Saturday, April 27, 2024

News in Somalia, Africa and Around World,Friday, November 24,2023-

News in Somalia, Africa and Around World,Friday, November 24,2023-1-Waxaan u soo joognay dowlad dhan oo dhisan oo la bur buriyo 1988-9991.2- Waxaan u soo joognay qab qable dagaal. 3- Waxan u soo joognay qabiilo dalka la yimid argagixiso.4- Waxan u soo joognay baarlamano iyo xildhibaano ay Soomaalida magacyo kala duwan ugu yeeraan.

5- Maanta waa ka duwan tahay waxane noogu yab badnaa in mid ka mid ah wadamada dalka Soomaaliya bur buriya ee siyasiyiinta Soomalida mushaarka siiya siyaasi u dhashay dalkoda

laga soo xigtay inuu yiri ( Somaliya waxaa ka jira barlaman aan waxbo dhamin),...sawirka

aad aragtaan. waxaan maqli jirnay berikii aanu soo korynay hebel waxuu dhaqdaa sedaxda duunyo ( Geel, Lo iyo Ari). Ogaada Been siyaasadeed intaba uu bini'aadam sameeynayo wey jireysaa weligeed amaba waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Fake policy will exist as long as humans do; they have existed ever), waxaase mida dalkaad aiyo dadkaad aqatarta gelineysa ee ku dhisan qabyaa;ada, danaha shaqsiga iyo kooxeysiga ka hortagi kara amaba beeneyn karo shacab damiir leh.weligaa miyad aragtay dad nool oo aan ifka weli ka tagin oo dushoda lagu bayacayo dhulkooda, dekedahooda iyo sharaftooda.Somaliya  weligeed wey jirtay weyna jiri doontaa,weliba waanu ognahay halka uu hogaamiyaha bad baadin doona ka imana dono sikasta oo maanta leyskaka indha tiro in degaankaas laga keeno, waqti aan leyska indha tiri karin ayaa imana doonta yaan la sugi waayin Soomaaliyeey, ku bishaareysta sida ay maanta kuwii dalka keenay argagixisada ugu dhiban yahiin nolosha dunida ayey kuwan dalaaliinta ahne ay nolol mida ugu xun ku danbeyn doonaan ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed,Waa wax horey u dhacay hada kedibna dhici doona benkasta oo ay shaqsiyad, qabiil iyo koox isku sheegto meel ma gaarto.Soomaaliya Hanoolaato.

News in Somalia, Africa and Around World,2023-War reer Hiiraanow wadankaan Khawaarij ayaa la doonayaa in loo gacan geliyo beenta la aqrinaa run ha moodina deegaankiina soo xirta m/weyna Cali Jeytane haku dhawaaqo  Golahiisa wasiirada aduunyada dhan ayaa diyaar u ah reer Hiiraan iney toos u caawiyaan hadii aad tahay muwadin Soomaaliyeed amaba ka jeeda dhulka Hiiraan State waxaad si degan u aqrisaan 10 ka qodob ee aanu ka qornay qeybta hoose.

Madaxda Soomaaliya markii ay gacantooda isku fashiliyaan calaamadaha lagu garto oo inooga muuqda durbaba.Fariintaan waxey ku socotaa bulshoweynta reer Hiraan gaar ahaan m/weynaha Hiiraan State mudane Cali Jeyte Cismaan.Taladaan Qaado maanta.

 

1-Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hiiraan State soo dhiso madaxweyne Xasan Sheikh iyo dadka xarunta Villada joogo isku meel wax uma wadaan, waxeyna mari doonaan  wadadii madaxdii ka horeysay ay mareen dhawaan.Ogow siyaasada midna waa mustaqbal umadeed midna waa mid ku dhisan qabiil iyo

 

 

2- Sow ma aragtid sida 2010 ilaa maanta madaxkasta oo timaado bulshada Hiiraan State ugu dul aqoonsaneyso dergaano aan Hiiraan bulsho ahaan iyo taariikh ahaanba dhul ku dhameyn,markii ay xafiiska baneeyaane sida ay kuwii kuwaan ka horeeyey ugu calaacalaan markii aanu joognay maxaan shacabka Soomaaliyeed ugu cadaalad fali weynay oo aanu ugu yaraan rabitaanka reer Hiiraan iskaka indha tirnay amaba u fulin weynay iwm.

