaan ka fiican nahayee arinka waji kale ma u yeelnaa Somaliyey........Ogaada gobanimo aan dhiig loo daadin gobanimo maahan, waxaanse ku faraxsanahay Abiy Axmed waxuu is lahaa dareenka shacabka Somaliyeed ku ciciyaar isagii ayey siyaasadii la gadoontay.

 

Meel ku qorta Abiy Axmed xukunka Soomaaliyaa ka tuuri doonto dhulka Soomaali Galbeed ayeyna ku qabsan doonaan ugu danbeyn,kediba shacaweynaha bariga Afrika sidaas ayey horumar ku gaari doonaan,weliba shacabka Etoobiya waa dhiban yahiin oo wadankooda colaado ayuu ka bixi waayey tan iyo makrii uu Abiy Axmed iyo Oromada xukunka dalkaas qabsadeen oo Soomaalida ayey ku siyaasad noqon doonaan marka been beentaan hada socota leys kala baxo.Yaan marnaba lagu gadsoonim waxa hada socda oo dhan waa filam la jilaayo Twiiter wax lagu soo qoro iyo xaqiiqada dhabta ah ayaan shacabka u kala saarnaa inagu. dowlad caalamka amaba urur caalami ah oo dunida maanta ka mid ah oo fowdadan Abiy Axmed ku taagereyso ma jiro waana mid keentay in Somaalida durbaba fashiliyeen qorshahii Abiy Axmed. Maanta intaan ha inoo joogto lana soco wararkena danbe.

 

Fiiro Gaar ah- Siyaasadaha Abiy Axmed wadanka kaliya ee ku qaasaari doona siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaanba weliba balaayiin dolar ku qaasaari doono waa Imaaradka Carabta UAE.Qodobkan meel gooyni ah ku qorta Soomaliyey.

 

Waxaan aduunyada siyaasada looga dhigayo ee la leeyahay Abiy Axmed ayaa Bada Somaliya magaloyinka Eyl iyo Seylac inta u dhaxeya loo saxiixay waxaas inagu siyasad uma naqano caruurta ayaa loo sheegaa,hadaanse sawirka guud idiin siino Abiy Amxed siweyn ayuu u fashilmay,mar sedaxaad ayaan idiinku celineynaa Etoobiya waxaa dhawaan ka dhici doona isbedel siyaasadeed oo waaweyn xukunka dalkana waxaa la waregi doono mid ka mid ah qowmiyadaha kale ee Etoobiya.

 

Sidoo kale inagu kama hadleyno qof inta 10 daqiiqo muuqaal iska soo duuba amaba sawiro qurur qurxoon iska soo qaada iyo dhaliyaro wacyiga siyasadeed ee dunida iyo wadax banaani dal oo lagu soo xad gudbay iskaka qasantahay oo aan kala garaneyn xili wax la dhaleeceeyo iyo xiliga kale ,waxaanse ka hadleynaa weligeena bulshada u soo gudbin jirnay xaqiiqada hadba halka ay wax marayaan Abiy Axmed waa ku daayey siyaasad ahaan dalka Etoobiyana ma sii xakumi doono waqti sidaas u fog, yaa ka shaqeeyey arintaan.........waqti kale ayaan Somaliweyn oo dhan u faafaahin doonaa.waana mida keentay in aanu kala qaadno siyasada

Abiy Amxed iyo shacabweynaha Etoobiya.


News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday, Janaury 3,2024- War Deg deg ah-Kedib goaankii baarlamanka labada aqal ee Soomaaliya,go aankii xukumada Dan Qaran, iyo qudbadii madaxweynaha Soomaliya ka hor jeediyey golayasha sharci dejinta dalka Somaliya oo taageero xoogan ka helay dowlado badan durbaba.

Ma dooneyno in aanu shacabka Soomaaliyeed waxkasta uga dhigno news marka ay arintu noqoto jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.Sidoo kale ma dooneyno in aanu ku mash

quulno markasta oo dalka Somaliya cadow laga difacayo Soomaalida lagu mashquuliyo dhaleeceynta Madaxda Soomaalida.Waxaanse kaliya shacabka Somaliyeed la wadaageynaa hadba halka ay wax marayaan.

 

Horta Reysul wasaaraha Etoobiya fikirkii uu maalintii shaleyto ahaa ku dhaqaaqay inta noloshiisa ka dhiman wuu ka qoomameyn doonaa isaga shaqsiyan siyaasad ahaan oo waxey u badan tahay in ay dalka Etoobiya ugu danbeyn waqti aan fogeyn qowmidaha kale ee dalkaas degan midkood xukunka kala wareegaan Oromada,marka aanu sidaan u hadleyno Soomaalida ayaanu naqaanaa marka ay arimaha noocaan oo kale yimaadaan kuma mashquulaan kuwii Soomaalida ahaa ee sameeyey ee waxey toos iskaka celiyaan hadba dowlada ku dhiirata madax banaanidooda dhuleed iyo Badeed iney meel uga dhacdo,waana waxii ay ka dhiidhin lahayeen wadamada caalamka ahdii lagu xad qudbo qaranimadooda.

Sidoo kale ma dooneyno in madaxda caalamkaa ee dowlada Soomaaliya 12 kii saac ina dhaaftay waxii ka danbeeyey kulankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya xiriirka la soo sameynayey weliba wadamada dalka Soomaliya mustaqbalka fog ka leh.hayeeshee Abiy Axmed Soomaali horey uma aqoone haduu baranayaa, weliba Abiy Axmed iyo shacabka Etoobiya waxaanu u kala qaadeynaa labo oo shacabka Etoobiya iyagu waxaan waa arimo uu iskaka sii jeedinayo Reysul wasaare Abiy culeysyo siyasadeed oo gudaha dalkiisa ku heystay bilahii ina dhaafay awadeed isaguna wuu ogyahay ineysan dunidan ka jirin dowlad iyo hogamiye maamul goboleed weliba uu waqtigii la doortay ka dhacay amaba dhamaaday wax uu saxiixo ineysan jirin meel ay caalamka ka shaqeyneyso, waa marka xaqiiqada siyasadeed ee gudaha dalka Etoobiya ka jirto laga hadlayo.

 

Ogow siyasada dunida miduna waa mid loogu talo galay iney socdaan waqti gaaban miduna waa siyasad mustaqbal inagu kama hadleyno siyaasadaha waqtiyada kooban loogu talo galay in aanu ku mashquulino shacabkeena , waxaanse hubnaa sidaan qoraalkeenii horey ku sheegnay waxa uu Addis Ababa ku saxiixay Abiy Axmed iney yahiin Wax kama jiraan amaba waxa afka qalaad lagu yirahdo (null and void) oo micnahedu tahay it is not legally valid.

Kaliya dowlada Somaaliya waxaa looga fadhiyaa iney talaboyin waaweyn qaado dalkana ka ceyriso hadba wadankii ku xad gudba madax banaanida Soomaliya ganacsiga dalkaas kala dhaxeya Soomalidana loo weeciyo amaba la siiyo wadan kale oo ka mid ah kuwa Soomalida xariirka wanagsan la leh si ay iyaga iyo Soomaalidu u kala faa ideystaan.

 

Bil xaqiiqo arinka uu sameeyey Abiya Axmed ururada caalamigaa oo dhan sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay,Ururka Islaamka, Ururka Midowga Yurub, Ururka Midowga Africa, Ururka Jaamacada Carabta, Ururka IGAD, Ururka EAC ee ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay iyo saaxibada kale ee caalamka wey ku qoslayaan hadii waxaan loo sheego.

 

Waana mida keentay iney Soomaalidu dal iyo dibad u midooban arinkaan mucaarad iyo muxaafid dowlad goboleedyo, gobolka Banaadir, qurbajoog, guda joog intaas iney ka mideysan yahiin arinkaan. Waan ugu celineynaa shacabka Soomaaliyeed meel laga saro dhiigooda Soomalida ma lahan ama koofurta ha joogo amaba waqooyi ha joogo.waa markii uu abaanka amaba Abwaanada Soomaaliyeed rag iyo dumar dhihi jireen madadaalo soo dhaaftayoo meel xun bey mariye.caawa intaan ha inoo joogto.


News in Somalia, Africa and Around the world-Tuesday, Janauray 2,2024-BREAKING-WAR DEG DEG AH- Barlamaanka Soomaaliya oo wax kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii Addis Ababa ee Bada Soomaaliya, xili degaano badan oo Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer lagu arkayo maanta Calanka Soomaaliya, xili xukumada Dan-Qarana ay qaraar mug iyo miisaan leh oo loo qaateen ah ka soo saartay arinkaas.halka golayaashii sharci dejinta ay cagta mariyeen si aan leex leexad aheyn qaraarkaan u daneynaya mustaqbalka cunuga Qowmiyada Soomaaligaa ee aan weli ifka imaan,xili Soomaalida maanta meelkasta oo ay dunida ka joogaan aysan jirin meel dhiigooda laga saro (Aan ku celino meeshaas- Somalida oo aan maanta meelkasta oo ay dunida ka joogaan aysan jirin meel dhiigooda laga saro ) .

Xili siweyn loo filayo iney dhacaan banaan baxyo waaweyn oo loo qaateen ah,arinkaan ayaa aad uga baaxadweyn 100%sida la moodo, Daawasho Wacan labada Qaraar.waxaad moodaa in loo dhiibay aqrinta qararadan labo muwaadin oo Somaaliyeed oo cod kar ah,xili ay arintan siweyn durbaba u gilgishay geyiga ay qowmiyada Soomaalida ka degaan geeska Africa.si degan ula soco wararkeena danbe.


Fashil Xoogan oo soo Wajahay heshiiskii Bada Soomaaliya ee ka dhacay Addis Ababa, Xageey wax ka qaldameen..........War Helaa Talo Hela.

War Deg Deg ah- Dowlada Ethiopia oo uu hogankeeda hayo Reysul wasaare Abiy Axmed oo

oo ay xaalada siyaasadeed aad ugu xun tahay.warar 90% leysku haleyn karo ayaa durbaba muujinaya inuu fashil xoogan kaka dhacay dowlada Ethiopia  isku daygedii Bada Soomaaliya.

 

Marka laga soo tago falcelinta aan caadiga aheyn ee ay Soomaali oo dhan guud ahaan ka muujiyeen arintaan iyo talaabooyin suuragelinaya iney malaayiin dolar dowlada Ethiopia ku lumiso ganacsiga kala dhaxeeya Soomaalida mustaqbalka dhaw oo markiisii horeba u badnaa Khaad.

Arimaha durbaba fashilka keenay iskabadaa in Ethiopia ku dhirato Bada Soomaaliyee waxaa ka sii daran dowladahii arinkaan geliyey oo iyagu aanan dooneyn iney xiriirkooda Soomaaliya lumiyaan oo Reysal Wasaare Abiy uga baxay, ma ahan iney gadaal uga dagen waa uga baxen oo markii horeba arinku ma aheyn wax mudo laga soo shaqeeyey kaliya waxey aheyd arin la doonayey in lagu tjitaabiyo damiirka Somalida iyo fikir loola tagay siyaasi caloshiis u

shaqeyste ah.arintaan oo ka dhigan100% in ay aheyd war murtiyeed kaliya lagu qorayWarqad,

maxaa yeelay Soomaaliya waa dal madax banaan oo xor ah.

 

Inagu kama hadleyno siyaasiyiinta Soomaalida oo maalinba meel hor leh iyagu ku boodaan iyo qoraale dhaadheer oo laga qoro arimaha Soomaaliya, waxaanse ka hadleynaa  dowlada Ethiopia iyo weliba Reysul wasaraha Ethiopia Mr Abiy arinkaan waa ka fashilmay durbaba iyagu sidii Africanka lagu yaqiinay shacabka Ethiopia waxuu doono wuu u sheegi karaa siduu doono hadalka wuu ugu qur qurxin karaa maalmo kooban,isbuucyo amaba bilo,hayeeshee qoralkan meel ku qorta arimahan oo hada bilaaw ahaa waxaa soo food saaray fashil aad u xoogan, waana mida keentay in aanan marnaba xitaa hal mar ku mashquulno ka hadalka Muuse Biixi.

 

Waxaan iska ruwaayada ah ee lagu leeyahay Etoobiya ayaa Soomaaliland aqoonsaneysa Abiya Axmed ayaa arinkaas ku dhiiran kara ,xaruntii midowga Africa ayaa Addis Ababa ku taalo iyo wax la mid ah waa waxyabaha dadka suuqyada iska mar marayo loogu sheekeeyo,

kitaab Jaamac ah ayaan idiinku mareynaa halkaan, hadey maanta Soomaaliya kaliya kuraasta ay ku leetahay midowga Africa iyo kan IGAD kaliya kala baxdo qaarada Africa oo dhan ayaa waji kale yeelaneysa maxaa yeelay Etoobiya joqoraafiga siyaasadeed ee dunida halka ay maanta mareyso arimaha hada socda  aduunyada Soomaaliya ayaa uga muhiimsan iney waqti ku lumiyaan bedelkii siyaasada Etoobiya.

 

Hadaan qodobkaan sii qeexno waxa afka qalaad lagu yiraahdo (A Potential Geopolitical Scenario) amaba hadaan si kale u dhigno ( Future of World Geopolitics) marka si dhab ah looga hadlayo  waxa la yiraahdo Leverage ee ay Etoobiya ku leetahay arinkaas marka loo eego Soomaaliya aad ayuu u yar yahay kan Etoobiya, weliba arinkaan si cilmiyeysan ayaan shacabka Soomaaliyeed iyo xitaa kuwa Etoobiya oo aanu deris nahay ugu sharaxi karnaa. 

 

Abiy Axmed dagaal siyaasadeed xiligaan mala geli karaa Soomaaliya marka laga hadlayo fowdo siyaasadeed iyo Bad xoog lagu raadiyo Soomaaliya oo weliba 30 sano dagaalo sokeeye ku soo jirtay oo sidan ah.......Jawaabta oo kooban hadaan far waaweyn ku qorno waa (Maya) mar kale ayaan ku celineynaa waa Maya.

 

 Sababtu maxey tahay.......Horta Mid hala ogaado wadankan Somaliya la tiraahdo Etobiyanka weliba Oromada oo hada hayaan xukunka Etoobiya wey ogyahiin in 100 sano ka hor dalka Soomaaliya ay ku noolaayeen 3 milyan oo shacab ah iyo 6 milyan oo Geel ah shacabka waxaa ka badnaa labo mar Geela oo ah mid ka mid ah xoolaha ay sida weyn u dhaqdaan Soomaalida weligeedna Badaas dheer ee uu Allaah ku maneystay iyagaa weligood difaacan jiray shacabku siyaasadu ama ha isbedesho ama yeysan isbed bedelin xaqiiqada marka laga hadlayo meelna leyska dhigo wadamadii Gumeystaha oo Etoobiya u gacan geliyeen dhulka Soomaaliyeed oo aysan isagaas xoog ku qaadan ee la ogyahay wadamada ay arinkaas fursada uga heleen,maanta Etoobiya iyadoo aan hal xabad lagu ridin waxaa ku filan kaliya dalka Soomaaliya oo loo helo hogaamiye geesi ah oo yiraahdo Badeena maad dooneysaa in aad xoog kuqaatato anigana waxaan doonayaa in aan afti dadweyne ka qaadno shacabka Soomaali Galbeed ee ku nool dhulka maanta la yiraahdo Somali State ileen hadey Soomaliya dagaal gasho kan Somali State jooga iyo kan Waqooti Bari Kenya jooga iyo Kan Jabouti Jooga shacabku weligii isma bedelo markey noqoto difaaca arimaha waaweyn ee misiriga ah,kediba hadii afti laga qado shacabkaas si weliba aan aqli galeyn ayey  ugu codeeyanayan iney Soomaaliya ku biiraan,halkaasne Etoobiya waxey ku weyneysaa Gas kii dabiiciga ahaa (LNG) ee ku jiray dhulka Soomaali galbeed ee ay ku xisaabtameysay. 

 

Inagu kama hadleyno siyaasadaha qiyaaliga ku dhisan ee mararka qaarkood dunida ka socda Etoobiya wanaageeda 100% waxuu ku jiraa weliba dowlada haatan joogta,iyadoo Somaliya kula noolaato siyasad wanagsan ayna ilaaliso madax Banaanida dhuleed iyo midka Badeed ee Soomaaliya sida iyadaba loo ilaaliyo keeda ee aan loogu xad gudbin.

 

Fiiro Gaar ah- Aan mar kale ku celino warmurtiyeedkii Addis Ababa uu ka soo saaray Reysul Wasaare Abiy Axmed wax ka hagaagi doono majiraan,weliba Soomaalidu waa ogyahiin in aanu nahay mediyaha kaliya ee aan xitaa hal sawir ka so qaadan amaba ka hadlin markii ay shirka ku lahaayen madaxda Jabouti, Soomaaliya iyo Muuse Biixi dalka Jabouti,maxaa yeelay inagu waxaan ogeyn siyasadaha xiligaa la kala iibsanayey ee ku kobnaa kaliya sidii lagu heli lahaa dhaqaalo kooban ,hayeshee maanta hadaanu dalka Somaliya madaxweyne ka ahaan laheyn arinku sida uu hada yahay iyo wax u dhaw ma noqden,maxaa yeelay marka horeba meelaha umada Soomaaliyeed lagu gowracayo maba tagneen oo bedelkii xaquuqdooda umadeed, dhuleed, iyo Badeed ayaanu u ilaalin laheyn,hadaan u ilaalin weynaya xafiiska ayaanu baneyn laheyn waa sida kaliya ee uu dal kuhelikraan shacabkiisu gobanimo.

 

Ogaada qoraalkii midkaan ka horeeyey waxaan idiinku sheegnay arimaha hada socda marka la donayo in lagu dhiirado madaxweynaha Jabouti iyo kan Somaliya ee hada jooga dunidaan maba joogaan arinkaas waxaad u fasirataa inta uu hadba garadkadu la ek yahay muwadinka Soomaaliga ahoow.waxanse bogadineynaa sida ay durbaba arinkaan ugu midoben Somalidu mucaarad iyo muxaafid amaba dal iyo dibad, dowlad iyo shacaba oo waxii dhaliil ah dib loogu dhigtay hada.

 

Hadaanu talo kooban siin laheyn dowlada Etoobiya Muuse Biixiga aad Addis Ababa kula shirteen xitaa wadanka uu degaan ka dhigan doono mustaqbalka dhaw waan u soo qori karnaa dowlada Etoobiya inuu deked idiin siiyo iskaba dhaafee isago shaqsi ah ayey isaga iyo qoyskiisa Hargeysa ka tagoo haayaan dhawaan...................Intaas sow maahan arin siwaadax ah loo fahmi karo.

 

Ogaada Soomaaliyeey Arimaha hada socda waxey wadada u xaari doonaan in dib u eegis lagu sameyo wax badan siiba qaabka looga kireeyey dekedaha dalka ka jira wadamada qaarkood min waqoyi ilaa koofur iyo cida saxiixday. Soomalidu waa iney ka fekeraan sida ay ka yeelayaan markii ay horey u socdanba in loola yimaado arimo dhaaawacaya jiritaankooda umadeed, dhuleed iyo Badeed inagu waxaanu nahay wadan xor ah oo madax banaan, wadankii aanu is fahmi weyno dalkeena waa in laga saaro siyaasad ahaan, haduu ciidan ka joogo, haduu ganacsi nagala dhaxeeyo laga joojiyo shacabkana lagu hogaamiyo siyaasado ku dhisan xaqiiqo iyagaa waxii markaasi ka danbeeya shaqadooda qabsanayo.Maanta intaan ha inoo joogto Daawasho Wacan qaraarka ay soo saartay dowlada Soomaaliya oo ku soo aaday waqtigii loo baahnaa weliba wa xka yar 24 saac gudahod in qaraarkaan la soo saaro waa guul bilaaw u ah shacabka Soomaaliyeed, wararka kale ee madaxda qaranka iyo weliba baarlamaanka Somaaliya goaanada ka soo bixi doona............ la soco.


Maxaa ka run ah in Ethiopia Bada Soomaaliya xoog ku qaadaneyso+Siyaasada Soomaaliya iyo mida Geeska Africa. Sawirkaan waxaan diyaarinay markii ay socotay doorashadi madaxweynaha Soomaaliya maalinkaas waxaan qormadii aanu qornay ciwaan uga dhignay amab aanu kula hadleyno baarlamaanka 11aad iyo wax aanu manta arkeyno wax faraq ah oo u dhaxeya ma jiraan War Helaa Talo Hela

News in Somalia, Africa and Around the world-Monday, Janaury 1,2024- Inta aanan muhiimada qormadeena ka hadlin waxaan sawiradan midka ugu horeeya waa Madaxweyne Siilaanyo iyo R/Wasaarahii Ethiopia ee geeriyooday iyo sawirka baraha bulshada qabsaday ee Addis Ababa ka soo muuqdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed inago kedibna guda galeyna qormadeena ciwaanka kore ee aanu leenahay maxaa ka run ah in Ethiopia badan Soomaaliya xoog ku qaadaneyso iyo weliba siyaasada geeska Africa oo aanu qeyb wararkeena ka mid ah ku soo qaadan doono. 

 Horta inagu wax weyn uma aragno sawirada laga soo qaaday Muuse iyo Abiy Axemd o waxaanu sida aanu sawirka hoose halkaan u soo gelinay sawirka Axmed Siilanyo iyo Malaz Zenawi  ee laga qaaday taariikhdu markii ay aheyd 19 Nofembar 2010 xiligaas war murtiyeedkii ka soo baxay qoraal ahaan waxuu u dhignaa isla sida maanta loo hadlayo hayeeshee xiligaas sawirka laga qaaday Axmed Siilaanyo iyo Malaz Zenawi  waxaa ka soo wareegatay wax aan dhameyn  2 snao kedib taariikhdu marki ay aheyd August 20, 2012,

 

waxaa geeriyooday Malaz Siilaanyona isagoo gaboobay ayuu xilkii ka tagay taariikhdu markii ay aheyd 13 Diseembar 2017. sidaasi daraadeed waxkasta oo uu binièaadam ku riyoodo waxaa ka weyn tii Allaah weligeed ma dhicin man adhici doonto sikasta oo ay dalka Soomaaliyeed uga so baxaan siyaasiyin qaainul wadaniyiin ah inta shacabka Soomaliyee dnool yahay rajo lagama qabo in Bada Soomaaliya sikasta o dareenka Soomaalida loo tijaabiyo in sidaas sahlan lagu heli doono.

 

Ethiopia waa wadan African ah oo aanu deris nahay siyaabo kala duwana u kala faa ideysan karno,labada dowlad iyo labada shacaba,weliba inagu waxaan ka mid nahay mediyaha Soomaalida ee aadka ula dhacsan siyaasada Réysul Wasaare Abiy Axmed  iyo Madaxweynaha Kenya Ruto arimahooda dhinackasta ayan ka eegnay labadooda shaqsiyan  waa hogaamiyaal fahamsan wacyiga  dunida ka jira maanta iyo sida ay siyaasada caalamka isku bed bedesho saacad saacad.

 

Waxaanse idiin xaqiijineynaa marka waxa hada socda laga hadlyo la doonayo in la hirgeliyo aduunyadan ma joogaan Ismaciil Cumar Geele iyo Xasan Sheikh Maxamud meel ku qorta arinkaas,maxaa yeelay Muuse Biixi Addis Ababa Xasan Sheikh iyo Ismacil Cumar Geelle rabitaankooda ayuu ku tagay, ogaada Madaxenaha Cafarta amaba midka Oromada Xasan Sheikh iyadoo aan ogolaansho laga heysan dowlada Ethiopia sida uu Muuse Biixi u hadlayey intuu Mogdishu booqdo uma hadli karo,laakinse waxaani oo dhan halka ku danbeyn ay ku danbeyn doonaan  ayaan hada idiin shegeynaa.

 

1- Baarlamaanka Soomaaliya  oo si lama filaan ah bilaha inagu soo aadan ku ridi doono  Xasan Sheikh.2- Kacdoon shacab oo dalka dhan ka dhaca iyo arinkaan oo aan dhab ka aheyn sida loo sheegayooo kaliya aduunyada oo uu had adib uga curtay dagaalkii qaboobaa kaliya waxaa la doonayaa in Siyaasiyinta Soomaalida iyo kuwa Jabouti looga dhigo Homework.

 

Horta Midnimadii Soomaaliya oo weliba ku timaada kacdoon shacab waa soo dhaw tahay ma dheera ku seexda taas,Iska daay in Bada Soomaaliya la qaatee waxaa leysku wareysan doonaa JASIIRADA SUQADARA oo hada ka maqan gacanta Soomaalida waa hadii sharciga caalamigaa dib loogu laabto arintuna ay noqon doonto ku qabso ku qadi meyside ileen dunidii waxa hada ka curtay fowdo siyaasadeed, waxaana yeelayo dagaalki qaboobaa ayaa dib u soo labtay oo waad aragtaan ilaa 4 wadan oo Muslin ah iyo dowlada Ethiopia oo ku biireen BRIGS oo ah deled ay ku mideysan yahiin dunida kuwooda ugu dhaqaalaha badan,

halka ay horeyna ugu jireen kuwo kale kuwaas ka horeeyey oo deledaas aas aasay.

 

Aan u soo laabano dalka Soomaaliya ma leeyahay hayaddo sharci dejin wadanka u naxayo  iyo isla xisaabtan dowladeed oo mug iyo miisaan leh........calaamatul su aal ayaa saaran, laakinse waxaanu hubnaa inuu dalka ka curan doono kacdoon aysan dowlado waaweyn iyo madax badan oo Soomaali ah mahadin doonin, weliba shaqsiyaad badan oo siyaasi isku sheegayo heerkey dontaba ha noqotee dhawrka bilood ee inagu soo aadan saxada siyaasada wey ka bixi doonaan, yaa fulinaayo waxaan la saxiixayo,meel ku qorta caawa qoraalkaan oo qaarkood iyagaaba rabaan in laga saaro siyaasada maxaa yeelay waxoogaa dhaqaalo ah ayey ku qaateen arimaha hada socda. inaguse ninka anu buug ka qori doono waa Xasan Sheikh oo hada u socda sidii Juud Wamaa Juud intanba aanqiro la gaarin.

 

Waxa hada la kala iibsanayo oo dhan maahan siyaasado fadhiyaan dalka Somaaliya aragtida shacabka iyo sida uu u fikiro siyaasiga Soomaalida waa kala duwan tahay bil xaqiiqo aan halkaas ku celino mar kale ( dalka Soomaaliya  aragtida siyaasiga iyo mida guud ee shacab

ka Soomaaliyeed waa kala duwan tahay), Ethiopia iyo Soomaaliya wax badan inta dunidan joogaan waa ku kala faaideysan doonaan,laakinse maahan siyaasadaha hada xawaaraha ku socda ee dunida ka jira  iyo wax u dhaw. Inagu weliba waxaanu jecel nahay in qaarada Africa oo dhan hal wadan noqdaan waa sida ay u fekeri laheyd maskax caafimaad qabto,hayeeshee dalka Soomaaliya iyo dadkiisu sid ala moodo iney wax badan ka sahlan yahiin uma dhici doonaan.Waxaanse jelcelysanay sida loo jilayo siyaasada qaarkood oo leyskugu dayayo in shacabka maalinba mowjado lagu mash quulinayo amaba loogu saarayo.Maanta intaan ha inoo joogto


The politics of Somalia -Siyaasada Soomaaliya inuu qeexo muwaadin Soomaaliyeed waxaa ka horeysa horta inuu xog ogaal u yahay waxii la soo maray ,halka maanta la joogo iyo halka loo socdo- Mar kale qormadeena Maanta iyo Guud ahaan dalka Somaliya Min Koofur ilaaaa waqooyi.War Helaa Talo Hela.

News In Somalia, Africa and Around the world-Monday,Janauray 1,2024- Qormadeena maanta waxaan ku soo koobeyna kaliya 3 qodob inta aanan gudagelin ka hadalka 3daas qodob waxaan mar ka hore leenahay shacabka Soomaaliyeed si guud sanad wanaagsan.

Hayeshee aan u soo laabano muhiimada qormadena maadaama uu sanadka cusub yahay 

maalintiisii koowaad,inagoo ku soo koobeyna 3 qodob oo aanu qodob ka mid ah uga hadli doono madaxda Puntland iyo Soomaaliland oo uu midkasta hada ku furan yahay doorasho iyo halka ay hada wax u marayaan.

 

1-Saciid Deni iyo Muuse Biixi xaqiiqadii waa naga qosliyeen mararka qaarkood waa loo baahan yahay inuu siyaasigu kaa qosliyo weliba markii uu waxsta u sameynayo sideed kursiga sharci daro ugu sii joogtaa waa xaalad kale.1- Qodobkaan wan isku jumleyneynaa oo waxaan ku soo koobeynaa madaxda Puntland iyo Soomaaliland ee iyagu ay had aku furan tahay doorashada ka kala dhici doonta bilaawga sanadkan 2024 oo ay maalintiisii koowaad bilaawga tahay inagoo qodobkaan  u sii kala qaadeyna A,B iyo C. si ay dadka Soomaaliyeed u fahmaan halka ay mareyso siyaasada guud ee dalka iyo isbedelada waaweyn ee jidka ku soo jira.

 

A- Aanu ku hormarno Puntland iyo madaxweyne Dani iyo doorashada, walaahi Dani Waa xariif waxuu is yiri hadii aad mudo kordhin sameysato waa laguugu kacayaa ee sikasta ee aad kursiga ku joogi karto samee 5 maalmoodba alla haka dhigee waxii aad smaeyn karto samee.kedibna maxaa dhacay cidkasta oo isaga sii fashilin karta waxey yiraahdeen ku soco sida aad hada wax ku wado. hadaan Puntland arinkeeda soo koobno xildhibaano iyo baarlamaan cusub looma dhisin ee waxa socdo waa mudo kordhin nooc cusub ah.war Saciid Daniyow dadka hada mediyaha kaa buun buuninayo wa labo koxood bil xaqiiqo dhaamtoodna buun buunintooda iney wa xkaaka halaabaan maahane waxbo kuuguma hagaagi doonaan, waxa aad hada wado hadiiba gudaha Soomaaliya meel ka mid ah ay socon lahaayeen Mogdishu ayey May 15 2022 doorashadii guud ee dalka ka dhacday ka hirgeli laheyd.doorasho nadiif ah oo aad ku gashay 49 ka xildhibaan qabo, hadii 66 doorasho ay reer Puntland ku galaan waxaan kuu xaqiijineynaa inu maamulkaas 90 maalmood wa xka badan sii shaqeyn doonin inagu waan naqaanaa dalka Soomaaliya marka wax lagu dhiso qaab fowdo ah halka ay ku danbeeyaan.

 

B- Aan u soo laabano Muuse Biixi isaguna waa la mid ah oo Doorashadii Soomaaliland ayaa dhawaan dhaceysa halkii ay ka qaban lahaayeen isaga, Saleemaan Muslin, Maama Adna Aden iyo Maxamed Kaahin waxey isku maaweelinayaan  amaba shacabka waqtiga kaka dilayaan wax aan hada loo joogin, hayeeshee arinta hada taagan ee kaliya ka hadalka u baahan waa doorasho, doorasho ,doorasho oo la qabto weliba sedax jeer ayaanu ku celineynaa taariikhda Soomaaliya lama hayo degaan shacabkiisa doorasho looga ciyaaray oo ay kuwa hogaanka markaas ku magacaaban guul siyaasadeed ka gaaren.

 

Tusaale yar ayaan Soomaali oo dhan siineynaa iney ku qancaan waxaanu aan ka hadleyno in ay Soomaaliland doorasho aan laga fursan doonin dhawaan ugu danbeyn ay ka dhici doonto. shirkii dhawaan uu u tagay Jabouti Muuse Biixina aheyn fikir Soomaalida ka yimid ee uu ahaa mid ku soo aaday siyaasado ka jira Bada Cas oo kaliya. kaba soo qaad Soomaaliland iyo Soomaaliya iney wada hadlayaan iney run tahayba aan ka dhigno sida loo yiri amaba xitaa aanu uga soo qaadno waa wax wanaagsan iney Soomaali oo dhan danahooda u midoobaan,

Maxuu intii uusan Muuse Biixi ka dhoofin Hargeysa amaba u amba bixin Jabouti kulan iskugu yeeri waayey Mucaaridka Soomaaliland oo ugu sheeki waayey waxa uu dalka Jabouti ka doonayo ileen waxa laga hadlayo hadeyba tahay arimo misiri ah ugu yaraan u update gareyn waayey bedelkii safarka Muse Biixi ee Jabouti inaga wax qoreyna iyo mucaradka Somaliland

isku si ayaanu u maqalnay kkkkkkk,halkaas qofkasta oo Soomaali ah waa inuu ka fahmaa wax badan ineysan aheyn siyaasad, waana mida aanu ciwaanka qormadan uga dhignay (Siyaasada Soomaaliya inuu qeexo muwaadin Soomaaliyeed waxaa ka horeysa horta inuu xog ogaal u yahay waxii la soo maray ,halka maanta la joogo iyo halka loo socdo).

 

C-Siyaasi Muuse Biixi  iyo siyaasi Saciid Deni waxaan ugu yeernay jilayaasha ruwaayada siyaasadeed ee hada socota ogow sidaasi ay tahay shacabka Soomaaliland,kuwa SSC Khatumo iyo kuwa Puntland dhamaantood siiba shacabka degan amaba meelaha ay deriska ka yahiin labada shacab ee SSC Khatumo State iyo kuwa Soomaaliland isma dagaalsana xitaa ma jiraan wax ay ku muran san yahiin oo reerkasta halkii uu Allah kaka beeray dalka Soomaaliya ayey ku qanacsan tahay, sidaasi daraadeed SSC Khatumo waa maamul gooyni ah oo ay dadkiisu dhisteen Soomaalilana waa shacab gooyni ah oo ay dadiisu dhisteen oo wax hada kedib iskugu darsan maba jirto, sidaasi ayeyna Muuse Bixi iyo Saciid Deni ugu qasban yahiin iney qabtaan doorasho aysan labada dhinac qeyb ka aheyn shacabka SSC Khatumo.Intaas shacabweynaha Soomaaliyeed halka ay hada wax marayaan ugu filan xaqiiqo.

 

2-Madaxda Soomaaliya maxaa laga doonayaa qodobkaana waxaan u kala qaadeynaa A.B iyo C.si ay shacabka Soomaaliyeed waxii uu mugdi kaka jiro u fahmaan. A- Wadanka Fowdada ka daaya oo dhamaan madaxdii dalka intiisa kale sida Muuse Biixi iyo Saciid Deni ayuu waqtigii ka wada dhacay dadka ugu badan ee manta buun buuninayo Muuse Biixi iyo Saciid Denina waa kuwo ku nool degaano ay madaxdii hogaamineysay mudo xileedkii ka dhacay yaan waxii Madaxweyne Farmaajo laga diiday 2 sano ka hor si dalka loo geliyo fowdo siyaasadeed loo jiheyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay dalka kaka nool yahin min waqooyi ilaa koofur waa in doorashadii laga qabto dhamaan inta uu mudo xileedkoodu dhacay,hadii kale waxii 7 sano ka hor ka raacay Hiiraan Xasan Sheikh Maxamuud madaxwyenaha haatan jooga ayaa ka raaci doona dowlada haatan joogta, maxaa yeelay mudadaas 7da sano ah waxaa la iibinayey siyaasado qiyaali ku dhisnaa kuna koobnaa dano qabiil iyo mid dhaqaalo kooban oo ay shaqsiyaad ka dhax abuurtaan nolosha malaayiin shacab ah oo degaanadaas ku noolaa iyadoo xiligaas leyska indha tirayey talooyinkii uu xiligaas soo jeediynayeen wax garadkii uu horkacayey Ugaaskii beelaha Xawaadle AUN Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.ilaa caleema saarkiisii inta Soomaali oo dhan dal iyo dibad lagu casuumay loo diido madaxweynahii xiligaas jiray oo hada ah madaxwyenaha Soomaaliya ee haatan jooga waa marka qiyaali wax lagu dhiso halka ay ku danbeeyaan waxii fowdo lagu dhiso, waxaana hubanti ah oo biiyo kama dhibcaan ah in aan dalka Soomaaliya sidii lagu wada joogi jiray hada waxii ka horeeyey aan lagu wada joogi doonin,kaliyase waa furan tahay in mediyaha laga qeyl qeliyo, xaqiiqaduse waa in aysan wax badan sidii hore iyo wax u dhaw noqon doonin.

 

B- Waxaa taasi bar bar socda markii ay waxgarad iyo shacab Soomaaliyeed oo meel ku nool yahin wanaag doon laakinse ay shaqsiyaad iska dhigaan iney iyagu yahiin kuwa ugu aqliga badan laakinse arinku sidaas aheyn xaqiiqadii waxkasta oo ay markaasi ku dhiiradaan shaqsiyaadkaas waxey ku danbeeyaan fashil oo hada iyadoo ay maamulka iyo Garaadada, Isimada SSC Khatumo,kuwa Puntland iyo inta samaha jecel oo dhan oo degaankaas ka soo jeedo ay soo dhaweeyeen kuna ixtiraameen go'aanka ay maamulkooda ku dhisteen shacabka SSC Khatumo oo hada isku tashi dadweyne wadaan shaqsi qabiil iyagaas la mid ah ka soo jeedo ayaa waxuu doonayaa inuu yiraahdo misirkooda kama tashan karaan laakinse aniga reerkeygu waa ka tashan karaan, iyadoo aysan xitaa fikirkaas run ka aheyn kuwa sidaas leh oo aysan qabiiladooda iyo degaankooda dadka ku nool wax ay u hayaan jirin,hadane waa kaararka loo adeegsado siyaasada Soomaaliya ee mudo siyaabo qaldan loo soo adeegsan jiray dalka Soomaaliya min koofur ilaa waqooyi.

 

C-Madaxda Soomaalida waxaan leenahay Gudoomiye Adan Madoobe xaqiiqada intaad halka ay kaa jirto ka abaarto degaanka aad ka soo jeedo ka qabo doorasho Beydhabo oo arinkinu yeysan idiinka noqon markii uu bilaawday wajigii koowaad ee dagaalkii looga soo horjeeday Khawaariijta labo sano ka hor oo aheyday waqtigii ugu habooneyd ee aad is xoreyn laheedeeen in aanu wadamo ka mid ah bariga Africa aanu ku arkeynay Lafta Gareen oo iska mushaaxayo  xiligaas aad ayaanu u yaabnay dhibaatada ay shacabku ku jireen iyo sida halkii degaanka loo xoreyn lahaa dibadaha loo wareegayey.

 

Sidaasi si la mid ah R/wasaare Xamse waxaan leenahay Kismaayo ka qabo Doorasho.

madaxweyne Xasan Waxaan leenahay adiga iyo beeshaada intaad is wareysataan xaqiiqada siyaasadeed ee dalka halka ay idiinka jirto  Hiiraan maahane isku raadi reerkaada ee maamul u dhista Banaadir muran intii hore iyo iney dadku iyagoo deris ah waxaan jirin isku nacaan oo  Hiiraan oo dalka Somaliya u ah hoyadii dalka dalkana isku xirta in aan meel kale shacabkiisa looga talineyn sida aanu saacad kasta u ognahay in aanu u dhiman karno ayaan u hubnaa yaan labada shacab leys nacsiin,siyasadahii m/weynahii hore Farmaajo lagu fashiliyey oo kale yaan adigana mar kale laguugu fashilin, maxaa yeelay Farmaajo isagu shaqsiyan nidaam dowladed ayuu donayey waxase ka hoos shaqeynayey oo fashiliyey koox aan siyasad aqoon dano u gaar ahne ku hoos watay nidaamka dowligaa inagu markii aanu sidaan u hadeyno waxii la soo maray oo dhan goob joog ayaanu u aheyn.

 

 Hiiraan adiga iyo dowladaada waa laga jecel yahay maanta sidaba dowladahii kaa horreeyey looga jeclaa,dadku nidaam iyo kala danbeyn iyo degaankooda oo ay ka jirto nidaam iyo kala danbeyn ayey doonayaan shacabka Hiiraan ugu tag halkaas adigoo aan ula tageyn siyasado ku dhisan munafaqnimo iyo koxeysi si sharaf leh hada reer Hiiraan dagal idiinkama dhaxeeyo oo waa kuwii ajiibay dagaalkii khawariijta ee aad ku baaqday  xitaa hadii aad doonto deganka geyso qof adiga kugu siyaasad ah muhiim uma ahan shacabka Hiiraan State kaliya waxey doonayaan halkii ay mareen goboladii qeyrkood ahaa gobolkii aad ku dhalatay ee aad ku soo kifaaxday ee aad wax ku soo baratay hormuud u noqo Caleema saarka Ugaaskaada Ugaas Yusuf Ugaas Xasan oo dhawaan dhacaya oo guriyaada marti kama tihid adiga ha iska dhigin waad ogtahay reer Hiiraan waa ku dhaleen aduunyada waxey ugu jecel yahiin qofka iyagoo wanaag doon ah ku hor carara.

 

Weliba maanta wasiirka Batroolka,gudoomiye kuxigeenka aqalka sare iyo xildhibanada reer Hiiraan cid kaka xog ogaalsan ma jirto rabitaanka shacabka Hiiraan halmar bulshada dhax taga oo ku taageera rabitaankooda, waana muhiim shacabkasta oo Soomaali ah oo doonayo iney horey u socdaan kaliya in lagu taageero dhismaha maamulkoda iyo rabitaankooda kana fogaaw madaxweyne dhamaanba siyaasadii hore loogu soo fashilmay Hiiraan waa Hiiraan State mana ahan wax aanu iska leenahay waa rabitaan shacab waxeyna maroo haaysaa halkii ay mareen  Alta Jubba, Bas Juba, Majeerteeniya, Mudug,Waqooyi Galbeed,Togdheer,

Banaadir iyo Hiiraan, intaas wax ka badan miyaa maanta ka jira dalka Soomaaliya?

 

Goboladii waqooyi waxey noqdeen Soomaaliland iyo SSC Khatumo.Goboladii Kofureedna waxey noqdeen Majeerteeniya maanta waa Puntland.Alta Jubba maanta waa Koofur Galbeed.Bas Jubba maanta waa Jubaland,Mudug qeyb ka mid ah maanta waa Galmudug,Banaadir Waa Banaadir State, Hiiraana waa Hiiraan State  magacyadii oo kaliya ayaa State loo bixiyey maahane mapka Soomaaliya iyo habkii loo deganaa wax iska bedelay ma jiraan ee shacabka Soomaaliyeed ha laga daayo jahwareerka siyaasadeed oo deganaada ay madaxdoodu waqtigu ka dhacay ha laga hirgeliyo doorasho hufan waa hadii ay isku kalsoon yahiin kuwa masuuliyada sheegtaan,kuwa dhismayana waa in shacabkooda lagu tageero.

 

Gudoomiye Cabdi Xaashi midbaan leenahay adiga iyo xildhibaanada asalkooda ka soo jeeda Soomaaliland marba Muuse Biixi haduuba leeyahay Mogdishu ayaan aadeynaa 2026 adingoo dhamaantiin Hargeysa isku soo wareystay oo umad dhinackasta ka mideysan oo wax badan isla soo turxaan bixiyey idinkoo ah Soomaaliweyn ugu imaada Mogdishu,maanta Hargeysa ma tagi kartaan kuwiina dowlada dhexe ku metela Soomaaliland hadane bilkasta mushaarka aad qaatataan hadii leysku daro waa malaayiin dolar,sidaas ayaadba Soomaaliweyn culeys ugu heysaan 2026 wax badan oo hada jira ma jiri doonaan waa xaqiiqo Soomaaliyana ma noqon doono wadan qadan doono nidaamka loogu yeero confederation oo waxaa nidamkas loogu talo galay dad kala diin ah sida Lubnaan amaba Nigeriya waxa kaliya oo ay Soomaaliya qaadan karto waa iney noqoto nidaamka hada jira oo ah federal dastuurka oo la dhameystiro

 8dii gobol ee Soomaaliyana noqdaan 8 State hadaba waa yahiine weliba markii ay Somalidu waqti badan iska lumiyan ayey wax badan ku qasbaan donaan,maantase xalka waa ka dhaw yahay halkii hore shacabka Somaaliyeed oo ah dad la xakumi karo ha laga daayo jahwarerka siyaasadeed ee aysan mudneyn iyo in maalinkasta aqligooda lagu ciyaaro.Maanta halkaan ha inoo joogto.


Qormo Madaxweynaha Somaaliya ugu talo galnay oo aanu ku soo qatimeyno sanadka 2023,

taasi oo aanu ciwaan uga dhignay-Somaliya wadan ay ku wada nool yahiin Soomaali Qiyaali

ku nool ah iyo kuwa xaqiiqo ku nool ah Faraqa u dhaxeeyana uu yahay........War Helaa Talo hela

News in Somalia, Africa and Around the world,Friday December 29,2023- Qofkii horey ugu soo xirnaa bogaan uma baahna in aanu dib ugu celino waxuuse kala qabsan karaa halkaan, hayeeshee hadii aad tahay qof ku cusub bogaan waa muhiim in aad soo aqriso qoraalada aanu horey uga soo hadalnay qeybaheena hoose hadey noqon lahaayeen siyaasad iyo arimo kaleba, Hayeshee qormadan kumanaanka Soomaalidaa ee fursad u heli doona iney aqristaan ka sokow waxaanu ugu talo galnay madaxwyenaha Soomaaliya  bal waa haduu ugu yaraan dareen jiro (Feeling).

Waxan horey shacabka ula wadagnay magaalada Goldogob maantana waxaan ku xijineynaa magaalada Burtinle waa la garanayaa sow maahan 15 sano ka hor sidey aheyd. 30 kii sano ee ina dhaaftay 1991 ilaa 2000 hadal heynta ugu badan oo aanu maqli jirnay waxey aheyd Daarood ayaanu wadanka ka saarnay iyo boqolaal qab qable dagaal ah.waxaa inoogu soo xigtay Maxkamado, Xisbiyo kala duwan diini ah oo magacyo kala duwan lagu sameystay  ugu daneyn 15 kii sano ee ugu danbeeyey Argagixiso ayuu ku soo gabo gaboobay.

magaaladan aad aragtaan quruxdeeda dadka iska leh marka laga soo tago qabiilka weyn ee ay ka tirsan yahiin dalka Somaliya weligood m/weyne iyo R/Wasaare iyo xitaa madaxweyne Goboleed kama noqon sidaasi ay tahay qoraalkaan qoraalki ka horeeyey waxan ku sheegnay in magaalada Burtinle ay ka qurux badan tahay maanta  20 magaalo oo ku taalo koofurta Soomaaliya siiba kuwa lagu hayo argagixisada Soomaaliya  iyo qabiilada ku haya halka ay ku nool yahiin.

 

Markii aad dooneyso in aad  dal sida Somaliya oo kale ah aad wax ka qorto waxaa loo guur galaa horta faraqa u dhaxeeya dadka wadankaas ku wada nool waxaana laga qiyaas qaataa inteebaa qiyaali ku nool ah iyo inteebaa xaqiiqo ku nool ah, waxaana inooga soo baxday socdal dheer kedib arin cajiib ah,waxan koow u guur galnay arimo badan,hayeshe muhiimada qormadeena si waadax ah ugu faah faahineynaa qeybteena hoose, weliba m/weyne Xasan Waxaan dhihi laheyn qormadan ka qaado screen shot meesha ay ku dhamaadeyso amaba qeybta hoose si ay xsuus kuuku noqoto maanta maalin aan aheyn.

Intaanse arinkaas gudagelin waxaan marka hore bogaadineynaa  go'aanka ka soo baxay Isimada Puntland ee doorashada in lagu galo 49 kii xildhiban waa go'aan la dhihi karo waxa la geliyey aqli iyo maskax waxana laga eegay dhinacii wanaagsanaa, waxaan leenahay horey u socda.Sidoo kale shirka Jabouti kuma dheeraneyno oo wax ku cusub shacabka Somaliyed kama soo bixin waxaanse leenahay qofkasta oo maanta la talin karo Muse Biixi  ha yiraahdo dorashadii shacabka Somaliland lagu yaqiinay ee dadweyne qabo.

 

Aan u soo laabano madaxweyne Xasan Sheikh oo aanu qormadan sanadka cusub intuusan dhalan ugu talo galnay bal in aanu wax badan oo uu ogyahay kaliyana xasusin naga ah anu u dulmarno inagoo qodobeyneynaa kuna soo kobeyna kaliya ilaa 4 qodob oo aanu sii qeexnay.

 

1- Madaxweyne waxaad ka mid aheyd dadkii aan dalka Soomaaliya meelna uga bixin tan iyo bur burkii dadka Somaliyedna marka laga reebo caasimada Somaliya oo ka wada dhaxeysay ayna 30 sano ka hor wada dhisteen oo ahaan jirtay (The most multicultural city in Somalia),

maanta dib uguma laabaneyno dhacdooyinkii ka dhacay iyo sida ay dad aanan garaneyn ugu gacan gashay,hadane qoykasta oo Soomaliya tiradii uu doonaba ha la ekaadee waxu leeyahay degaan lagu yaqaano oo uu dalka Soomaaliya ka degan yahay.

 

Soomaali badankeed ma jiro reer Somali ah oo uu nasiibkodu noqday iney dalka Soomaaliya 15 sano oo xariir ah xilalka ugu sareeya ka qabtaan oo aan ka aheyn reerka aad ka dhalay,

hadane markii aanu dalka dhan ku soo wareegnay kaliya sooma eegin sida loo nool yahay waxaanse u guurgalnay sida ay xitaa qabiilada fashilmay(dhinaca sumcada),kama hadleyno inta ganacsi iyo inta xilal dowladod ee ay hayaan ee waxan ka hadleynaa iyaga dhaxdooda jufo hoosaadyada qabilkasta ugu ciyaaray mustaqbalkooda sida ay kala yahiin marka hoose reerkasta looga daadago,hadba reerka markaasi magaca guud wato marka loo eego sida qabaa'ilka Soomaalida u kala baxaan amab isku sii kala xigaan.

 

2- Waxaan daraasad ku sameynay sida looga nool yahay qeybo badan oo dalka ka mid ah bil xaqiiqo waanu soo weynay dad qiyaali ku nool 2023 oo aan ka aheyn qabiilada la shaqeystan Khawaariijta amaba degaanadooda ku hayaan,kedibna dhinaca kale markii aanu ka eegnay waxaanu isweydiinay oo maxey siyaasadu tareysaa in la yiraahdo reer hebelaa kursiga ku fadhiya hadiiba dadkooda iyo degaankoodu sida aanu ku soo aragnay yahay?.

 

Hadane markii aad xafiisyada dowlada, safaaradaha iyo hayaddaha caalamigaa ee dalka ugu muhiimsan aad eegto waxey gacanta ugu jiraan badankood isla qabiilada khawaariijta degaanadooda ku haya oo ay kuwa aad ka dhalatay ugu horeeyaan amaba kuwo aad adiga xilal ku tixday ku xigaan. ma waxaa siyaasad loo galaa in dalka la hagaajiyo adeega aas aasigaane loo hagaajiyo kedibna wadamada deriska iyo dunida lagula noolaado dowlad wanaag, mise waxaa siyaasad loo galaa fowdo, dano shaqsi iyo kooxeysi aan waxbo lagu hagaajineyn?.

 

3- Madaxweyne weli intaad meel fadhiisatay ugu yaraan 30 daqiiqo intaad fekertay adigaa hogaankii dalka ugu sareyey ku magacabane qiimeyn maku sameysay reerka aad ka dhalatay heerka ay dowladnimada ka fahamsan yahiin amaba ka joogaan oo ay taariikh qormeyso?.

welise ma is tiri dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dunida amaba caalamka dhaqalaha nagu bixiyo ee nagu daalay si aanu sumcada dalkeena u ilaashano dunidana kula noolaano sida ugu wanaagsan adigoo u naxayo mar kale dalka iyo dadka naftaada maka dhadhicisay masuliyadan qiimaheeda reerkii aad ka dhalatay wey kula garan waayeene dib ugu celi Soomalaiweyn?.

 

4-Weli adiga iyo inta reerkaada ( your own family) siyaasada ugu jirta noocey doonaanba ha ahaadaane mucarid iyo mucaafid intaad is wareysaten  oo  ma istusisen iney wax idiinka

qaldan yahiin amaba dowladnimada gacantiina ku jirta wax lagu haleynayo maqamka iyo sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed meel looga dhacayo?.

 

kuwiina mediyaha ku jira intaad la xariirteen weli ma kula talisen iney hadalada iska qurxiyan ileen adinga hadii waxkasta leydiinka sheego waxa Soomaliweyn ka wada dhaxeeya ayaad heysaane bal adinga  mala imaan kartaan wax leydinka dayan karo intii aad adingoo hal qabiil ah Soomaaliweyn iyo caalamka idinkoo iska dhigayo dhawr qabiil jahwarerin laheyden.

maxeysa adiga kugu taageeraan dowladaha aad ka iibiso siyaasadaada ma iney kukula shaqeeyaan nooc maafiyada oo kale ahbaa mise waa wadamo doonayo in aanu noqono dowlad iyo dal jira kedibna sidaas qeyraadkeena inoogala faa'ideystaan sida ugu wanaagsan baa?.

 

Sidee ayaad taageero Soomaalida kale uga heli kartaa hadii ay reerkaada iska dhigayaan boqol qabiil amaba reero aad xukunka ku tixdeen ay qaarkood dowladnimo doneyn oo ay adiga markii ay donaan sidii caruurtii ku seexinaan markey donaana xiligey doonaan magaca dowladnimada wax ku haleynayaan mise arinku waa mar danbe sooma laabaneynee aanu waxii aanu ku dheelikarno aan ku ciyaarno oo dalka iyo dadka iyo nolosha dunida wax qiimo ah idiinkuma fadhiso?.

 

Mise ogtahay reerahii ugu munaafaqnimada badnaa dalka Soomaaliya marka laga reebo tiro aad u yar oo iyagaas ka mid ah oo daacad iska ahaa iney maanta yahiin kuwa ugu liita dhinackasta nolosha qeybaheeda kala duwan oo dhinacaas qiimeyn ma lagu sameeyey?. intaas iyo in kale oo badan oo aanu halkaan ku soo qori laheyn si usan qoralku inoola dheran m/weyne sideed u kari laheyd hadii  dalka ay qabiilo kale madaxweyne ka ahaan lahaayeen oo ay reerkaada iskaka dhigi lahayeen iyagoo hal qabiil ah boqol qabiil oo u midkasta qaab qaldan wax ku raadinayo ileen dadka Soomaaliyeed waa adigoo kalee?.

 

Sideed dareemi laheyd hadii maalinkasta adigoo wadanka hogaankiisa heynin aad noqoto midka ugu horeeya ee khawariijta la dagaalo hadane argagixisada meeshii hooyga u aheyd  gurigii ay reerkiisu daganaayeen midkii dalka hogaankiisa hayey ay tahay oo hadii maanta la booqdo aan weliba laga soo heleyn magaalo la mid ah midan aanu ku tusineyno, m/weyne ma moodaa in siyaasadahii ku dhisnaa aanu reer hebel kula noolaano qeybi oo xukun inta qol mugdi ah leysku soo xiro iyo lugooyada beelo badan oo Somaliyeed oo aad ood wadaag tahiin adingoo is leh kaka faa'ideysta hogaanka dalka oo aad ku magacaaban tahiin in aad eedeen oo ay sidaas taladii iyo tayadii idiinka lumi rabto?.

 

Ugu danbeyn 30 kii sano ee burburka wax ma laga baran waayey?.Waxaan rajeyneynaa inuu m/weyne sanadka 2024  oo aanu ognahay inuu dalku xitaa madaxdii gobolada uu ka wada dhacay mudo xileedkii oo Puntland oo kaliya halkaan ku soo gaareen doorasho waqtigeeda ku dhacda yaan siyaasada dalka la qiimo tirin waa in aad degaanada ay dadkiisu doonayaan iney horey u socdaan ee maamuladoda dhisanayo kula shaqeyso rabitankooda kii donayo inuu qiyaali siyasadeed ku noolaadona aysan jirin cid isaga uga liitada waa in la helo hanaan dowli ah oo dadka kala saara mahan in qof amaba reer aan dowladnimo dooneyn in uu meel u fadhiyo mid deegaankiisa iyo dadkiisa horumar u doonayo.maanta intaan h ainoo joogto.

 

 

News in Somalia, Africa and Around the world,Thursday,December 28,2023-Sawirkaan hada ka hor mudo laga joogo  sanad ka hor ayaan waxaan kusoo qaadanay qormo aad u xiisa badneyd oo aanu xiligaas ka qornay R/Wasaraha Ethiopia mudane Abiy Axmed. waxaan xiligaas qormadii aanu ka sameynay ugu muhiimsanaa amaba ka mid aheyd qeyb aanu si gooyni ah uga hadleynay qaabkiisii hogaamineed iyo siyaasadii xiligaasi jiray, waxaana ku tilmaanay inuu yahay hogaamiye aad u aqli badan isaga iyo madaxweynaha Kenya Ruto oo ay yahiin kuwo fahamsan sida ay siyaasada dunida isku bed bedesho markasta.

 

Waxayaabaha aanu markaas ka aragnay qaabkiisa hogaamineed  R/Wasaare Abiy waxaa ugu weynaa waxuu la yimid siyaasad cad oo uu ku maareyn karo danaha wadankiisa,wax badan kuma lumiyo dowadahii iyo madaxdii isaga ka horeeyey maxaa yeelay waxey iskugu jireen kuwa uu la soo shaqeeyey iyo kuwa uu garanayey qaabkii ay siyaasadooda u maareyn jireen.

 

Sidaasi si la mid ah waxaa dalka Rwanda ka dhacay horaantii sagaashameeyadii dagaalo sokeeye markii ay xukunka qabsadeen  madaxda iyo dowlada hada jirta  marnaba kuma mashquulin dhibtii iyo waxii dhacay waxeyna la yimaadeen aragti fog oo dalkaas maanta ka dhigtay mid ka mid ah wadamada ugu hormarsan qaarada Africa.

 

Laakinse dalka Soomaaliya markii aad dib ugu laabato waxaad arkeysaa dowladkasta oo markaasi jirta kuwa hogaaminyo waxey ku mashquulaan kuwii ka horeeyey,halkii ay aragti ka duwan tii ka horeysay la imaan lahaayeen. Sidoo kale waxaa taasi ka duwan hadba madaxda markasi joogto sida ay qabiiladoda ugu bisil yahiin hanaan dowladed qaabka uu u shaqeeyo.

 

Tusaale- Madaxweynaha Soomaaliya waxuu ku dhawaaqay dagaal looga soo horjeedo khawaariijta wadanku waxuu leeyahay R/Wasaare markii aad aragto labadaas masuul marnaba ma soo arkeysid qof ka soo jeeda qabilka hoose ee R/Wasaaraha Soomaaliya oo mucaarad ku ah R/Wasaare Xamse siyaasad xumida Soomaali dhan ayey kala siman yahiin laakinse waa dad doonayo nidaam iyo kala danbeyn.

 

Laakinse markii aad u fiirsato m/weynaha Soomaaliya iyo qabiilkiisa amaba reerka uu ka soo jeedo isagu shaqsiyan waa hogaamiye  aysan aragtidiisa xumeyn mararka qarkood sida uu  u fikiro,laakiinse waxaa ku xariira qabiil aan dowladnimo dooneyn kaliya dowladnimadana ka fahmay qalad iyo in xilal badan lagu helo oo kaliya hadii habdhaqankaas foosha xun dalka Soomaaliya laga suulin lahaa amaba kuwa noocaas u fikir xukunka dalka laga ilaalin lahaa Soomaaliya,wadamada geeska Africa iyo guud ahaan qaarada Africa mar hore ayey horumar gaari laheyd, duniduna ay kheyradka dalkena si sharaf leh nagala faa'ideysan laheyd,sababtu

maxey tahay?.

 

Hadey wadan madax ka yahiin qabiilo aan dooneyn nidaam iyo kala danbeyn hadane ku magacaaban xukunka wadan dhan oo aysan iyaga xukunka dlak aku magacaaban tusaale wanagan oo looga dayan karo aysan la imaan,waxaa ka dhax abuurmaya kooxo leh waxaanu duulaan ku nahay hadba dalka markaas deriska la ah ee farta loogu fiiqo iyagoo argagixisada gabaad siinayoguryahoodana ku heynayo.

 

Dalka Soomaaliya dhaqaalaha ugu badan  ee ay caalamka ku bixiyeen waxaa lagu siiyaa iney la dagaalayaan argagixisada argagixisadiina waxaa lagu hayaa degaanadii ay joogeen qabiilada xilalka ugu sareeya dalka Soomaaliya ku magacaaban oo ay ugu horeeyan kuwa uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya,sidaasi daraadeed waxkasta oo mediyaha laga sheego dagaalka looga soo horjeedo Khawaariijta ugu danbeyn sida maalinba meel hor leh loogu boodayo waxuu ku danbeyn doonaa wadamada deriska la ah Soomaaliya  oo danahooda siyaasadeed iyo midkooda dhaqaale ka ilaashanayo halkaas oo aaqirka ku bur buriyaan meelaha ay joogaan,maxaa yeelay wiilasha iyo gebdhaha militeriga Soomaaliya iyo dadka degaanka dadaal aan la qiyaasi karin iyo dagaalo dhulka Hiiraan ka soo bilaawday ayey ilaa maanta mudo labo sano ah sida halkanka dagaalka loo wado waxaa ugu danbeyn lagu fashiliyaa degaanada uu ka soo jeedo beesha uu ka dhashay madaxweynaha Soomaliya ugu dnabeyn,hadane sidaasi ay tahay waa meelaha ugu araga xun dalka Soomaaliya oo qof tagay iyo mid aan degin Somaali oo dhan kama qarsoona inaguna waxaanba ka soo qaadnay muuqaalo iyo sawiro qaarkood qaracan nagu reebay ineyba dad noocaas ah oo Soomaali ah noloshaas ku nool yahiin deganada qaarkood,hadane kuwooda siyaasada ugu jira intey mediyaha soo hor istaagaan iyagoo lebiskii ugu danbeyey mid ciidan iyo mid caadi ah watan ka hadlayo arimo misiri ah oo Soomaali oo dhan u wada taalo iskana dhigayo iney iyaga taladeeda ka godo oo qoraalkaan midkii ka horeeyey ayaan ku soo qaadanay iyagoo labo kooxood ah oo uu midna sheeganayo magac dowladeed midna magac mucaarad qeybna argagixisada caalamiga ah la shaqeysaneyso.

 

Hadaan qormadan qeybteeda kore ee aanu uga haldeyno R/wasaare Abiy Axmed  iyo qaabkiisa hogaamineed aan halkaas ku yara joojino inuu yahay hogaamiye aqli badan hadane,Ogow dalka Soomaaliya waxaa ku wada nool Soomaali kala duwan laakinse marka hoos loo sii daadago si guud iyo si gaar ahaaneedba beesha Daarood ayaan dhihi karnaa waa kuwa fahamsan wacyiga siyaasadeed ee geeska Africa oo iyagoo weliba kala firkad duwan hadane deganadooda ay yahiin kuwa ugu nabadgalyada badan dalka Soomaaliya uguna quruxda badan inta ay dalka Soomaaliya ka maamulaana uu k ajiro nidaam iyo kala danbeyn intey doontoba hala ekaatee.

 

Waxaase tusaale idiinku filan Soomaali oo dhan waa laga heli karaa Khawaariijta amaba siyaasi fashilmay waxaase lagu kala aragti duwanaa sida beelahu dadkooda iyo degaankoda uga bad baadiyeen qatarahii jiray, waana mida maanta keentay magaalada Burtinle oo kaliya oo uu ka soo jeedo Fu'aad Shangoole horumarka ka jira uusan ka jirin 20 magaalo oo ay degan yahiin kuwa khawaariijta koofurta Soomaaliya la shaqeysta ee guryahooda ku haya ilaa maanta.

 

 Koofurta Soomaaliya marka laga soo tago shacabka Hiraan State qabiilka Xawaadaha ee dagaalka ba'an kula jira Khawaariijta ee laakinse ceebtooda ugu weyn ay tahay 30 kii sano ee burburkii dalka ka dhacay ku caan baxay iney ahaayeen amaba ilaa maanta yahiin qabiilka kaliya dalka Soomaaliya ku jooga siyaasad u muuqaal ek iney yahin kaliya Askar uusan wax siyaasi ah ka danbeyn waa hada waxii ka horeeyey hada kedib inagu waan ognahay halka ay ka bus kicin donan,maxaa yeelay 1991 ilaa maanta intey boqolaal wiil uga dhimatay dagaladii kala duwanaa oo ay ugu danbeyso dagaalka Khawaariijtii dhaheysay waxaanu u soconaa Addis Ababa iyo Jigjiga la galeen mudo labo sano ka badan,halkii ay ka sameynsan lahayeen mamul iyo State u gaar ah waxey ku jireen qiyaali siyasadeed oo waxey garan waayeen 

markasta oo khawaariijta laga xoreynayo degaan dalka ka mid ah iney qabiilo amaba beelo gaar ah lagu hayo degaankooda oo ay wada shaqeystaan reeraha qaarkoodna aysan noolaan karin khawaariij la aanteed,maxaa yelay iyagii ayab ah badnakood,kedibna markasta oo la doonayo in laga taqaluso aragagixisada waxaa loo jilaa siyaasado been ah sida waxaa shacabka lagu mashquulinayaa wax aan jirin.

 

Sidaasi ay tahay dowldaha Soomaaliya caawiyo waxkasta dusha sare ayey kala socdaan in siyaasada Soomaaliya loo galo kaliya sidii loogu heli lahaa xilal hab dhaqanka beelaha Soomaaliyeed qaarkood kuwoda khawaariijta ku hayaan dalka Soomaaliya si ay u arbushaan danaha iyo dhaqaalaha wadamada deriska la ah Soomaaliya.

 

Sidoo kale marka Soomaalida la sii kala qaad qaado Beelweynta Daarood waa kuwa ugu aragtida dheer oo ma jirto beel Daarod ah oo aan degaankeeda u dooneyn horumar, nidaam iyo kala danbeyn, waa laga heli karaa shaqsiyaad qariban beel ahaan oo waa qabiil weyn ,laakinse waa mashiinka siyaasada Soomaaliya ayaan dhihi karnaa, wey jiraan beelo badan oo Soomaaliyeed oo wadankan qab daradiisa hadey xukunka hayaan sidan u dhaami lahaa nasiibna xukunk adlak ainey qabtaan u yeelan weli oo aanan halkaan kusoo koobi karin, laakinse kuwa khawariijta deganadooda ku haya waa qiyaali ku nool dal la yiraahdo Soomaaliya , wadamada deriska la ah Soomaaliya,guud ahaan qaarada Africa ilaa dunida inteeda kale wax ay kusoo kordhin karaan ayaanba jirin waa hubanti taas.

 

Mar kale ayaan qormo xiiso leh ka diyaarin doonaa xili weliba munaasib ah hab nololeedka qabiilada Soomaaliya sida ay badankood qiyaali ku nool u yahiin siiba kuwooda argagixisada ay wada shaqeystaan kuwaasi oo aan iskaba daa dal iyo dad la yiraahdo Soomaaliyee aan  heynin xalkii iyo aqligii lagula noolaan lahaa wadamada Somaliya deriska la ah ee  tiigsanaya horumarka,walow 100% la hubo in ay saxada siyaasada Somaliya uga dhamatay beelaha khawaariijta gabaadka siiya kaliyana magac dowladed iyo mid khawariij ku radiyaan xilal iyagoo wada shaqeysanayo oo wax badan oo badan oo muuqda bilaawna ah hada ayaa siyasada Somaliya iska bedelayo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.

 

Ogaada ma jiro qabiil Soomaaliyeed oo aan laga helayn dad damiir leh oo wanaag doon ah waxaanse ka hadleynaa wacyiga siyaasadeed ee maanta jira iyo midkii lagu soo wada noolaa hada ka ho iyo xogo badan oo anau kasoo aruurinay degano badan oo dalka ka mid ah,

weliba shjacab badan oo ku nool nolol aysna u qalmin oo Soomaali ah aad ayaan uga naxnaa.Maanta intaan ha inoo joogto.

 


 

 

 

 

 

1- Aan u soo laabano muhiimada qormadeena- Horta markii aanu 30 kii sano ee ina dhaaftay siyaabo kala duwan ugu kuurgalnay xaalada Soomaaliya markii aanu dhinackasta ka eegnay  Soomaaliweyn meelkasta oo ay joogaan Aqonyahan, cu, ganacsato, siyaasi,abaawaniin, Fanaaniin mid sabool ah iyo mid wax heystoba meelkasta oo ay qowmiyada Soomaalidu kaka nool yahiin Geeska Africa inagoo weliba si fican u qeexeyna ama  ku nolaaw Wareej, Gaariso, Balad xaawo. Amaba ku noolaaw Jigjigo, Garbo Ciise, Qalaafe ilaa gobolka Liibaan, ama ku noolaaw Jabouti, Cali Sabiix ama Carta, Ama ku noolaaw  Hargeysa, Sylac, Boorame ilaa Geyrigaabo, amaba ku noolaaw Bari, Baargaal, Laasqorey,Calmadow Garoowe, Burtine, Galkacyo ilaa Goldogob, amaba ku noolaaw Hobyo, Cadaado,Dhuusamareeb, Xarardheere ilaa Balanbale iyo Caabuudwaaq ama ku noolaaw Baladweyne, Bulo Burde ilaa Maxaas iyo Ceelbuur,ama ku noolaaw Mogdishu, Jowhar,Afgooye iyo Marka.ama ku noolaaw Baydhabo, Xudur Baardheere,Garbahaareey ilaa Ceelwaaq, Buulo Xaawo, Luuq ilaa Mandheera, ama ku noolaaw Bu'aale, Jilib,Jamaame Kismaayo ilaa Afmadow, ama hadaan si guud u soo koobno ku nool dhamaan dhulka ay Soomaalidu ka degan  tahay bariga Africa iyo weliba Soomalida kunool qurbaha ee dhaman deganadas ka soo jeeda ama rumeysta ama ha rumeysana

 lagama yaabo hana ku riyoonina in aad aragtaan dal la yiraahdo Soomaaliya ilaa aad qofkii dalkaas hogaamin lahaa aad ka keentaan Hiiraan weliba qabiilka Xawaadlaha in aad ka raadisaan muwaadin Soomaaliyeed si fiican duntiisa loo hubiyey misirka umadana lagu aamini karo weliba inagu boqolaal reerkaas ka soo jeeda ayaanu garaneynaa laakinse aan iyagu na garaneyn.tusaale hadii qof dhaqaalo yaqaan ah aad talo ugu tagto haduu yahay mid xirfadiisa yaqaano waxa ugu horeeya ee u kusin karo waa inuu kuugu so koobo 3 erey oo kaliya 1- Keyd Lacageed oo micnahu yahay  (Safe money).2- Maalgashi oo uu micnahu yahay (Invest;). 3- Iyo kan ugu danbeeya oo ah Aqlaaq oo u micnahu yahay (Discipline). intaas wax ka badan haduu kuu sheego waxa kale oo dhan waa waqti lumis.

 

Marka ogow markii aanu Somalida lenahay Hiiraan amaba halkaas ayuu idinka jiraa hogankii dalka ee mustaqbalka maahan wax aanu iska leenahay waa xog aruurintii aanu Soomaalida maanta nool ka soo aruurinay dal sharaf leh oo la yiraahdo Soomaaliya oo mudo 30 sano ahna ay dadkiisa ku soo jireen fowdo deris wanaagna kula nool wadamda deriska la ah iyokuwa ka fogba halkaas ayuu ka soo dhaw yahay Soomaaliyey.

 

Sababtu maxey tahay markii aanu dalka Soomaaliya ugu yaraan 7 jeer sanado kala duwan ku soo wareegnay oo aanu dhinackasta ka eegnay waxa dadka Soomaaliyeed ka qaldan markii aanu aragnay iyagoo aan weligod dalka hogankiisa qaban sida uu dalka iyo dadka Somaliyed qiimo ugu leeyahay, sida dhamaan dagaaladii ay shacabka Hiiraan galeen oo dhan noocey doonaanba ha ahaadeena u ahaayeen dhamaantood kuwo lagu qasbay.marka loo eego halka ay dalka kaka yalaan muhiimada uu dlaka iyo dadka Soomaaliyeed u leeyahay.marka loo eego sida aysan u aheyn dad intey tagaan wadan ajnabi ah dalka kula soo laabta siyaasado qatar ku ah amniga iyo jiritanka dalka , wadamada geeska Africa iyo guud ahaan qaarada Africa amaba dalalka Soomaaliya deriska la ah.

 

Marka loo eego sida uu caalamku u doonayo inuu dalka iyo dadka Somaliyeed kala shaqeeyo hanaankii  dib u hanashada dowladnimadii luntay 30 sano ka hor waa dadka kaliya oo aanu ku soo aragnay 3 calamadod oo ay ku adag tahay Soomalida maanta joogta amaba xukunka dalka hada waxii ka horeeyey nasiibka u yeeshay ka suroobay oo aan iyaga ka suuroobin inagaana mar kale si gooyni ah u sharaxi doono jiritaanka arinkaas oo ma dooneyno in qodobka ugu horeeya qormadeena dhan naga qaato waqtiga ugu badan,waxaanse hadaanu si guud ula hadalno Soomaaliweyn leenahay wajiga siyaasadeed ee dalka markii ay noqoto hogaankiisa waa muhiim mucaarad iyo muxaafid in dib u eegis aan horey loo arag lagu sameeyo oo dalku uma baahno aniga hogaankiisa haya hadane gurigeyga waxaan ku heysta argagixiso waxkasta oo xuna anigaa bulshada ugu horeeyo aqliga noocaas ah sida kaliya oo looga gudbi karo waa in isbedel dhinaca hogaanka oo Soomaaliweyn si qalbi furan ula timaado loogu helo dalka. hada dalka waa laga shaqeystaa ee looma shaqeeyo, Soomaalida maanta nool waxaan leenahay iska ilooba dal la yiraahdo Soomaaliya oo ay dumarkiisa iyo caruurtiisa sharaf gees ka gees ugu wada nool yahiin ilaa inta xilkasnimo la muujiyo xukunkaan mudo 5 sano waaba badan tahee lagu tijaabiyo 4 sano kaliya shaqsi ka soo jeeda Hiiraan gaar ahan reerkaas aanu kor ku soo xusnay magacooda, wax badan ayaa dalkan iyo dakdiisa u hagagi doona meel ku qorta arinkaan.

 

Waa dadka kaliya ee aanu ku soo aragnay inuu weli ku danbeyo qabkii lagu yaqiinay Somalidii nooleyd beri samaadkii wax badana xeeriyaan sidey u badan yahiin, waa macquul bur burkii kedib in laga helayo sida Soomaalida kale qeyb jaahiliin ah,sidaasi ay tahay marka ay arintu noqoto dalka iyo dadka Somaliyed waa kuwo ugu damiirka wanagsan oo sida reeraha 

 Somaliyed qarkod xukunkii uu waalay ama ha noqoto hanti ay qaab qaldan uga abuurteen oo tayadii ka lumisay amaba haka noqoto iyagoo aan aheyn dad is qabta midba.

 

Marka aanu sidan u hadleyno waxan shacabka u kala qadeyno waa faraqa u dhaxeya hanaan dowladeed iyo in argagixiso lala shaqeyto dhinacna dowladnimo laga sheegto, meelo badan dalka Soomaliya ka mid ah oo dowlad dhiska muhiim u aheyd wey neysku keyn qaban weysay Soomaaliyey, weliba waxyaabaha qaarkood waanu dulmarnaa oo sidey yahiin uma soo qorno oo waxaan ilalineynaa sharafta dadka Soomaaliyeed iyo dalkan quruxda badan ee dhianckasta laga dayacay.

 

Siyaasada guud ee dalka 24 bilood kedib amaba 2026 si ka baaxadweyn sidii hore iyadoo la muujinayo xilkasnimo, masuuliyad wadareed iyo maxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed xal u ah iyo sideen wadamada deriskeena ah ugula noolaanaa deris wanaag iyadoo laga fekerayo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed waa in dalka hogaankiisa laga keeno Hiiraan wax badan oo wanaag ah oo uu dalkaas quruxda badan ku talaabsan lahaa halkaas ayey Soomaaliweyn ugu maqan tahay meel ku qoro muwaadinka Soomaaliyeedoow meelkasta oo aad dunida ka joogto qeybtaan aanu kaka faa'ideysaneyno arimaha Puntland laakinse si guud Somaaliweyn qodob quseeya waaye. 

 

2- Aan u soo laabano Puntland-Puntland halka ay xaaladu joogto waa u muhiim in ay Isimada iyo siyaasiyiinta Puntland talo iskugu yimaadaan iyadoo aan halmaalin doorashada dib loo dhigina kaliya si mug leh loo soo dhaweeyo go'aankii ay gaareen Garaadada SSC Khatumo laguna taageero go'aankooda hada doorshada ku gala 49 ka xildhibaan ee haray oo shacabka u soo xula xildhibaano iyo baarlamaan loo qaateen ah,m/weyne kuxigenkana dorshadan mesha ha laga saaro oo madaxda la dooran doono iyo baarlamanka cusub hala siiyo mudo cayiman oo ay ku qabtaan doorasho dadweyne hadba waqtiga leysla gartona uu noqdo mid ku dhaca ka hor doorashada 2026 ee Soomaaliya.

 

3-Inagoo og waaya aragnimada aad u leetahiin sida wax loo dhisto waan ognahay arimo badan sidii hore maahan maanta hadane muhiimada ha laga abaaro in bulshada loo xulo xildhibano loo qaateen ah qofka ay dooranayaane ku dooran kara maxuu bulshada ku soo kordhin karaa ee aan lagu dooran dhaqaalo, sow ma arkina meelo badan oo dalka ka mid ah deganaada ay argagixisada joogto amaba lagu hayo sida ay mustaqbalka caruurtooda oo ah dhalin Soomaaliyeed ee degaankaas ugu ciyaareen oo ay xitaa caruur ay dadoodu ka yar tahay 5 sano mudo sanado badan xabsiyo ku heysteen argagixisada waalidkoodna dileen ogaada caruurtaas iyagu ma dooran mustaqbalkaas mugdigaa waxaa geliyey dad iyaga ka soo jeeda oo u keenay argagixisada kedibna degaankooda ka dhigay meel 10 kii qof oo socota 9 ka mid ah aysan waxno qorin waxno aqrin. 

 

Sidoo kale waa arinka keentay in maanta magaalooyinka Burtinle iyo Galdogob ay uga qurux badan yahiin ilaa 20 magaalo oo ku yaalo koofurta Soomaliya meelaha lagu hayo khawariijta oo aan laga helin adeegyada aas aasiga  u ah bulshada ee yaalo magaloyinkaan ka mid ah Puntland oo aanu weliba Somaliweyn u soo gelin karno muuqaalada iyo quruxda ka muqata magaalooyinkaas aanu tusaalaha u soo qadanay iyo magaalooyin iyo degaano aanu ku soo aragnay koofurta Soomaaliya waana mid aanu qoraalkeena qeybtiisa kore ugu bilaawnay waa in aad ku shukrisaan Allaah Subxaanahu watacaalaa meelo badan oo ka mid ah kofurta Soomaaliya marka meel leyska dhigo mediyahan kii nacas ahaa iyo kii rag ahaaba inta qol leysku soo xiro waxii la doono leyskaka sheego, hadane dad waaweyn oo aad qatar u maleysaan dalka Soomaaliya meelaha ay ka degaan hadaan halkan soo gelino muuqaalada aanu ku soo aragnay shacab ahaan iyo degaan ahaanba Soomaalida waa dad si qaldan u fikira badankood waxey u maleynayaan in aanu dadkaas Soomaaliyeed xumaan ugu talo galnay ujeedkuse maahan sidaas ee waa xaqiiqada dalka taalo oo ay qeyb bulshada ka mid ah iska indha tiraan ama iyagu been ha isku sheegaano dhexdooda amaba ha iska daayaane.

 

4-Dhismaha SSC Khatumo iyo inuu noqdo maamul kaligii gooyni u taagan oo mataan la ah Puntland oo ay ka dhaxeyso deris wanaag iyo iskashi ayaa labada shacab u ah faaido marka loo eego ganacsiga xoogan ee labada shacab dhax mari karo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba oo hadaba waxaa laga garan karaa bishii August 25 keedii ilaa maanta ganacsiga ka soo gala Puntland dhinacaas SSC Khatumo iyo badeecadaha ay u iibgeystaan, isticmaalka Garoonka Garoowe ay adeegsadaan qurbajoogta SSC Khatumo waxaasi oo dhan waa dhaqaalo aan horey u jiri jirin oo ka soo weecday dhanka Soomaaliland, weliba Soomaaliland halka uu Muuse Biixi la cararayo debka iyo xabada waxey shacabka Soomaaliland ee deriska la ah SSC Khatumo la wadaagi karaan ganacsi dhax mara labada dhinac waana waxa maanta lagu tartamo dunida service oo ah waxii keenay in dekeda Boosaaso oo u jirta magalada Baladweyne masaafo gaareysa 1500 KM ku dhawad intey dhegaha ka fureysteen mida Mogdishu oo u jirta 340 KM uu ganacsigooda halkaas aado amaba u weeciyaan 30 kii sano ee burburka,sababtuna waa xiqdiga iyo xaasidnimda iyo maamul xumida ka jirta wadooyinkii loo aadayey Mogdishu iyo dadkii oo aan u bisleyn nidaan dowli ah iyo in la kala macaasho sidaasi daraadeed shacabka Puntland waxaan leenahay in koofurta Soomaaliya maanta 2023 degaanada qaarkood 10 kii qof ee socota aysan 9 ka mid ah waxno aqrin waxno qorin Puntland ay dhinaca horumarka ka mareyso iney dhisteen dekedii labaad wanaagaas qof ay ku weyn tahay Soomaalinimo kana korey xigdi iyo xaasidnimo oo kaliya ayaa idiinku hambalyeyn karo.

 

Hayeeshee,doorashada waqtigeeda ku qabta siyaasi iyo wax garadna si mug leh ha u soo dhaweeyaano goaanka Garaadada iyo maamulka SSC Khatumo gareen oo haloo qiro in ay dadkaasi aad u dhiig baxeen wax aan u qalmina lagu sameeyey mudadii ay ku jireen tafaraaruqa dhalinta mediyaha ku jirta ee ka soo jeeda labada degaane waa Puntland iyo SSC Kahtumo bulshada ha u soo gudbiyaano wax isku soo dhaweynayo oo suuragelin karo in la kala macaasho, halkii wax aan jirin shacabka lagu maaweelin lahaa oo aanu ognahay waxa uu dalka Soomaaliya iya guud ahaan ka dhaxlay.Maanta intaan ha inoo joogto


Baarlamanka iyo Madaxda SSC Khatumo oo ka hadlay Go'aankii Garaadada ay soo saareen ee taariikhiga ahaa kana turjumayey rabitaanka iyo danaha shacablka SSC Khatumo.

News in Somalia,Africa and Around the world- Saturday, December 23,2023- Kedib kulankii taariikhiga ahaa ee ay iskugu yimaadeen Garaadada amaba salaadiinta SSC Khatumo  iyo qodobadii ka soo baxay ee dhamaantood muhiimada gaarka ah u lahaa bulshada SSC Khatumo iyo inta ay ku weyn tahay Soomaalinimada amaba wanaag doonkaa.Hayeehsee qeybtaan waxaanu ku soo qaadaneynaa, golaha baarlamaanka State-ka Khatumo iyo madaxda State ayaa iyaguna isla markii uu soo dhamaday kulankii cuqasha SSC Go'aanka Garaadada si rasmi ah u ansaxiyeen.Waana kan madaxweynaha State mudane Cabdulqadir Axmed Aw-Cali oo ay Soomaalidu u garan ogtahay (Firdhiye) oo uga hadlaya shir jaraa'id.

Wararkeena kale iyo daadajinta maamulka iyo dhismaha heyaddaha kale oo hada meel aad u wanagsan maraya shacabkuna siweyn uga qeyb qadanayan iyo arimo kale waxaanu ku soo qadaneynaa wararkeena kale, waxanse lenahay hambalyo labada maamul ee walaalaha ah marna deriska Puntland iyo SSC Khatumo oo ay miduna doorasho gaar u ah iyaga u dhaqaqday miduna go'aano ku yimid rabitaanka shacabka SSC Khatumo State oo aan melna looga weecan karin dal iyo dibadba looga dhawaaqay.

 

Madaxweyne Firdhiye howsha hada hortaalo waa sidii uu magaalooyinka ugu dhisi lahaa Mayoradii iyo dowladahii hoose si maamulku u gaaro min tuulo ilaa degmo.ganacsatada iyo qurbajogtana waxa hada u talo howsha halkii ugu muhiimsaneyd oo ah dhismaha xarumahii dowlada iyoi adeegyada kale.la soco wararkena danbe.

 

Fiiro Gaar ah- Waxaan shacabka SSC Khatumo iyo kuwa Puntland u xaqiijineynaa in ay labaduba ka bad baadeen shirqool siyaasadeysnaa,aan ku celino halkaas mar kale waxey labaduba ka bad baadeen shirqool siyaasadeed kii ugu weynaa.inagu ma dooneyno in aanu labada shacab ula hadalno sida  dadka qaarkii amaba aanu halkaan ugu soo qorno wararka fadhi ku dirirka iyo viewska lagu raadiyo markasta waxaan arimaha taagan ka abaarnaa halka uu hadba shacabka aanu markaas degaankooda amaba qeybo dalka ka mid ah oo ay ku nool yahiin shacab Soomaaliyeed ka hadleyno. reer Puntland waxaan leenahay dorashada ku gala 49 xildhibaan waqtigeedana yeysan ka dib dhicin  maantey talo idiinl agudboon tahay wax badan ayaanu inagu ognahay. sidoo kale shacabka SSC waxaan mar kale leenahay dad kale waxey yiraahdaan yaan lagu mashqulin dib u dhiska deegaanka iyo hanaanka Maamul wanaaga ka shaqeeya meel fog ayaad ka timideen oo aan dib loogu laaban karin mar danbe.


 

Shirkii Garaadada iyo Maamulka SSC Khatumo oo laga soo saaray Go'aano taariikhi ah kuwaasi oo mustaqbal wanaagsan u ah shacabweynaha SSC Khatumo State.

News in Somalia,Africa and Around the world-Laascaanood Saturday,December 23,2023-War Weyn oo Guul u ah Shacabweynaha SSC Khatumo State dal iyo dibadba iyo Somalida Samaha Jecel ku farxaan ayanu maanta wadnaa-Go'aano taariikhi ah oo ka soo baxay shirkii u socday Mamulka iyo Isimada SSC.Waa malin kale oo tariikhi ah oo u soo hoyatay shacabka SSC.Shirka ayaa waxaa ka soo baxay 4 qodob oo dhamantod ah kuwii loo baahnaa shacabka degaankuna ay weligood aaminsanaayeen kana mid aheyd riyooyinkooda.

Waxaan kale oo aanu bogaadineynaa warmurtiyeedka ay xildhibaanada labada aqal soo saareen ee ku wajahnaa safiirka Ingiriiska.marka gobanimo la raadinayo waa in qofkasta halka kaka aadan si aan loogu ciyaarin mustaqbalka jiilka soo koraya waajibkiisa qaato.

bal aanu ku sii nasano sawirka maanta markii uu kacdonka gobanimo doonka ka curtay dhulka SSC Khatumo iyo heeska aanu soo gelinay taabo halka ay ku qoran tahay Watch Video. SSC iyo Puntland maanta keidb waa labo maamul oo walaalo ah uuna k adhaxeeyo deris wanaag waxa dhiman waa uun farsamo iyo madaxda labada maamul iyo labada  (Garaadada iyo Isimada) oo kulan mustaqbalka iskugu yimaada.

Reer Puntland waxaan u rajeyneynaa iney doorashada ugu dhacdo si wanaagsan inagoo dhanka kale bogaadineyna go'aanka dhaxal galkaa ee ka soo baxay Cuqaasha iyo maamulka SSC Khatumo,halgan kasta oo uu dhiig ku taato waajibkiisa waa in si wada jir ah loo difaacdo si ay mirahii ka soo baxay u gurtaan intii ka soo hartay halgankaas, reer SSC maanta ayaan hubnaa iney heystaan maamul u gaar ah oo ka turjumaya rabitaanka shacabkooda good job sidey u dhan yahiin intii ka shaqeysay, fikrikoda saliimkaa ku biiriyey iyo go'anka taariikhigaa.

 

Ogaada waxne waa wax lagu wado borobagando ku kooban mediyaha,waxne waa mustaqbal umadeed, go'aanadaanina waa mustaqbal umadeed cid gaar ah oo loogu daneynayo amaba koox gaar ah ma jirto waa dan guud,bartaas ka haaya.

 

Dal iyo dibad maanta ayuu waajib ku yahay dabaal deg shacabka SSC Khatumo.Ogaada Midnimadu waa horumarka bulsho kasta waxii rag iyo dumar dhiigoda u daadiyey halganka yaan 100 sano ee inagu soo aadan si sahlan loogu ciyaarin,waana in markasta la kala saaro qadiyada umada iyo jiritaankooda iyo qiyaaliga siyaasadeed ee 30 kii sano ee ina dhaaftay ka jiray guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu wada joogay.la soco wararkena danbe.

 

 

 

 

 

 

 


Dowlada iyo shacabka Jabouti oo uu ugu  horeeyo Madaxweyne Geelle oo sidii ugu wanaagsaneyd u soo sakootiyey meydka Marxuumad Khadiijo,halkaasi oo uu ka soo galbiyey R/Wasaaraha Soomaaliya.

 

 

 

 

 

Waxaanse qireynaa dowlada iyo shacabka Jabouti in ay geerida walaasheen,Maamadeen amaba haweeneydii Soomaliyeed ee ka baxday dumarka Somaliyed in ay xanuunkii ku soo booday,geerideeda ilaa laga soo gaarsiiyo caasimada Mogdishu u maareeyeen sidii ugu wanaagsaneyd ee loo maamuusi lahaa geber Somaliyeed.Waxaan si weliba mug iyo miisaan leh ugu bogaadineynaa dowlada iyo shacabka Jabouti oo uu ugu horeeyo m/weyne Geelle sida xilkasnimada leh ee ay geerida marxuumada u maareeyeen welldone.la soco wararkena danbe.


Madaxda Wadamada Djabouti iyo Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid AUN Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

News In Somalia, Africa and Around the world-Wednesday,December 20,2023- Waxaa

 marka hore muhiim inoo ah inuu yahay Allaah ma dhinte qofkastana dhiman doono inagoo aad uga naxnay geerida walaasheen, Maamadeen, amaba hadaanu si kale u dhigno mid ka mid ah geesiyaasha dumarka Soomaaliyeed ka baxday qowmiyada Soomaaliyeed guud ahaan anaba ay aheyd haweeney Soomaaliyeed oo fir fircooneyd. 

Marxuumada ayaa ku geeriyootay marka dalka Somaaliya laga soo tago wadan si weyn looga jeclaa oo weliba dhawaan lagu gudoonsiiyey bilada ugu qaalisan iyaduna ay jecleyd kaasi oo ah dalka Jabouti oo ah wadan ay ku nool yahin madax iyo shacab aad u jeclaa Marxuuamd Qadiijo Diiriye,waana wadankii ay siyaasada Soomaaliya 2000-kii shirkii Carta ka soo gashay.

Inta aanan gudagelin ka hadalka munaasibada maalinta ciidamada Geesiyasha Booliska Soomaaliyeed oo maanta wacdaro ka dhigay caasimada Mogdishu ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo uu salaan sharaf kaka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo taliyaha ugu sareeya cidanka Booliska Soomaaliyeed Mudane/ General Sulub Axmed Firin oo ay Soomaalidu u garan ogtahay Geberal Sulub iyo saraakiil kale o ciidamad aka tirsan.

Waxanse marka hore halkan tacsi xanuun badan uga direynaa dhamaan shacabka Somaliyed guud ahaan gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii ay sida gaarka ah uga geeriyootay marxuumad Khadiijo, waxey ka soo jeeday qos sharsaf leh oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed iney wax ku soo kordhiyaan maahane aan weligood waxbo u dhimin, waxaanse marxuumada Allaah u weydiineynaa in uu danbi dhaaf iyo naxariis badan siiyo. 

Hayeeshee, hadaanse u soo laabano  munaasibada ciidanka Booliska Soomaaliyeed,

Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Mudane. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda sanad guurada 80-aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ciidanka Booliska soomaaliyeed uu ka qaatay sugidda amniga iyo sarreynta sharciga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay guulaha Dowlada Soomaaliya ay ku xaqiijisay dhinacyada, ammaanka, xoreynta dalka, qaadista Cuba-qabataynta hubka, deyn cafinta iyo ku biirista Dalladda bulshada bariga Afrika.

Madasha ay ka dhaceysay munaasibada ayaa waxaa qeyb ka ahaa maamulka  gobolka Banaadir oo uu horkacayey Gudoomiye Madaale , saraakiisha qeybahooda kala duwan ee ciidanka qalabka sida iyo weliba qaar ka mid ah taliyaasha ciidanka Booliska wadamada aanu deriska nahay iyo weliba marti sharaf kala duwan.

Munaasibadan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa caruurta ay waalidkood ku geeriyoodeen iyagoo dalkoda difaacaya ugu yaraan amaba xiran dareyska qaranka kuwasi oo m/weynaha 

Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxmaud uu halkaas kula kulmay.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and around the world, Wednesday December 20,2023-Madaxweynaha dalka Jabouti oo ah wadanka marti gelinaya shirka maxadka daraasaadka ee Heritage oo dalka Jabouti uga furmay halkaas marti sharaf iskaka kala timid dhulka ay Soomaalidu degaan ee bariga Africa ayaa qasriga madaxtooyada dalka Jbaouti ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,oo hogaminaye waftiga dalka Soomaaliya uga qeybgalay shirkaas iyagoona labada masuule ka wada hadleen, xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Ugu horeyan Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay  amaba ku dheeraaday in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.

lagu lahaa Soomaaliya oo dhamaantood ahaa kuwo is xig xigaya.

 

Hayeeshee,marka laga soo tago kulanka uu R/wasaarhaa Soomaaliya la qatay madaxweyne Geelle hadane dalka Soomaliya ayaa waxaa lagu jiraa dabaaldega maalinta ciidnaka Booliska Soomaaliyeed halkaas oo uu madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidmada Booliska Soomalaiyeed inagona ku sii sugeyna wararkeena danbe heesta loo qaaday booliska Soomaaliyeed ee Geeyfane Boolisoow. la soco wararkeena danbe.


 

 


 

News in Somalia- MONDAY,December 18,2023-Wararka Kuwoda ugu waaweyn Dalka Somaliya Koofur ilaa waqooyi- wararkii safarka madaxweynaha Soomaaliya oo weli inoo soo socda1-Dhismaha iyo dhameystirka Dowlad Goboleedka Hiiraan State ee golaha wasiirada iyo xildhibaanada State-ka,xili musharaxiinta xilkaas qabashadiisa mustaqbalka dhaw isku diyaarinayaan rag iyo dumar loo qaateen ah,kuwasi oo iskugu jira kuwo horey siyaasada ugu jiray iyo kuwa ku cusu laakiinse isbedel doon ah,hayeeshee bal aanu ku sii nasano muuqalkaan kooban ee xarunta dowlad goboledka Soomaaliyeed ee Hiiraan (B/weyne).2- Safarka uu m/weynaha SSC Khatumo State of Somalia,mudane Firdhiye uu ku marayo deegaanada SSC Khatumo oo siweyn loogu soo dhaweeyey iyadoona dhismaha nidaamka SSC Khatumo iyo daadejinta nidaamka dowligaa ee maamulka lagu baahinayo gobolada SSC Khatumo oo meel fiican marayo.3-Dorashada Puntland oo ay musharaxiintu ku jiraan diyaar garoow.4- Dhamaan madaxdii dowlad goboledyada koofurta Soomaaliya oo uu ka dhacay waqtigii la doortay marka laga reebo Puntland oo ay doorashadii ka socoto kuna dhaceyso waqtigeda,halka Soomaaliland ay iyaduna dhaceyso doorashada horaanta sanadka cusub ee inagu soo aadan ee 2024,kedib markii lagu qasbanaaday in dorashadaas la qabto oo aan shacabka intaan ka badan l amada daalin karin, shacabka SSC Khatumona ay dhisteen mamaul u gaar ah.waa wararkeena gudaha kuwooda ugu waaweyn maalmaha inagu soo aadan.War Helaa talo hela.


News in Somalia,Africa and Around world-Sunday,December 17,2023-Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee AMISOM ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka labada aqal ee  Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay xarunta Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen saraakiisha ciidamada xooga dalka qeybahooda kala duwan iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay halkaas oo ay ciidamada ATMIT iyo kuwa Soomaaliya kula kala wareegeen.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa bogaadiyey isagona kulan kula qaatay madaxda amaba wakiilada Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo saraakiisha ciidanka Soomaalida ee xooga dalka qeybahiisa kale duwan.

Hayeshee ciidamada Ilaalada madaxtooyada ayaa halkaas ku soo bandhigay gaado ka ciyaar iyo sida ay ugu diyarsan yahiin howsha loo ikmaday Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyarsan yihiin sugidda amniga Madaxda dalka, waxaana si guud loogu mahadceliyey

saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga dowlada Soomaaliya.Ugu danbeyna waxaa halkaas lagu kala gudoomiyaha shaqadii mudada soo socotay oo ay hada Soomaalidu la wareegtay masuuliyadeeda.

Waa talaabooyin wanaagsan oo hore loo qaaday kana turjumaya dowlad dhiska dalka iyo dadka Soomaaliyeed la soco wararkeena danbe.


South Sudan and Somalia sign tready to join The east African Community inKampala,

Uganda ,On Friday,December 15,2023-

Xaflada Ku biirida Ururka Iskaashiga Bariga Africa ee Soomaaliya  ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano EAC oo ay ka qeybgaleen madaxda wadamada Uganda, Koofurta Sudan iyo

madaxweynaha Soomaaliya oo halkaas si rasmi ah ugu saxiixay ku biiritaanka ururka bariga Africa EAC.

 

Maanta ilaa caawa wadanka Uganda waxuu u shidnaa dalka Soomaaliya,hayeeshee qudbadahii ay halkaas ka jeediyeen madaxdu oo dhameystiran.Daawasho Wacan.


News in Somalia, Africa and Around The world- Friday, December 15,2023-Mar kale iyo wararkeenii deyn cafinta Soomaaliya oo aanu weli ku guda jirno, Safarka madaxweynaha Soomaaliya iyo xog aruurinta guud ahaan dalka iyo Malaayiinta Soomaalida caalamka ku kala baahsan wararka kuwooda ugu xiisaha badan oo aanu isku duba rideyno weli.

Waxaanse ku hormareynaa safarka uu madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ku garay caasimada Uganda e Kampala,halkasi oo si rasmi ah dalka Somaliya oo

dhawan ku biiray wadamada ku bahobay ururka Iskashiga bariga Africa ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqano (EAC) kaka qeyb galayo xaflad. Wadamadan oo ka kooban 8 wadan oo ku yaalo bariga Africa ayaa waxaa ka mid ah Burundi, Democratic Republic of Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, Uganda iyo Somaliya.

Hayeeshee  dhamaan wadamadan waxaa ku nool mushtamac kor u dhaafaya 300 oo million.sawirkaan ugu danbeeya waa qaar ka mid ah madaxda ku bahoobay ururka EAC oo madaxweynaha Soomaaliya ugu hambalyeynaya ka mid noqoshada ururka waana xarunta ururka ee Arusha oo ku taalo wadanka Tanzaniya.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia,Africa and Around the world-Thursday, December 14,2023- Kedib ku dhawaaqidii deyn cafinta Soomaaliya ee taariikhiga aheyd madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo waftigii la socday oo kulamo kala duwan la qatay masuuslinta Hayadda lacagta Aduunka.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  xarumaha  Hayaadaha lacagta Aduunka ku leeyahiin magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka markii uu kula kulmay ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta oo siweyn oo mug iyo miisaan leh u soo dhaweeyeen malayiin Soomali ah oo ku kala baahsan amaba ku kala nool gudaha dalka iyo dunida dacaladeeda.

Madaxweyne Xasan ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay ee Hayadda lacagta Aduunka iyo Bankiga Aduunka kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay'adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah .

Hayeeshe, inagoo weli ku guda jirna isla wararkii madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo kulamada muhiimkaa ee uu la qatay masuulin kala duwan ayaa hadane waxuu isla magaalada washington kula kulmay amaba kula qaatay xarunta W Arimaha Dibadda Maraykanka, ku simaha Xoghayaha Difaca dalka Mareyakan isagona kala hadlay

xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini'aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.

 

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa sidoo kale Dhanka kale, kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Dalka Maraykanka ee marka magaceedsa la soo gaabiyo loo yaqaano (USAID) ayaa la wadaagay saamaynta ka dhalatay isbaddalka cimmilada.la soco wararkeena danbe.


Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha dalka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Deynta laga  cafiyey iyo waaga cusub ee u baryay.

 

News in Somalia, Africa and Around the world- Thursday, December 14,2023-Gudd Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shacabka Somaaliyeed ugu hambalyeeyay Barnamijka Deyn-cafinta Soomaaliya kaasi oo  si rasmi ah looga cafiyey taariikdu markii ay aheyd 13-December 2023 Soomaaliya laga cafiyay dhammaan deyntii lagu lahaa.

 

Guddomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( A Madoobe), oo farxada la wadaagaya shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku dheeraaday in marxalado kala duwan ay soo martay in deynta laga cafiyo Somaliya,waxaana uu yiri,waxaa dadaal badan u galay  Madaxdii kala duwaneyd iyo Baarlamanka 11-aad iyo Barlamannadii kala duwanaa ee dalka soomaray,

waxaana uu xusay amaba uu ku dheeraaday in maanta wixii ka dambeeya uu dalka u furmi doono bog cusub.la soco wararkeena danbe.


Big News -The International Monetary Fund (IMF) and the World Bank's International Development Association (IDA) have approved a major debt relief package for Somalia.The relief amounting to US$4.5 billion marks a significant turnaround for the nation's economy.

War Farxad Leh-Somaaliya oo si rasmi ah looga cafiyey deyn gaareysa $4.5 bilyan oo dollar,

xili ay ku dhawaaqeen Gudiga Sare ee Hayadda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Bank Aduunka.

News in Somalia,Africa and Around The world,Wednesday 13,2023- Dalka Soomaaliya oo ku dhawaad 60 sano kedib caawa laga cafiyey Deyntii lagu lahaa, kedib markii Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ay goordhow si rasmi ah ugu

dhawaaqay deyn cafinta Soomaaliya.Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Wadamo iyo Hayado caalami ah sida,

Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo wadamada leysku yiraahdo Paris Club.

Weli waxaa socda qudbadahii hoolka lagu qabanayey munasibada gacanta aanu wax ku qoreyno ayaa na jareyneyso farxad awadeed.Maanan moodeyn in aanu dhacdadan oo kale marqaati ka noqon doono,waxeysa Soomalidu arinkaan oo kale dhahaan amaba xikmadooda ka mid aheyd (Taarikh Qadarin Mudan Dadku Badi Xasustee),heestaan aanu kusii nasano xili xarunta dalkeena looga taliyo e Mogdishuna uu hada ka bilaawday munaasibad weyn oo ay iyaduna qudbadahii socdaan dhamaan warbxiinta iyo wararka xarunta IMF iyo Banka

 Aduunka iyo weliba gudaha dalka Soomaaliya malaayiinta Soomaalidae ku nool gudaha iyo dibadaba amaba  caalamka 48da saac inagu soo aadan la soco wararkena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world,Wednesday December 13,2023- Kedib qudbadii taariikhiga aheyd ee uu méweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee qaramada midobay halkaasi oo lagu qabtay shir sidaan qoralkenii hore ku sheegnay uu maqaamkiisu sareeyey walina aan dalka iyo dadka Somaliyed loo qaban waayadan shir muhiimdan leh oo heer caalami ah,xili ay dunidu amaba caalamku siiba wadamada saaxiibka dhaw la ah dalka iyo dadka Somaliyed ay siweyn u bogadinayan 

sida ay hada wax ku socdan.

Hadane waxaanu qeybtaan ku soo qadaneynaa qudbadii uu halkaas méweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ka jediyey halkas oo runtii la dhihi karay intii aanu waydan daawaneyney madaxda dalkeena waxey aheyd midii ugu misaanka cusleyd madaxweyne Soomaaliyeed jeediyo,taasi oo aanu dhihi karno waxaa qudbadaas looga soo shaqeeyey si ay ka muqato masuuliyad iyo weliba qaran dhis dal bur bursanaa sida kan Soomaaliya mudo aad u fog.

Hayeeshee waxey shacabka Soomaaliyeed oo siweyn u dul fadhiyaan shaashadaha leyska daawado lagu wadaa in siweyn loogu dabaal dego maalinta lagu dhawaaqayo deyn cafinta oo sida lagu wado madaxweynaha Somaliya soo noqoshadiisa dalka siweyn looga dareemi doono soo dhaweyntiisa hadii lagu dhawaaqo inta uu hada ku sugan yahay magaalada New York.

1- Ku biirista Ururka isdhaxgalka bulshada bariga Afrika ee EAC.2-Qaadida Cunaqabateyntii.3-Maalinta lagu dhawaaqayo deyn cafinta Soomaaliya oo siweyn dal iyo dibad loo sugayo,maalintaas oo ah maalin taariikhi ah kama hordhaceyno hada waanu sugi la nahay.Hadaba bal aanu ku sii nasano qudbadii taariikhiga aheyd ee madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,safarka uu madaxweynaha Soomaaliya ku joogo magaalada New York oo ay ku taalo xarunta qaramada midoobay waa mid aad u xiiso badan.

 

Waxaa sidoo kale qormadeena maanta ka mid ah in ay dhamaan wadamadii ka qeybgalay shirka amniga Soomaaliya iyo hayaddahii caalamiga ahaa oo dhan ee ka qeybgalay shirka uu qudbda taarikhigaa ka jeediyey  madaxwyenaha Soomaaliya ay taageereen qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya.

 

Waxaa iyaguna xusid mudan oo amaan iyo bogaadin mudan dhamaan wadamadii dalkeena hooyo ee Soomaaliya deynta ku lahaa ee hadane daruufaheena nagu tixgeliyey ee deynta naga cafiyey aanu xiligii aanu cagahena isku taagno kedib ugu mahadcelin doono abaalkoda, waxey aheyd ayaan daro weyn in jiilka soo koraya ee Soomaaliya lagu yeeshay deyn aysan xiligii uu dalku galay aysan xitaa 99% kuwooda maanta nool aysanba dhalan taasi oo dhibato ku noqotay hanaankooda dowlad dhis, horumarka dalkooda iyo weliba in ay umad ahaan uga haraan colaado,dagaalka argagixisada caalamiga ah iyo weliba helitaanka adeegii aas aasiga u ahaa bulshadu inuu meesha ka baxo, waana mida keentay in dal iyo dibadba malaayiin Soomaali ah oo ku kala baahsan dunida dacaladeeda iyo gudaha dalkeena ay sugi la yahiin

maalinta lagu dhawaaqayo in dalkeena hooyo ee Somaliya laga cafiyey deyntii aan ku celino mar kale maalintaas waa maalin taariikhi, xili uu dalka Somalaiya siweyn uga soo kabsanayo mushkiladii ragaadisay 30 kii sano ee ugu danbeysay haatana uu ku socdo jiho ka duwan midii ay dadka Soomaaliyeed ku soo jireen. 

 

Deyn cafinta muhiimada ay u leetahay dalkeena iyo dadkiisa qofkii aanan garaneyn,hadaan si yar oo kooban oo cilmiyeysan ugu qeexno shacabka Soomaaliyeed ee dalkeena waa adigoo lagu yiri oo kale inta- ( Indhaha lagaa duubo oo meel cidlo ah lagu istaajiyo kedibna dhinackasta laga qodo boholo amaba godad waaweyn oo lagu yiri soco oo kale),maxaa yeelay marxaladii uu dalkeenu ku jiray iyo daruufaha ay soo mareen shacabkeenu ma aheyn mid noo saamaxayey in aanu deyntaas iska bixino.

 

waana mida keentay in aanu raacno qariiradii amaba hadanu si kale u dhigno wadadii na loo jeexay ee soo socotay mudada aadka u fog ee maanta keentay in uu dalka Soomaaliya noqdo wadan buuxiyey dhamaanba sharuudahii, waxaan sugnaaba waa in aanu isla wada sugno xiliga, waqtiga, goorta, saacada ,daqiiqada iyo goobta looga dhawaaqayo oo muhiimad gaar ah u yeelan doonta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo ay mudan yahiin dhamaan wadamadii deyntii ay nagu lahayeen naga cafiyey iyo hayaddahii caalamiga ahaaba in ay mudan yahiin in looga mahadceliyo.

Joogto ula soco wararkeena danbe inagoo ku sii nasaneyna mid ka mid ah ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanku ay Soomaalidu caanka ku tahay oo ay meelaha qaarkod ugu yeeraan Wilisaqoy Wadno u rooney.


News In Somalia,Africa and Around the world,United Nations,New York,Tuesday December

 12, 2023- M/weynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shi ruu maqamkiisu aad u sareyey siweyna looga soo qeybgalay ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magalada New York  dalka Mareykanka waxa uu ku guddoomiyey

Shirka Amniga Somaliya oo halkaas siweyn loogu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga dalka Soomaaliya.Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Hayadaha caalamigaa ee dunida sida

Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo ururka Midowga Afrika ayaa M/weynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxmaud waxa uu ku soo bandhigay qorsheyasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo qudbad qiimo leh ka jeediye madasha shirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux nuuxsaday amaba yiri “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay'ado amni oo si buuxda ula wareega mas'uuliyadda sugidda amniga dalka."Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado

Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

oo uu siweyn ugu amaany amadaxweynaha kaalintooda.waxuuna yiri mar kale “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Somaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”. Hayeeshee Shirkan muhiimada u lahaa dal;ka iyo dadka Somaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb-galay dalalka,Maraykanka,Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka,Sucuudiga,Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti,Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, iyo sidoo kale hayadaha caamaligaa sida Qaramada Midoobay,Midowga Jaamacada Carabta,Midowga

Afrika iyo Midowga Yurub.

Hayeeshee shirkan ayaa marka laga soo tago qudbada qiimaha laheyd ee madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud,hadane waxuu ahaa shir muhiimadiisa u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed , qaarada Africa iyo guud ahaan caalamka,xili dalka Somaliya iyo shacabkooda lagu tiriyo iney ka mid yahiin wadamada dunida ugu saaxibada badan.la soco wararkeena danbe.


News in Somalia, Africa and Around the world,Monday, December 11,2023-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo wafti u hogaaminayo oo gaaray magaalada New York oo ay ku talo xarunta qaramada midoobay.madaxweynah aSoomaliya ayaa waxaa halkaas ku so dhaweeyye masuulinta dalka Soomaliya u jooga qaramada Midoobay oo u horkacayey Amb Abukar Cisman ( Abukar Baale).

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh aya inta uu ku sugan yahy magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa inu shir gudoomiyo shir ay ka soo qeyb galayaan 26 daliyo ururo caalami ah oo ay ka mid yahiin,Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo ururka midowga Afrika, iyadoona looga hadlayo qodobo amaba arimo dhamaantood quseeya dalka Soomaaliya sida-A- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.B-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.C-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka iyo qodobo kale.la soco wararkena danbe.


SATURDAY, DECEMBER 2,2023-Jaaliyada Soomaalida oo xildhibaan Cumar Shariif Maxamed oo ay Soomaalidu u garan og tahay Cumar Shariif Jeeg oo xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu soo dhaweeyey. Xildhibaan Cumar oo marka laga  soo tago masuuliyada qaran ee uu huwan yahay,waa muwaadin Soomaaliyeed hadane ka soo jeeda qowmiyada sharafta badan ee caanka ku ah dal jaceylka, ilbaxnimada,xadaarada ganacsiga,fanka iyo suugaanta amaba hadaanu si kale u dhigno ka soo jeeda qowmiyad wadaniyiin ah kuwaasi oo kaalimaha hore kaka jira Soomaalidii la yaqiinay ee garaneysay hab nololeedkii hore iyo midka maanta jira ee casriga ah. 

Xafladan ayaa marka laga soo tago sida quruxda badan ee loo soo agaasimay hadane waxaa ka soo qeyb galay madhaafaanka jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool cariga Ingiriiska. Bal Aanu si degan iskula Daawano waxgaradkii, fananiintii iyo marti sharaftii ka soo qeyb gashay xaflada.isku soo duuboo hadaanu nuxurka qormadan kooban soo koobno waa qowmiyad garaneysa nolosha saxda ah iyo waxii dunidan loo keenay.Soomaaliya Hanoolaato.

 

 

WELCOME TO
Hiran State

 


 

Qaarada Africa oo ka mid ah Qaaradaha ay ku nool yahin dadka ugu farxada badan marka loo eego dunidan aanu ku nool nahay dadka ugu saboolsan ayaa ugu farxad badan.

Jimco, May 27, 2022- Inagoo ka nasaneyna hadba beenta siyaasadeed ee maanta ka jirta dunidan aanu kunool nahay siiba dalka Soomaaliya oo ay madaxdoodu hadba kii xafiiska yimaado uu shacabka u jeediyo qudbado isku mid ah oo ay markii uu xafiiska baneynayo aysan jirin wax ka hir gala badnaa markastana shacabka uun yahiin kuwa beenta lagu socodsiiyo 4tii sanoba mar inagoona markasta keydina hadba qudbadaha ay jeediyaan madaxda Africa siiba kuwa Soomaalida oo ay shacabkodu ku soo jireen mudo ka badan 30 sano oo colaado ah, hadane qormadeena maanta waxaanu ku soo qaadaneynaa halka ay qaarada Africa shacabkeedu kaka jiraan farxada dunida iyadoo ay badankood ku gadaaman tahay daruufo adag iyo nolol u badan mida loogu yeero saboolnimada amaba faqriga.

Daraasaad horu dhac ah ayaa muujinaya in ay shacabka qaarada Africa ka mid yahiin dadka ugu farxada badan ee ku nool dunida.Hadaba waxaanu maanta ku nasaneynaa hees qurux badan oo ay ku ciyarayaan caruurta qaarada Africa ku nool qaarkood.Daawasho Wacan.


Diego Armando Maradona - When Football Becomes Art, Skills, Goals, Dribbles Argentinos

Juniors, Boca Juniors, Barcelona, Napoli, Sevilla, Newell's, Argentina.

 

 

Gold divider

Latest News / Wararkii Ugu Dambeeyay

Saturday, March, 9, 2024
News in Somalia, Africa and Around The world, Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka
Waxaa jirta maah maah Soomaaliyeed oo caan ah-Tuugsiga waa Nooc ka mid ah Habaarka. Sidoo kale maamul xumida waa nooc ka mid ah jaahilnimada, micnahu haduu abahaa jaahil ahaa in aad adiguna iska dhaadhiciso in aad jaahil tahay maahan.hadii ay labdaas iskaka kaa darsontana amaba qasmaane weligaa ma arkeysid iftiinka maalinta jira "never see the light of day",midka habenkiina warkiisaba daay. qofkii siyaasada ku jira noocey doonto ha noqotee ee aan aqoonin sida bulsho amaba umad loo hogamiyo aqliguna ka galay halka ugu hoseysa bulshada ...
Read the Full Story

Saturday, March, 9, 2024
News in Somalia,Africa and Around the world-Thursday, December 14,2023-Wow what a great day for millions of Somali's.
News in Somalia,Africa and Around the world-Thursday, December 14,2023-Wow what a great day for millions of Somali's. In 60 kii sano ee ina dhaaftay wiilkii iyo gebedhii Somaliyed ee dhalatay iyagoo maanta ku jira da'da howlgabka amaba ku dhaw yahiin ay iyaga,wiilka iyo gebedha Soomaaligaa ee ifka caawa imaday amaba hada kedib imaan doona ay mustaqbalka dalkooda u siman yahiin waxaa la dhihi karaa tagtay waaba tagtay timaado sidii looga fa'ideysan lahaa ayaa ah muhiimada.yacni weli waanu aamini la nahay in Somaliya deyntii laga caf...
Read the Full Story

Saturday, March, 9, 2024
News in Somalia, Africa and Around World,Friday, November 24,2023-
News in Somalia, Africa and Around World,Friday, November 24,2023-1-Waxaan u soo joognay dowlad dhan oo dhisan oo la bur buriyo 1988-9991.2- Waxaan u soo joognay qab qable dagaal. 3- Waxan u soo joognay qabiilo dalka la yimid argagixiso.4- Waxan u soo joognay baarlamano iyo xildhibaano ay Soomaalida magacyo kala duwan ugu yeeraan. 5- Maanta waa ka duwan tahay waxane noogu yab badnaa in mid ka mid ah wadamada dalka Soomaaliya bur buriya ee siyasiyiinta Soomalida mushaarka siiya siyaasi u dhashay dalkoda laga soo xigtay inuu yiri ( Somaliya...
Read the Full Story

Top Videos / Fanaaniinta Qaranka