 

3- Dhaqan aad u fool xun oo dalka ka socda kaasi oo ah tuugsi joogtaa oo dunida la tuugsanayo iyadoo ay dadka Soomaaliyeed leeyahiin dhul iyo qeyraad ku filan oo kaliya u baahan in loo helo madax bulshada u maareyso. 

 

4- Xarunta Villa Soomaaliya oo ay wada joogaan Khawaariij iyo madax Soomaali ah sideed adiga  kaligaa ula dagaaleysaa Kahwaariij weliba qabiil Xawaadle la yiraahdo,hadiise Khawaariij lala dagaalayo miyaa ( General Tawane Axmed Gureey oo ka bar bar dagaalamayey Halgamaa Cali Jeyte oo ahaa nin dowladnimo iyo nidaam doonayo miyaa xilka laga qaadiu lahaa?).Walow oo uu hada dadkiisa markii uu diiday in uu u duleeyo argagixisada iyo kuwa aan dooneyn nidaamka dowligaa sharaf ku joogo dhulkiisa maanta oo uu si ka fican sidii hore ugu adeegayo dadkiisa iyo deegankiisa taasi oo duul u ah shacab weynaha Hiiraan State meelkasta oo ay joogaan.

 

5- Sidee dal la geliyey dagaal Khawaariij halkii lala dagaali lahaa loogu mashquulayaa ciyaaro iyo wax aan jirin, sow arinku maahan dagaal Kahwaariij looma socdee waa fursad ay ku sii joogaan hala siiyo?.

 

6- Waxaad is weydiisaa yaa maanta ka mudan Reer  Hiiraan iney noqdaan State rasmi ah- Maxaa  arinkooda looga dhigataa amaba reer Hiiraan loogula dhaqmaa sidii Naag qudbo siro ah oo markii Madaxweyne Cali Jeyt tago Mogdishu qol mugdi ah lookula kulmaa?, MAxuu yahay dulmiga intaas la ek ee ay madaxda maanta joogta u bareersaan oo ay iskaka indha tirayaan rabitaanka reer Hiiraan?.

 

7- Hadii Khabiilada iyo maamulada dalka ka jira qaarkood iyaga iyo madaxda hogaamineysa argagixiso wada shaqeystaan maxaa reer Hiiraan oo nidaam iyo kala danbeyn doonayo loo lugooynayaa oo markasta loogu dulmiyaa siyaasada dalka oo iyagoo mudo labo sano ka badan ilaa maanta dagaalka KAhwaariijta ku jiraan halkii iyaga ay noqon lahaayeen kuwa tusaale u noqda dalka intiisa kale loogu hagar daameeyaa?.

 

8- War bal Soomaaliyey muqaalkaan daawada cadaalad darada wadankaan ka jirta 2010 markii ay reer Hiiraan dhisteen maamulkan |Kismayo maamul kama jirin oo wleiba xiligaas waxgarad ka socday Waamo amaba Jubooyinka ayaa reer Hiiraan ku lahaa maamulkan markii aan idinla dhisno inagane waxaan soo wadnaa Jubaland ee nala qaada, dadkii ugu abdnaa ee xafladaas ka soo qeybgalayna wazxey ahaayeen waxgarad ka soo jeeday Jubooyinka. 

 

9- Bay iyo Bakool ayaa kedib lagu duldhisay,Dhusamareen ayaa lagu dul dhisay reer Hiiraan, hada  Laascaanood ayaa lagu dul aqoonsaday weliba beesha Daarood markii ay arkeen in la aqoonsaday SSC iyaga iyo Digil iyo Mirifle waxey afkooda ka ilaaliyeen in ay magaca Hiiraan State xitaa afka ka shegaan, Mala dhihi karaa dulmikasta waqti ayuu leeyahay Hiiraan waxuu sabab u noqon doonaa in dib loogu laabto magacii Jamhuuriyadii Soomaaliya iyo 8dii gobol ee horey u jiray?.

 

10- Maxey tahay sababta Reer Hiiraan qofkasta oo wax noqonaya iyo deegaankasta oo dalka ka mid ah oo ay dadkiisu u dhistaan mamaul ay reer Hiiraan ugu farxaan oo ay ugu arkaan iney yahin dad Soomalaiyeeded oo wax dhistay o aan iyaga loogu farxeyn weliba iyadoo la ogyahay taariikhda iyo in Hiiraan ahaa goboladii ugu horeeyey ee lagu aas aasay Jamhuuriyadii |Soomaaliya?. 

 

11 Maanta waxaan  mareynaa heer Kahwaariijta kuwii aas aasay ay mediyaha ka xayeysiyaan iyagoo weliba xabsiyada loogu isgaarisiinta,halka kuwona ay dowlada ku jiraan,yaa waaye cida beenta loo sheegayo ee la leeyahay waxaa lala dagaalayaa Khawaariij, mise waxaanu waa mashruuc ka dhaxeeya dhawr qabiil amab beelod iyo KAhwariijta dunidana la doonayo in dhaqaalo looga helo?. 

 

Waxaan talo siineynaa R/wasaare Xamsa iyo madaxwyene Xasan u yera madaxweynaha Hiiraan State halgamaa Cali Jeyte nin ka mudan ka jirtee si rasmi ah ugu dhawaqa in Hiraan yahay State u gaar ah reer Hiiraan, dunidan inta nidaamka iyo kala danbeynta rabto ayaa rabitaankooda loo hogaansamaa, weliba madaxweyne Xasan reer Hiiraan Ugaas Xasan ayaad term-kaadii  hore isku soo dhacdeen hadii qabiilkaada degaanadooda u gacan geliyeen Kahwaariij amaba ay adiga ku lugooynayaan waxaasi waxaasi waa arin u gaar ah adiga iyo qabiilkaada, waxaanu ka hadleyno waa dal la yiraahdo Soomaaliya oo uu ninba meel ku beeray Allaah ayna ku wada nool yahiin Soomaali nidaam doon ah oo donayo iney ku noolaadaan rabitaankooda.

 

Madaxda maanta joogto waxaan leenahay cadaalad daro intaad sameysaan yeysan adinga le idiin galaafan waa wax horey u dhacay hada kedibna hadey sii socoto dhici doona. Ugu danbeyn  mid waxaan leenahay inta reer Hiiraan State deriska la ah war reer Hiiraan haku fogaanina xumaantooda mustaqbalka waa meesha aad ku baxsan doontaan markii ay State gaar ah noqdaan, waana meesha aad wax badan oo wanaag ah ugab dayan doontaan fowdadaan wey dhamaand meel cidlo ah ayaadna soo istagai doontaan dadka kaliya ee idiin hadli doonana waxey noqon doonaan reer Hiiraan idinku wax waad iskula hari weyseen, inagu lama hadleyno dadka dagaaladan  iyo xiligii colaadaha ku soo bar baaray ee aan taariikhda dalka iyo mida Hiiraan garaneyn ee meelo soke wax ka eegan amaba hada qaar iyaga ka mid ah loo adegsado siyasado guracan oo aysan iyagu mahadin donin mustaqbalka, waxaan la hadleynaa dadka xilkaska ah ee reer Hiiraan deriska la ah ee aqliga u saaxiibkaa. War helaa talo hela

Hiranstate Admin at 8:16 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka